Sign in to follow this  
Cowke

Hotel Shambow Suicide Bomber Parents Speak Out

Recommended Posts

Cowke   

Waalidkii dhalay wiil lagu tuhunsan yahay a inuu qaraxii Hotel Shaamow fuliyay oo sheegay inuusan Wiilkiisa wax lug ah ku lahayn Eedeyntaasi

 

Mogadishu Thursday 10 December 2009 SMC

Wiilkii lagu tuhunsanaa inuu ka dambeeyay Qaraxii ka dhacay Hotelka Shaamow ayaa Aabihii dhalay wiilkaasi oo ku sugan dalka Denmark uu sheegay inuusan wiilkiisu ahayn kii qaraxaas fuliyay.

 

"Wuxuu ahaa wiilkayga miskiin aan wax shuqul ah ku lahayn siyaasadaha ka jira Soomaaliya, wuxuuna sannadkii hore bishii June aaday Soomaaliya si uu u barto diinta Islaamka" ayuu yiri Xasan Xaaji oo sheegay in sawirka qofka la soo bandhigay uu ahaa wiilkiisa oo uu garanaayo.

 

Xasan Xaaji Aabbaha dhalay wiilkaas ayaa sheegay in wiilkiisu uu deggenaa degmada Marko ee Gobolka Sh/ hoose, uuna la hadlay dhowr maalmood ka hor isagoo u sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn kooxaha isku haya Soomaaliya.

 

 

Sidoo kale Aabaha dhalay wiilkaasi ayaa sheegay in wiilkiisu uu ka tagay hal xaas oo lahayd uur, isagoo wiilkiisa ku sheegay mid lagu casuumay xafladda oo uu wehlinayay wiil ay saaxiibo ahaayeen oo ka mid ahaa kuwii qalinjabinayay kaasoo ku dhintay qaraxa.

 

Dhanka kale Dowladda Denmark warbixin ay ka soo saartay shalay wiilkaasi waxay ku sheegtay in ruuxa fuliyay qaraxa uu dalkeeda ku koray uuna da' ahaan ahaa 24-jir isagoo 5-jir ah la keenay dalkeeda ayna qoyskiisu daggan yihiin Magaalada Copenhagen ee Denmark.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa Cajiib...kulligood hadalkaan leey ku hadlaan. Wiilkeygu maskiin buu ahaa iyo waa la duufsaday...Toloow xaggee ku maqnaayeen markii la duufsanayey? Oo ninkaan jirkiisii googo'ay intuu belaayo isku soo xiray dad masaakiin ahna galaafsaday bay hadda rabaan inay na dhahaan dembi malahan ee waa carruur oo waxba yaan loo saarin? Waa Adduun iyo aadane indho-adaygiis. Dhaqan-xumada Soomaalida ayey ka mid tahay inay dafiraan waxyaabaha u baahan wax-ka-qabadka iyo farogelinta inta aan talo fara ka bixin oo xitaa carruurtoodii oo hallaysan ay dhahaan "waa fiican yahay cunuggeygu qur'aanka meel fiican buu ka marayaa, iskuulka isagaa xisaabta ugu badiya iyo Jaamacad buu dhigtaa waana shaqeeyaa" iyagoo aad arkeysid inay xashiishka gadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Abwaan, to be quite honest in my investigation on this issue of hotel shambow. It is very suspicious that the person who strapped the bomb on himself remains pretty well intact. Infact all he was missing was his stomach.

 

Yet the ironic thing is, the people who were sitting in the building and good distance away from the bomb are decapitated bits and pieces.

 

If you assess a suicide bomber picture, they are usually unrecognizeable, yet this guy was very recognizeable.

 

So I am suspicious to be quite honest and have not commented on this issue at all since it was revealed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Aabe Xasan Xaaji: " Wiilkeygu Isagu Isma Qarxin Balse Waxuu Ka Mid Yahay Dadka Ku Geeriyoodey Qaraxaasi...."

Dec 10,2009

by London-Gedo-News

 

Xasan Xaaji oo ah Aabaha Wiil lagu tuhunsan yahay inuu ka dambayey qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada muqdisho kaasi oo ay ku geeriyoodeen dadweyne badani ayaa sheegey inuusan wiilkisu ka dambeyn qaraxaasi balse uu ka mid ahaa dadka halkaasi ku nafwaayey.

 

Xasan Xaaji oo saaka wareysi siinayey Idaacada Voa-da qaybteeda af-soomaalia ayaa sheegey inuusan wiilkisu ahayn qofka qaraxaasi fuliyey balse uu ahaa mid ka mid ah dhibanayaashi ku geeriyodey qaraxaasi.

 

Waxaa uu ku doodey Xasan Xaaji inuu wiilkisi dalka Danmark ka yimi bishi lixaad ee sanadii 2008 halkaasi oo uu ku guursanayey Gabar ay doonayeen inay isguursadaan hadana ay isqabeen,waxaana uu sheegey inuusan wiilkisu ahayn nin ku deg degi jirey ku biiritaanka iyo gacan siinta kooxaha mucaaradka ah.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegey inuu wiilkisa & xaaska uu ka geeriyoodey ay ku wada noolayeen Magaalada Marka,waxaana uu ka hor maalintii qaraxa inuu adeeg Magaalada muqdisho uga dooney xaaskiisa oo xilligaasi soo dhawaa xilligii ay umuli lahayd.

 

Xasan Xaaji Waxaa uu sheegey Markii wiilkiisu tagey magaalada Muqdisho inuu martiqaad ka heley wiil ay saaxiibo ahayeen kaasi oo ka mid ahaa Ardaydii qalin jabineysey,waxaana uu sheegey inay sidaasi ku geeriyoodeen labadoodii & dadweyne kale oo fara badani.

 

Aabaha wiilkaasi ayaa yiri

 

"Qof is qarxiyay waa la yaqaan jirkiisa inta badan lamaba arko,sidaa daraadeed waxaana idiin sheegayaa in wiilkeysgu wax shaqo ah ku lahayn waxa Dowladu ku eedeyneyso".

 

Waxaa uu intaas raaciyey:

 

"Wiilkeyga markii uu ka soo tagay Denmarka waxaa uu ku noolaa waqtiyadaan danbe Magaalada Marka oo xaas u joogtay taasoo iyada lafteeda markii aan wacay ii sheegtay inuu Muqdisho aaday".

 

Sidoo kale waxaa uu yiri

 

"Wiilkeyga wuxuu ka aaminsanaa dagaalada soomaaliya kuwi fidno ah wuxuuna markii iigu danbeysay ii sheegay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar degi doonob madaama Soomaaliya amaankeedu sii xumaanayo".

 

Xasan Xaaji waxa uu sheegey inuusan wiilkiisa shaki uga qabin inuu gacansaar la lahaa kooxaha islaamiyiinta ah ee ka dagaalama gudaha dalka soomaaliya,waxaana uu sheegey inuu Wiilkisu ahaa nin wax iska barta islamarkaasna xilli kasta uga warami jirey dhibaatada somaliya ka jirta.

 

Keynaan Xirsi Xaashi

 

South Hall,London

 

Gedonet.com@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Horta inti dhimatey Allah u naxaristo. Odeygana wa waliid asna samir iyo iman Allah ka siiyo. Lakiin listen to the interview he is trying his best to cover something.

According to him his son went from Marka to Xamar to do shopping for his pregnant wife who was soon due. In there he was invited by a friend who was graduating. In the same interview the father states that his son never knew anyone in Xamar.

Furthermore the father informs us that his son went to Marka to learn Quran and that he did not condone that move. Fair enough, but sometime couple of months back he rang his father, according to the father, to tell him that Xamar is no longer safe and that he wants to move to Cairo.

I thought he was living in Marka - why is he moving from Xamar to Cairo. In the same interview the father states that he never knew when his son left Denmark and that he was led by his wife who from Marka.

Something does not add up in here.

Once again Xaaji Xassan wa waliid wax dhaley Allah samir siiyo - lakiin ha ogaado waxaa mesha ku dhintey carrur wilkaas la fac ah iyo waliidkood dhaley, kuligood Allah uu naxaristo.

I think it would have been better if he kept quite and avoided the whole scenario.

 

The Interview

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Cowke:

Abwaan, to be quite honest in my investigation on this issue of hotel shambow. It is very suspicious that the person who strapped the bomb on himself remains pretty well intact. Infact all he was missing was his stomach.

 

Yet the ironic thing is, the people who were sitting in the building and good distance away from the bomb are decapitated bits and pieces.

 

If you assess a suicide bomber picture, they are usually unrecognizeable, yet this guy was very recognizeable.

 

So I am suspicious to be quite honest and have not commented on this issue at all since it was revealed.

Cowke please check the pm I sent you cause I did not want to post these images over here si aan dadka qaar keyboard-ka ugu dul suuxin...and to show you in dad hore isku qarxiyey jirkooda la aqoonsaday oo wax ka hareen...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Maaddeey:

^sxb, dadka kale eed leedahay waa is qarxiyeen, lana aqoonsaday, iyaga ma la hubiyey??

 

Su'aal uun.

Saaxiib masawirrada aan link ahaan ugu diray Cowke waa masawirro dad sida Falastiin, Ciraaq iyo Srilanka isku qarxiyey oo wejigoodii wali la arki karo. Tusaale ahaan gabar madaxeedu xijaaban yahay oo aan xitaa xijaabkii ka dhicin oo sidiisii ugu xiran yahay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this