Sign in to follow this  
Hunguri

President Abdillahi Yuusuf Jamhuuriya on line(S-land issue)

Recommended Posts

Hunguri   

Cabdillaahi Yuusuf oo ku Dhawaaqay in aan Somaliland ka Go’i Karin Soomaaliya

 

 

London (BBC)- Madaxweynaha dawladda Mbeghati, Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo hadda safar caafimaad ku jooga magaalada London ee carriga Ingiriiska, ayaa waraysi ay shalay yeelatay Idaacadda BBC-da waxa uu meel adag iska taagay in ay Somaliland ka go’i karto Soomaaliya inteeda kale, isla markaana arrin aan dhici Karin ku tilmaamay hadallada odhanaya Somaliland way ka go’aysaa Soomaaliya.

 

 

“Anigaygan [Cabdillaahi Yuusuf] kula hadlaya waxaan aaminsanahay in ay Soomaaliya tahay dal qudha, Puntland iyo Somaliland-na way isa saran yihiin, aniguna waxaan ka imi Puntland oo aan ka soo jeedaa. Puntland-na ma go’i karto, Somaliland-na ma go’i karto. Waannu maqalnaa dad leh waannu go’aynaa, dee sharci baa jira lagu kala go’a ee sharciga ha soo maraan.”

 

 

Hasayeeshee, waxa uu Cabdillaahi Yuusuf ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo qorshahooda ku wajahan gacan-ku-qabashada dalweynihii Soomaaliya la isku odhan jiray [somaliland iyo koonfurta Soomaaliya], waxaannu daboolka ka qaaday in waqtigan ay ku hawlan yihiin koonfurta Soomaaliya, sidaa darteedna aanay Somaliland arrimaheeda faraha la gelayn.

 

 

Waraysiga oo uu Cabdillaahi Yuusuf la yeeshay Mr. Martin Plaut oo ah Tifaftiraha BBC-da ee Afrika, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya hadda ku jirto, gaar ahaan dib-u-heshiisiinta, qaabka loogu talogalay in loola dhaqmo xubnihii ku jiray Midowgii Maxaakiimta, ciidammada shisheeye ee dalkiisa la geynayo, weerarrada xilligan ka socda magaalada Muqdisho, muranka dhuleed ee u dhexeeyay Somaliland iyo Puntland iyo waxa uga meel yaal dawladdiisa madaxbannaanida Somaliland ku dhawaaqday.

 

 

Jawaabihii Cabdillaahi Yuusuf ka bixiyay oo dhammaystiran waxay u dhaceen sidan:

 

 

Dhinaca dib-u-heshiisiinta:

 

 

Runtii annaga ayaa la nimid oo keennay fikradda, in sidaasi yeelnana waxa na fara nidaamka iyo axdigeenna noo yaalla [in dib u heshsiinta la sii ambaqaado]. Sidaas ayaannu aragnaa danta Soomaaliyeed. Soomaali oo dhami in aan meel isugu keenno oo ay heshiiso oo aan gacanta isu saarno ayaan rabnaa.

 

 

Waxaan doonaynaa shirkaa dib u heshiisiinta qaran oo aan isugu keenayno qabaa'ilkii dagaallamayay 16-kii sano ee dagaalkii sokeeye socday in aannu Soomaaliya gudaheeda ku qabanno, sidaasaana doonaynaa meel shishena geyn mayno, cid na dhex-dhexaadinaysaana ma jirto, waayo, dawladda iyo shacabka weeye waxa meesha shirka isugu imaanaya, waxa la heshiisiinayaana waa qabaa'ilkii, cidda heshiisiinaysaana waa dawladda maanta dhisan.

 

 

Aragtida madaxweynaha ee xubnaha ka qaybgelaya dib-u-heshiisiinta

 

 

Ninkii madaxda ka ahaan jiray baarlamaanka, weli xubin buu ka yahay baarlamaanka, goortuu doonana baarlamaankuu dib ugu soo noqon karaa, shirkana waa ka qaybgeli karaa, ra'yigiisana waa ka dhiiban karaa.

 

 

Dhinaca xubnihii maxkamadaha ka tirsanaa:

 

 

Haddii ay ku imaanayaan qabaa'ilkooda magacooda, iyaga oo inta hubka iska tiiriyay oo iska dhaafay dagaalka iyo shiddada oo nabad qaatay ma diidayno, waxaase aanaan oggolayn dadka la ogyahay oo caanka ah oo argagaxisada dhabta ah oo Al-Qaacidda ka tirsan.

 

 

Dhinaca ciidamo Midowga Afrika ka socda oo Soomaaliya la keeno:

 

 

Ciidamada Afrika ee imaanaya waxay ku imanayaan go'aan uu Midowga Afrika gaadhay iyo Qaramada Midoobay oo ansixisay, ciidankaasina waa ciidan hawlgal nabad-kaabid ku imaanaya, dawladda ayay waxay ku taageerayaan sidii ay nabadda u xasilin lahayd. Ciidamada dawladda ayay dib u habayn iyo dib u dhis iyo tababar siinayaan. Dawladda degaankeeda iyo meelaha ay joogto ayay amniga wax ka qabanayaan, laakin ciidan dagaal loogu talo-galay oo in uu shacabka Soomaaliyeed la dagaallamo loogu talogalay ma aha.

 

 

Bixitaanka ciidamada Ethiopia:

 

 

Haddii ciidamada Afrika ee lagu talogalay in Soomaaliya ay yimaadaan oo lix bilood in ay nagu caawiyaan sidii aan ciidamadeenna u dhisi lahayn oo aan amniga u meel-marin lahayn ay noo yimaadaan, ciidamada Ethiopia intoodii badnaydna hore ayay u baxeen, wixii ka harayna waa baxayaan, waxaase laga yaabaa in aan u baahanno qaar aan badnayn oo tababarayaal ah oo ciidamada yada cusub oo aanu dib u dhisayno gacan nagu siiya sidii aanu u tababari lahayn oo aan u diyaarin lahayn.

 

 

Duqaynta magaalada Muqdisho:

 

 

Annagu runtii ahaantii ma rabno in aanu shacabkayagu layno. Shacabkayaga in aanu layno awal baanu diidnay, haatanna diyaar uma ahin, hasayeeshee shacabkii waxa ku dhex dhuumanaya dadkii aragagaxisada ahaa.

 

 

Dadka argagaxisada ah haddii aanay shacabku iska dhex saarin, meeshii dawladda xabbad lagaga soo rido dawladdu way is-difaacaysaa. Dawladdu wexeedu waa is-difaace, ee shacab laay ma aha ujeeddada, waana ka xunnahay in dad shicib ahi ay ku dhintaan noocaas. Masuuliyaddaas waxa qaadaya waxa weeye dadka iyags oo shacabkii dhex jooga oo og in meesha ay xabbad ka soo ridaan xabbad lagu soo ridayo doono, shicibka dhexdiisa inta xabbad ka soo tuuray oo dawladda ku soo tuuray.

 

 

Talo-bixinta madaxweynaha:

 

 

Waxaanu shacabka kula talinnay haddana aan ku celinaynaa, dadka noocaas ahi fidnada ay wadaan, dhibaato yay idinka soo gaadhin oo guryahiinna ayay ku dhuumanayaan oo joogaan oo masruuf ka qaataan oo idinka ayay idinku dhex nool yihiine, in aad iska saartaan. Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho deggan iyo meel kasta oo waxaasoo kale ay ka dhici karaan waxaan kula talinaynaa in ay sidaasi yeelaan.

 

 

Haddii ay sidaa yeelaan oo ay iska saaraanna, shacabyaga in aan u gargaarno oo aan dhibaatada ka saarno oo aan mustaqbalkiisa ka shaqayno mooyaane, shacabkayaga marna in aanu layno kumana talogelin, nagamana suuragasho.

 

 

Xilliga la filayo in ammaanku uu dib u soo noqdo:

 

 

Waxaan aaminsanahay goor aan fogeyn in Muqdisho ay ammaan noqon doonto. Cidda ammaan ka dhigeysaana, hadde waxa weeye waa dawladda haatan xilka haysa, mana aqbali karto magaalada caasimadda ah oo magaalo-madaxdii qaranka ah oo diblomaasiyiinta oo dhan soo degayaan oo dawladdii xarun u ah in shiddo laga wado aqbali mayso dawladda.

 

 

Waxaanu doonaynaa in aan marka hore dadka dib u heshiisiin iyo talo iyo wadahadalla aan ku qancinno, laakin wixii qanci waaya oo sidaa dagaalkii isaga dayn waaya dawladdu waxay ku khasbanaanaysaa in ay khasabto in ay ka qabato dadka iyo dalka dadka shiddada ku dhex wada.

 

 

Muranka dhuleed ee Puntland iyo Somaliland:

 

 

Aniga kula hadlaya waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay hal dal tahay oo mid ah. Puntland baan ka imid anigu. Puntland iyo Somaliland-na waa isa saaran yihiin oo waa deris waana isugu kay mid aniga, Puntland-na ma go'i karto, Somaliland-na ma go'i karto, aniga ra'yigayga weeye.

 

 

Ra'yiga dadka leh waa go'aynaa, hadde anigu waa maqlayaaye, waa ujeedaa, waxayse ila tahay sharci iyo nidaam baa lagu go'i karaaye iska go' ma ahan oo khasab ma aha. Dawladdan maanta dhisanna kumana talogelin mana rabto in ay dagaal wax ku xallisee, waxay doonaysaa in arrinta Koofur ka socota marka ay xasiliso oo ay dejiso in ay Woqooyiga Soomaaliya dadka ku nool oo wallaalahayaga ah ay wadahadal la furto, wax walbana waxaan jecelnahay in lagu dhammeeyo wadahadal iyo siyaasad, ee dagaal in wax lagu raadiyo iyo qori caaraddiis marnaba annagu dooni mayno.

 

 

Jamhuuriya Online

 

PS:-

 

Click the link here for further details web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

i can picture the whole thing that went down in my head! here how it went down!

 

tony blair, "yo yeey, do u want a new liver? if so u gotta lay off sland homies, i am serious!!"

 

yeey, " ar ceeyn kaas miyee, ok haaji, i am off that trip, u can have them",

 

Tony blair, "good boy, give him jack the Ripper's liver". u see how this crap goes! negros get the left overs!! :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   
:D , I hope Zeinab Laba Dhagax will rap with you. Well, this could be your best selling album. Dont let the cat out of the backet. The liver you are talking about is no longer a foriegn organ to Abdillahi Yuusuf's body :D . Its a part of him and he needs no more liver smile.gif . LoooL, I think some of the members that talk about this cheap story, should check theirs before it gets out of hand ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

u should 2!lool.. u know how homies do the Ruskie thang straigh up in Dubai!! looooooool.

 

but homie! we did it before, did elections the whole 9 yards, and we was peacefull country! u feel me, or was that eraased by the Ruskie water!!

 

how did u forget that history!! nothing is perfect since we are humans, but it worked and put us in the map! we was #1 in africa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

looooooool@ Ruskie thang Straigh up in Dubai!!!

 

Remember, Im at Dacar Buluq suburb/Hargaisa on behalf of Buubaa :D . Im not in Dubai !!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

do u know there is no place called dacar bulug in hargeeysa!! u been played again!! lool. besides u claim in your profile Dubai!! so what gives... r u duke doing double role!

 

i guess we should call u duke jr!! misee duke baad Ushaa u qaabta cuz hes blind!! loool. :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Originally posted by rudy:

i guess we should call u duke jr!! misee duke baad Ushaa u qaabta cuz hes blind!! loool. :eek:

Ruddy, Nothing wrong to help each other. Laakiin, as your picture reflects. Dude wallaahi you your self need some1 to hold the stick for you looooooooool. Dumn, look at your glasses. That reminds me of the Picture of a little Monkey called "Yackoo" on the books of the Somali ellementary schools lool. Ruddy, dont worry saaxiib JB will take care of you. Your avertor image reflects the truth ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

I heard, he had a love making with an Egyptian woman, and he lost his Engagement middle left finger ring in her *****. He went back to get his ring back from the woman. But, to his suprise he found one African Nigerian man standing in the Q, and saying. Oooh I lost my shoe in her ***** Loooool. What a big Stadium. She can even host 100,000 hungary men loooooool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Anigaygan [Cabdillaahi Yuusuf] kula hadlaya waxaan aaminsanahay in ay Soomaaliya tahay dal qudha, Puntland iyo Somaliland-na way isa saran yihiin, aniguna waxaan ka imi Puntland oo aan ka soo jeedaa. Puntland-na ma go’i karto, Somaliland-na ma go’i karto. Waannu maqalnaa dad leh waannu go’aynaa, dee sharci baa jira lagu kala go’a ee sharciga ha soo maraan.”

 

Rageedi waaye abdulahi Yusuf .......

 

 

I hope he ends the mess he started in xaamaar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this