Sign in to follow this  
Golden Girl

Ma Rabtaaa.......????

Recommended Posts

Suaal : Ma Rabtaa in Ilaahay kaaga diyaariyo Guri Jannadiisa?

 

Jawaab: waxuu yidhi rasuulki scw xadiis macnahiisu yahay qofkii ku jarmaada ama aada masaajidka ilaahay waxa uu u diyaariyaa guri jannadisa siduu masaajidka ugu jarmaaday ama u aaday (mutafiqun calayhi su'aashu waxay tahay marka ma ku dhaqantay xadiiskaas????

 

sidoo kale Rasuulki scw waxa uu yidhi xadiis macnahiisu maalinkasta oo adoomada ilaahay u dhalata waxaa Ilaahay samada ka soo dejiyaa 2 malak midkood waxa u yidhaadaa Ilaahayow sii qofka sadaqada la baxa mid danbaysa / u barakee maalkiisa ahalkiisa aakhirana jazadiisa ka dhig janadaada Malak kalena waxa uu yidhaada Ilaahayow baabi midka qabsada oo aan sadaqada iyo zakada midna bixin (Muslim)

 

Suaal 2- Ma rabtaa in Ilaahay kaga dhiso guri Jannadiisa ?

 

Jawaab. waxuu yidhi rasuulki scw xadiis macnahiisu yahay adoonkasta oo muslim ah oo u tukada Ilaahay datiis 12 rakcadood oo Tadawac ah maalintii ilaahay waxa uu uga dhisaa guri janadiisa ( Mutafaqun calayhi )

 

suaal 3. Ma maqashay Dardaarankan?

 

Jawaab. waxuu yidhi rasuulki scw xadiis macnahiisu yahay waxaa abu hurayra rc laga wariyey xadiiskan macnahiisu yahay waxa uu igula dardaarmay Khaliiliy/Ilaahay in aan soomo bishii 3 maalmood sidoo kale in aan tukado Watarka intaanan seexan ka hor( mutafaqun calayhi )

 

suaal 4- Ma rabtaa in aanu camalkaaga wanaagsani goin markaad dhimato ka dib???

 

Jawaab - ku dadaal dhisida Masaajida , qodida Ceelasha, Tarbiyada awlaad saalixiin ah, Faafinta diinta sida daabicida kutubta oo markaas aad qaybiso cajaladaha oo aad kala duubto oo qaybiso adiga oo maal ahaan ku saacida in aad saacidid faafinta diinta : waxuu yidhi rasuulki scw xadiis macnahiisu yahay Insaanku hadii uu dhinto camalkiisa oo dhan waa go'aaa ilaa sadax mooye Sadaqa jaariyah/ masjid, ceel, guri masaakiin degaan, beer masaakiinta ka cunaan iwm , Cilmi laga faa'idaysto sida kutubta la qoro dad aad wax barto wama ilaa daalik iyo Ilmo saalixiin ah oo u so duceeya waalidkood ( Muslim)

 

suaal5- Ma rabtaa in aad noqoto mid ducadiisa la aqbalo ??

 

Jawaab. waxuu yidhi rasuulki scw xadiis macnahiisu yahay Qofkii walaalkiis u ducaya ducaa'a al qaa'ib/ duco walaalka ka maqan waxaa isagana u jawaaba Malak oo yidhaada adigana sidoo kale (Muslim )

 

suaal: Ma taqaan hadalka Ilaahay ugu jecel yahay ??

 

Jawaab. waxuu yidhi rasuulki scw xadiis macnahiisu yahay Hadalka Ilaahay ugu jacal yahay waa Subxaana allahi wa bixamdihi (Muslim)

 

suaal:- Ma rabtaa in Ilaahay Dunuubtaada oo oo dhan dhaafo xataa haday badan tahay ?????

 

Jawaab. waxuu yidhi rasuulki scw xadiis macnahiisu yahay qofkii yidhaada Subxaana allahi wa bixamdihi maalintii 100 Ilaahay waa tirtiraa dunuubtiisa xataa hadii ay tahay sida zubdat al baxar/ heenta bada (Mutafaqun calayhi)

 

suaal- Ma rabtaa in ay kugu soo dego Daganaasho oo ay ku daboosho Raxmah??

 

Jawaab. waxuu yidhi Rasuulki scw xadiis macnahiisu yahay ma fadhiistaan qowm/dad meel iyaga oo ilaahay xusaya oo diinta Ilaahay baranaya ilaa haday dhacdo Ilaahay Malaa'ik ayuu u soo diraa kuwaas oo xifdiya Raxmadna waa dabooshaa waxaana ku soo degta xasiloonasho Ilaahayna waxa uu ku xusaa/sheegaa kuwa agtiisa ah ( Muslim)

 

suaal- Ma rabtaa in aad noqoto mid Ilaahay Xifdiyey ???

 

Jawaab. waxuu yidhi rasuulki scw xadiis macnahiisu yahay Qofkii tukada Salaada Subax waxa uu ku jiraa Dimada/ xifdinta Ilaahay ( Muslim)

 

suaal- Ma rabtaa in Ilaahay ku sahlo dariiqa ku gaynaya Jannada ?

 

Jawaab. waxuu yidhi rasuulki scw xadiis macnahiisu yahay Qofkii mara dariiq isaga oo raadinaaya cilmiga Ilaahay Ilaahay waxa uu u sahlaa dariiqa jannada ( Muslim)

 

 

Waxaan nafteey iyo adinkaba idiin dardaarmaa in aa khyrka ku dadaalno, wixii aa saxay waa minal Alaah, wixii aa khaldayna waa min nafsii wa shaydaan ilaaheey ayaana dambidhaaf weysdiisanaa,, jzk khyraa Wabilaah At-TawfiiQQ

 

Ukhtukum Fil-LAAH!

Share this post


Link to post
Share on other sites

الله يجمعنا معكي ÙÙŠ الجنه..... Ùˆ جزاكي الله خيرا

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this