Sign in to follow this  
Xoogsade

Ciidankii Ugu Badnaa Oo Itoobiyaan Ah Oo Maanta Soo Gaadhay Deegaanka Buuhoodle

Recommended Posts

Xoogsade   

Ciidankii Ugu Badnaa Oo Itoobiyaan Ah Oo Maanta Soo Gaadhay Deegaanka Buuhoodle Iyo Meelo Kale

 

 

Beerdhiga 21.05.2008 22:57

 

Waxaa Maanta Magaalada Buuhoodle soo gaadhay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubaysan Hubka noocyadiisa kala duwan, Ciidankan oo lagu qiyaasay in ka badan ilaa 300 OO askari oo aad u hubaysan, ayaa fadhiisin ka samaystay dhinaca Koonfureed ee Duleedka magaalada Buuhoodle halkaas oo uu maro Xuduud beenaadkii Gumaysigu u sameeyey Dhulka Soomaali Galbeed ee ay ka taliso Xukuuumadda Itoobiya.

 

Ciidankan oo ilaa maanta magaalada u dhex marayey si Raabo raabo ah, aadna u indha indhaynaya Xaalada Magaaladda Buuhoodle iyo Deeganada ku xeeran ayaan la garanayan Ujeedada dhabta ah ee ka danbeysa Imaanshahoodan , wallow aanay ahayn markii ugu horeysey ee ay yimaadaan Magaalada Buuhoodle, hadana Ciidankan oo ahaa ciidankii ugu badnaa ee ay ku yimaadeen Ciiddamada Itoobiya deegaankan tan intii ay Maxakamada Islaamiga Gacan ku hayntooda ay ka baxday inta badan koonfurta Somaliya.

 

Ciidankani waxay manta badeecado kala duwan ka iibsadeen Ganacsato ka tirsan magaalada Buuhoodle iyagoo la soo sheegay inay dadka ku khasbayeen in la qaato lacagta birta itoobiya. Imaanshahan Ciidanka Itoobiyaanka ah ayaa dadka Reer Buuhooodle ku abuuray Cabsi iyo Welwel ka dhashay ciidankan xooga leh ee dhex maraya magaalada kuwaaso weli aanay cadayn sababaha dhabta ah ee ay u socdeen iyo talaabooyinka ay qaadi doonaan ciidamadaasi.

 

Ciidamadan la soo dhoobay xadka ayaa dadka qaar waxay u arkaan inay wax ka og yihiin maamulada Somaliland iyo Puntland,kuwaas oo mas’uuliyiinta maamuladiisa ka cabsiqaba in kursiga ay ku fadhiyaan oo wakhtigoodii dhamaaday loogu yimaado,kadibna ay yimaadaan rabshado,sidaas awgeedna ciidamada Itoobiya ay ka sooo gaadhaan

 

Waxaa jira shaki weyn oo umada Soomaaliyeed ka qabaan in ujeedada Itoobiya ay tahay sidii ay guud ahaanba wadanka Soomaalida gacanta ugu dhigi lahayd,waxaana dad badan oo Soomaali ah si sahlan loo siinayaa baasaboorada itoobiyaanka oo berigii hore lagu dhibi jirey hadase si sahlan qofkii soo doontaba loo siinayo,oo waxaa badanaa dadku sitaa baasaboorka Itoobiya,meesha lacagta birta ee Itoobiya si caadi ah wax looga iibsado suuqyada magaalooyinka Soomaalida,oo wakhti dhow ay bedeli doonto shilin soomaaliga.

 

Dhinaca kale Magaalada Baligubadle oo ka tirsan magaalooyinka ku teedsan Xaduud beenaadka ayaa manta ay soo gaadheen Ciidamo itoobiyaan ah oo aad u fara badan kuwaasoo la sheegay inay baadhitaano ku sameeyeen qaybo ka mida magaalada, iyagoo markiiba Gooyey isgadhsiinta magaalada si aan looga war helin talaabooyinka ay qaadayaan Deegaamadaas.

 

Ilaa iyo hadda majiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland oo kusaabsan ciidanka Itoobiyaanka ah ee isku gedaamay in badan oo ka mida ah deegaanada uu sheegto Maamulka S/land ee kulaalaya xuduud beenaadka ay ka taliso xukuumada Itoobiya

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aawey labadii yaryaruurac isku heystay degmadaan? Shanqartooda ma maqli. Halooooooooow. Ooh, the libaax baa soo galay, kaabalaadarkii minanka.

 

I am sure quuqdooda iyo qaaqdooda pages ayee buuxin lahayd had either entity's sycophant officials entered that degmo.

 

Sharafxumaa, Eebboow heybada ha naga qaadin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogsade i dont understand whats the force being applied when these soldiers are paying for their good in birr cuz thats what they get paid in and pls tell me one shop-keeper let alone one on a border town would not accept foreign currency. Besides i myself used to live in border town in which two countries share the city just like buuhodle and just paid my deutche marks on the holland side so where's the problem but hey anything seems news for the asmara cheer leaders damn man imagine if they had a tv channel it probably be on 6 clock news a soldier paid in birr for a t-shirt would the headlines SCREAM ~~~~~~~~~~~~~~~~ :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
LANDER   

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

the city is actually on both sides of the border.

^Bravo, for once you wrote something worth reading

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Abu_Geeljire:

They( Ethiopian Troops) did an operation inside Sool, I think, returning some kind of stolen car.

Hahahahahahahahahahhahaha............classic colonial policing operation.

 

Reminicent of the war that was started by the English when they attacked Somalis because some soldier sold a rifle.

 

No matter how deep you stick your head in the sand, Somali oo dhan ayaa loo dan leeyahay. Am-xaarleey doesn't like one Somali more then the other.

 

This is just the start. Soon we will all be speaking amharic (that shouldn't be too bad, since we are fond of foreign languages).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this