Sign in to follow this  
Gabbal

Waxbarasahada Kismaayo Oo Maraysa Heerkii Ugu Hagaagsanaa Tan Iyo Xornimadii Dalka

Recommended Posts

Gabbal   

Warbixin:Waxbarasahada Kismaayo Oo Maraysa Heerkii Ugu Hagaagsanaa Tan Iyo Xornimadii Dalka

Nov 13,2007

by Kismaayo-GED-NN

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose waa caasimada seddexaad ee Jamhuurayada Soomaaliya waxaana ka horeeya oo kaliya Magaalooyinka Muqadisho iyo Hargaysa, Kismaayo waxaa Saamayn ku yeeshay dagaalada Sokeeye oo burburiyay Kaabayaashii dhaqaalaha iyo kuwa waxbarashada oo cariiri galay markii ay burburtay dawladii dhexe.

 

sanadihii ugu dambeeyay dadaalo ay sameeyeen aqoonyahanka gobolka iyo macalimiin howl kar ah oo guntiga dhiisha isaga dhigay xaalada qalafsan ee waxbarida ubadka Soomaaliyeed ayaa haatan laga dareemi karaa magaalada Kismaayo oo dadka tacliinta ku mashquulasani ay ku soo kordhayaan.

 

ilaa 12kun oo arday ah ayaa u dareera dugiysada waxbarashada ee Hoose,Dhexe iyo sare, waxaana ay iskuuladu isugu jiraan kuwo ay taakuleeyeen heyado khayri ah iyo ururo ay leeyihiin jaaliyadaha dibada ee dadka degan Kismaayo walow aysan tiradaan badnayn.

 

Dugsiyada ugu caansan waxaa ka mid ah dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare ee Axmed Bin xambal, Faanoole, Jubba, Maxamed Jamac, Rugta iyo kuwa kale, dugisyada dhexe ayaa aad uga badan kuwa sare oo billawday muddo haatan laga joogo afar sanadood oo kaliya ayna sanadkii 2006 soo baxeen ardadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Dugsisa Sare, marka laga hadlaayo arinta Dugsiga sare Kismaayo waxaa ay ka hoosaysay qaar ka mid ah gobolada la ayniga ah laakiin waxaad moodaa in wax badan ay isbadalayaan iminka oo xawli ay ku socdaan howlaha furitaanka Dugsiyada sare.

 

Jaamacada Kismaayo ayaa noqotay tii ugu horaysay ee laga hirgaliyo magaalada Xeebta ku taala tan iyo 1960kii oo ku beegan markii uu dalka qaatay madaxbaanidiisa, Jaamacada waxaa iminka ka furan Kulliyadaha Dhaqaalagha iyo maamulka iyo Daraasaadka iyo Shareecada islaamka, Jaamacadaan oo la furay sanadkii hore ayaa iminka waxaa ku jira afar dufcadoood oo kala dhigta labada kulliyadood waxaana socda mashruuc lagu dhisayo Deegaanka u gaar ah oo ay Jaamacadu leedahay.

 

Ma’ ahan in jaamacadaan oo kaliya ay ku taalo Kismaayo ee Tan Loo yaqaano Jubba ayaa iyana wada tacliinta sare in kasta oo la dareemayo in wali aysan israacin,hammada loo qabo Jaamicadaha ayaa la sheegayaa in Kismaayo ay u baahantahay jaamacado dheeraad ah hadii ay bixinayaan kulliyado ka duwan kuwo ilaa haatan la soo bandhigay.

 

dhinaca Barashada Diinta islaamka iyo xifdinta qur,aanka Kariimka, Magaalada Kismaayo waxaa ku soo badanayaa Madarisooyinka iyo Macaahida u gaarka ah ee lagu abaabiyo ubadka Soomaaliyeed si u helaan mustaqbal wanaagsan oo aduun iyo aakhiro, tirada ardada aada dugsiyada qur,aanka kariimka ah waxaa lagu qiyaasaa 8kun oo xilliyo kala duwan aada Dugiyasa.

 

xeeldheerayaasha ayaa sheegaya in xilligaan uu yahay kii ugu wanaagsanaa dhinaca tacliinta ee Magaalada Kismaayo taas oo loo anaanaynayo in barisamaadkii ay dhalinayaradu ku mashquulsanayeen ka xoogsiga mashraaciidii hormarinta ee Gobolka J/hoose ka socday iyo Ciyaaraha gaar ahaan Kubbada cagta oo ay Kismaayo caan ku tahay.

 

Tirada dadka xiiseeya ee noloshooda u gooyay kubada cagta laakiin waxaa wali jira caruur fara badan oo aroor kasta u kalaha Xeebaha Magaalada oo xilliyada Cunnada mooyee inta kale Ciyaar ku dhamaysta, qaar ka mid ah ururada Maxaliga ah ayaa wada dadaalo ay caruurtaan ay ugu samaynayaan waxbarasaho lacag la,aan ah si loo taakuleeyo hadii ay waalidiintood awoodi waayeen in ay ka baxshaan lacagta waxbarashada.

 

Kariimoos-GEDO-NN

Source=beerdhiga

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Che, in an ideal world Somalis should be looking back at the 80's and 70's as if they were centuries ago, at least in so far as advancement and development is concerned. I am sorry this is not the case.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

The place-holder is back to the news. So is his cyberspeaker and his never-ending-obession with Kismaayo. War heedhe didn't you quit this section for the fifth time?

 

Dugsiyada ugu caansan waxaa ka mid ah dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare ee Axmed Bin xambal, Faanoole, Jubba,
Maxamed Jamac,
Rugta iyo kuwa kale, dugisyada dhexe ayaa aad uga badan kuwa sare oo billawday muddo haatan laga joogo afar sanadood oo kaliya ayna sanadkii 2006 soo baxeen ardadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Dugsisa Sare,

It's good to hear Max'ed Jaamac is still functional. Then again, the last time I knew it was house to the barbaric nomadic militia holding the city hostage. Little do they know the school is much older than JVA millitia. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

From Calanleey to Maakhire goormaa la gaaray? :D:D

 

Waxaase iswaydiin mudan warmahaad la soo booday adeer halkaad kala timi mise wali sidii bay xaada kugu kacdaa markaad magaca Horn aragtid iyo afaara ku saabsan Kismaayo. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this