Sign in to follow this  
ANWAR

Gaadiidka Waa In Lasoo Diiwaan Galiyaa

Recommended Posts

ANWAR   

Wareegto kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa waxaa lagu sheegay in lagu soo diiwaan galiyo dhamaan gaadiidka ka shaqeeya gobolka Banaadir mudo 30 cisho gudohood.

 

Wareegtadan oo wareega hore quseysa gaadiidka xamuulka, basaska, tagaasida iyo dhamaac gawaarida u kala goosha gobolada dalka kana baxada gobolka Banaadir ayaa la sheegay in gaarigii u hogaansami waaya amarkan lala tiigsan doono sharciga.

 

Gudoomiyaha gobolka ayaa ku sheegay wareegtada in talaabadan ey muhiim tahay in et kusoo rogaan gawaarida oo uu ku sheegay in eysan laheyn wax lagu aqoonsado taasna ey khalkhal ku noqon karto amaanka iyo sharciyada taraafiga.

 

Waa markii ugu horeysay mudo ku dhow 17-sano oo lagusoo rogo sharciga tarafikada gaadiidka caasimadda Somaliya iyo guud ahaan dalka Somaliya, waana talaabo wax ku ool ah oo ey ku tilaabsato dowladda dhexe ee Somaliya.

 

 

Calanka.com:

 

the FUTURE

http://www.biyokulule.com/Mogadishu%20view2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...this must be a hard job. I wonder sida gaadiidka la kala dhacay loo diiwaangelin, tolow is qabqabsi badan waa jiri haddiiba arrintani ay dhacdo.

 

Maxamed Dheere ayaad mooddaa inuu saa'id u dheeraynayo, maxaa mar walba keligiis ka hadlinaya aaway ku-xigeennadiisii qoladan ama maamulkan amxaaradu ku adeegato, maamulayaashii degmooyinka, wax shirar ah ee ay yeesheen ma maqalno. The guy just like attention wuxuuna jecelyahay inuu nidaam diktatooriyad ah ku shaqeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Abwaanoow hal iga qor, mar dhow M Dheere & Maxamed Dheere madaxa is la galay waad arki doontaa. Berina Maxamed Dheere wuxuu orani Yeey press confress aan ogayn magaalada kuma uu suubin karo, wafdi aan aniga ogayn ama aanan isoo marina ma uu qaabili karo. Bal adiguba si dheh. Jowhar waa asagii uga soo cararay, haddana ma xamar ayuu ka cararaa! we'll find out! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Heck, waligiis matante xataa ma gishan.

Just out of curiousity, how did you come to know that sxb.? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this