Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed attacked as he met loyal troops. 1 dead many injured

Recommended Posts

Muqdisho:Madaxweyne shariif oo ka badbaaday weeraro hoobiyayaal ah oo lagu qaaday xarunta Iskool Boolisiyo oo uu kula hadlayey ciidamada dawlada

17. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )-weeraro hoobiyaaal loo adeegsaday aya lagu qaaday xarunta iskoola Boolisiyo oo uu madaxweyne Shariif kula hadlaayey saraakil dawlada ka tirsan iyo ciidamo .

 

Weerarada ayaa geystay khasaare dhimasha iyo dhaawac isugu jira oo aan la qiyaasi karin kuwaas oo u badan Askar iyo dad rayid ah.

 

Madaxweynaha ayaa markii ay madaaficda soo galeen xarunta waxaa lagu soo qaaday gaari nuuca qafilan ah ee ay leeyihiin ciidamada Amisom , waxaana lagu soo celiyey xarunta madaxtooyada .

 

la soco wixi ku soo kordhaa AllPuntland-Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaafiic Qasaare geystay oo lagu weeraray Iskool Booliisiyo xili ay ku sugnaayeen Madaxda dowalada.

 

Posted: 5/17/2009 4:53:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

Madaafiic Dhimasho iyo dhawac geystay ayaa lagu weeraray Iskool Booliisiyo xili ay ku sugnaayeen Madaxda dowalada.

 

Inta la hubo 1-qof ayaa ku geeriyooday 15-kane dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii Madaafiic lagu weeraray Dugisga Tababarka ciidanka booliiska ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha iyo Saraakiisha ciidamada booliiska.

 

Dugsiga oo ay ka socotay Munaasibad ayaa waxaa mar qura ku soo hobtay tiro madaafic ah oo aan la ogeyn halka ay ka soo dhacayeen,waxaana guud ahaan dadka ay waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen shacab ku sugnaa agagaarka Dugsigaasi.

 

Wixii warara ah ee ku soo kordha kala soco Shabelle.net hadii uu illaa inoo saamaxo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaafiic xoogan ayaa goor dhoweyd lagu duqeeyay Xarunta School Polizio, xilli uu halkaas Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu kaga qeyb galayay Munaasabad.

 

Wararka ayaa sheegaya in dhowr Madaafiic ay ku dhaceen Xarunta School Polizio, waxaana la sheegay in madaafiicdaas ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac, taasoo aan si rasmi ah loo sheegin karin tirada dadka ku waxyeeloobay.

 

Sidoo kale Madaafiic jawaabo u ah weerarkaas ayaa laga maqlay Magaalada Muqdisho, taasoo ku dhacday qeybo ka mid ah Magaalada, waxaana la ogeyn hadii ay qasaare geysteen.

 

Madaxweyne Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan Dowladda ayaa la sheegay inay ka qeyb galeen Munaasabada ka dhaceysa Xarunta School Polizio

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

su'aasha dadka jecel midnimada soomaliya ineey is weydiiyan mudan yaa soomaaliya maanta mideyn kara, shariifka mise gar gaduud iyo abu zubeyr ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this