Sign in to follow this  
Emperor

Asmara group opportunists about to melt...

Recommended Posts

Emperor   

Asmara: Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya oo is haya.

14. maj 2008

 

 

Asmara(AllPuntland)- Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa hada ku shirsan Magaalada Asmara ,waxa ayna leeyihiin kulamo hoose oo ay uga hadlayaan xaaladaha soo wajahay Isbaheysigooda.

 

Kooxdan ayaa xalay oo dhan lahayd Kulamo badan oo ay uga hadlayaan Sababaha keenay in Isbaheysigoodu la fariisto dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Kala jabnaanta ku timid Ayaga laftigooda.

 

Masuuliyiin ka tirsan Kooxdaasi oo lasoo xiriiray AllPuntland ayaa usheegay in ay socdaan Kulamo xilalka looga qaadayo qaar ka mid ah Madaxda Ururadaasi oo lugu eedaynayo in ay ku tunteen Sharciyada udagsan Kooxdaasi.

 

Saraakiisha qaar ayaa sheegaya in xilka laga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aaden ,Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Rag kale oo hada jooga Magaalada Jabuuti ,waxaana ula jeedka lugu sheegay markii ay soo baxeen Shaki weyn oo dhahaya in ay Kooxahaasi la kulmayaan dawladda Soomaaliya.

 

Kala Jabnaan baahsan oo ay xataa Saxaafadu ogaatay ayaa soo baxday markii Magaalada Jabuuti ay tageen Kooxo ka socda Isbaheysiga Fadhigiisu yahay Magaalada Asmara ,markaasna ay hadal kala dabatageen Xubnaha Isbaheysigaasi ee jooga magaalada Asmara.

 

Kala Jabnaanta soo food saartey Isbaheysiga Asmara ayaa ku soo beegmaya xili ay dawladda Soomaaliya Wali ku dhegan tahay mowqifkeeda ku adanaa wada hadalo ay la yeelato cid walboo ka soo horjeeda.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaga baxay isbahaysiga Asmara.

 

Shariif xasan Sheekh Aadan oo guddoomiyaha golaha guud ka ahaa is bahaysiga Tuulada Asmara ayaa ku dhawaaqay in uu isbahaysigaa isaga baxay.

 

 

 

Shariif xasan Sheekh Aadan oo guddoomiyaha golaha guud ka ahaa is bahaysiga Tuulada Asmara ayaa ku dhawaaqay in uu isbahaysigaa isaga baxay.

 

Shariif Xasan waxaa uu sheegay in raga ku jira isbahaysiga uu hada ka baxay ay yihiin dad u muuqda in aanay doonayn Soomaaliya nabad in ay hesho oo taa badalkeedanaay ku qanacsan yihiin dhibaatada dalku ku jiro in lagusii raago iyagoo ku badalanaya dano gaar ahaaneed.

 

“Waan ka baxay isbahaysiga Asmara,waxaana diyaar u ahay in aan ka qeyb galo kulamada looga hadlayo sidii Soomaaliya xalwaara oo kama dambeyn ah loogu heli lahaa”ayuu yiri Shariif xasan Sheekh Aadan oo ka mid ahaa masuuliyiintii laga ceyriyay baarlamaanka dalka Soomaaliya.

 

Hadalka shariif Xasan ayaa kusoo beegmaya iyadoo wakiilada isbahaysiga Asmara ee Jabuuti jooga ay kasoo dabceen mowqif ahaan halkii markii hore ay taagnaayeen maadaama ay beesha caalamku cadadis ku saareyso in ay nabada qaataan.

 

Sidoo kale waxaa uu hadalka masuulkani kusoo beegmaya iydoo dhwaanahanba uu sii xoogeysanayay khilaafka u dhexeeya madaxda isbahaysiga qaran diidka ah ee tuulada Asmara.

 

 

Xafiiska war qabadka shabakada carmooyin.com ee Baydahbo.

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@GMAIL.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Yusuf Indha Cade:Shirka Jabuuti Dan Uma Ahan Umada Soomaaliyeed

 

Xoghayaha gaashaandhiga Isbahaysiga La Magacbaxay Dib u xoraynta Dalka Soomaalia Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo fikirkiisa ka dhiibtay Shirka Dowlada Soomaalia iyo Mucaaradka uga Furmay Magaalada Jabuuti ayaa Sheegay In Kulankaas uuna dan u ahayn Umada Soomaaliyeed,

 

Hadalkaan ka soo yeeray Yusuf Indhacade ayaa ku soo aadaya Xili Magaalada Jabuuti ay Shalay ka Dhacaday Xafladii lagu Furayay Kulanka Lagu Dhex Dhexaadinayo Dowlada Iyo Mucaaradka,

 

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya Xili Magaalada Jabuuti uu ka socdo dadaal lagu doonayo in lagu dhex dhexaado Dowlada iyo Mucaaradka oo ay Magaaladaas ku suganyihiin ergooyin Ka kala Socda Caalamka,

 

Horay ayaa waxaa wada hadal Dowlada iyo Mucaaradku ay galaan gaashaanka u daruuray Sheesh Shariif oo sheegay Inaysan Jirin Dowlad ay aqoonsanyihiin Wada Hadalna Lagalayaan,Halka qaarkoodna ay ku xirayaan In Marka hore Dalka laga saaro Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga ee ka socda Dalka Ethiopia,

 

 

AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

One Asmara group member rebuffs Yusuf Indhacadde's statement...

 

Mas’uul u hadlay Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia oo beeniyey hadalkii shalay ka soo yeeray Yuusuf Indhacadde ee ahaa…

 

Guddoomiye ku-xigeenka golaha dhexe ee isbaheysiga dib u xoreynta Somalia, isla markaana ah mas’uulka hogaaminaya ergada isbaheysigaas uga qeyb galaysa shirka ka socda magaalada Jabuuti C/raxmaan C/Cashuur ayaa beeniyey hadal maalintii shalay uu qaar ka mid ah warbaahinta Somalida siiyey xoghayaha difaaca ee isbaheysigaas Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ahaa in shirka ka socda magaalada Jabuuti aan lagala tashan, isla markaana aan lagu wargelinin mas’uuliyiinta isbaheysiga ee jooga gudaha dalka Somalia.

 

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Yuusuf indhacade iyo mas’uuliyinta kale ee isbaheysiga kaga sugan dalka Somalia si talaabo talaabo ah loola socodsiinayey hadba xaalada ay marayaan wada xaajoodyadii u dhexeeyey mas’uuliyiinta qaramada midoobay ee iyo kuwa Isbaheysiga ee ku aadan Geedi socodka nabada Somalia,
wuxuuna xusay in hadalka Indhacade uu yahay mid aan laga fiirsan oo aan loo baahneyn xiligan xasaasiga ah.

 

“Dabcan qofka waa dhici kartaa inuusan ku qancin qaabka ay mas’uuliyiinta isaga ka sareysa wax u wadaan, hase ahaatee waxaa loo baahan yahay inuu ku qanco sida inta badan wax u wadaan, Sheekh Yuusuf Indhacadena waa xoghayihii difaaca ee isbaheysiga waa nin qiimo badan oo isbaheysiga howlo badan u haya hase ahaatee maaha haddii uu tabanayo inuu warbaahinta soo mariyo waa inuu la soo xiriira mas’uuliyiinta sare ee isbaheysiga” ayuu sidoo kale yiri C/raxmaan C/shakuur.

 

Xoghaya gaashaandhiga ee isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed ee lagu aasaasaay magaalada Asmara ee dalka Erirteya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) ayaa ku tilmaamay shirka magaalada Jabuuti uga furmay wakiilo ka kala socda dowladda federaalka Soomaaliya iyo isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed mid la doonayo in lagu kala jebiyo isla markaana lagu wiiqo dagaalka uu isbaheysiga dib u xoreynta kala soo horjeedo ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya oo uu sheegay in mudooyinkan si weyn guulo looga soo hoyey.

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Cabdishakuur Cilimi Xasan

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Xafiiska war qabadka Dayniile

Goternburg, Sweden

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

These guys don't understand the politics: wa lagu ciyaaraya! Ever worser, their bringing their beef into the public!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^You realize now, most of the members in this group were naturally born 1diots! :D

 

Good you now know what to make of them, the so not sophisticated clowns...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

War deg deg ah : Kooxaha ka soo horjeeda DFKMG ee Soomaaliya oo ka dhoofay Jabuuti.

14. maj 2008

 

 

Jabuuti(AllPuntland)- Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Fadhigooduna yahay Magaalada Asmara ayaa ka baxay Wada hadalo Nabadeed ka socday Magaalada Jabuuti.

 

Sida ay sheegayaan Warar Madax banaan Ergadii Kooxda Asmara usoo dirtay Magaalada Jabuuti ayaa ka baxay Magaalada Jabuuti ,waxaana qaaday Diyaarad laga leeyahay dalka Ay degan yihiin.

 

Masuuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaalida ee Jabuuti magacoodana diiday in la sheego ayaa ay ka soo xigatey AllPuntland in ay arimahan oo dhan ka dambeeyaan markii galabta loo balansanaa wada hadalo ay yeeshaan dhinacyada Soomaaliya.

 

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midowbay uqaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo la kulmayey Ergada dawladda Soomaaliya ayaa markii uu ka warhelay tagida kooxdan waxa ay ku noqotey mid filan waa ah.

 

Tagitaanka Kooxdan ayaa ku soo beegmaya markii ay maanta Saxaafada ka sheegeen in ay usoo dhamaatey howshii ay ku yimaadeen Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ,waxa ayna arimahan sidoo kale ku soo beegmayaan xili ay Xukuumada Asmara Cadaadis saartey Xubnahaasi.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

It seems Afewerki's magic remote control have worked perfect, he threatened them few days back and his threat have proved to be effective, to the shock of the UN Asmara lackeys departed Djibouti so suddenly and unexpectedly... they have no agenda but to be dhabadhilif for Isaias, they don't know what they want, oh yeah they are not sure of what move they should take next, they one day Say yes to talks the next day No, they arrive in Dj for talks and run back hurriedly witout pre-announcement all while the whole world is watching...

 

The TFG point is strenthened that Afewerki's hechmen have no weight and will not be serious about any progress in Somalia, now it's finished, they have blown their chance, expect more support for the TFG more, ground support, political and financial assistance from International community...

 

We all knew that Asmara group will not bring anything to the table and they couldn't have delivered if any agreement was achieved, but it was time the UN and the rest of the world had see that, exactly what's happened...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

War deg deg ah: Wafdigii isbaheysiga dib u xoreynta oo ka baxay wadahadalkii Jabuuti, si deg deg ahna dib ugu laabtay magaalada Asmara

 

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa sheegaya in wafdigii isbaheysiga dib u xoreynta Somalia uga qeyb galayey wadahadaladii labo maalmood ka hor ka furmay magaaladasi ay guud ahaan goor dhoweyd ka baxeen shirkii halkaasi ka socday, waxayna si deg deg ah dayuurad uga raaceen magaalada Jabuuti, iyagoo ku sii jeeda dhinaca magaalada Asmara ee dalka Eritreya oo ay ku sugan yihiin fariisin u ah mas’uuliyiinta sare ee isbaheysiga dib u xoreynta Somalia ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Somalia iyo siyaasadda ay dalka ku maamuleyso Dowladda federaalka.

 

 

Lama oga illaa hadda in wafdiga isbaheysiga ay shirka uga baxeen arimo la xiriira wadatashi ay la soo yeelanayaan mas’uuliyiinta sare ee isbaheysiga ee ku sugan magaalada Asmara iyo iney gebi ahaanba qaadaceen shirkaasi oo ay isaga baxeen, mana jiraan illaa hadda wax war ah ah oo ka soo baxay wafdigaasi iyo Q/Midoobay oo oo waday wadahadalkaasi, iyadoo wixii warar ah ee arintaasi ka soo kordhana aanu idinkugu soo gudbin doono wararkeena dambe haddii uu Eebbe idmo.

 

.Warkaan waxan ka so xiganay Raadiyoo Soomaliweyn

 

 

Xafiiska war qabadka Dayniile

Goternburg, Sweden

dayniilenews@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
CapeTown   

Gololey) :- Xoghayaha difaaca ee Isbahaysiga dib u xoraynta Somalia, Yuusuf Siyaad Indha-Cade, ayaa sheegay in shirka Djibouti ka socda aanu ahayn mid dan u ah Shacabka Somalia asago ula jeday Shacabka Somaliyed Besha u ka so jeda oo ***** u ka wayay wafdiga ka qeyb galayo Shirka, Indhacade wa marki lamaad u ku noqonayo Maxkamadaha masibo lo so derey, sida lawada ogsonyahay hadalka ka so yeray Indhacade wa hadal ay u wada dhanyihiin siyasiyinta Ceeyr iyo beesho dhan ayago ku fataxaystay in ay dhamadan ama ay ka guleystan somalida dhamanted haddi ay aahanlayeen Dowlada, maxkamadaha, shabab, muqawamo iwm shacabka Somaliya waxay sugayaan Indhacade in uu ka xureyo cadowga Somalia. Asagana kenay, Asagana ka xureynayo :D:D:D:D

 

 

This is based on Website not my OPENION

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ then i would suggest providing links or putting the BS between quotes .... not good to put trash up without qualifiers oh and wlc to SOL :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aferwarki and his attack IndaCade sent a message to the clowns who followed.

 

However the TFG comes out good from this incident. They sent a united delegation, and held no preconditions.

 

The Asmara group are divided and no more than puppets for Eritrean interest as their name clearly highlights.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Asmara group never mattered.

 

Al Shabaab is what matters.

 

Adan Cayrow, Mukhtaar Roobow, Fu'aad Shangole, Xassan Turki...these are the men who matter.

 

The Asmara group was only there to legitimize the TFG.

 

Call it "talks" when if Al Shabaab sits down with Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

^^ What about the Maxkamadaha,the group that Sheikh Ibrahim Suley speaks for, ..I would think they have more influence and men then the youth group?.........the influence and importance of Alshabaab is rather spiced up! although even Sheikh Ibrahim Suley an ally of the asmara group as come out against the talks........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

^^^

Adan Ayrow is dead -- Allaha u naxariisto.

Mukhtaar Rooboow waan ka cabsadaa the guy's head needs to be checked. Xasan Turki maskiin waaye..Fuaad shangole aqoon badan uma lihi.

Al-Shabaab nafteeda amuu Mareekanku ka danbeeyaaba?

 

Why did the opposition go to Djabouti if they didn't all agree upon the meeting? Maxaa meesha ka dhacay qof si degan ha noogu sharxo fadlan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this