Sign in to follow this  
Emperor

Asmara group opportunists about to melt...

Recommended Posts

Kooxda Casmara waxa aay u muuqdaan dad kala maan ah haddana isla jira. Eriteriyana dan uma hayso ayagana meesha waqtigii ayaa uga dhumay. Ta kale hadda oo Eritrea ixusl duuban tahay in aay Jabuuti qabsato garan mahayo waxa u yaala kooxdaasi in aay meeshaas ku sii sugnaadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^They are political novices, their whole agenda was absed on guns and murder.

 

Xiin, the Asamara group seem to be confused and talks are between groups. If they have left who does the government talk to? TFG has no issues with Djibouti or the UN.

Share this post


Link to post
Share on other sites
CapeTown   

Xasan Daahir Aweys ,Indhacade , Xuseen Ceydiid iyo Fiyoore oo qaadacay shirka nabada ee Jabuuti ka socda

Muqdisho

Madaxda Isbeysiga kuwoodii ugu tunka weynaa ayaan wali wax hadal ah ka bixin arimaha laga yagleelaayo wadanka Jabuuti si bal xal loogu helo arimaha murugsan ee xiligaan ka jira Soomaaliya.

 

Shirkaan oo sida muuqata aan wali la fahansaneen habka loo wado ayaa mar qur ah waxaa qeyla dhaan ka soo heertay madaxda Isbaheysiga kuwooda ugu Diidmada madaan mar walboo xal loo raadin tago arimaha murugsan ee Soomaaliya.

 

 

 

 

Shirka oo hadda u muuqda mid fashil ku bilaawday jawi aan fiicneena ay ka muujiyeen Xubnaha ay ka mid yihiin Xasan Daahir Aweys , Yusuf Siyaad Indhacada iyo Xuseen Ceydiid taasoo niyad jab aad xun ku riday shacabka Soomaaliyeed ee ku jira Inteen ka baxnaa meel alle kuwaas oo har iyo Habeen ku jira Barac baaxdle>

 

 

 

 

 

Raga wax diiday ayaa waxaa kamid ah ragii ku soo hogaamiyey cadowga Soomaliyeed ee Itoobiya Caasimada dalka Soomalaiyeed iyadoona shaqsigaasi oo lagu magacaabo Xuseen Ceydiid uu ahaa shaqsigii ugu hadalka xumaa xiligii soo galitaanka Ciidamada Itoobiya iyadoona xiligaa Maxaakiimta islaamiga Soomalaiyeed ay ka talinayeen In ka badan Lix Gobol oo ka tirsan Soomaaliya ayna ku soo celiyeen Nabad iyo Kala dambeen aan waligee lagu riyooneynin

 

Hadalka Ka soo yeeray Masuuliyiintaasi ayaa dhabar jab ku ah Midnimadii Isbahysiga Dib u xureynta , Tuhuna ku abuuray Intabadan taageerayaasha Ururka iyadoona markii hore qaati weyn laga tagnaa qilaafka ka dhexya Isbaheysiga iyo Xarakada Alshabaab

Share this post


Link to post
Share on other sites
CapeTown   

A Politian must be able to sit down with his worst enemy and negotiat atleast try - for the sack of the suffering civilians .

 

 

In the case of Palestine Mahamoud abbas sat down with Isreal - who has been occupian them for 58 years .

 

i dont get it , the agenda was how to remove the Ethopians - Power sharing - bringing back normality .

 

The only thing that will satisified them is Villa Somalia and Controlling Muqadishu

 

No vision for rest of somalia or the future ....

 

HOw can they remove the Ethopian when some somalis are divided - some see them as pertecters .

 

These guys are clowns men wast of time .....

 

The only option left is too crush so called pocket resistance left .- step in their head - Them and their supporters .

 

Any one stepping in the way of somali interest should be crushed - No appeasement

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo u muuqda in uu ku kala jabay Wada Hadallada Jabuuti

 

Ergooyinkii Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Jabuuti ku kala tegaya iyagoo aan si toos ah isu hor-fariisan

 

Khamiis, May 15, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu u muuqdaa in uu ku kala jabay wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaabeysay ee lagu dhexdhexaadinayo Ergooyin ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

 

Iyadoo ay Jabuuti ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, isla markaana wada hadallo la lahaa Qaramada Midoobay ayaa hadana waxaa maalmahan la maqlayay mas’uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga oo sheegaya in xubnaha shirkaas ka qeybgelaya ay yihiin kuwo meesha ku tegay go’aan aan la isku raacin.

 

Xoghayaha Xuquuqda Aadanaha iyo Daba-galka Dembiyada Marwo Fowsiyo Maxamed Shiikh ayaa Laanta Afka Soomaaliya ee BBC-da waxay u sheegtay in xubnaha wada hadallada u tegay Jabuuti ay jebiyeen Axdiga u degsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, waxayna sheegtay in sharci darro ku fadhiisteen shirkaas.

 

“Halkan waxaa noogu yimid Guddoomiyaha Isbaheysiga Shiikh Shariif markii uu ka soo laabtay socdaalkii uu ku tegay Nairobi ee uu Beesha Caalamka ku soo arkay, wuxuuna guddiga fulinta u gudbiyay warbixin ku saabsaneyd waxyaabihii uu la soo kulmay iyo weliba in 10-ka May 2007 laga doonayo Isbaheysiga in uu shir u tago Dalka Jabuuti, markaas inta badan xubnaha Guddiga Fulinta waxay isku raaceen in arrinta shirka la hakiyo ilaa 21-ka bishan, iyadoo arrinta ay meeshaas mareyso ayay xubnahan Jabuuti tageen”ayay tiri Fowsiyo Maxamed Shiikh oo ku cel celisay in aaney xubnahaas go’aan loo dhan yahay ku tegin Wada hadallada Jabuuti.

 

“Annaga Wada hadal ma diidanin, laakin waxaan rabnaa in ay wax kasta noqdaan wax sharci ku fadhiya oo la isku ogyahay, Axdi la jebiyo waxaan uga soo tagnay C/llaahi Yuusuf iyo Dowladdiisa”ayay mar kale tiri Fowsiyo Maxamed Shiikh oo ka gaabsatay in ay sheegto in uu kala jabay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

 

Sidoo kalena waxaa wada hadallada Jabuuti kuwo aan wax ka soo baxeynin ku tilmaamay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in wada hadalladaas ay yihiin kuwo waqti dhumis ah oo aaney ka soo baxeynin wax la taaban karo oo dan u ah Umadda Soomaaliyeed.

 

“Wax ay Labo iyo Seddex qofood ku heshiiyeen kadib wada hadallo waqti kooban socday xal uma noqon karaan mushkiladda Soomaaliya, waana waqti dhumis”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ugu baaqay xubnaha wada hadallada u tegay Jabuuti in ay dib ugu soo noqdaan xarunta Isbaheysiga, si looga wada hadlo arrimaha jira.

 

Shiikh Xasan Daahir wuxuu ka hadlay sida ay ku guuleysan karaan wada hadallo loo qabto Soomaalida, wuxuuna sheegay in ay taasi imaan karto marka ay Itoobiya ka baxdo Soomaalida, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed fursad u helaan in ay ku raaxeystaan xornimo iyo cadaalad.

 

“Xalka Soomaaliya waa sahlan yahay, waxaa baxeysa Itoobiya, kadib marka aan xornimo helnana waxaan qabsaneynaa shir dib u heshiisiineed”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

 

Horay waxaa wada hadallada Jibouti uga soo horjeestay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay la fariistaan Dowladda Federaalka Soomaaliya inta ay Ciidamada Itoobiya joogaan Soomaaliya.

 

Waxaa isna sidoo kale laalay wada hadalladaas Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo sheegay in wada hadalladaas ay yihiin kuwo lagu dhabar-jebinayo sida uu u yiri halganka hubeysan ee ka socda gudaha Soomaaliya, isagoo weliba xubnaha Isbaheysiga uga qeybgelaya Wada hadallada Jibouti-na ugu baaqay in ay halkaas isaga tagaan.

 

Hadallada ay jeediyeen mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta ee ka dhan ah Wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaabeysay ee Jabuuti ka socda ayaa waxay muujinayaan in xubnaha Isbaheysiga ay ku kala jabeen wada hadalladaas, inkastoo aanu weli jirin mas’uul sheegay in uu kala jab jiro.

 

Ugu dambeyntiina, Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti waxaa haatan ku wada sugan Ergooyinkii ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan yeelan wada hadallo fool-ka-fool ah marka laga reebo in ay u kala dab-qaadeen diblumaasiyiin ka socda Qaramada Midoobay. Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay wufuudda labada dhinac ka kala tagaan Magaalada Djibouti iyagoo aan yeelan wada hadallo toos ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Eritreya oo ku amartay isbaheysiga dib u xoreynta in ay si deg deg ah uuga baxaan Shirka

 

Wednesday, 14 May 2008

Dowlada Eritreya ayaa wax ay ku amartay isbaheysiga dib u xoreynta Somalia in ay si deg deg ah uuga baxaan shirka kuna soo laabtaan Wadanka Magaalada Casmara sida ana ka soo xiganay wafdiga Isbahysiga ee ku sugan magaalada Djabuuti

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa sheegaya in wafdigii isbaheysiga dib u xoreynta Somalia uga qeyb galayey wadahadaladii labo maalmood ka hor ka furmay magaaladasi ay ka baxaan shirka kuna soo laabtaan magaalada Asmara

 

Wafdiga uu Hogaaminayay Cabdi raxmaan Dheere ayaa waxa ay hada ku jiraan shir deg deg ah waxa ya is ku khilaafsan yihiin in ay dib uugu laabtaan Magaalada Asmara inakastoo qaar ka mid ah ay ku adkeesanayaan in aan shirka laga bixin

 

Lama oga illaa hadda in wafdiga isbaheysiga ay shirka uga baxeen arimo la xiriira wadatashi ay la soo yeelanayaan mas’uuliyiinta sare ee isbaheysiga ee ku sugan magaalada Asmara inkastoo warar aanu ka helnay magagaalada Asmara uu ku amray madaxwaynaha Eritreya

 

Q.M ayaa ka walaacsan amarka ka soo baxay Go,aanka ay qaateen kooxda Asmara waxaa laga yaaba in galabta ay dib uugu soo laabtaan Asmara

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this