Sign in to follow this  
The Zack

Sharif Faroole oo Addis Ababa looga yeedhay

Recommended Posts

Originally posted by General Duke:

^^^How has Puntland tried to blackmail the TFG?

 

Explain yourself lad.

1- Give us the lion's share of proceeds from the international community

 

2-Let us write the future Constitution in our home town (basically setting the terms of power distribution within the Federal structure as well as regional vis-a-vis Federal power distribution)

 

That's why it's called a shakedown or blackmail. When Ina Abdirashid went back to Mogadishu and showed the boys in Xamar the document he signed with his Tol, he was quickly told what to do with it. Today, you have the results...

 

Wax kastaba waa inaan far-waaweyn kuugu qoro, no!?

 

Try the security angle again, it's brought some dividends in the past ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Nayrobi: Madaxweynaha Puntland oo ku jiheysan Addis Ababa

13. november 2009

APL

 

Nayrobi(AllPuntland)- APL ayaa heshay xaqiijinta warka sheegaya in uu Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo caawa usocdaalayo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo ay la socdaan qaar ka mid ah xubnaha golaha Wasiirada.

 

Madaxweynaha oo ay la socdaan Wasiirka arrimaha gudaha, dawladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga Jeneraal C/laahi Axmed Jaamac (Ilka-Jiir) iyo Wasiiro kale ayaa uduulaya magaalada Addis Ababa, markii ay casumaad ka heleen Raysalwasaaraha dalka Itoobiya.

 

Xiriirka labada dhinac ayaa lasheegay in lugu soo qaadayo wada xaajoodyadaasi, ayadoo ay maalmihii ugu dambeeyey uu xumaaday xiriirka Puntland & Itoobiya, hadana dawladda Puntland ayaa aqbashay in ay Madaxdeedu tagaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

 

Mr, C/rixmaan ayaa horay ugu diray dawladda Itoobiya warqad uu kaga hadlayay, falkii ay ciidan ka tirsan Itoobiya ku galeen deegaanadiisa, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, taasoo ay dawladda Puntland uqabatay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka dawladda Itoobiya, oo hada lugu hayo Xabsiyada sida gaarka ah loo ilaalsho ee Puntland.

 

Itoobiya ayaa doonaysa in ay la baxdo Saraakiishaas, balse taasi waxaa dhabarka ujeedisay dawladda Puntland, oo ku sheegtay mid aysan marnaba aqbali doonin, sidoo kale dawladda Puntland ayaa saraakii ka tirsan ay usheegeen APL in ay jiraan shakiga ah in Itoobiya & ONLF, ay doonayaan in ay ku dagaalamaan gudaha Puntland, taasoo wax aan la aqbali Karin ay ku sheegtay Xukuumada Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed ayaa hor-dhigaya Raysalwasaarah dawladda Itoobiya Meles Zanewi qodobo xasaasi ah oo ku aadan xaaladaha labada dhinac, ayadoo la filayo in ay dhinacyadu si dhab ah uwada hadlaan, ka dibna ay soo saaraan go’aamo ku wajahan xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu horkacayo oo u dhoofay Itoobiya

Jimco, November 13, 2009(HOL): Waxaa goor dhaweyd ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo ku sii jeeda Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

 

Madaxweynaha ayaa intii uusan u dhoofin dalka Itoobiya waxaa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Soomaalida ee Kenya madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, iyadoo kulankaasna uu is-garan la’aan ku soo dhamaaday.

 

Lama oga ilaa iyo haatan waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu u aaday dalka Itoobiya, hayeeshee wuxuu dhawaanahan ku mashquulsanaa safarro uu ku kala bixinayay dalal badan oo Caalamka ah, kuwaasi oo uu taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale uga raadinayo Dowladda uu madaxweynaha ka yahay.

 

Wixii ku soo kordha socdaalka uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu amba baxay Dalka Itoobiya kala soco halkan haddii Alle idmo

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiaan Online

sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this