Sign in to follow this  
Siciid1986

Warbaahinta Ku Hadasha Afka Xukuumada Oo Difaacday Calasow

Recommended Posts

Warbaahinta Ku Hadasha Afka Xukuumada Oo Difaacday Calasow

 

Hargeysa, Octobar.24.2009 (Saxannews) Qaar ka mid ah warbaahinta kuhadasha afka Xukuumada ayaa si wayn u difaacday Daahir Calasow oo ahninka iska leh Shabakada wararka ee Waagacusub, kaas oo ay Ururadasaxaafada ee Somaliland ay canbaareeyeen wararka uu ku daabaco bogiisa Internetka, kaas oo caadaysto inuu warar been abuur ah ka qoro Shirkadaha ganacsiga Somaliland, isagoo kagaga doonaya inay siiyaan Baad.Shabakada ku hashada afka Xukuumada ee magaceeda la yidhaahdo Qarannews.com iyo Saylacnews.com ayaa si badheedh ah u difaacdayDaahir Calasow, isla markaana canbaarayn u soo jeedisay Ururada saxaafada iyo Suxufiyiin reer Somaliland ah oo maalintii doraat shiray yeesheen ku canbaareeyey ninka la yidhaahdo Daahir Calasow, islamarkaana uga digay inuu ka waantoobo hab dhaqanka xun ee uu caadaystayiyo wararka beenta ee uu ka faafiyo Somaliland isagoo adeegsanayamagaca suxufinimo.

 

Koox sheegatay inay yihiin Suxufiyiin reer Somaliland, balse ka baqdayinay magacyadooda shaaciyaan ayaa iyagu difaacay Daahir Calasow, islamarkaana si badheedh ah u weeraray Ururada Saxaafada ee reer Somaliland, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay u addeegayaan dano gaarah.

 

Sida ka muuqata Warbaahinta ku hadasha afka Xukuumada Rayaale ayaamuujinaysa inay ka xumaaday canbaaraynta loo soo jeediyey Daahir Calasow oo ah nin isugu u shaqeeya Hay’adaha sirdoonka Maraykanka,Somaliland iyo Somalia, kaas oo isagu lagu bartay wararka uu geliyobogiisa Internetka inay yihiin kuwo runta aad uga fog, isla markaana ku salaysan been iyo inuu ku helo lacag Baad ah oo uu kaga qaado Shirkadaha ganacsiga ee Somalia iyo Somaliland, madaama uu xidhiidh la leeyahay hay’adaha sirdoonka, waxa uu qoraaladiisa ku soo bandhigaa qormooyin uu farta ku fiiqayo cidii fullin wayda danihiisa inay kamid yihiin amaba ay xidhiidh la leeyihiin Ururada ay Argagaxisada ku tilmaanto dawladda Maraykanku.

 

Hadaba waxa la is waydiinayaa waxa ay Warbaahinta Xukuumadu u difaacayso Daahir Calasow, isla markaana ay ku canbaaraynayso Ururada saxaafada iyo Suxufiyiinta reer Somaliland.

 

calasow.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Not newsworth at all!

 

waxaas oo kale waa wararka lagaga hadlo fadhi ku diriryaasha waayey wax ay ka hadlaan ama qabtaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by nuune:

Not newsworth at all!

 

waxaas oo kale waa wararka lagaga hadlo fadhi ku diriryaasha waayey wax ay ka hadlaan ama qabtaan

Indeed.... :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

oo Culusow weli ma hadlaa? soow kii la soo helay oo la yidhi ninku meel uu ka yimidba lama yaqaan magacaan uu watana lama yaqaan.

 

Malaha maqaallo uu beri hore qoray baa la daba jooga? war ninku wuu dhuuntay sidii dad yaqaanna loo helay oo xitaa meeshuu ku dhasgay iyo odayga uu isku magacaabay soo bandhigay.

 

ninka berigaasaa hadal ugu dambaysay ...bal din u eega. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this