Sign in to follow this  
Nur

Maxaad Kula Talin Leheydeen Ururka Maxkamadaha Somalia?

Recommended Posts

Nur   

Nomads:

 

Waxaan isku dayayaa inaan maanta usoo jeediyo talooyin Ururka Maxkamadaha Somalia, sidaasoo kale idinkana waxaan idin warsanayaa inaad taladiinna ku soo biirisaan boggaan.

 

 

Assalamu Calaykum Wa Raxmatullah Wa Barakaatuh

 

 

Mahad oo dhan Allah ayaa mudan, raad-raacidna waxaa leh kuu Allah doortay, Muxammad SACWS, waxaan ku sallinayaa Nabigeenna, ha ahaato dushiisa nabad iyo barakooyin badan uu ku mutesytsay abaalka uu n oo galay markuu Allah nooga saaray dadaalkiisa mugdi, jahli iyo akhlaaq xumi, oo uu noo saaray iftin na barayn kitaabka iyo xikmadda annagoo ku sugnaa habaabid noqosho dheer.

 

 

Maanta waxaa waajib nagu ah mahad weyn, Allah oo noo soo celiyey amaankii naloo diiddanaa muddo dheer, Allah wuxuu muminiinta u ballan qaaday inuu ugu baddalo cabsidey ku jireen amaangal, haddaan isaga oo qudha caabudno oon u shariik yeelin, iyo inuu naga dhigi doono kuwii uu ku wareejin lahaa xilka maamulka ummaddooda .

 

Sidaad ogtihiin, dunidu maanta wexey mareysaa khatar weyn oo ay sabab u yihiin dad ay u kulnatay awood, cilmi yaraan iyo dhiirrimaad ay ku dhiirran yihiin Allah SWT iney ku xad gudbaan. Haseyeeshee, khatartaas iyo khiyaanada wax yeel ma lahaan doonto haddii la isku gaashaamo Allah SWT, asaga ayaa ku filan inuu xafido addoontiisa. Hadaba waxaa loo baahan yahay in la noqdo addoon Allah oo dhab ah, erey ama ficil ba ha noqotee.

 

Maalmaha idin soo food haya wexy xambaarsan yihiin ilwaad badan iyo kheyr, isla markaasna dhib, cabsi iyo handadaad, sidaa darteed waa iney marka hore idiin caddahay himiladiinna ( Goals).

 

Sugidda amaanka waa guusha ugu weyn oo Allah idin siiyay sharafkeeda, taasna wexy ku dhacday oo qura inaad howlgeliseen Sharicada oo suurogelisay amaan ay keeni waayeen nidaamyada cilmaaniga ah, iyo taageerayaashooda dibedda.

 

Waxaa hadaba muhim ah, inaad xoogginna u badisaan waqtigan xaadirka ah, sugidda amaanka shacbiga, si ay u caddaato sarreynta Shariicada iyo wanaaggeeda.

 

Amni sugidda ha ka bilaabato inaad sameysaan guddiyaal shacbi ah oo degaan walba ka tirsan oo la shaqeeya Maxkamadaha.

 

Dadka yaan hubka laga dhigin, maxaa yeelay, dadka wanaagsan haddii hubka laga qaado, waxaa hub qaadanaya kuwa xun, kuwaasna waan ka soo daallay dhibkooda, qof walboo Samali ah inuu is difaaco waa xaq ka mid ah xuquuqdiisa banii aadamka. Waddanku ma leh ciidan aan aheyn dadkiisa, hadaba dadku halagu baraarujiyo iney kulligood difaacaan amaankooda.

 

Ururka Maxkamadahu (Judiciary) waa iney caddeysaa iney ka madax bannaan yihiin qaybta dawladda ah ee fulinta ( Executive)

 

Waxaa intaa dheer in Shareecada ayan qabin in ay sharci dajiyaan dad bashar ah, Sharci dajinta wexey gaar u tahay Allah oo qura, haseyeeshee golayaasha looga tashado danaha ummadda waa in ay Maxkamadduu qabanqaabisaa doorasho ay dadku soo doortaan kuwa danahooda u doodi yaqaanna, kuwaasoo soo maraya shuruudda ay Maxkamadda u dajisay ayadoo raacayesa Shareecada islaamka.

 

Dadku wexey soo mareen dhibaatooyin badan, baahi badanna waa jirtaa, hadaba, ha noqdo xukunka mid waafaqsan duruufta la marayo, waa in jileyc iyo naxariis loo muujiyaa kuwa liita oo diin xumida ka dhaxlay sanooyinkii tagay, waana in aan loo jixinjixin kuwa raba iney cadow noo gacan geliyaan.

 

 

Maxkamaduhu waa iney aad u yareeyaan la xarriirka wargeysyada, TV iwm. waa waqti lumis, waqtigiinna waxaa aad loogu baahan yahay inaad waddan amnigiisa dhidibbada u aastaan, yaan la idin wareerin (distraction). Wargeysyadu dan ka ma leheyn waddanka 16 sano oo amaan darro iyo cabsi weyn ay jirtay.

 

Maxkamaduhu waa iney aad uga fiirsadaan erey walba ooy shaaca ka qaadaan, maxaa yeelay ceeb baa loo raadinayaa.

 

Maxkamaduhu waa iney si degdeg ah u doortaan guddiga Fatwada Sharciga ee ugu sarreysa ( Lajnatul Fatwaa Al Sharciyah) oo laga doorto degaan walba waddanka si aqbalka fatwadooda ay sal ballarsato.

 

 

Guddiga Fatwada Sharciga waa inuu caddeeya

 

1. Habka xukunka waddanaka lagu wadayo oo raacsan Shareecada.

2. Xiriirka ka dhexeeya qayabaha xukunka

3. Sarreynta ( Sovereignty) Maxkamadda ay ka sarreyso qaybaha kale. ( Justice above all and For all)

4. Dib U habeynta nidaamka cadaallada.

5. Dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha, bangiyaasha iyo ganacsidga

6. Dib u habeynta nidaamka siyaasiga ah

7. Dib u habeynta nidaamka bulshada ( social), guurka, iwm.

8. Dib u habeynta nidaamka waxbarashada

 

 

Nur

 

2006 eNuri Advisory Service

Talo walaal diide, turrunturro ma huro

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Walalayaal,

 

Haddaan isku dayo in aan maxkamadaha siiyo talo ama inaga dhexdeennaba aan ra'yi ku biiriyo waxaan oran lahaa marka hore talaabo kasta oo ay maxkamaduhu ku kacayaan waa in ay labo arrimood ku wajahan tahay:1) kasbashada kalsoonida shacabweynaha soomaaliyeed. 2) In ay mabda' ka dhigtaan in wada hadal, isu tanaasul iyo isu tur lagu xalilo khilaafaadka- weji kasta oo khilaafku leeyahay iyo meelkasta oo uu ka imaanayo.

 

Qodobka hore arrimo badan ayaa soo hoos gelaya laakiin waxaan carrabka ku dhufan lahaa waxaa jirta maahmaahda soomaaliyeed oo oranaysa: xiniinyo ma aha kuwaaga ee waa kuwa tolkaa ku jira. Haddii markaas culimadu soomaali oo dhan ay tol ka dhigtaan oo iyaga oo aan ka talaabsan heer bisayl garaad ee ummadda ay si qabow uga qayb qaataan hoggaaminta/daadihinta ummadda markaas kalsooni bay abuuranayaan. Sida aan qabo ummaddu inkastoo ay muslim tahay haddana marka la eego ku dhaqanka dhabta ee diinta waxaynu marayna heer gur-guurad. Waxaa ummadda u dhiman oo la rabaa in ay u gudubto: heerkii socodka, barashada hadalka, la dhaqanka dadka, barashada xirfadda ama xoola dhaqashada iyo heerarka kale ee la sii maro ilaa qofku gaaro in uu ciidamiyo oo waxtar isku filin noqdo- naftiisa iyo nafo kale. Haddaba hadday sidaas tahay soomaalidu waxay tiraahdaa: deg-degsiinyo hadduu door dhalo kaadsiinyo kiish lacag ah ayuu dhalaa. Waxaa loo baahan yahay in culimadu ay la jaanqaadaan heerka gaaraad ee ay ummaddu hadda marayso. Waa in culimadu samir muujiyaan oo iyaga oo Ilaahay talo saartay ay qorsho hawl-gal oo waqti dheer ku salaysan sameeyaan oo laysku dayaa in ummadda jidka toosan iyo dhaqanka wanaagsan ee diiniga ah tartiib tartiib loogu daadihiyo.

 

Sidaas aan sheegayo haddii aan la yeelin oo la damco in ummada hadda loogu dhaqo diinta sida ay tahay waxay keeni kartaa taasi, aniga garaadkayga, in isla jaanqaad la'aan dhacdo oo ay taasu sababto marka ay ugu liidato kalsooni darro dhexmarta culimada wax hoggaaminaysa oo dhinac ah iyo shacabka.

 

Dhammaantiin waxaad garanaysaan in aan humbaal (isku-duubni) ahaano oo wada jir loo socdo faa'iidooyinka ay leedahay. In markaas culimadu ay talada iska goostaan, gaar ahaan waqtigan lagu jiro, oo ay sugaan in shacabku uusan ka hari doonin waxay dhalin kartaa natiijo tafaraaruq oo aan hadda loo baahnayn.

 

Waxaan ku soo gunaanadayaa qodobkan in samir looga baahan yahay maxaakiimta hoggaankii dalka la wareegtay. Waa in dadka laysku wadaa inta laysku wadi karo.

 

Qodobka 2aad iyo talooyin kale qoraal dambe ayaan, haddii Ilaahay idmo, ku soo gudbin doonaa.

 

The Awakener2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

daba socda qoraalkaygii hore.......

 

Qodobka 2aad:In ay mabda' ka dhigtaan in wada hadal, isu tanaasul iyo isu tur lagu xalilo khilaafaadka- weji kasta oo khilaafku leeyahay iyo meelkasta oo uu ka imaanayo.

 

Marka ugu horeysa ummaddu way ka soo daashay dagaal! Waa in la raacaa waddooyin nabadgelyo abuuri kara. Maxkamaduhu waa in ay nabad ka hadlaan ficilna nabad ku muujiyaan !

 

Tan labaad inkastoo cinwaanka qoraalku ahaa in aan maxkamadaha talo u soo jeedino haddana waxaan door biday in aan labada dhinac ee ah maxkamadaha iyo dawladda federalkaba u soo jeediyo talooyin.

 

Anigoo ka duulaya talooyin saldhigga u ah qodobkan 2aad waxaan u soo jeedin lahaa :

 

1)Maxkamadaha.

 

b)In ay aqoonsadaan axdiga dawladda federaliga ah ee ku meel-gaarka ah isla markaas ay aqoonsadaan dawladdii lagu soo dhisay Nairobi.

 

t)In ay ballan qaadaan in dagaal dambe oo maamulkooda ay ugu fidinayaan gobolo kale aysan qaadi doonin.

 

J)Maamulkoodu in uu rabitaanka dhabta ah ee shacabka uu tix-geliyo oo uu noqdo mid ka tarjumaya kacdoonka shacbiga.

 

x)In ay siyaasadda caalamku meesha ay maanta marayso tix-geliyaan oo ay ka fogaadaan in waddankeennu gabaad u noqdo argagixiso. Ciddii shakisanna waa in ay shakiga ka bixiyaan.

 

Kh)Dhulka hadda maamulkooda hoos yimaada waa in ay ka sameeyaan maamul mideysan. Marka maamulka la samaynayo waxaa habboon in saddex xilli lagu habeeyo tadawurka maamul sameynta: waqtigan la joogo, xilli kala guur ah iyo samaynta/hirgelinta maamul xaq ah oo xalaal ah.

 

Labo daraadle talooyinkan waxaan ugu soo jeediyey maxkamadaha, haddii ay diidaan oo kaba soo qaad ay ku guulaystaan in ay dawladdan iyo axdiga ay ku sharciyeysan tahayba dumiyaan wax huban ma ahaa in ay iyagu markaas ku guulaysan doonaan in ay nidaam cusub oo raali laga wada yahay dhisaan. Waxaa dhici karta in sidii hore oo kale ay isku dayaan in ay wax dhisaan oo iyagana qolo kale fashiliso.

 

Taasi waxa ay keeni kartaa, sida haddaba socota, in dalka qowado shisheeye u soo hanqal taagaan oo qabsadaan.

 

Nidaam dalka mar uun in lagu soo dabaalo weeyaan. Nidaam xun ama xukun xun maadaama uu ka wanaagsan yahay nidaam la'aan/xukun la'aan waqtigan hadda aynu joogno waa in aynu ka faa'iidaysanaa oo aan la burburin nidaamkii 2da sano loo fadhiyey Nairobi- xalaal iyo xaraan midkuu rabo ha ahaado.

 

Maxaakiimtu haddii ay Alle tawakal saartaan oo dariiq nabad doon ah ay raacaan, xukunkana aysan u hanqal taagin in ay guulaysanayaan ayaan qabaa.

 

2)Dawladda federalka ku meel-gaarka ah.

 

 

b)Waa in ay aqoonsataa waxtarnimada kacdoonka bulshada ee ay culimadu hormoodka u yihiin ee ka dhacay gobolka Banadir iyo nawaaxigiisa. Sidii bilowgiiba ay yeeshay waa in ay soo dhoweysaa oo garabsataa.

 

t)Ciidamada shisheeye ee ay dalbatay waa in ay joojisaa. Waa in ay garab iyo gaashaan ka dhigtaa oo kalsooni ka doonta ummadda soomaaliyeed oo ay uga turtaa in uu dib u abidsado(dhaco) dagaal, qax iyo balanbal dambe.

 

j)Waa in ay oggolaataa in dadka kacdoonka wadaa ay sameeystaan maamul goboleed ay iyagu raali ka yihiin.

 

x)Ugaarsiga culimada lagu hayo ee loogu gacan gelinayo qowado shisheeye ama loogu hanjabayo waa in ay joogsato. Dawladdu waa in ay difaacdaa xaquuqda asaasiga ah ee wadaniga soomaaliyeed.

 

kh)Xilka xaqiijinta in dalka ay argagixiso joogto waa in dawladda federalku dhabarka u ridataa oo iyadoo kaashanaysa masuuliyiinta kacdoonka shacabka iyo maxaakiimta waa in ay hawshaas gashaa oo kadibna jawaab cad ay caalamka iyo ummadda soomaaliyeedba siisaa.

 

d)waa in ay u dhaqantaa oo u hadasho sidii dawlad shacabka soomaaliyeed leeyahay. Hoggaamiyayaasheedu waa in ay ku dhex jiraan, naftoodana khatar u geliyaan si ay dadka ugu dhowaadaan.

 

r) Waa in ay dhaqso ugu dhaqaaqdaa oo xilkeeda 1aad ka dhigta samaynta dastuurkii dalka lagu dhiqi lahaa marka waqtiga xilkeedu dhammaado. waa in lagu talo galaa dastuurka inta aan la hirgelin in afti loogu soo bandhigo dadka

 

Dawladda ku meel-gaarka ahi haddii ay Alle tawakal saarato oo ay shacabkeeda iyo culimadeeda ku kalsoonaato talada iyo xukunkana ay ka qaybgeliso in ay guulaysanayso ayaan qabaa.

 

Talooyin sare ku qoran waa kuwo bilow u noqon kara in dawladda iyo maxkamaduhu isku soo dhowaadaan. Kadibna talooyin kale ayaa looga gudbi karaa.

 

Ilaahay kuwii isu arxama oo dantooda garta ha inaga dhigo. Aamin

 

 

The Awakener 2

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaam,

 

Positive said:

Dawladda ku meel-gaarka ahi haddii ay Alle tawakal saarato oo ay shacabkeeda iyo culimadeeda ku kalsoonaato talada iyo xukunkana ay ka qaybgeliso in ay guulaysanayso ayaan qabaa.

 

Talooyin sare ku qoran waa kuwo bilow u noqon kara in dawladda iyo maxkamaduhu isku soo dhowaadaan. Kadibna talooyin kale ayaa looga gudbi karaa.

 

Ilaahay kuwii isu arxama oo dantooda garta ha inaga dhigo. Aamin

 

Inta ka bacdi:

 

It should build its foreign affairs by the country's interests and not other nations interests, it should steer clear from the US because it's only there to torment the muslims,plus it's poodle UK,so steer clear both of them for your advantage, it should also steer clear from Arab League cos its a talking shop, its should steer clear also from Gulf nations cos they pretty well kiss American **** . they should build bridges with other muslims countries like Malaysia, Indoensia, and Iran, also China,Cuba and Venanzulea, interms of looking for investment and technical know-how,and minerals lookouts, they should use their man power and try to create jobs for the masses- that is for the near future.

 

All in all let us give a chance honesty, decency and nation-building and top of that ISLAM. and let us just only one time in our lives lookout and see the light and rainbows, and leaving behind the dark dungeons of clanism, for the better future of our children, let us compete with the leauge of nations not the subclans.

 

Wa Bilahi Atwfiiq, Wa huwa qaalibun cala amarihi walakin Aktharu naaasi la yaclaumuun.

 

Sharmarkee,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Awakener bro.

 

Waxaad qortay:

 

Sidaas aan sheegayo haddii aan la yeelin oo la damco in ummada hadda loogu dhaqo diinta sida ay tahay waxay keeni kartaa taasi, aniga garaadkayga, in isla jaanqaad la'aan dhacdo oo ay taasu sababto marka ay ugu liidato kalsooni darro dhexmarta culimada wax hoggaaminaysa oo dhinac ah iyo shacabka

 

 

Walaal, dhaqidda diinta dadka lagu dhaqayo wexey leeedahay Xikmad, taasoo ah in, haddey maanta diinta ay noqotay tii ay ku nabad galeen, Allahna uga badbaadiyey daalimiintii, Allah wuxuu ka mudan yahay iney addeecaan.

 

Ogowna, in guusha maanta gacanta loo galiyeey Maxkamadaha ay tahay mid ay shacabku dhaliyeen, ayaga ayaa dhib ku jirey, ayaga ayaa samaystay maxkamadaha, ayagaa u dagaallamay, una huray naftooda, haatanna, aygaa ayaa mudan iney aqbalaan xukunka Allah, haddaan ayaga lagu dhaqin diin, yaa lagu dhaqi? hdaanan waqtigan xaadirka ah lagu dhaqminna goorma?

 

Ogow, in ay diinta hirgalinteeda ay leedahay tallabooyin, hadaba inta aan diinta la hirgelin, waxaa Maxkamadaha laga rabaa iney dadka ka saaran jahliga, si naxariis lehna ay Rabiggoda iyo wuxuu faray u baraan.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Walaal Nur,

 

Hadal ninna si u yiri ninna si u qaaday. Waxaan u jeedo waxaad ku soo koobtay markaad tiri:

 

"Ogow, in ay diinta hirgalinteeda ay leedahay tallabooyin, haddaba inta aan diinta la hirgelin, waxaa maxkamadaha laga rabaa iney dadka ka saaraan jahliga, si naxariis lehna ay Rabigooda iyo wuxuu faray u baraan".

 

Waa muhim baan u arkaa taladan sare ku qoran ee aad cariftay in aan laga boodin.Aragtiyaheenna kale way isku dhow yihiin.

 

The Awakener2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Awakener bro.

 

Waxaad qortay:

 

Waa muhim baan u arkaa taladan sare ku qoran ee aad cariftay in aan laga boodin.Aragtiyaheenna kale way isku dhow yihiin.

 

Baarkallahu feek, Allaha naga wada yeelo kuwii ku kulmay diintiisa, daacadiisa iyo jannadiisa, aamin

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khayr   

Nur walaal,

 

Maadhama oo dhodiisa maxkamadaha, you should become a foreignnn aaffairs consultant or work for one of their ministries.

 

Taali waanagsan wayey-so maaxax?

 

One proposal I would make is to change their name because it gives off a certain negative sterotype, a sort of policing only-mentality.

 

They should try something more please like 'Jamaa caadl waal ihsaan' (already taken by Kuux Maggghrabi aax)

 

O ye who Bbelieve! If ye will aid (the cause of) Allah, He will aidd you, and plant your feett firmly. Sura Muhammmed, V.7

Fi Amanillah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well, concerning Shariah implementation, it goes without saying that they shouldn't seek to compromize and above all inform and educate laymen through the media (honest communication is a must in order to foster thrust).

 

Having said that, they should also carry on primary healthcare & social programes (food and vaccines to begine with) by raising taxes and setting up efficient local administrations, not lest to gain more support...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Kheyr walaaal

 

Waxaad qortay:

 

Maadhama oo dhodiisa maxkamadaha, you should become a foreignnn aaffairs consultant or work for one of their ministries.

 

Taali waanagsan wayey-so maaxax?

 

 

Walaal, maanta waxaa aad loogu baahanyahay waa " Doers" not "consultants" , maxaa yeelay sidaad aragatay, Airportka muqdisha shacbigii ayaa u wada dhaqaaqay iney xaaqaan, ayadoon loo baahan lacag ka timid NGO, iyo meelop baas.

 

Aniga waxaan talo iyo taag hayo diyaar baan ula ahay dhaqdhaqaaqa Maxkamadaha haddey u baahdaan, laakin waxan isleeyahay iney u baahan yihiin gacmo wax qabta, kuwo dadka wax bara, kuwo ka shaqeeya iney dejiyaan Processes iyo Policies ay wax ku wadi lahaayeen, waana waajib na wada saaran dhamaanteenna.

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaal, maanta waxaa aad loogu baahanyahay waa " Doers" not "consultants" , maxaa yeelay sidaad aragatay, Airportka muqdisha shacbigii ayaa u wada dhaqaaqay iney xaaqaan, ayadoon loo baahan lacag ka timid NGO, iyo meelop baas.

 

Aniga waxaan talo iyo taag hayo diyaar baan ula ahay dhaqdhaqaaqa Maxkamadaha haddey u baahdaan, laakin waxan isleeyahay iney u baahan yihiin gacmo wax qabta, kuwo dadka wax bara, kuwo ka shaqeeya iney dejiyaan Processes iyo Policies ay wax ku wadi lahaayeen, waana waajib na wada saaran dhamaanteenna

I quite agree with your wise suggestion akhi Nur, It's time to leave the comfortable armchair and put theory into practise on the ground for the Somalia salvation depend ultimately upon Somali's sacrifices?

 

I suggest a task force of volunteers...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Djib Somali bro.

 

Its high time we all volunteerd ( no pay) to help the Islamic Courts, this is the most crucial time ever, as the stem of the tree that will form the fractured Nation will take formation by our hands, if these hands are blessed, the stem will be straight, our wish is finally grfanted ( if Only we could make Mogadishu peaceful) was a frequent wish on most Somalis lips, now that Allah made it possible in the unlikeliest time, with the unlikeliest support, we shall never forgive ourselves if we fail to support this nascent organization dedicated for our welfare and peace.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Walalayaal ,

 

Way wanaagsan tahay in taariikhda dib loo eego.

 

Waxaad moodaa in mar labaad la joogo waqti xaalad ahaan ku beegan waqtigii uu dalkeennu marayey bishii june 2006. Waxaa ay labada waqti iska shaabahaan in waan-waan haddii daacad laga yahay nabad lagu gaari karo ay jirto hadda iyo markaas horeba.

 

Markaan dib u milicsaday qoraalkan waxaa ii muuqata in aan talooyinkeenii xitaa mid keli ah laga raacin.

 

Tusaale anigu waxaan soo jeediyey talooyinkan:

 

1) Maxkamadaha

 

b)In ay aqoonsadaan axdiga dawladda federaliga ah ee ku meel-gaarka ah isla markaas ay aqoonsadaan dawladdii lagu soo dhisay Nairobi.

 

t)In ay ballan qaadaan in dagaal dambe oo maamulkooda ay ugu fidinayaan gobolo kale aysan qaadi doonin.

 

J)Maamulkoodu in uu rabitaanka dhabta ah ee shacabka uu tix-geliyo oo uu noqdo mid ka tarjumaya kacdoonka shacbiga.

 

x)In ay siyaasadda caalamku meesha ay maanta marayso tix-geliyaan oo ay ka fogaadaan in waddankeennu gabaad u noqdo argagixiso. Ciddii shakisanna waa in ay shakiga ka bixiyaan.

 

Kh)Dhulka hadda maamulkooda hoos yimaada waa in ay ka sameeyaan maamul mideysan. Marka maamulka la samaynayo waxaa habboon in saddex xilli lagu habeeyo tadawurka maamul sameynta: waqtigan la joogo, xilli kala guur ah iyo samaynta/hirgelinta maamul xaq ah oo xalaal ah.

 

Labo daraadle talooyinkan waxaan ugu soo jeediyey maxkamadaha, haddii ay diidaan oo kaba soo qaad ay ku guulaystaan in ay dawladdan iyo axdiga ay ku sharciyeysan tahayba dumiyaan wax huban ma ahaa in ay iyagu markaas ku guulaysan doonaan in ay nidaam cusub oo raali laga wada yahay dhisaan. Waxaa dhici karta in sidii hore oo kale ay isku dayaan in ay wax dhisaan oo iyagana qolo kale fashiliso.

 

Taasi waxa ay keeni kartaa, sida haddaba socota, in dalka qowado shisheeye u soo hanqal taagaan oo qabsadaan.

 

Nidaam dalka mar uun in lagu soo dabaalo weeyaan. Nidaam xun ama xukun xun maadaama uu ka wanaagsan yahay nidaam la'aan/xukun la'aan waqtigan hadda aynu joogno waa in aynu ka faa'iidaysanaa oo aan la burburin nidaamkii 2da sano loo fadhiyey Nairobi- xalaal iyo xaraan midkuu rabo ha ahaado.

 

Maxaakiimtu haddii ay Alle tawakal saartaan oo dariiq nabad doon ah ay raacaan, xukunkana aysan u hanqal taagin in ay guulaysanayaan ayaan qabaa .

 

2)Dawladda federalka ku meel-gaarka ah.

 

 

b)Waa in ay aqoonsataa waxtarnimada kacdoonka bulshada ee ay culimadu hormoodka u yihiin ee ka dhacay gobolka Banadir iyo nawaaxigiisa. Sidii bilowgiiba ay yeeshay waa in ay soo dhoweysaa oo garabsataa.

 

t)Ciidamada shisheeye ee ay dalbatay waa in ay joojisaa. Waa in ay garab iyo gaashaan ka dhigtaa oo kalsooni ka doonta ummadda soomaaliyeed oo ay uga turtaa in uu dib u abidsado(dhaco) dagaal, qax iyo balanbal dambe.

 

j)Waa in ay oggolaataa in dadka kacdoonka wadaa ay sameeystaan maamul goboleed ay iyagu raali ka yihiin.

 

x)Ugaarsiga culimada lagu hayo ee loogu gacan gelinayo qowado shisheeye ama loogu hanjabayo waa in ay joogsato. Dawladdu waa in ay difaacdaa xaquuqda asaasiga ah ee wadaniga soomaaliyeed.

 

kh)Xilka xaqiijinta in dalka ay argagixiso joogto waa in dawladda federalku dhabarka u ridataa oo iyadoo kaashanaysa masuuliyiinta kacdoonka shacabka iyo maxaakiimta waa in ay hawshaas gashaa oo kadibna jawaab cad ay caalamka iyo ummadda soomaaliyeedba siisaa.

 

d)waa in ay u dhaqantaa oo u hadasho sidii dawlad shacabka soomaaliyeed leeyahay. Hoggaamiyayaasheedu waa in ay ku dhex jiraan, naftoodana khatar u geliyaan si ay dadka ugu dhowaadaan.

 

r) Waa in ay dhaqso ugu dhaqaaqdaa oo xilkeeda 1aad ka dhigta samaynta dastuurkii dalka lagu dhiqi lahaa marka waqtiga xilkeedu dhammaado. waa in lagu talo galaa dastuurka inta aan la hirgelin in afti loogu soo bandhigo dadka

 

Dawladda Dawladda ku meel-gaarka ahi haddii ay Alle tawakal saarato oo ay shacabkeeda iyo culimadeeda ku kalsoonaato talada iyo xukunkana ay ka qaybgeliso in ay guulaysanayso ayaan qabaa

 

talooyinkan iyo kuwo kale oo aynu bixnay in mid keliya aysan labada qolo si daacad ah u qaadan waad aragtaan. Marka waxaan mar labaad furayaa dood cusub.

 

Su'aalo:

 

1)Wax aan suurto-gal ahayn miyeynu ku talinay -waqtigaas hore ?

 

2) Maxkamadaha maxaa ka khaldmay oo sababay in xukunkii gacmahooda ka baxo ?

 

3) Talooyinkeenna ama aan dhaho talooyinkayga haddii la qaadan lahaa ama kuwo ku dhow, haddii aad male awaasho, xaaladi sidee bay u ekaan lahayd maanta ?

 

4) Waan-waanta cusub ee socota maxaad kula talin lahayd labada qolo ?

 

Talooyin wanaagsan fadlan mar labaad soo jeediya oo yidi-diilo leh !

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
stoit   

Walaal positive fakrado fiicfiican baad soo jeedisay. Somaliya iyo soomaalida oo dhan meel walba ay joogto waxaad moodaa in aysan wali bislaan. Nabadgalyada waxay tahay ama waxay tarikarto , dadku wali uma cadaan. Waxaan maqli jiray,” meel haday kuu cadahay meelbaa kaamadaw”. Somalida ila hada wali kulaylkii qashinkii nagamawada gubin. Waxaan qiyaasayaa jaa hada qofwalba oo Somali ah khaati in uu joogo oo diyaar uu uyahay in uu dhaho “anigu dagaal marabi! Waxii aad dagaal igusoo dhicinlahayd nabad iigusoo dhici ama igahayso”

 

Dagaal markii lawada ogaado wiil in uusan kudhalan ee wiil un uu kudhinto, ninwalbana ciyaalkiisa iyo cidiisa nolol uu lajeclaado oo dadka oo dan ay hal meed kasoo wada jeestaan ayaa runtii laisla meeldigikaraa. War dhamaanay ee saan talo ma’aha. Runtii waa xaaqiiq maanta waxa noo noqotay anagoo dhan; dil iyo dagaal in ay waxwalba xal unoqoto, burbur iyo baaba’ in aan caadaysano, baahi , baas joogta ah iyo bahal ayaa ayagana dhinac nagaleefay. Dalkii dhamaa dalkii waa udhamaatay markaasay rabaan in ay nagadhaadhiciyaan in ay wali dagaal Somali dan ugu jirto. Anigu kayeeli mayo.

Talo adaa kunool ee ayada kugumanoola soo lama oranjirin. Talooyinkaaga kuwa fiican bay ahaayeen saxiib. Wixii hore hada tage. Hada iyo kadib. Si aysan khasaaradeena maalinba maalintakale ugasii badan, waa in aan meel aan wax kabilawno helno. Markaas kadibna tilaaba walba anagoo kafiirsanayna meeshaan kaqaadayno iyo meeshaan digidoono tartiib waa in aan horay ugu socono. Galaal ninkii fiirsha nagamid ma’aha. Waxaan kawadaa xal dhibaatada dalkeena iyo dadkeena haysata ma’ahane wax kale wakhti iyo tabar toona uma hayno. Waxaan kasii wadaa dib ugocosho iyo waxyaalaha lamidka ah, wa in marka hore meel laiska dhigo.

 

SIDAY ANIGA ILA TAHAY.

 

Bilow.

 

marka hore waa in dagaal dambe aan laqaadin siiba shacabka. Shacabka markii ay dagaalka joojiyaan kuwa mucaaradka hogaamiyaha u ah waa in ay xisbi siyaasadeed suubsadaan oo taageer dadwaynaha ay kaga raadsadaan ujeedooyinkooda oo cad ama horumarka somaaliyeed sidii ay u hirgalin lahaayeen. Hadii si ay sheegayaan taageeroyaal tirobadan ay haystaan kolayba ayagaa guusha helidoona. Doorashada soosocota insha ALLAH hadii ayaga ay guulaystaan oo xaqdaro looga dhaco guusha, dee markaas hadii aysan dadka somaliyeed oo dhan isla kacin waxlayaableh ayay noqon doontaa baan umalayn anigu.

 

Labaad

 

Waxa laisugu yimaada waa nidaam. Ninkii waxgarad ahna wuu ogyahay nidaamla’aan waa fidno socota . Nidaamka marka waa in qofwalba uu isku xilsaaro in uu xoojiyo. Maguulaysan wayday? Dib isugu noqo, isa soo habee, meelaha banaan buuxi oo adigoo diyaar ah marka kale soo halgan. Kuweena ugu garashada badan waa in ay noqdaan kuwa ugu dulqaadka badan, uguna fakrad iyo fiiro dheer. Gaashaanka ma’aha in lagu aadiyo kuwii fakradaheena nagu raajiwaaya ama kabasoo horjeesta oo dood kugula dagaalama, ee kuwa nacamlaynta kudheereeya iyo dabanaagayska ayaa kuhaboon in laiska gaashaamo.

Madaxweyne hore oo maraykanka J.FKennedi oo dalka ayaa hada kahor wuxuu yiri baa layiri “hawaydiin dalkaaga wuxuu adiga kutari karo ee waxaa waydiisaa waxaad adiga dalkaaga utarikartid.” Somaali walba iyo afrikada oo dhan waxaa faced kareebtay waa fakriad ah yaan lagaa boobin! Intuu asaga maalilahaa maan anigu maalo oo meelaysto! Iyo fakrado lamid ah. Talidii madaxweyne JFK aan raacno. Suaasha hada kadib waa in noqoto “maxaan dalkayga uqaban karaa”

Walaalkeen positive ayaa arintaan dhameeyay. Marhore buu kalatuuray, anigu waxayga waa suubis. Waxaan filanayaa laakiin suugadayda in dad aan rabin oo badan ay jiraan. Sidaa rabtid saxanka u suugayso, markii ay baahi kuahyso, waa qasab in aad wax cuntid, hadii kale geeri baa kusugaysa. Maanta soomalida baahidooda waa nabad, ama dadkaaga duliga ah dayso ama dagaal kujir waligaa, dayso ayaa aniga ila mudan. TFG ga ayaan haystay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Ayoub bro and Malikah sis

 

We are in June 2009, exactly, three years later after the Islamic Courts Union took power in Mogadishu from the criminal warlords

 

In 2006, the Islamic Courts Union was an alliance of most Islamic groups. The other alliance was the Criminal Warlords alliance which was humiliated and one of its leaders driven to drown in the Indian ocean.

 

In 2009, there is a different formation, a minority of the ICU are in alliance with Criminal Warlords, while the majority of their past allies are in the opposition and about to take over Mogadishu again, ironically in the same summer season.

 

My advice above for the courts in Summer of 2006 still holds true for the new opposition of the Islamic alliance.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this