Sign in to follow this  
djibsomali

A SANE VOICE IN NORTH WEST SOMALIA(GOB versus GOUN)!!!

Recommended Posts

The bellow extra is the writing of a sane voice in what some call somaliland where unhumain and unsomali acts are commited.

(Anyone can set up road bloc and kill unnocent travelers to djibouti but that will be unsomali)

 

 

Dad badani waxay isweydiinayaan su’aasha ah. Dadkii maxaa ku dhacay?

Waxan isku sheegay odayaasha (JB) tan loogama fadhiyin ee mid kale ayaan ka suagaynaa haddaan nahay Beelaha dhexe ee waddankan. Dadkani waxay ceebeeyeen magacayagii iyo dadnimo aan taariikh u lahayn. Waxa ku jira dad “Yiciis ah” oo dhaawac wayn u gaystay himiladii aan u soo halgannay. Rag wuu iska horyimaadaa oo wuu isdilaa, laakiin lama arag taariikhda dadkeenna wax dad aan waxba galabsan waddo u joogsada oo sidaa foosha xun u dila . Waa ceeb xad dhaaf ah. Waa gunnimo iyo nacasnimo. Waa xayaawaannimo dhab ah.

haddaanu nahay dadkan waddankan idinla degan ee weliba bahdiina ah waxan idinka sugaynay jawaab inaad ka bixisaan waxaa foosha xun. Lama garan karo caqli fayow inuu hanjabaad cusub keeno kii oo tii horeba foolxumadeeda sita. Haddaba suaasha aan is weydiinaynaa waxay tahay: Malaha dadkani ma garanaan dhibta ay geysteen xaddiga ay leedahay iyo raad xumada ay reebi karto. Aabahay wuxuu ku dhintay buuraha Ethopia, adeerkayna dagaalkii ******ta ayuu ku shahiiday. Waxad lumiseen:

 

-Himiladii aabahay iyo adeyrkay iyo tii kumanyaal kale oo ujeeddu u dhintay

-Nabadii waddankan lagu wada joogay

-Magacii beeshaydan ku faanaysay guusha

-Dadnimadii iyo naxariistii aadaminimo

-Gobanimo aan qayrkay ugu faani jiray oo aanan manta sheegan karin

-shuruucdii diinta Islaamka

-Qiimihii aqliga qofka ka soocayay kan xoolaha

 

Dadkii aad waxaas oo foolxumu ah u gaysateen arrimahan kor ku xusan oo dhan bay eegeen. Way ka xarragoodeen inay waxaad samyseen ku kacaan. Waa geesiyaal ammaan badan mutaystay , gacan nabadeed iyo middii walaalnimo ayaanan hawada u lalinayaa. Geesigu waa ka naftiisa ka adag ee leh argti dheer. Maaha fukuclaha waalan ee warranka la booda. Waxaad fasheen waa wax aad u sahlan u qof walba si dhib yar u samyn karo . Qof dadnimo meel uun ka soo galana, dadnimadiisa ayaa ka hor joogsata. idinku ma soo gashaane oo foolxumaad qurux mooddeenne.

 

Odayaal waxan idin leenahay maydinaan talin, manaydinaan baaqin ee sida xoolaha ayaad cideen. Waxad la garaad tihiin oo la daaqdaan xoolihiinna. Waxan si degdeg ah idiinka sugaynaa inaad noo soo sheegtaan dad iyo dugaag midka laydinku soo hagaago.

Kayse Nuur Xasan

UK. London

 

source

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by djibsomali:

 

(Anyone can set up road bloc and kill unnocent travelers to djibouti but that will be unsomali)

Stop crying dawg...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this