Sign in to follow this  
SOO MAAL

Muuse Suudi: Anigu nabadna ma rabo, kheyrna ma rabo, in uu dadka hoogaan rabaa

Recommended Posts

SOO MAAL   

Hogaamiye-kooxeedka wasiirka noqday Muuse Suudi Yalaxow oo talaadadii shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa Cabdullaahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddi kula taliyay in ay Muqdisho xarun ka dhigtaan.

 

Muuse Suudi oo Hotelka Intercontinental kula hadlay saxaafada ayaa sheegay in lacag gaareysa Nus Milyan Doolarka Mareykanka ay bil kasta ku baxdo hogaamiye-kooxeedyada Soomaalida ee ku sugan magaalada Nairobi.

 

Muuse Suudi oo wasiirka ganacsiga ka ah dowlada debed jooga ah ee Cabdullaahi iyo Geeddi ayaa sheegay in aaney cidina ku dhiiran karin in ay shaki geliyaan in ay Muqdisho caasimadii dalka tahay.

 

Muuse Suudi ayaa sheegay in ay hogaamiye-kooxeedyada Muqdisho diyaar u yihiin in ay caasimada kusoo dhoweeyaan Cabdullaahi Yusuf, balse hadii uu Cabdullaahi diido in uu Muqdisho yimaado "aniguna nabadna ma rabo, khayrna ma rabo, ee hoog in uu dadka hoogaan rabaa" ayuu yiri Muuse Suudi.

 

Muuse Suudi ayaa dhanka kale sheegay in markii Cabdullaahi la doortay uu is lahaa odaygu wuu ka daalay jabhadeyn, wuxuuna qaatumadiisa ku dhameysan doonaa si wanaagsan, balse waxaa jira qof siduu Muslim u ahaa qaatumadiisa gaalnimo ku dhameysta, waa sida uu Muuse Suudi hadalka u dhigaye.

 

Hadalada kasoo yeeray Muuse Suudi ayaa qeyb ka ah ah kuwo ay beryahanba is dhaafsanayeen hogaamiye-kooxeedyada dowladnimada sheegtay ee ay Nairobi xarunta u tahay.

 

Burtinle-Online

editor@burtinle.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bachelor   
:D:D @SUUDI!!! AH!! this guy is nothing but a knuclehead "in dadka hoogaan rabaa" GOD FORBID I felt sorry for those who held him as a leader.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jalaato   

"aniguna nabadna ma rabo, khayrna ma rabo, ee hoog in uu dadka hoogaan rabaa".

Subxaan halaa, hoog aa. He should be one of our leaders,but I never Thought that he's going to lead us to the promise land any way.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

cajiib....a man of his character has the audacity to call A/Y a kafir

That’s pretty serious, but honestly I can’t understand the life in me why people even listen to such men (warlords).

 

The sooner we discard them, the better off we will all be.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Rahima:

I can’t understand the life in me why people even listen to such men (warlords).

 

The sooner we discard them, the better off we will all be.

Good including Presidnet Yeey, cause he also falls under that category 'former Warlord'.

 

"aniguna nabadna ma rabo, khayrna ma rabo, ee hoog in uu dadka hoogaan rabaa".

Where and when did Mudane, Al-Wasiir, Al-Xaaji Muse Sudi Yalaxow make this statement or are you Pukelanders trying to mar the good name of the honourable man. You guys worship xoolo foqal xoolo like Yeey and are trying to say something about the Mudane Muse Sudi. You all should be

4_2_111v.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

if Yalaxow is honourable...then so is A/Y.

 

This kind of attitude is resposible for our well known status of Asylum seekers aka refugees redface.gif

 

Rahima

 

you and i can easily sit here with our western passports and discard them but for people back home it is a different story

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jumatatu:

Where and when did Mudane, Al-Wasiir, Al-Xaaji Muse Sudi Yalaxow make this statement or are you Pukelanders trying to mar the good name of the honourable man.

Pukelanders LOL Real original. Your friends must think you're a real 'mujahid' fighting against the infidels from 'Pukeland' with your creative twists on words on the Internet. :D How many like-minded folks do you inspire? Be honest okay..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this