Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Buuhoodle Leaders say Buraale Is a Mentally Sick Person

Recommended Posts

Odayayaasha Buuhoodle oo ku tilmaamay ninkii sheegtay qaraxii Laascaanood nin xanuunsanaya

 

 

Shir saxaafadeed ay soo saareen odyaasha iyo waxgaradka magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in ninka sheegtay inuu ka danbeeyey qaraxii Laascaanood,isla markaana sheegay inuu sameeyey urur uu ku tilmaamay "JNM" uu runtii yahay nin madaxa lagaga jiro oo mudo xanuunsanayey,isla markaana aanu jirin urur ka jira Buuhoodle oo Somaliland la dagaalamaya.

 

Garaad Saleebaan Buraale oo ka mid odayaasha gobolka Buuhoodle ayaa sheegay in ninkaasi aanu masuul ka ahayn qaraxaas,aanuna ahayn nin qaraxyo iyo hawlo meleteri midna fulin kara,isla markaana uu yahay nin wakhtigu hayo oo camal la'aan awgeed iyo busaarad ay u geysey,inuu sidaa u hadlo,waxaana Garaadku eeda dusha ka saaray dad uu ku tilmaamay cadow raba inay dhibaato iyo qas ka abuuraan Buuhoodle inay waraysteen ninkaas.

 

Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in qaraxaas ka dhacay Laascaanood aan reer Buuhoodle shaqo ku lahayn,dadkana waxa uu uug baaqay inay ilaashadaan nabdgelyadooda,oo aanay dusha iska saarin danbiyo aanay gelin oo keeni kara dhibaato hor leh.

 

Sidoo kale Caaqil Axdar oo isna ka mid ah odayaasha Buuhoodle ayaa sheegay in arimaha ka dhacay Buuhoodle ay ka shaqeeyeen dad raba inay dhibaato iyo qalalase ka abuuraan magaalada oo dano khaas ah,kuwaasoo aan u naxayn dadka rer Buuhoodle oo haytey nabdgelyo buuxda.

 

Uug danbayntii odayaasha ayaa ku buuriyey shacabka reer Buuhoodle inay nadadooda ilaashadaan,oo ay ka hor tagaan dino aan hadhow la qaboojin karin.

 

Hadalada odayaasha ayaa ku soo beegmay kadib markii ciidanka Somaliland ee degmada Buuhoodle oo uu horkacayey Col. Axmed Maxamed Aadan Guul ( Dalbac) ayna weheliyaan saraakiisha ay ka mid yahiin Col Ismaaciil Xaashi Huruuse, Col Maxamed Sheekh Cabdi Dabcasar (Tuur) & Capt Cali Ducaale ay isku dayeen inay xabsiga dhigaan ninkaas sheegtay inuu ka danbeeyey qaraxii Laascaanood,taasoo aan u suurtogelin ciidanka,oo loola baxsaday meelo ka mid ah magaalada gudaheeda,iyadoo markii danbe ciidanka loo shegay in ninkaasi aanu ka danbayn falkaas,oo uu yahay nin xanuunsanaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garaad Saleebaan Buraale oo ka mid odayaasha gobolka Buuhoodle ayaa sheegay in ninkaasi aanu masuul ka ahayn qaraxaas,aanuna ahayn nin qaraxyo iyo hawlo meleteri midna fulin kara,isla markaana uu yahay nin wakhtigu hayo oo camal la'aan awgeed iyo busaarad ay u geysey,inuu sidaa u hadlo,

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^The man needs help. He needs to see a doctor and get medications. Ninka waa in la baadi goobo inta aanu meelahaa ku lumin oo xabashi dilin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

^^^^

Waryaa iska daaf ninka he has a right to dream. smile.gif

 

Greater Jabertiania is just a day away.

 

Hey jacaylo congratulations on your signature:) you wrote more than one line and did not finish with..... smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this