Sign in to follow this  
Sophist

Urgent News; The Imprisonment of the Sultan Buurmadow

Recommended Posts

Kowneyn   

Nasir:

 

To say that his tribe arrested boqor buur madow is to add insult to injury. Perhaps few shortsighted and Somaliland crazed politicians may agree with this most disrespectful move on the part of this government, but the majority of his tribe are pissed and if he is not released immediately we will be at the door of the presidential palace very soon inshallaah.

 

The current Somaliland is not what thousands of sincere people fought for. This government is a result of Egal's shameless attempt in replacing the ***** government with ****** government. It was unbridled greed and selfishness that dashed the hopes of the Somali nation then and its exactly what threatens Somaliland today.

 

Its time that both siyaadist and egalist take a back seat and allow for the selfless and sincere sector to build a nation that is muslim and democratic and where eqaulity and justice are the rule.

 

The first thing on the agenda is to get rid of Rayaale by hook or by crook.

 

Kowneyn

 

 

Please don't use qabiil names on your post next time

 

Admin.

 

[ January 28, 2004, 07:35 AM: Message edited by: Admin ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

PRESS RELEASE

 

PUNTLAND STATE CONDEMNS THE ARREST IN HARGEISA OF A RESPECTED TRADITIONAL LEADER AND A PAEACE-MAKER

 

Puntland state of Somalia condemns, in its strong terms, the arrest in Somaliland of a respected Traditional Leader and a Peacemaker, Boqor Osman Mohamud ( Buur-Madow) in Northern Somalia.

 

This is also to confirm that the Boqor had been assigned to embark upon a shuttle diplomacy between the Presidents of Puntland and Somaliland by the initiative of the President Dahir Riyale Kahin. The President of Somaliland spoke by phone on several different occasions with the President of Puntland, Abdullahi Yusuf Ahmed each time through the arrangement of Boqor Osman Buurr-Madow.

Press Release

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

I wonder if this is a telling off to other elders and cland leaders in SL to show and keep their mouth shut or else..

I presume this is just looking @ the skills gained from Barre's regime in action so no suprise...nam'ean. speaking of this, do the ordinary Slanders on street feel secure in criticising..or differing with Riyale..or?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nasir   

*********DELETED***********

 

Please edit the qabiil names before you post your article.

 

Admin

Somalia Online

 

 

[ January 28, 2004, 02:29 PM: Message edited by: Admin ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Xisbiga KULMIYE Oo Dhaleeceeyey Qaabkii Loo Xidhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow)

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 28 January, 2004

--------------------------------------------------------------------------------

 

Hargeysa - Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa warsaxaafadeed uu xalay soo saaray waxa uu ku tilmaamay qaabkii loo maray xadhigga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow mid baalmarsan sharciga iyo dastuurka dalka Somaliland.

 

Warsaxaafadeedkaas oo uu baahiyey Xoghayaha Guud ee KULMIYE, Daa'uud Maxamed Geelle, isaga oo faahfaahsan, wuxuu u qoran yahay sidan:

 

“Iyada oo sida dastuurkeena ku cad sharciga iyo xeerarka wadanka loo siman yahay oo ay tahay in cid alaale cidii umada dambi ka gasha loo maro si waafaqsan Dastuurka Dalka u yaala,darajo kasta oo uu doono ha lahaadee, qodobka 250aad ee Dastuurka faqradiisa 2aad waxaa ay qoraysaa "Ma banaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uu san markaa dambi faraha kula jirin ama uusan amar qabasho ah oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi."

Kama hadlaayo in Boqorku dambi galay iyo in kale Maxkamad ayaa taas cadayn doonta hadii dariiq sax ah loo maro laakiin

waxaanu ka hadlaynaa in qaabka loo qabtay uu yahay qaab baal marsan ka horimanaya amase uu diidayo Dastuurka qaranka u yaalaa.

 

Dhacdadan qaabka daran oo aan ahayn markii koowaad ee ay dhacdo waxaa ay dad badan oo maanta nool xasuusinaysaa murugna ku reebaysaa qaabkii uu u dhaqmi jiray Taliskii dhagarqabaha ahaa ee Siyaad Bare kaas oo ay caado u ahaan jirtay inuu saqda dhexe guryaha ugu dhaco dadka iyadoo aanay jirin dariiq sharci ah oo loo maray,waxaanu leenahay Hoombaro Libaax bay soo wadaa,waxaanu leenahay Xukuumadan ay caadada u noqotay sharci baal marista iyo is indha tirku shaqadeeda ha u marto hab waafaqsan dastuurka dalka u yaala hadii kale dhibteedu ma yaraan doonto”

 

 

Dhinaca kale, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Suldaan Maxamed Carab Cabdi oo iyaga oo joogga Burco u warramay Wargeyska Haatuf ayaa xukuumadda ugu baaqay inay xorriyaddiisa u soo celiso Boqor Cismaan.

 

Golaha Salaaddiinta Somaliland, xubnahooda jooga Hargeysa ayaa iyaguna shalay ka fadhiistay xadhigga Boqor Buurmadow. Hase yeeshee, wax war ahi kama soo bixin weli. Guddoomiyaha Golahaas, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali oo aan shalay kula kulmay Hotelka Hargeysa Club, isla markaana aan wax ka weydiiyey xadhigga Boqor Cismaan, iyadoo ay markaa la fadhiyeen Salaaddiin kale, waxa uu ka gaabsaday inuu wax ka yidhaahdo, waxana uu sheegay in uu xog urursi ku jiro si ay salaaddiin ahaan wax uga ogaadaan arrinta lagu xidhay Boqorka.

 

Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

 

------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Boqor Cismaan Buurmadow Oo Saaka Maxkamadda La Geeyey, Kadibna Loo Gudbiyey Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 28 January, 2004

--------------------------------------------------------------------------------

 

Hargeysa – Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo habeenkii Salaasadii boolisku ka qabtay hotelka Hargeisa Club oo uu degganaa ayaa maanta la horgeeyey Maxkamadda Gobolka Hargeysa, kadib markii muddo 30 saacadood ka badan oo uu ku xidhnaa Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa lagu hayey baadhis adag.

 

Maxkamadda oo ammaankeeda aad loo adkeeyey saaka markii la geeyey Boqor Cismaan, waxa ay ahayd mid aan loo ogolayn dadweynaha iyo Saxaafadda. Waxaana Boqor Buurmadow loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Hargeysa oo uu hadda ku jiro, kadib markii Maxkamaddu u jartay Rummaan ama inuu garsuge ku ahaado Xabsiga.

 

Lama oga muddada rummaanka, taas oo uu badiyaa ku salaysan eedda loo haysto garsugaha.

 

Boqorka Cismaan muddadii uu ku xidhnaa saldhigga dhexe ee Hargeysa oo ay boolisku su’aalo weydiinayeen waxa loo diiddey in eheladiisu ay arkaan iyo dad doonayey inay booqdaan oo ay ku jireen masuuliyiin sarsare oo dowladda ka tirsan. Sida ay ii sheegeen dad eheladiisa ka tirsan Boqorka oo leh xannuuno ay ka mid yihiin Dhiigkar iyo Macaan waxa shalay goor dambe loo ogolaaday in dawooyin loo geeyo.

 

Sida ay sheegeen dad goob joog ahi, Boqor Cismaan oo ay wadaan ciidan iyo saraakiil boolis ah ayaa xalay goor dambe la geeyey Hotelkii laga qabtay ee Hargeysa Club, halkaas oo ay boolisku ka bilaabeen baadhis rogaal celis ah oo ay ku fatasheen qolkii uu degganaa ee hotelka iyo gaadhigiisa oo isaguna ku xidhnaa, booliskuna ku ilaalinayey barxadda hotelka. Wararka ku saabsan hawlgalkaas qaarkood waxay sheegayaan in Boqor Buurmadow isla xalay la geeyey Madaxtooyada, laakiin ma jirto cid xaqiijisay taas. Waxaase si weyn loo rumaysan yahay in baadhistii lagu hayey Boqor Cismaan Soddonkii saacadood ee uu ku xidhnaa saldhigga dhexe ay tahay mid lagu baadi goobayey caddaymihii qoraalka ahaa ee uu sheegay inuu hayo.

 

Xadhigga Boqor Cismaan waxa uu ka dambeeyey waraysiyo uu siiyey Wargeyska Jamhuuriya iyo Telefishanka Madaxa banana ee SLtv, kaas oo uu daboolka kaga qaaday sir uu sheegay in uu caddaymaheeda hayo oo ku saabsan waanwaantii uu ka dhex sameeyey labadii kooxood ee colaaddu ku dhexmartay Puntland ee ay kala hoggaaminayeen Cabdillaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse, doorkii ay dowladda Jabuuti ku lahayd arrintaas iyo arrimo kale oo uu ka iftiimiyey colaadda gobolka Sool oo uu isagu sheegay in Madaxweyne Rayaale ku diidey hindise iyo dedaal nabadgelyo oo lagu gaadhi karo xuduudka Somaliland.

 

Ilaa iyo hadda xukuumadda Somaliland war rasmi ah kama soo saarin xadhigga Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow). Hase yeeshee, wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa u sheegay BBC-da in xadhigga Boqorka loo maray sifo sharci ah, isaga oo sheegay in loo haysto “dunuub liddi ku ah qaranimada”, taas oo uu sheegay in caddaymo ku filan loo hayo. Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in Boqorka lagu soo oogi doono in uu been abuur uu ka sameeyey madaxda qaranka.

 

Boqor Cismaan waxa uu ku sheegay waraysiyadii uu bixiyey xadhigiisa ka hor in uu ogaadey in Madaxweyne Rayaale iyo xubno miisaan leh oo UDUB ka tirsani ay fidinayaan eedaymo isaga ku lid ah oo la doonayo inay dadweynaha ku soo jeediyaan (isaga) oo ay ka dhigaan nin u shaqaynaya maamulka Puntland iyo Cabdillaahi Yuusuf iyaga oo ka duulaya nabadayntii Puntland ee hore taas oo uu sheegay in Madaxweyne Rayaale u diray, waxana uu sheegay in caddaynta arrintaas iyo siraha kale ee uu bixiyeyba caddaymahooda uu la hortegayo maxkamad. Isaga oo isla markaana ugu baaqay golayaasha qaranka inay baadhaan wixii tuhun ah ee isaga laga qabo iyo leex-leexa xukuumaddaba.

 

Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Somalia: Traditional Leader Arrested in Somaliland

 

Somaliland Interior Minister Isma'il Adan Usman told IRIN on Wednesday that the elder had been arrested for breaking Somaliland laws and "committing crimes against the existence of the state".

 

Boqor Usman is also being accused of "having contacts with Puntland [the neighbouring self-declared autonomous region]".

 

Tension has been high between Somaliland and Puntland over the Sool and Sanaag regions, which are claimed by both.

 

The Boqor had reportedly contacted Puntland authorities in an effort to ease the tension and avert armed confrontation, sources said. Isma'il, however, said that the Boqor "supports the reunification of Somaliland with Somalia and has therefore called into question the existence of the country [somaliland]".

 

 

It is a crime under Somaliland law to advocate the reunification of Somaliland with the rest of Somalia.

 

Full Story

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Difaaca Boqor Cismaan Dawlad “Buur Madow”

Faarax Aw Maxamuud Maxamed — OHIO,USA — 28 January, 2004

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxaa laga yaabaa in Soomaalida badankoodu barteen Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed ‘Buur Madow’, labadii sano ee ugu dambeeyey. Anigu waxa aan ahay ninka ugu aqoonta badan ee weligii yiqiinay, waayo waa walaalkay, oo weliba iga yar. Waxa aan hadda ku noolahay qurbaha (Maraykanka), laakiin intii aanan waddanka ka tegin walaalkay waxa aan u aqaaney Cismaan Dawlad. Markii aan maqlay magaca “Buur Madow,” waxa uu igu noqday wax igu cusub iyo filan waa. Sida Soomaalida dhaqankeedu yahay, hooyadu caruurteeda magaca rasmiga ah, mid naanays ah ayey ugu ladhaa (dartaa), kaas oo ay ka qiyaas qaadatay, garaadka, caqliga, kartida iyo firfircoonaanta ay ka dareentay ilamaha.

 

Hooyaday Ilaahay ha u naxariistee, waxa ay u bixisay Cismaan Dawlad. Inkasta oo hooyadayo Alla naxariistee yaraantayadii dhimatay, haddana raganimada iyo kartida ku jirtay Cismaan Dawlad, ma ahayn mid marnaba dhinac martay. Waxa aan dhihi karaa si fiican ayey u asiibtay. Arrintanina waxa ay dib ii xasuusisay heestii Hooyo ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ‘Hadraawi’ tiriyey:

 

 

Marka aad nin hooggiyo ka hor taga dagaalkoo

 

Garta hubin yaqaanoo xaqa hoos u eegoo

 

Halistiyo colaadaha dabka hura bakhtiiyoo

 

Ku hagoogta dhiiggoo dadka kala hagaajoo

 

Kala haga dhashaa baa hooyo lagu xasuustaa.

 

 

Ujeeadayda ugu weyni ma aha in aan ka sheekeeyo taariikhda reerkayaga ama midda Boqor Cismaan, laakiin waxaa qoraalkan igu kalifay xiisadda ka dhex aloosan Somaliland iyo Puntland, gaar ahaan gobolada Sool iyo Sanaag; iyo weliba xiisadda cusub ee ka dhalatay waraysigii Jamhuuriya qortay 26/1/2004 ee Boqorka ku saabsanaa; iyo xidhitaankiisii.

 

 

Boqor Cismaan Dawlad waxa la caleemo saaray (Boqray) bishii Oktoobar 15keedii 2002. Xafladda caleema saarka oo lagu qabtay duleedka magaalada Ceel Afweyn, waxaa ka soo qayb galay Salaadiin, Cuqaal iyo dadweyne aad u tiro badan, aadna ugu faraxsanaa doorashada Boqorka cusub. Cajilad laga duubay xafladdaas caleemo saarka oo aan daawaday, waxa ay ka turjimaysey amaba ka muuqday kalsoonida weyn ee dadku u qabey Boqor Cismaan. Run ahaantiina aad ayaan ugu farxay kalsoonida Cismaan tolkiis hoggaanka beesha ugu dhiibeen, waxana ay ii ahayd dharaar cad, in Boqor Cismaan xilkaas la saaray si weyn u gudanayo. Waayo, intii aan la dooranba waxa uu ka mid ahaa odayaasha xilka ugu weyn dadkooda u haya, nabaddana ka shaqeeya.

 

Waxa aan sidoo kale fursad u helay in aan daawado cajilad laga duubay qaban qaabadii, iyo xafladihii lagu sheshiisiinayey Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Janaraal Cadde Muuse Boqor. Farxaddii, rayn rayntii iyo rajadii ka muuqatay haweenka, caruurta, culumada iyo qofkasta oo madashaas joogay, waxa ay hayd mid ka weyn cabiraadda caqliga aadanaha. Waxaa dadka wejiyadooda ka muuqatey in waa cusubi dadka reer Puntland u baryey, nabadina u curatay. Waxaa iyaduna yididiilo iyo rajo weyn igu abuuray dedaalka, samirka, iyo kalsoonida ka muuqatey Boqorka iyo Suldaanka.

 

Haddii aynu dib u milicsano Khilaafkii u dhexeeyey Col. Cabdillaahi Yuusuf iyo Janaraal Cadde Muuse, waxa uu bilowday badhtamihii sannadkii 2002, waqtigaas oo sida la weriyey Col. Cabdillaahi Yuusuf dib ugu qabsaday magaalada xeebta ah ee Boosaaso, ka dib markii hore looga saaray. Dagaalka Col. Cabdullaahi Yuusuf dib ugu qabsaday Puntland, ciidamadii Janaraal Cadde Muuse watey waxa ay u gudbeen Somaliland, ugu dambayntiina waxa ay gaadheen magaalada Ceel-Afweyn.

 

Markii ciidamada Janaraal Cadde Muuse iyo ciidankiisii ceel-Afweyn yimaadeen, odayaashii magaalada ee Boqor Cismaan ka mid ahaa waxaa cadaadis weyn lagu saaray in ay ciidamadaas magaalada ka saaraan—taas oo macnaheedu ahaa in cadowgii ay ka soo carareen gacanta loo geliyo—Arrintaas oo keeni lahayd nafwaa iyo godob waarta. Haddii ficilkaasi dhici lahaana, waxa ay ahaan lahayd ceeb,sharaf dhac, magac xumo iyo iyo bar madow oo aan ka go’in dadka reer Somaliland, gaar ahaan dadka reer Ceel-Afweyn. Dhaqan ahaan, dadka dhulkaas deggan maganta iyo badbaadinteedu ma aha wax cusub ee waa dhaqan soo jireen ah oo dadka reer Ceel-Afweyn caan ku yihiin. Sidaas darteed, waxa aan aaminsanahay in Boqor cismaan iyo hoggaamiyayaasha reer Ceel-Afweyn fuliyeen xilkii saaraa ee magan gelinta iyo xal u raadiska khilaafka labada dhinac. Magan gelinta ka sokoow, walaalkay waxa uu xil adag iska saaray sidii uu khilaafka u furdaamin lahaa, isaga oo la kaashanaya madax-dhaqameed kale oo uu ka mid ahaa Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

 

 

Boqor Cismaan iyo Suldaan Siciid, waxa ay isa saareen xil adag oo ay colaaddaas ku furdaaminayeen. Nabad raadintaas qaban qaabinteeda oo socotayy muddo afar bilood ka badan, waxa ay ahayd guushii ugu weynayd ee laba qof oo Soomaali ahi soo hooyaan. Heshiiskaasi waxa uu ahaa mid qof kasta oo wax-garad ah, nabadana jecel u riyaaqay taageerayna. Waxa uu ahaa heshiis adduunka looga riyaaqay, waxa uu ahaa heshiish yididiilo iyo rajo geliyey dadyowga Soomaaliyeed ee xabbadu ka dheregtay.

 

 

Shahaado sharaftii ugu horeysay ee nabadda waxaa Boqor Cismaan iyo Suldaan Siciid la guddoonsiiyey gebogebaddii heshiiska Puntland oo la saxeexay 17kii May 2003; shahaadooyinkaas oo ay salaaddiinta guddoonsiisay hay’ad Swedish ah oo la yidhaahdo SOFIHA, waxa ay ahayd garasho caalami ah oo loogu aqoonsaday guusha ay salaadiintu gaadheen; waxa ay noqotay arrin caalamka tustay in Afrikaanku xallin karaan dhibaatooyinkooda iyaga oo aan shisheeya majaraha u hayn.

 

 

Salaaddiintaasi waxa ay baajiyeen dhiig islaam oo daata, waxa ay baajiyeen abaar waarta iyo colaad aan dhammaan. Dadka reer Puntland-na waxa ay muujiyeen mahadnaq iyo abaal-u-hayn salaaddiinta iyo dadka reer Somaliland. Waxaa maanta siyaasiyiin reer Somaliland ahi Boqorka ku eedeeyaan heshiiskii Puntland ee uu hoggaamiyaha ka ahaa, iyaga oo ku andacoonaya in haddii ‘********** ; isku dhammaan lahaayeen aan maanta gardarada Cabdullaahi Yuusuf joogteen. Waxa aan leeyahay hadalka noocaas ahi waa qayru-masuulnimo, in reer Puntland isku dhammaan lahaayeen iyo in kale Ilaahay uun baa og! Hase ahaatee, dagaalka Puntland ka dhex dhacaa marna dani uguma jirteen dadka reer Somaliland, gaar ahaan gobolada Sool iyo Sanaag.

 

 

Waxaa kale oo waraysiga Boqor Cismaan Jamhuuriya la yeelatay ka muuqda in iyada oo maamulka Somaliland la ogaa/xilsaaray heshiisiintii Col. Cabdullaahi Yuusuf iyo Janaraal Cadde Muuse lagu dhex dhexaadinayey. Aniga oo ku kalsoon in arrintaas xaqiiqadeedu soo bixi doonto, waxaan haddana ka warqabey in walaalkay cadaadis weyn oo ‘Borobagaandha’ ah maamulka iyo qaar ka mid ah saxaafadda Somaliland-ba ku wadeen.

 

 

Waxaa qawlaysatada isu kaashatay walaalkay ay wax badan ka shaqaynayeen sidii ay sumcaddiisa u baabiin lahaayeen, umadda reer Somaliland iyo dadkii doortayna uga horkeeni lahaayeen. Waxaa rag badan hinaase ka galay martabada sare ee walaalkay gaadhay. Markii lagu kashifmay, una suurtoobi wayday cadowgiisa in ay magaciisa kharibaan ayey bilaabeen xeelad cusub oo Somaliland u hoggaamin karta marxalad cusub oo dagaal iyo kala qaybsanaan.

 

 

Walaalkay waa nin magac iyo maamuus leh, dadka uu Boqorka u yahayna uma dul qaadan karo in sharaftiisa meel looga dhaco. Xidhitaanka walaalkay, waxa ay ka hor imaanaysaa jidka dimoqraayadda cusub ee shacbiga Somaliland doortay. Waxa ay ka hor imaanaysaa xasiloonida iyo deganaashaha waddaanka; waxa ayna Somaliland u celin doontaa ayaan darooyinkii la soo dhaafay.

 

 

Boqor Cismaan waxa uu mudan yahay sharaf, qaderin, maamuus iyo in loo aqoonsado halyey nabadeed oo magaca Soomaalida kor u qaaday.

 

Waxa aan aaminsanahay in Boqor Cismaan, salaaddiinta iyo dhammaan odayaasha nabadda jecel in aanay jirin cid uga habboon in ay xaliyaan dhibaatada ka aloosan gobolada Sanaag iyo Sool. Waayo, nabadi kuma timaado dareen ku dhisan caadifad, qallafsanaan, qabyaalad iyo qabweynaan. Waxaa loo baahan yahay qof intaas oo calaamoba ka fiyow, dhibaatadana ku xallin kara wixii Alle yidhi, taas oo aan marnaba ahayn ‘Muslimoow dagaalama.’

 

 

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa dagaal wiil laguma dhalo ee wiil baa lagu waayaa. Nabaddu waxa ay keentaa horumar, barwaaqo iyo bashbash; dagaalkuna waxa uu keenaa aano, aafo, iyo dib u dhac nolosha aadanaha ku yimaadda. Nabaddu waa qaali, laakiin waxa ka sii qaalisan dagaalka iyo colaadda oo aan maanta cidna dani ugu jirin. Haddaba, waxa aan qof kasta oo wax garad ah ama nabadda jecel kula talin lahaa in uu jidka nabadda ee walaalkay doortay lagu taageero, maamulayaasha Somaliland-na khaladkooda la tuso inta aanay waddanka meel baas u hoggaamin.

 

 

Haddii walaalkay khaldanaan lahaa uma hiiliyeen, waxase aan ku kalsoonahay in uu jidka nabad raadiska ee uu qaatay ku saxsan yahay. Waxa aan aaminsanahay in uu waddanka hore iyo dibba wax weyn u qabtay, kana mid yahay dadka nabaddiisu ku dhisan tahay. Waxa kale oo aan aaminsanahay in xidhitaanka Boqor Cismaan ay bilow u tahay waji cusub oo siyaasadeed—oo hadda uun bilowday; kaas oo ay asal u yihiin, cadaadis, cabudhin iyo cawaaqib xumo.

 

 

Faarax Aw Maxamuud Maxamed

 

USA.

 

farahm@somalimedia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this