Sign in to follow this  
Kamaavi

Booliiska Somaliland oo soo furtay laba dumar ah

Recommended Posts

Kamaavi   

Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiye

Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dheh

Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan faraye

Gammuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisa

Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e

Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone

Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye

Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede

 

maansadan mid loo dhigo hadaad hayso soo qub ,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wax ma maqashid adigu ,,, horaan kuugu sheegay oon kuu idhi:

 

 

duufaanku ima lulo

dulin hoose ima galo

dardaraale ima rido

digdig beena kuma ruqo

cirka danab ka soo dhacay

deli igama raarrido

kuma dumo tab iyo xeel

 

 

............ Wax fahan niyow :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

JB: Maanta oo dhan heestii Hadraawi ayaad hadba kusoo celcelinaysaa, ee wax kale meesha kuma haysid miyaa? Hooraana loo sheegoo, nimankaan Kablalax murti kuma gaari kartaane, marfashkaaga iskaga qayil saaxiib! :D

 

Wiyishoo marmaartoo markaas meela badan daaqdey

Oo labada gees muujisoo maqasha dhaarsiisay

Ninka yiri anaa madaxa qaban, malaha waa been'e

Mabda'eena sida leeb lagalay ha u maqiiqnaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

Adigu ma fahmi kartid waxa la sheegayee bal dhinac uga joogso .....
:D

Adiguna marfashyada iyo qayilaada ayaad ku fiicantihiinee, meel rag isku haleelay daqiiqado ma joogi kartaane, faanka iska daaya. Waa la yaqaanaa raggaan Kablalax meesha ey idiin ka soo hareene. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase

Gucunkeeda maansadu halkay gacan-togaalaysay

War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay

Goljeex iyo madaba way helaan inay ku goobaane

Ma gartaan gibbaankoo dhan iyo jaale goray-ciile

 

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin baydhsadayow dan guud

 

Waxaa jira baadi-doon,

 

Af booli wixii ku maqan

 

Col soo bedayaa ogsoon,

 

Badraanno hadday jiraan

 

Barqaa lagu waayayaa,

 

Hadday wada baar-qab tahay

 

Wixii dhacay geed Berda ah

 

Fircoonnada baaxad dumey

 

Beryii tegey baa hubsaday,

 

Dhufaanna bir waa yaqaan.

 

Hadday wada B.M tahay

 

Buruud kiciyaa dul yaal,

 

Waxay bohol jiidhayaan

 

Libaax bulbullaa ku jira

 

In baal sidataa dahsoon

 

In baabbacalaa digtoon

 

Dhashii Beder baa xidhxidhan

 

Biddena camalkiis u daa.

 

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane

Gocorkiyo ardaa-niijiyoow hooy gabaan idhiye

Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare

Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye

 

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dacwadayda Ciinow

 

Dire dire umaan tiring

 

Deel-qaaf ka xeel dheer

 

Uma jeeddo daw dhaaf

 

Daandaansi kama wado

 

Ka da'weyni ruuxaas

 

Derejiyo xil-qaadkeed

 

Nin u dudaya maan ihi

 

Damac wayga xaaraan

 

Dilla gabay ku faankiyo

 

Doqonniino hadalkiyo

 

I dayaay wax kum falo

 

Maba lihi dareenkaas

 

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Inta aan kitaabada sidno een, Sheekhyo Kiristaamin

Malaa’ig kumaandoosiyo, kooxo nala laaya

Oon kaarahoodiyo askari, kidib kasii deynin

Ilaahii na kaalmayn jirayow, maad kusoo kicisid

 

Kiiyow xaflad wanaagsan ,,,,, :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hada malaa mabaad fahmin waxaan ku idhi .....

 

 

Damac wayga xaaraan

 

Dilla gabay ku faankiyo

 

Doqonniino hadalkiyo

 

I dayaay wax kum falo

 

Maba lihi dareenkaas

 

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

labadina hadaad is leedihin isku gabya xaraf kaliya ka bilaaba xarafkaas na ku so gunanada.

wamaxay d baan ka gabyaya K ba la igu jawabaya.

 

Wati la odhan jiray

 

Miinka an kaga bilaabay miyaan marin ka habawshay

Mudanow aflow iyo sidi muxummad ma u yeedshay

 

ama

 

Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday

Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey

 

ama

Afartaa ha'da intaan ka deyey hilin ma qaadsiiyey

Caawana hiyiba waa hiyi ee hadal kalaan baanay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this