Sign in to follow this  
Nur

Ducada Ha Ka Daalina ( Prayer Power)

Recommended Posts

Nur   

Ducada

 

 

Walaal, sidaan wada ognahay, xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo Rabbigooda wa cibaadada, taasoo macnehhedu yahay in loo hoggnasamo kii na uumay oon jeclaanno, kana cabsanno. Cibaadadu hadaba waa xarigga nagu xira Rabbigeenna, xariggaasna waa Ducada, oo ah qoraalkan maanta waxuu ku saabsan yahay.

 

 

Ducada waxa ku so arooray Quraanka:

 

 

" Rabbigiinna wuxuu yidhi, i barya, waan idiin dhago nuglaanee ( aqbalayaa ducadiinna), kuwa iskala weyn iney i hoggaanasmaan, Jahannama ayey galaan ayagoo ku waaraya"

 

"Haddii ay adoonteydu i kaa wareysato ( Maxamadoow), Anugu waan dhowahay, waan ajiibaa ( u yeelaa wexey doonayaan) baryada kan ii barya, hadaba (addoonteyda) ha ii dhago nuglaato, hana i rumeeyaan, waa intaasooy waddada toosan qabsadaanee"

 

 

Ducada waxaa ku soo arooray Sunnada SAWS ee carfoon.

 

 

1. Cibaadaduba waa Ducada, Rabbigiinna wuxuu yidi " i barya waan idiin dhago nuglaanee"

 

2. Rabbigiinna, Barakeysanoo Saremaray, waa xishhodaa, waana deeqsi, , wuu ka xishoodaa in addoonkiisu uu gacmihiisa kor u taago inuu soo celiyo faro madhnaan"

 

3. Ma jiro qof Muslim ah oo Allah ku barya duco ayan n ku jirin dambi falid ama qaraabo jarid, oon Ducadaas Allah ku siinin seddex midkood:

 

a). In loo soo dadajiyo ducaadaasoo la siiyo wuxuu baryay

 

b) In aakhiro loogu keydsho

 

c) In looga celiyo ducadaas wax u dhigma uu dhibaato ku soo socotay" . Markaasey ( saxaabadii yidhahdeen) " Hadaba ( ducada) waan badineynaa" Markaasuu Rasuulku SAWWS yidhi " ( Allah ka badan)"

 

 

Aadaabta Ducada:

 

 

1. Ikhlaas : Iney kaa dhab tahay oo Allah oo qudha aad ula jeeddo

 

2. Inaad ku bilowdid Mahadnaqa Allah, faankiisa, iyo Nabiga ood ku salliso

 

3. Allah oo qudha inaad rajeyneyso, kuna kalsoontahay inuusan qofaan asaga aheyn wax kuu qaban karin.

 

4. Ku celcelin badan ( Allah ma daalo, adiga ha daalin, kumana ku dhibsado, ee ducadiisa ha dhibsan)

 

5. Qalbigaaga oo ku foojigan Ducada aad ku duceysaneyso

 

6. Inaad duceysato marwalba, hanoqoto inaad wanaag ku jirto, ama aad dhibaato ku sugan tahay.

 

7. Qofaan Allah aheyn ducadaada wax ha ku warsan ( Mataal: "ilaahayow, iyo sheekh Awliyoow", waa dambi)

 

8. Ducada ha ku habaarin reerkaaga, maalkaaga, dhallankaaga, iyo naftaada: Macneheeda waa ha is habaarin, maxaa yeelay Allah waa naxariis badan yahayee ee warso caafimaad iyo wanaag. Nin Gabayaa ah oo la odhan jirey Al Mutanabi ayaa wuxuu ku gabyay:

 

" Kafaa bika daa' an, an taral mawta shaafiyaa. Wa xasbul manaayaa an yakunna amaaniyaa"

 

Waxaa cudur kaaga filan inaad daawo ka raadiso geerida, geeridana xumaan waxaa ugu filan iney noqoto wax la hiigsado"

 

9. Markamla duceysanayo oo codka hoos loo dhigo, hana u dhexeeyo codkaagu kan qeylada ah iyo kan qarsoon.

 

10. Inaad qirsan tahay dambiyaashada, ood dambi dhaaf Allah warsato, iyo inaad dareensan tahay nicmooyinka aad ku jirto ood Allah ugu mahadnaqeyso

 

11. Markaad duceysaneyso, inaad is liiddo, madaxaagana hoos u dhigto

 

12. Haddad dad soo dhacday inaad u celiso xaqooga, ama aad niyeysato inaad celindoonto mar dhow.

 

13. Qiblada ood u jesato

 

14. Gacmaha ood cirka u taagto

 

15. Inaad weyso qabto

 

16.Inaadan qof ku habaarin ducadaas ( Mataal ahaan inaadan odhan "Allow reer Qansax cadaab")

 

17.Marka hore ducada naftaada ka billow, dabadeed waalidka, dabadeed dadka kale ( Rabbi ighfir lii wa li waalidayy) Allow ii dambidhaaf aniga iyo waaldkeyga. ( dayaaradah marka la raaco, suunka waa inaad adga xidhataa, dabadeed aad u xidhaa carruurta)

 

18. Allah inaad ku bariso magacyadiisa qurxan ( Asmaa'ul Xusnaa), ama ad magacowdo camal wanaagsanood samyesay Allah wajigiisa, ( Mataal: ilaahayow, haddaan dartaada bililiqada dadkii lahaa u celiyey, maal xalal ah i sii) ama aad Allah ku bariso qof Muslim ah oo nool oo saaliix ah ducadiisa. ( Mataal: inaad qofkaas warsa

 

19. Inaad hubiso intaadan duceysan inaad xalaal cunto, cato iyo inaad xidhato

 

20. Inaadan Qaraabo jarid ku duceysanin

 

21. Inaadan dambi ku jirin, ku fakareyn inaad sameyso ama aadan dad fareyn.

 

 

Waqtiyaasha Ducada in la aqbalo:

 

1. Leylatul Qadr

 

2. Sag baddhka, intiisa dambe

 

3. Salaadaha faradka aha dabadood

 

4. Adaanka iyo iqaamada inta u dhexeysa

 

5. Saacad ka midah habeenka ( lama yaqaan, sida leylatul Qararka)

 

6. Marka la addimayo

 

7. Marka Roobka uu da'ayo

 

8. Marka dagaalka Allah dartiis cadowga Allah la is hortaagan yahay

 

9. Saacad ka mid ah maalinka Jimcaha ( waxaana culimada u bateen iney tahay casar gaabadka maalinka Jimcaha, qaarna wexey u badiyeen marka la khutbeynayo, ama slaatul Jumcaha nafteeda)

 

11. Markaa cabeyso biyaha Zamzam

 

12. Markaad Sujuudsan tahay

 

13. Markaad saqbadhkii soo toosto od u soo fadhiistao baryo Allah ood allah ku bariso ducooyinka ka sugnaaday Suubbanihii.

 

14. Markaad ducadaada raaciso aaydda " La ilaaha illla anta, subxaanaka inni kunto mina dhaalimiin"

 

15. Ducada dadka markuu qof dhinto

 

16. Ducada markaadAllah u mahadiso, ood Nabigana Ku salliso, taxiyaadka dambe

 

17. Markaad Allah ugu yeedho Magaciisa Weyn, oo haddii loogu yeedho uu aqbalo, oo haddii wax lagu warsado oo siiyo

 

18. Markuu qof Muslim ah qof kaloo Muslim ah ooy kal fogyihiin isu duceeyaan

 

19. Ducada maalinka laa taagan yahay CARAFA

 

20. Ducada Bisha Ranadaan

 

21. Ducada markii dad Muslim ah ay isugu imaadaan meel ay Allah ku wada xuseen

 

22. Markii musiibo kugu dhacdo ood ducadaada ku bilowdo" Innaa lillahi wa innaa ileyhi raajicuun, Allahumma ajirnii can musiibatii wa khluf lii kheiyran minhaa" Allah ay na leh, asaga ayaan u laabanayenaa, Allow, ajar iga sii dhibaatada igu dhacday, iigana daba mari kheyr"

 

23. Ducada markaad dareento ikhlaas badan, iyo iimaan macaan, ama aad la dhacdo aayad Quraan ah, ama Xadith

 

24. Ducada qofka la dulmiyey la ma celiyo

 

25. Ducada waalidka uu u duceeyo ubadkiisa, ama habaarka uu habaaro ubadkiisa

 

26. Ducada qofka safarka ku jira

 

27. Ducada qofka sooman ilaa u afuro, iyo markuu afurayo

 

28. Ducada qofka dhibaateysan, oon qofkale leheyn

 

29. Ducada Taliyaha Caadilka ah

 

30. Ducada ubadka baarriga ah ee uu u duceeyo waalidkiis

 

31. Ducada ka dambeysa weysada oo lagu duceysto ducooyinka ka sugnaaday Suubanihii SAWS

 

32. Ducada marka la soo tuurto Jamratul Sughraa, Jamratul Wustaa ( Minaa)

 

33. Ducada lagu duceysto Kacbada Makka dhexdeeda

 

34 Ducada lagu duceysto Buurta Safa, iyo Marwa, iyo Mashcarka Xaraam

 

 

Kuwaasi wa kuwo lagu gaar yeelay foojignaan, laakin qofka Muslimka , xaalad walba iyo meelwlba oo daahir ah waa looga aqbalaa inshaallah ducadiisa..

 

 

Walaal, qoraalkan gaadhsii intaad jeceshay, anigana ii soo ducee, maxaa yeelay ducada labada kala maqan waxaa sugnaatay in la aqbalo, iiguna soo ducee Al Fardows Al Aclaa, iyo inuu Allah ii barakeeyo howsha aan jeclahay oo ah inaan uunka ugu yeedho iney cibaado ku garyeelaan kii uumay.

 

 

Walaalkiin

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Walaal Nur,

Adaabta ducada qodobka: 12. Markaad Sujuudsan tahay; Luqad kasta waad ku duceysan kartaa soo ma'aha? Annigoo sidaa qaba yaan arkey dad ka biya diidsan hadde wax ma sii weydiin laakiin waan yara shakiyey.

 

Illaahey ha kaa abaal mariyo dacwada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buubto   

Asalaamu Aleikum Wr Wb

Jazaaka laah kheyr waad ku mahadsantahay walaal, ilahay hanaga dhigo kuwii ku camal fala, kuna duceesta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Baashi walaal

 

Sujuuddu waa qeybta ugu muhimsan salaadda, waana waqtiga uu qofku ugu dhowyahay Rabbigiisa asagoo sujuudsan. Salaaddana macneheeda af Carabiga waa Ducada. Waxaanan igsoonnahay in Ducada loo jideeyay in aan ku noqonno addoon Allah oo marwalba u baahan Rabigooda, waxaa kaloo sugan in Allah uu yidhi" Rabbigiinna baryaa idinkoo isa soo bandhigaya ama idinkoo isqarinaya" iyo " i barya waan idiin dhago nuglaanayaayee" iyo " Haddey addoonteydu i kaa wareysato ( Muxamadow, ha ogaadaan ) inaan ahay mid aad ugu dhow, u dhago nugul baryadooda"

 

Mana akhrin nahyi ka sugnaadey Rasuulka in Allah lagu baryo salaadda luqad aan Carabi aheyn, maxaa yeelay qofkii xaajo leh oon Carabi aqoon kuma baryi karo Allah salaaddisa.

 

Sidaa darteed, mana hubo, waxaan doorbidayaa in Allah uu aqbalayo ducada luqad aan Carabi aheyn saladdaa lagu baryo Allah kadib markii adhkaarta waajibka ah iyo sunanka la dhameystiro.

 

Wallahu Aclam.

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaalayaal

 

Waa tobankii habeen ee u dambeysay ramadaan, waxaa ku jirta Laylatul Qader, hadaba, ha loo xeyto cibaado culus, sujuud dheer, isudulleyn Allah iyo baryo badan, si gaar ahna haloo duceeyo mowtada, kuwii dhintay, waalidka iyo walaalaha aan diinta walaalo ku nahay oo ku sugan dhib, xabsi ama cadaab loogu geystay iney ku dhawaaqeen in Allah oo qudha uu yahay Rabigooda.

 

Hana loo duceeyo walaalahayaga maamula maxkamadaha inuu Allah haleelsiiyo talada fiican, iyo inuu ummaddeenna sheidaanka uu ka shaqeystay uu laabtooda isu fiicneyyo, kana saaro dakanaha qaraar, iyo cadaawada la dhax dhigay.

 

Allaha inta lunsan soo hanuunsho, kuwa dambiiilayaasha ahna ha ka cafiyo, kuwa deynta lagu leeyahayna ha ka bixiyo, kuwa dhibka heystana ha ka saaro, annagoo dhanna hanaga yeelo walaalo ku walaaloobay jeceylka Allah oo qudha, saa labadii ku walaalowda waxaan Allah aheyn wexey isu noqdaan cadaawo maalinka qiyaame.

 

Aamiin

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaalayaal

 

Waxaa ina soo haya Maalinkii Carafa oo aad u barakeysnaa. Sunnada maalinka carafa waxaa ku soo arooray seddex Cibaado oo aad u qiimo badan:

 

 

1. Dhikriga Allah: Laa Ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul Mulku, wa lahul Xamdu, wa Huwa Calaa Kullu shey'in Qadeer.

 

2. Ducada Badan, gaar ahaan gabbal dhaca.

 

3. In la soomo .

 

 

Ha laga faa iideysto malinka Carafa, u duceeya ehelkiinna, waddankiinna, iyo walaalihiinna dulman meel walba ha joogaanee.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this