Sign in to follow this  
Coloow

Maxaa qancin karo soomalidda?

Recommended Posts

Coloow   

Asalamu calaykum,

 

Waxaa wax la yaabo leh in dadka soomaliyeed aay noqdeen dad aan qancin.

 

15 sanno ka hore dadka soomaliyeed waxaay ka cabaadi jireen xukumadii ka jirtay soomaliya. xukumadii markaay dhacday waxaa ka dhacday soomali dil, kufsi, arsi iwm oo lug ku leh qabyaalada.

 

15 sanno oo mugdi ah ayaa la soo maray. Jamhuuriyadii Carta waay burburtay

Jamhuuriydii qabyaalada ee Doofareey waxay jiiftaa cisbitaalka.

 

lix bilood ka hore dadka soomalidda ah waxaay sida badan faraha ugu fiiqayeen Xamar oo aay ka jirtey burcadnimo. 12 sanno xamar waxaay aduunka keeneysay hogaamiye moryaan. Dad badan ayaan boggaan waxaay ku qoreen in xamar laga saaro burcadaasi.

 

Burcadii xamar aay Carta, Doofareey ka saari weysay waxaa lagu ceyriyey maalmo gudahooda iyadoo dhiig badan uusan ku daadanin. Alxamdulilah dadka masaakinta ah oo xamar degan nabad ayaa u timid.

 

Guushaan lama gaaren haddii aaysan dadkaasi la imaanin mabda kale ee ka duwan kan qabyaaladda iyo afmiinshaarnimada.

 

 

Waxaa la yaab leh in dad badan oo soomali ah oo oran jirey allow xamar iyo konfuurta nabad keen aay maanta la safteen burcadii oo aay taageero kal iyo laab ah aay u fidiyaan BURCADDA- Jaalow dhinac dooro- ma diinta ayaad raacsantahay mise qabiilka?

 

Waay jiraan arrimo badan oo dadka isku sheega maxkamadaha aay ku dhaqaaqeen oo aan lagu qancin karin- sida arrimaha bulshada, qabyaalad dahsoon, etc laakin waa in dhaqdhaqaaq kaste oo nabad noo keeni kara la taageeraa.

 

Suaalo:

 

War ma ilaah baad aaminsantahay mise qabiilkaaga?

 

War sooma uma jeedid nabada la gaarey?

 

War maxaad u taageereysaa dawlad ka koobaan dad umad islaan ah la'aayey?

 

War maxaad maalina ugu hadleeysaa af gaale maalina af islaan?

 

Soomaliyey maxaa idin qancin karo????

 

Ma qanceeysaa in ruux aan qabilkaaga ka tirsaneeyn uu nabad ka keeno soomaliya?

 

 

Soomaaliya, islaamka iyo carliga soomaaliyeedba ha la xureeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Waa runtaa saaxiib, inta aad sheegay oo dhan. Waxaan la yaabanahay inaad tahay nin caqli badan oo aan caqligiisa internet-ka mooyee aan lagu arkin goobaha caqliga looga baahan yahay, sida Puntland iyo Somaliland.

 

Islaamka iyo dadkiisa waa in la xoreeyaa, lagana xoreeyaa kuwa afduubka u heysta oo raba iney gaallada ka iibshaan.

 

Cabdullaahi Yuusuf iyo Ina Qeybdiid waa in la dilaa.

 

Cali Geeddi waa in la khaarajiyaa.

 

Baarlamaan-ku-sheega waa in la kala diraa.

 

Dowlad Caadil ah oo Islaami ah waa in la dhisaa, oo kitaabka iyo sunnada ku shaqeysa.

 

Ugu danbeyntii waa inaan taageernaa xaqa iyo diinta, taas ayaa na qancin karta inta aan noolnahay, markaan dhimanona ciid ayaa afkeena qancisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Caaqil walallkiis, war aad u qurux badan ayaa soo bandhigtay, balse sxb waxaa dhamaaday ama dhintay ummaddii nadiifka aheyd, waxaa isku soo haray ummad wada jiran ee uu ku dhacay cudurka aan daawada laheyn ee aan u naqaano "Qabiil".

 

Qabiil daraadiis ayaan diinteena, dadnimadeena, Soomaalinimadeena ku burburinay. Waxa kaliya oo aan ku qanacno waa qabiil, haddii arintu qabiil ku jirin kuma qancayno. Ummaddii shacabka aheyd waa sidan kuwa isku sheegana siyaasiyiinna waa calooshood ku shaqaystayaal.

 

Soomaali waxay u baahan tahay in ay iska difaacno dhammaan kuwa aan danta guud ka shaqaynayn, ama u shaqeeya cadowka ummadda Soomaaliyeed.

 

It is really amazing how people are talking about the pacification of muqdisho now. It tells you that yesterday when muqdisho was unsafe no one talked about it except those who lived there, and now the whole world are talking about it. Haddii aad aqoonin cadowgaaga waa wareer.

 

Ummaddu waxay heshay nabad qofkii isku waya in uu ku celiyo dhibaatadii 16 sano heysay dalka waa in laga hortagaa, and not only that they should be punished severely. The security of the people are more important than anything that the anemy and it's stooges wants. Nidaamka diiniga ah uu ilaahay u soo dajiyay ummadda islaamka ah ayaa qancin kara haddaba waa in la taageeraa diinta iyo ku dhaqankeeda.

 

 

Go figure:..........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Alle u Baahane, iyo Wiilo,

 

Dhowr bilood ayaan ka maqnaa malkoodyinka internetka ee soomalidda. markii iigu dambeeysay dad badan ayaa ku qori jirey bogagaan "allow xamar nabad keen" "konfurta waa inaay iska saaraan yalaxow, qanyare, qeybdid iýo kuwa la hal maala". Waxaan moodi jirey in dadkaasi aay yihiin dad jecel soomalinimada, kana xun arrimaha konfurta ka dhacaayey. Waxaa yaab ila noqotay markaan arkey inaay dadkaasi hadda taageerayaan tuugada/burcada ku bahoowday dilka iyo sheeydhaanka.

 

Qabilka waxaad moodaa inuu dadkeena dhiiga ka galay. Rationality malaha ee waa "qabilkeeyga ama dagaal".

 

Somalidda meel waliba oo aay joogto waa inaay ku faraxdaa wixii konfurta ka dhacay. Ruuxaa aan ku farxina waa munaafuq! Munaafuqnimada ummadeena waxaay ku soo hartay internetka.

 

Waxaay u baahanyihiin duco. Alow jidka toosan tus, qulubtoodana ka saar qabiilka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

About Abdullahi Yusuf getting red carpet treatment, he does not need a red carpet. What he needs is to wear a macaawis and cimaamah and declare an islamic court in Baidhoba.

In another thread, you opined the president terminate his government and install courts. Does your message carry truthfulness that what you preach here is what you want Somalis to know. You pretend a lot.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Maakhir, my message is one of peace bro. If the president and the other members of the TFG create their own islamic court then there is a chance for peace.

 

"Does your message carry truthfulness " Aflagaadu waa ceeb waana dembi.

 

"you pretend alot". I don't know how you came to that conclusion bro. You don't know me- do you?

 

"Adiga ma isku dartay dadkaan aan qancin?"

Anigu waan ku qansacsahay arrin kaste oo dadkeeyga, dalkeeyga iyo diinteeyda horumarin ku sameeyn karto.

 

ADIGU MA QANCEEYSAA IN SOOMALIYA AAY NABAD KA TIMAADO? ma ilaah baad aaminstahay mise qabiil,gobol iyo beel?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Hadaad dooneyso dadkaga iney hor'umaraan, waxad taageertaa dowlada la soo sameeyey.

 

Prentending as someone who knows what is good for Somalis by asking us to support a movement that would introduce a totalitarian regime is a crime. The courts, should they be interested in going to the good page of Somali history, should assist the transitional government. I know they know peace is central to our faith and life. They must not go after a centralized government by means of warlordism.

 

The warlords, powerless they were, pursued the same rule and their manifest pursuit died hard. However, if courts walk on the same road, they will be plunged into an intermitent, clannish war.

 

As was explained by Eqbal Ahmad and in reflection of the courts' actions, "The phenomenon distorts religion, debases tradition, and twists the political process whereever it unfolds.....the modern Islamist are concerned with power, not with the soul; with the mobilization of people for political purposes rather than with sharing and alleviating their sufferings and aspiratons. Theirs is a very limited and time-bound political agenda"

 

 

I hope you get the gist of that message. The Islamic courts are better defined by a modern Islamist-cum warlordism.

 

God bless Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Maakhir,You are entitled to voice your opinion. I am also entitled to mine. Don't you think?

 

Dawalada taageeri maayo. Don't I have the right to say that??????? Adigu hadaad dooneysid taager.

 

Hase yeeshe aflagaadu waa ceeb , waan xaaraan. Anigu kuma aanan oranin been baad sheegtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caaqiloow, somali waxaa qancin kara in madaxweynaha waqtiqiisa laga dhiqo 6 bilood, xarash iyo madaxna loo tuuro juffoda qaban doonta madaxtinimada lixdaa bilood, kii hal mar horay madaxnimada u qabtayna inuu laynka gadaal ka soo galo. Qolo walbaa waa yara sugi layd, juffo walbaana way dhadhamin lahayd belaayadaan lagu wada ordaayo. I say let us campaign for that. It is actually not a bad idea. :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

LS that is not bad idea in fact it is good idea, but the thing is our somalis would not like that even thought it is the closest chance that all somalis to get the opportunity to see themselves ruling the county in an period of 6 months. I don't even think this will do qancin for somalis... Ilaahay ka liya aa qancin karo.

 

 

Go figure:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Ina Libaax S,

 

Bro, Aniga waxaay ila tahay in cudurka ugu weyn oo soomalidda haaysta uu yahay madaxweyne; iyo madax (wasiir, maareeye). Umaddeenu dugsi cajiib ah oo aay ku soo barteen nafaqada madaxnimada ayaay soo dhigteen. (qof kaste oo soomali ah waxaa madaxiisa ku sawiran nacfiga madaxnimada aay leedahay).

 

Sidaasi darteed, waa in la mamnuucaa jagada madaweyne, wasiir, maareeye etc. Sida loo mamnuuci lahaa waa arrin u baahan baaritaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

Caaqiloow, somali waxaa qancin kara in madaxweynaha waqtiqiisa laga dhiqo 6 bilood, xarash iyo madaxna loo tuuro juffoda qaban doonta madaxtinimada lixdaa bilood, kii hal mar horay madaxnimada u qabtayna inuu laynka gadaal ka soo galo. Qolo walbaa waa yara sugi layd, juffo walbaana way dhadhamin lahayd belaayadaan lagu wada ordaayo. I say let us campaign for that. It is actually not a bad idea.
:D:D:D

:D:D

 

Midowga Yurub shimee noqonay? Xataa Midowga Yurub waxee rabaan inay iska dhaafaan this every six months cycle presidency. Hadii 10 milyan isku talin waayeen, oo hal qof loo dhiibin, ee nin walba mundulkiis ha iskaga taliyo marka.

 

Ani laakiin waxaa ka jeclaan lahaa in sidii shirkad camal loo maamulo dalka, si kumeelgaar ah.

 

Shanta qabiil [not 4.5 bogus] waa weyn mid hal qof ha iska soo doortaan, oo "board of directors" camal. Shantaas qof dhexdooda ha iska doortaan mid kamid ah in uu noqdo "chairman" ama guddoomiyaha/madaxweynaha shanta sana soo socoto.

 

Ama waxaaba kasii fiicnaan lahayd in madaxweynaha dhan laga qaado wax awood ah uu yeesho maadaama ee Soomaalida aaminsanyihiin wax madaxweyne ka sareeyo jirin, ha iska noqdo a symbolic head of state. Awoodiisana lagu wareejiyo jago kale, sida wasiirka koowaad. Haduu wasiirka koowaadna muran galo, suggestionka above ha lagu tijaabiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this