Sign in to follow this  
Maaddeey

Faroole: Dilalka PL ka dhaca waxa laga soo abaabulaa Koonfurta

Recommended Posts

Maaddeey   

Madaxwayne Faroole oo sheegay In dilalka ka dhaca Puntland laga soo abaabulo Koonfurta Soomaaliya

 

Arbaco, June 16, 2010 (HOL) −Madaxwaynaha Puntland Dr C/rixmaan Maxamed Faroolle oo ka qayb galay kalfadhigiii 24aad ee Barlamanka Puntland ayaa ka hadlay Dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay meelo kamid ah Gudaha Gobolka.

 

Waxa uu sheegay Madaxwaynaha in ay jiraan dad dano gaar ah ka leh Puntland ,isla markaana doonaya iney horseedaan qas iyo dhibaato ,isagoo xusay in Puntland ay nabad tahay.

 

Madaxwayne Faroolle ayaa sheegay in dilalka Puntland ka dhaca badankood laga soo agaasimo koonfurta Somaliya ,Waxaana uu intaa ku daray in ay saldhigyo ku leeyihiin meelo ka mid ah magaalooyinka gobolka ugu muhiimsan.

 

Inta badan kiisaskii Puntland ka dhacay gacanta ayaa lagu hayaa ,balse waxaana jira kuwa meello ka baxsan dalka laga soo abaabuloo oo lagu raad joogo" ayuu yiri Madaxwaynaha oo markaasi kahadlayay amaanka Puntland.

 

Dr C/rixmaan Maxamed Faroolle madaxwaynaha puntland ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Gaarsoorihii Maxkamada Gobolka Bari oo Maalmo ka hor Bosaaso lagu dhex toogtay.

 

Ugu danbayntii hadalka ka soo yeeray madaxwaynaha puntland ayaa imaanaya,iyadoo maalmo ka hor maamulka lagu eedeeyay in uu wax ka qaban waayay amniga gobolka oo ay ka dhaceen dilal kala duwan.

 

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Bosaso,Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shilling   

There is no doubt that those who destroyed Mogadishu would not blink to destroy Puntland, Somaliland, and extend their violent reach to neighboring countries like Ethiopia and Yemen. I'm going to have to agree with Faroole on this.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this