Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Culimada Laascaanood Oo Ku dhawaaqay Inaanuu Jihaad ahayn dagaal la galaa

Recommended Posts

Culimada gobolka Sool,khaas ahaan culimada magaalada Laascaanood oo la soo xidhiidhay webka Afnugaal.com ayaa kadib kulan ay ka yeesheen xaalada gobolka,iyo go,aamada isimada SSC,waxay soo saareen qodobadan:

 

 

In dagaalka ay iclaamiyen isimadu aanu ahayn mid waafaqsan shareecada islaamka,aanuna ahayn jihaad.

In qofkii ku dhinta dagaalkaas ee ka soo dagaalama labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland aan midkoodna ahayn mujaahid muslim,maadaaba dadka is dilayaa ay yihiin muslimiin.

In aan culimadu ka qayb qaadan shirkii Boocame,aana lagu casuumin.

In arinta ka taagan gobolada SSC ee soo taxnayd mudada lagu dhameeyo wadahadal iyo nabad.

In Beelaha soomaaliyeed ee deriska aan laga dhex abuurin colaad aan hadhow la demin karin.

In culimaa'udiinka ku nool Somaliland,Puntland,iyo gobolada SSC ay ka qayb qaataan daminta colaadaas.

In beel walba ay ku ekaato deegaamadooda,oo aan beela beel kale ku xad gudbin.

Waxaanu ugu baaqaynaa in dadka u dhashay deegaanka ee u kala adeega labada maamul ay u tudhaan dadkooda oo ciidamada ka kor qaadaan.

Waxaa qoraalkan na soo gaadhsiiyey wakiil ka socdey culimada,markaa wixii faahfaahin ee dheeraad ah kala xidhiidh culimada.

 

Afnugaal NewsDesk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Sheekha is this (No Jihad) also applies SNM and in the South MUJAAHIDIIN or it's only fighting for retaking Las-Anod?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this