Sign in to follow this  
Wigad

Ciidamada dowladda oo 40 ruux kala baxay masjid ku yaala Buulo Xuubeey

Recommended Posts

Wigad   

Mogadishu 10, July 07 ( Sh.M.Network)- Ciidamada dowladda KMG ah ayaa masjid ku yaala Buulo Xuubeey kala baxay ku dhowaad 40 ruux oo ka mid ahaa Jameeco ku dukaneysay Masjidkaasi salaadii subax.

 

Abaarihii 6 dii subaxnimo ee saakay ayaa mar qura ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah waxa ay isku gadaameen Masjidkaasi, oo ay kala baxeen ilaa 33 ruux oo ku dukaneysay iyo dad kale oo wadada ay ka qabqabteen, taasina waxa ay tirada ay ka xeysteen ka dhigeysaa in ka badan 40 ruux.

 

Sida uu shabelle u sheegay goobjooge codsaday in magaciisa aan la shaacin, ciidamadan dadka kaxeystay ayaa waxa ay ku baryeen agagaarka Bangaariyada oo xalay uu ka dhacay qarax xoogan.

 

Goobjoogaha ayaa intaasi ku daray in guri ku yaala agagaarka masjidka laga helay hub wali aan la ogeyn cidda iska laheyd.

 

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ayaa sidoo kale shalay howl-gal ay ka sameeyeen xaafaddaasi waxa ay ka wateen ilaa 20 ruux oo rayid ah.

 

Xalay ayaa qarax xoogan oo wali aan la garaneyn qasaarihiisa waxa uu ka dhacay halkaasi, lamana oga wali cidda qaraxaasi ka dambeysay.

 

 

Click here to find this article English

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Illaahay dadkaan haka siidaayo gacanta gaalamadowdan. Wax public-support ama kalsooni ah oo aay dowlad kusheegtani shacabka ka haysato malahan aan ka ahayn 2 subclans iyo tigree soogalooti ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this