Sign in to follow this  
Kamaavi

Booliiska Somaliland oo soo furtay laba dumar ah

Recommended Posts

Waa halkii Hadraawiye:

 

 

Waa goorma goorteed

Gef dhacaan u haystoo

Godob baan tirsanayee

Sow waa gartoodee

Garas jilif leh baan ahay.

 

Guudkayga boqorrada

Garaareeya heesaha

Gallad qurux cod iyo luuq

Shimbiraha u gaarka ah

Gashan labada qaybood

Haddii ay galaydhkiyo

Galgalkiyo fadhiistaan

Geesigooda caan baxay

Gunta iyo salkaygana

Goodaaddo nacabiyo

Maska goodka halista ah

Inta bahal gurguurtiyo

Gungumaa ku shiri kara

 

Waxaan ahay ma guuraan

Gantadaydu adakaa

Gaashaan biraan ahay

 

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^ :D @ gashaan biraan ahay....

 

Waa kobtii Gojjaa dhacdiide ,,,,

 

Nimay libintu raacdaan ahoo wali ku laafyoone

Laba hadalka dhacayaad kagaran laablakiciskaaye

Lixdan iyo sagaal baan diluu low-lowgii yidhiye

Inuu leeb gilgilay waad kagaran lahansigeedaaye

Liyuu booliskuyo waxay hayeen cunay laftoodiiye

Waataan laadkiyo la dhacay qoriga liishaane

Naf la caarigii Ina Iley wakaa BBC luraye

Lahankiyo wakaas neefta badan neef lo'oo kale

Laxaw iyo kulaykiisa waa laqanyo beer jiife

Ku lugoow wayaanuhu xilkuu saaray luudkaniye

Labadhari ninkii karinayoow kaaga lulufayso

Ladnaan aadan aniga igu qabin ha u lulyoomoonin

Looshane faraskaygu wuu liisha dheer yahaye

 

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xataa Salaan Carrabeey baa ku dhaama adiga:

 

 

Siigada haddaan kaaga tegey salacyadii boodhka

Oon Summad wejiga kaa iftiyo Soofe kugu duugey

Saabaanna aan kugu xidhxidhay Sagabihii Koore

Surka Xadhigga Seetada lugaa kaa sanqadhi doonta

Ninkii aniga kaa igu sukhraday saac ha kuu bixiyo

Waataad Siddibiq ii gashee cidi ha kaa saarto.

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sacaadaas ayey salaan carabey ku meeraysataa....,, :D saxiib wax fahan oo garo waxa laga hadlayo...

 

Bal horta akhri ..... :D

 

Lixdan iyo sagaal baan diluu low-lowgii yidhiye

Inuu leeb gilgilay waad kagaran lahansigeedaaye

Liyuu booliskuyo waxay hayeen cunay laftoodiiye

Waataan laadkiyo la dhacay qoriga liishaane

Naf la caarigii Ina Iley wakaa BBC luraye

Lahankiyo wakaas neefta badan neef lo'oo kale

Laxaw iyo kulaykiisa waa laqanyo beer jiife

Ku lugoow wayaanuhu xilkuu saaray luudkaniye

Labadhari ninkii karinayoow kaaga lulufayso

Ladnaan aadan aniga igu qabin ha u lulyoomoonin

Looshane faraskaygu wuu liisha dheer yahaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaad kaga soo celcelin ,, soonigii ku idhi:

 

 

duufaanku ima lulo

dulin hoose ima galo

dardaraale ima rido

digdig beena kuma ruqo

 

cirka danab ka soo dhacay

deli igama raarrido

kuma dumo tab iyo xeel

dibin daabyo mooyee

 

digaxaadhku ima tebo

nin danaystay ima tebo

nin darjiidhay kama naxo

nin u go’ay daraadday

 

isba garey daraadday

in dalleemo lagu huro.

nin dushayda ku xajiyey

iska daansha daanshoo

 

sidu iigu diran yahay

ayuu iigu dagan yahay

nin Dagaar fog iga koray

anaa daaf u soo roga

 

marna waxaan dammiintaa

nin dil iigu xidhan geed.

Danni kuma tallaabsado

wax dahsoonna uma tago

 

demmanida shil kama dhigo

ma aqaanno digashada

haddaan lay dardaar werin.

Dib waxaan u dhigan karo

 

degdeggeeda kuma qalo

waxaan daadshey baa jira

intaan daastey baa jira

intaan daastey baa badan.

 

Daymadaydu waa gelin

duur-xulkaygu waa seben

dul-qaadkaygu waa guun

digniintaydu waa boqol

 

 

Wax fahan niyow ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Jacaylbaro:

Maxaad kaga soo celcelin ,,

Cause its related to the marmara mountain incident. Wax fahan! :D

 

 

Originally posted by Jacaylbaro:

soonigii ku idhi...

Wixii lagu yidhi ayaa ka badan.Gabaygaas oo fresh ahn ku darso. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Geesiyaashii raamaha lahaa riiqe cadowgiiye

Oo rug cadaaggii tigree waa la raamsadaye

Guutooyinkey soo rareen raacyar baa hadhaye

Hareeraha markii lagaga riday ruushaka qorigiisa

Ee rubadda laga toobtey bey ragax yidhaahdeene

 

Siddii shiinihii loo rafacay bari ka soo roorey

Ee ururki roondadda ahaa aarku ugu reemey

Ee riigaggii loo furfurey gaas raranaayey

Ninkii madaxa raban raabsanaa raabuq dhimirkiiye

 

Regimekii dulmiga lagu yab yabey wuu ruxanayaaye

Rocketkii dhanaan laga ridaa raarta loo dhigaye

Rukumaduu ku taagnaa hadeer qaar dhan baa ruqaye

Oo ruumki uu seexan jirey gaadhyey rarankiiye

 

Jabhadihii galbeed loo rarey sii ruqaansada’e

Qalbi dhagax rastadi dirir dhabaad gali raggiisiiye

Oo intuu rakibay hawsarkii saar ridada dheere

Riishkana waxaa lagu hayaa meeshii loo rabaye

Oo sheikh deeq rushada inuu yidhaa roobka kaga yeela

Oo rakaalka laga soo amrey raajicinayaane

 

Ra’iiskii wayaanaha xiligu dhab u rakaateeye

Rabshadahii sidey ugu fideen raaska gurigiisa

Ribaddii siddii looga jarey uu waayo badan ruugey

Ray raynti waa laga la’yahay ama riyaaqiiye

Rafiiqiisi duul baa ku direy wadana raadceeye

Oo raaliyadu qabey koley ku tahay ruux ma aamino’e

Oo waa kaas runduda meel sidii awr ragaadsamaye

 

Walowse rooma loo qaaday iyo weliba roodhiisha

Oo raajo lagu fiiriyey iyo weliba radaaro

Oo faleebayaal lagu rakibey raysad laga waaye

 

Wuxu yidhi rafaad baan qabaa raaxo li’i weyne

Risiq kala tagnoo waa horaan daayey rudhidiiye

Hurdana raadinteed waan dhigay ama rukuuceede

Nimankaa rastada dheer leh ee guraya raadkayga

Raxan raxanta nimankaa u mari riiracyada faafan

Nimankaa riyada igu dila ee ruuxda iga goya

Rabta ay ka soo kicitimaan amase reerkooda

Iyo ani waxay iga rabaan raadsha sababteeda

 

Xaajayada wixii lagu raftoo waayo lagu raago

Mar waxay ragaasto oo hadana kor isu raartaaba

taladdii waxaay ramatey oo laysku wada raacay

Roxaan in laga cuudiyo oo faalna loo roga’e

Alleelaha markii loo ridey ee rabadhka loo uunshey

Ri’i madow markii loo qaliyo diigag laba raafle

Inay JWXO raaska u degtey roytar lagu sheegye.

 

Ummaddu rakuubsaday ayaa rogotey caynkiiye

Markii ay cidhbaha ugu radsheen ruumad ololaaya

Rafashada wan gowracan siddiis ridiqyey duurkiiye

Xaqayagii ay raqaayeen ama bangiga lagu rasaynaayey

Ee ay uga rakaateen sidii raray diraac jooga

Raqabada hadaan laga bireyn kama ruqayaane

 

Maantana markuu raawisey ee tabari ay reebtey

Ragcad qudha inuu rogo markii lagaba rokeeyey

Sheekaddiisii raqiiska ahayd ee waayo laga raystey

Iyo riwaayad uu horey u dhigey soo rogaalceliye

 

Raqtir iyo kutaan iyo abees rudhaya jiidhkeena

Rixin go’ys illaahay nacay oon waxbaba reebin

Dabaqoodhi laga roone ah oo wada rufyaaniin ah

Iyo raranayaal goorkastaba raarka lagu qaato

Riyaal qudha wadaad doonaya amase geel raacyo

Rubbad duulal lagu soo qortey ama la soo raafey

Intaas oo dhamaan kala ra’yi ah oo isba roori

Oo Zenawi sida ey raba ah daba raqlaynaaya

u rujuucid moyee rag aan xumaba reebaynin

oo inay ridiyi amar marnaba laga rajeyneynin

oon ruulka jabineyn xitaa haddey rogayi dhalaankooda

oo uu sida rumuudkii u hagi amase radaalba

bulshadana iney kala raraan lagu rabiineeyey

oo rubuc ku dili hooyadood rooti iyo buuri

oo kal ugu rixini gaaladaa roorsan dumarkooda

oo koodhadh lagu soo dhex ridey iyo tayo wada reedh ah

rinjigi kalana lagu buufiyey soo tub rigadiiye

 

Ha yeeshee rijaaladan halgami ee xabashka raacdaysan

In la tuuro reeryada kuwaa oonta uga raagey

Iyo shacabkan wada raacsan ee **** ruclaynaaya

Ee calankan inay soo ridaan rayfalka u qaatey

Qofna inaanu soo rogi kareyn sow wax runa maaha

 

Raayaha ninkii laga baxshey ee jeelka lagu riixay

Ricidhada ninkii laga tumey iyo ruugagiyo iyo lowga

Ee racfaanka loo diiday ee rahanka loo haystey

Risaaladda ninkii loo qorey ee loo rigrigay beenta

Ee rikoodhka laga duubey iyo weliba raadyowga

Reexaantiyo ninkii uumiyaha rayska ugu faaney

Raali kama ahayn sheekadaas oo ma uu rabine

Rasaas iney wadnaha kaga qabteen sow wax runa maaha

 

Isagoon rankii haynin iyo raani iyo baashi

Oo jookerkii raaran yahay yeegna laga reebay

Raandhada ninkii diiday ee biiga wada riixday

Ee yidhi anaa rayn intuu tobanle soo raacay

Intaanu turubka soo ridanin ee guushu dhinac raacin

Rambas inuu ku jiro goor horaba sow wax runa maaha.

 

Dhulkayagan ramaaskiyo nimcada eebe ugu reeyey

Ee uumiyuhu wada rajeyn inuu ku raaxaysto

Ilaa raybad khaatumo ilaa raaso iyo baali

Dhulka dhudub ka soo rogan ilaa raaracyada haarcad

Rugtii dirir dhabaad iyo jigjiga amase ramaale

Dhulka raatub lagu mayraco ee rucubtu lalaado

Ee ramadka lagu maalo ee rimaydu daaqeyso

Ruquushada dhulkaa lagu tumo amase raad dheerta

Ruqso li’i ninkii soo gala ee cuna ramaaskiisa

Rabrabtiisi inay soo deg degi sow wax runa maaha

 

Rabi suge ma iishee ninkii samirka raandhiista

Rasuulkii udgoonaa ninkii raaca taladdiisa

Raxmaddii illaah inu hantiyi sow wax runa maaha

 

kiiyow kaasna labo ku dheh ,,,,,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sugaanta iyo gabayadii hibo la ii siiyey

Ilaa iyo saqiirnamada waa taan goyn jiraye

Kolkuu Eebe ii sakhiro sowdku ii furanye

Aan sifeeyo maantoo kalaan gacalka sooraaye

 

Waran hilibka saafiyoo gantaal seeda kala gooya

Siidhiga dhawaaqa watee samada jiidhaaya

Isticmaarka suudha leh codkii sirirshay weeyaane

Isaga iyo kuwii uu sixree cudurku saameeyay

Sanqadhayda goortay maqlaan khoofku wada saaqye

Ha salsalo wayaanihii baryahan sirinsirqaysnaaye

Sanbabka iyo wadnaha aan ku jaro weedha seefta ahe

sakaraadkii baa dhibahaye aan sagootiyo'ee

 

Saddexdaasi waa ararta hore sadaradeediiye

Sawaariikhdii aan ridi jiroo simantay weeyaane

Waa sarmaweydada cirkoo saydhay karadhiiye

Seqdii dhexe gudgudo hooray oo maydhay saxalkii dheh

Sururiyo niyada farxad kayimid oo siyaado ah dheh

Marna hawlgalkii calanka siday sacab tumkiisii dheh

 

Gumaysiga saqaafaha kuyimid sabadda ciidayda

Inkastoo uu na saxariiryo silic lanoolaayo

Oo uu saqiir iyo kabiir suudi noogu ooday

Isna seexad u diidanahay oo darmada seegye

Sadkuu naga macaashana waa sun iyo baarudee

 

Adoonsiga siloone inbadan nagu sabeynaayay

Surka diidnay keenada inuu waana noo sudha'ee

Shacab aan sariigtiyo ka dhiman sadaha imaanku

Sumacada ilaa shanhayoo marinka seegaynin

Saqajaana aan qaadan karin soodh la wada boobyee

 

Dadweynaha dulmigu saranyahay seefta midigaystay

Soomajeestayaal baa horkacay qaatay sahaydiiye

Sibraarna dhaansaday ONLF waa saciim dhab ahe

Safka hore waxaa galay ragay bilidu saarnayde

Geesiyaashii noo sarakacaa nacabka suun goyne

Sunbadii Ogadeeniya timid xidadka loo siibyee

 

Halgankaa salaanada fog iyo sibirta loo aasay

Sayid maxammed baa laga dhexlay iyo saahidkii Guraye

Iyagaana sees adag u dhigay saymad dirireede

Adoonsigi sumadahay badeen suulin kari waaye

Maantana waxaa dacayga sudhi jwxo oo soliye

Sidiibaan saldhiyo halgan ugu salaanaaye

Sabrigii in badan damacu waday ruuxda laga saarye

Gumaystaha sartiisiyo waxaa oloshay saantiiye

Sandulaynay caal saarahana waan ka sidanaaye

Sarar iyo hadduu xoog lahaa maanta waa salane

Saraxiyo garbuhuu taagi jiray wiilalbaa simaye

D'aba******ka saar iyo xabashi sidato rooxantu

Iyo sawaca daafida la cuna ha u saqleeyeene

Senaawiyoow walle reer Maqalle samankan waa u hooge

Soomalida Ogadeeniyana samiyo waa u guule

 

Dugaagii suuransaday sabi iyo waayeelba

Salka kiciyee shacabkaanaga wada sabooleeyay

Sarwad cadha wadani sitaa saaray geedada'e

Saf balaadhan buu gulufku yahoo ku soconaaye

Saanad iyo kolkii loola tagay gumacyo soofaysan

Wayanihii salaanka u go'yoo sabarna naafoowye

Saraakiisha iyo ciidankii daba suqdhaynaayey

Sarartoodii naaxduu dhurwaa saaka cunayaaye

Tukaha saloolanhayiyo haad saan uun rabaye

Sunbaaxada uriyo bakhtiga suuqa lala yaabye

 

Socotadii dameeraha kutimid salabka loo qaadye

Sabaaxad markii lala helee dhinaca loo seexshay

Ee sankii goraray bay kor u sanaadheene

Samadaa ku guuxdoo arlada suur kaga yeedhe

Sawaxan yaableh iyo waxaa ku kacay siigo iyo boodhe

Saylac iyo waxbaa ooga shanqadhay suufka xeebaha'e

Saxaraha banka iyo waxaa wiiray geedo seemana ahe

Sanahaadho jiiidhi bay ka fili saaxil iyo maydhe

Sool iyo libaaxyaa ka ciyey Gedo salkiisiiye

Oo saskii ayaamahan ku dhacay cadawgu saab qaadye

 

Adoonsiga sirgaxane in badan guudka naga saaran

Sutiday halyeeyo u qabteen oo sal dhigi waaye

Subagii Liiban iyo Afdheer maadh kawada soogan

Saxansaxa Hargeelaaliyo Saami dheera ahe

Samsamkii Shabeeliyo Godey miida soconaysa

Sareenkiyo waxaa laga helaa dalag la soo saaro

Sakalaha Qalaafiyo Dhanaan sarabka Feyrfeyre

Siraw iyo simaha Doolo ahe sugul ka foofayso

Sabadii Qoriiliyo Wardheer waanan siin karine

Salka Dahare seeraha bankii Qoraxay loo saantay

Sarsarada Shilaabiyo dhulkuu noo fadhiyo saadku

Saliidiyo arladay la hurdaan gaaska sibidhoobay

Dhagaxbuur sangaha daaqiyo sogabka gooloobay

Sugumaha Awaariyo Digiyo sarabka Gaashaamo

Hadal kuma sifayn karo kolaba saaca Jarareede

Salaxaad degmada Sagag iyo Sibbi banaankeeda

Sulul iyo sakaraha Garbiyo Fiiq sarsaaraheeda

Dhulka Saddexda caanaha macaan lagu sareedeyey

Macdan saxa siti malab oo Nogob ku saameelan

Sarihii Jijigiyo Adari iyo seesha Haramaayo

Saldhigii Shiniiliyo Ayshaca Diridhaba saaran

Surad iyo silsiladaha guray sararta Haadaamo

Soohdintii dalkaygiyo waa sagalka ii muuqda

Rabbigii nasiiyey dhulkuu saan u barwaaqeeyay

Wabeiyada sakaarka is dariyo togaga saaweeya

Buuraha Ilaahay simay iyo laagag kala saydhma

Dhirta sodon kun oo nooc ka badane dul saaran ciida

Kama soomaan karo dadkii sooca u lahaaye

Guumaystaha in loo saamaxoo laga sifayn waayo

Amma uu sharfta naga suuliyo abid na saarnaado

Waa si aan dhacaynoo kolba suurto gal ahayne

Xornimana sadaal iyo ka weyn shay saleele ahe

Surmiyo dhibaa loo muutaa suudi iyo oone

Ma sal dhigato gobanimo hadaan saymo loo marine

Sacab dhiig leh dabadii uun bay guuli sabataaye

 

Xaq lagaa sagsaagay hadduu sabano kaa raago

Sina looma yeeloo dulmigu inuu ku saarnaado

Adoo iilka seexdaa ka roon nolosha seegseegye

Sifihii dadaalkiyo adoo sabirba kaa muuqdo

Saacidoo Eebaa lahoo samu la tuugaayee

Sacabadana loo hoorsadaa inuu ku siiyaaye

Socod dheerna waa lagu daraa saada khayrka lehe

 

Dadku saaba saabiyo hadduu solay ku noolaado

Nafta sadaro aan muuqan baa loo sawirayaaye

Suraxaadintaasay indhahu sahal wareeraane

Kolkaasu qalbiga suus galaa kuna samaysmaaye

Siyaasada Itoobiya ninkaan dhab ula saanqaadin

Socodkiyo majarahaa ka luma wuuna salalaaye

Raga kala suucayoo haday soori idin qaaday

Amma uu si kale hadduu xaalku yahay lana siloodaaday

Itoobiya saldaniyo saad jeclaatay hortiin laga waaye

Sanbareerkii lagu bay dib u sumaysaaye

Soomalaadka iyo orodkan badan siiba shaaxigiiye

Amma jeel saldhada loo galaa wada sugaysaane

Salkuna waa Dhanaan iyo kobtaan cidina seegayne

Saylalaxadu yeyna idin la tagin sibiqdu waa jaane

 

Shacabkaa saliilyada qabee cadowgu seeteeyay

Soomali weeyan la hubo weliba waa sooce

Sinjigooda lama doorin karo waana siidh adage

Soyaalka taariikhahana waan la soconaaye

In maqaar lanoo saaroo xabashi suudhlayda

Sanka la ii marmariyaan kolnaba suurto gal ahayne

Anaga iyo sirqada baahane sidata caydhiinka

Sakooyiyo xigaal iyo manihin tol iyo saaxiibe

Saxiix iyo heeshiis lama galno Saadirka ii magane

Oo sifadiyo dhaqan xumadaan ooga siqaynaaye

Soorooyinkoodiyo orgida dhibida saydhaysa

Iyo saalixiintiyo gabdhaha saxuur ciibadaysta

Rabbaa kala sifeeyoo wallaan la isku soohayne

Suyaciyo Allow ha igu darin wada sinjiidhlayda

 

Itoobiya sidaan uga tashaday duulanka loo siicye

Sunaha kuwa xiirtiyo horinta seero(zero) ah

Sanaawiyo haddaba dhiiriyeen sawrac foolxume

Suqsuqiyo bahoolaha uu uqoday ha u sawaalaane

Sunta uu waraabshiyo jirada samo ha moodeene

Annaba socodku waa geedigii gibishu saarnayde

Oo waa halkii aan suntaday sahanka gaadhsiiye

Sadka gobonimyo waa ku hiro sahandabe iyo guule

 

Kiiyow kaana ku saddex dheh ,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this