Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Reer Nugaal support the exploration deal..

Recommended Posts

GAROOWE : Reer Nugaaleedka oo si aan kala harlahayn u taageeray Barnaamijka ay dawladdu ku doonayso in lala soo baxo Khayraadka dalka (Daawo-sawiro)

Posted to the Web Nov 01, 15:06

 

P1010053.JPG

 

Garoowe:-Casho-sharaf maamulka gobolka Nugaal iyo Kan Degmadda ay xalay xarunta Cilmi Baarista Puntland (PDRC) ay ugu sameeyeen Maamulka gobolka Nugaal iyo kan Degmada Wafdiga uu hogaaminayay Cadde Muuse M/waynaha Puntland oo ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Macdanta iyo Shidaalka Puntland Dr. Xassan Osman Mahamud (Aloore) wafdigaasoo soo dhawaan dhawaan safar shaqo oo u badan arimaha baaritaanka Macdanta iyo soo saarista Shidaalka Puntland ay ku gaareen dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Imaarad iyo Maleeshiya ayaa waxaa halkaasi la isku dhaafsaday warbino ay soo kala jeediyeen maamulka gobolka Nugaal , Issimadda , Nabadoonada iyo Aqoonyahanada gobolka Nugaal iyo Wafdiga dawlada oo warbixin ka dhiibay hawlaha Macdan barista Puntland.

 

a.JPG

 

Duqa Degmada Garoowe C/qaadir Cismaan (food-cadde) ayaa si wayn u soo dhaweeyay wafdiga madaxwaynaha wuxuuna warbixin kooban ka bixiyay xaalada Caasumadda Puntland ee Garoowe wuxuuna sheegay in ammaanku uu yahay mid heersare ah oo aad u xasiloon islamarkaasna deegeenka uu yahay mid barwaaqaysan oo roobkii Dayrta uu ka da’ay.

 

 

P1010012.JPG

 

Mr. Food-cadde wuxuu sheegay in maamulkiisu uu si wayn u taageersan yahay Barnaamijka dawladda ay ku doonayso in la soo saaro khayraadka dalka si looga faa’iidaysto wuxuuna sheegay in ay si wayn u soo dhawaynayaan.

 

 

 

Duqa Degmada Garoowe wuxuu M/waynaha hortiisa ka codsaday in lagu taageero maamulka Degmada Ciidamo isku-dhaf ah oo laga kala keeno dhammaan gobolada Puntland si hawlaha Canshuur uruurinta ay u noqoto mid la dardar galiyo si wanaagsan uga hawlgasha Degmada , maadaama ay Ciidankayagu iyo dadka deegaanku ay isgaranayaan sidaas darteedna ay ku adagtahay in ay sidii la rabay loo qaado Canshuuraha kala duwan.

 

 

 

C/laahi Ciise Aw-axmed Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in gobolka Nugaal uu yahay mid aad u dagan oo xasiloon ,islamarkaasna taageero u haya barnaamijka dawladdu ay ku doonayso in la soo saaro khayraadka dalka si looga faa’iidaysto.

 

 

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in inta badan warbixintiisa uu qoraal ku gudbin doono had iyo jeerna ay warbixinada gobolka oo dhamaystiran ay madaxda sare ee Maamulka u gudbiyaan.

 

 

 

Nabadoon Axmed-shire iyo Samadoon Daahir-sanwaylood iyo Mr.Cismaan Guureeye oo ku hadlayay magaca Odayaasha dhaqanka iyo Aqoonyahanada gobolka Nugaal ayaa si isku mid ah taageero ugu muujiyay dawladda barnaamidka soo saarka khayraadka ee dawladda ay ku doonayso in lala soo baxo khayraadka dalka , Daahir Sanwaylood ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in lala soo baxo khayraadka anagu ma doonayno in aan noqono Dameer Malab sida oo aan ka qatanaano khayraadkeena ayuu yiri Sanwaylood waan taageersan nahay in la soo saaro khayraadka waxaana wax ka dhihi doonaan marka la gaaro hawsha oo ay bilaababato.

 

 

 

Waxaa xusid mudan in dhammaan dadkan ku hadlayay afka reer Nugaaleed-ka ay xusayeen in iyaku ay dhaqaalahooda ay ku dhiseen maamulka Puntland sanadkii 1998-dii ayna ku dhiseen dayn taa soo inta badan wali maqan , sidaasdarteedna aysan munaasib ahayn in ay dayacaan oo ay cidla uga tagaan , balse ay markasta ay ka shaqaynayaan jiritaanka iyo midnimada Puntland.

 

 

 

Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa sheegay in Puntland ay barwaaqo tahay oo ay marayso heersare , wuxuuna Cadde Muuse ku ammaanay horumarka dalka ee uu ku haminayo in uu gaaro , wuxuuna ku dhiiriyay maamulka in la difaaco dalka oo laga hortago waxkasta oo carqalad ku ahaan kara ammaanka iyo xasiloonida dalka , wuxuuna M/waynaha iyo masuuliyiinta kalaba Alle uga baryay in uu ku garab galo hawshoosa ku saabsan horumarka dalka.

 

 

 

Suldaanku wuxuu sheegay in iminka baaritaan la samaynayo oo dalka laga baarayo khayraad haddii la waayo khayraadkaasi ma aha kuwa khasaaraya inaka laakiin waa iyaka maxaa yeelay iyaka dhaqaale aad u badani ka baxayaa waa Shirkadahee iyakaa khasaari doona mana jirto cid wax loo qabsan doono habayaraatee.

 

 

 

Dr. Xassan Osmaan Mahamuud (Aloore) Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Macdanta iyo soo saarista shidaalka dalka oo dawladu wakiilatay in uu ka warbixiyo safarkooda dalal dhowr ah ay ku soo mareen Wafdiga uu hogaaminayay Cadde Muuse oo Mr. Aloore iyo qaar ka mid ahaa xubnaha Wasiiradda Puntland ay ka mid ahaayeen wafdigaaasi.

 

 

 

Aloore wuxuu sheegay in ay la kulmeen in ka badan 40 Shirkadood oo isugu jira Shirkado dawladeed (Go vernal companies) iyo kuwo gaar loo leeyahay (Private Companies) ujeedada ay ula kulmeen Shirkadahaasi ay ahayd in ay la suuq-geeyo khayraadka dalkeena si wax looga ogaado , waxaan u sheegnay in aan anagu dawlad nahay oo dalkayagu uu ammaan yahay dhibaatadii dalka ka dhacday mudada 16-ka sano ahna aan ka badbaadnay sidaasdarteed ay Puntland doonayso in ay ka faa’iidaysato khayraadkeeda cidkasta oo arintaasi baaarintaan ku samaynaysana ay soo dhawaynayso.

 

 

 

Inta badan waxay u badnaayeen Shirkaduhu kuwo Cooperation ah oo magac iyo maalba leh , warbixino badan oo aan siinay kadib waxaan heshiis la galnay Shirkad Canadian ah oo aad u ballaaran oo lagu magacaabo Canmix , waxayna Saami (Share) ka iibsatay shirkada Range resource si ay qalabka lagu qodayo shidaalka ay uga haqabtirto.

 

 

 

Dhulkeena waxaa laga qodi doonaa 4 ceel 2 ka mid ah waxaa laga qodi doonaa gobolka Nugaal oo waliba meel Caasumadda Garoowe u jirta in aan ka badnayn 30 Km oo qura , waxaan filayaa in dadka reer Nugaaleed ay teegeero ay u muujiyaan soo saarista khayraadka ayna ku bixiyaan lacagtooda si loo gaaro hamiga aan tiigsanayo.

 

 

 

Waxaan aad uga codsanayaa reer Nugaaleed in ay igala shaqeeyaan soo saarista khayraadka oo sharaf inoo ah haddii uu hirgalana ay Ummadda reer Puntland ay ahaan doonaan kuwo sumcad ku leh caalamka oo loo sara-joogsado.

 

 

 

Ugu dambayntii Cadde Muuse M/waynaha Puntland oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu isagu si wayn ugu qanacsan yahay xaalada ammaan ee gobolka , islamarkaasna uusan dhibaato u arkayn haddii ay waxyaalo yaryar ay dhacaan dhamaan caalamka oo dhan shiddo waa ay ka dhacdaa dhibaato iska yar.

 

 

 

Dadka shacabka waa ay wanaagsan yihiin laakiin dhibaatadu waxay ka taagan tahay madaxda maamulka kii meel loo dhiibo dhaqaalaha ugu horeeya isaga ayaa cunaya oo maba ay soo dhaafayso dhibaato aad u ballaararan ayaa naga haysta arintaasi.

 

 

 

Hay’adaha ayaa qudhigoodu ay yihiin kuwo aan lala xisaabtamin oo aan dalka waxba ka qaban , Hay’addii wax qaban lahayd Wasiir ama Agaasime Guud ayaa ka qaadanaya $ 300 meel ay ku bixi lahayd ugu yaraan $40,000 waa arin dhibaato ah runtii tallaabo cad ayaan dhawaan ka qaadi doona kuwa waxaas sameeya.

 

 

 

Kulankan ayaa ahaa mid si wayn dadka reer Nugaaleedka ay uga muuqatay in ay u heelan yihiin in dalka laga soo saaro khayraadka si looga faa’iidaysto oo dalku u noqdo mid horumarsan oo soo jiita caalamka oo loo soo shaqo tago.

 

 

 

Axmed C/salaam

 

Garoowe , Puntlandpost.com

Qaadista-Sawirada Faa'iso Cabdi Dhalac Wariyaha Madaxtooyada PL

 

[ November 01, 2006, 05:12 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaflad Maamulka Nugaal iyo Degmada Garowe soo qaban qaabisay oo ka dhacday magaalada Garowe (Daawo Sawirada)

Last Updated::2006-11-01 11:33:54

 

Garowe:- Xaflad casho sharaf ah oo si weyn loo soo agaasimey ayaa waxa soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada ee Garowe.

 

Xafladda ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha DGPL Mudane:Maxmuud Muuse Xirsi iyo golihiisa xukuumada, Guddoomiyaha baarlamaanka mudane axmed cali xaashi iyo goloihiisa Wakiilada, isimo, waxgaradka gobolka nugaal, Aqoonyahanada, Nabadoonada, Shacabweynaha gobolka nugaal iyo haween-weynaha gobolka.

 

Hadaba xafladda ujeedadeeda ayaa ahayd sidii ay mas’uuliyiinta gobolka iyo waxgaradkeedu ay ugu xog warami lahaayeen dawladda uu horkacayo Madaxweyne cadde iyo baarlamaankana.

 

Weftiga Madaxweynuhu hoggaaminyeyna ay u xog waramaan dadweynaha iyo maamulkaba ee gobolka Nugaal.

 

Waxaana ugu horraynba shirka furay duqa degmada Garowe iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal oo labadooduba ka hadlay ujeedada xafladan iyo waxa ay xambaarsan tahay.

 

Waxaana halkaasi isna ka hadlay Maareeyaha guud wakaalada macdanta iyo shidaalka ee Puntland Xasan Alloore oo ka warbixiyey waxyaabihii ay la soo kulmeen iyo waxa ay rajeynayaan.

 

Waxaanu reer Nugaaleed iyo reer Puntlandba uu ka codsaday in nabadaas la haysto lagu fara adaygo, oo xaaladaha ka soo cusboonaaday Soomaaliya aynaan u hanqal taagin.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay aqoon yahano, nabadoono, ganacsato oo dhamaantoodba sheegay in ay jiritaanka Puntland uu yahay muqadas meelna looga soo wada jeesto wixii ammaan xumo ku keenaya layskana qabto.

 

Waxayna dhamaantood soo dhoweeyeen hadalkii iyo warbixintii maareeyaha wakaalada macdanta iyo shidaal, iyagoo qaarkood talooyin ay u soo jeediyeen dawladda si ay wax u saxmaan.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Suldaan Siciid Maxamed Garraase, isagoo sheegay in uu aad ugu hambalyeynayo maamulka gobolka iyo kan degmada ee xafladan soo agaasimay, dadkana ku booriyey in la adkeeyo nabadgelyada iyo midnimada.

 

Halkaasina uu ugu duceeyey ummadda puntland iyo soomaali weynba in ilaahay haybaddeedii u soo celiyo.

 

Hadaba ugu dambayntii ayaa waxa halkaasi qudbad dheer ka soo jeediyey Madaxweynaha DGPL,taasi oo taabanaysa dhinacyo badan oo ku wajahan waxqabadka dawladda iyo arrimaha nabadgelyada in la adkeeyo lagana shaqeeyo dawladda, iyo warbixin ku saabsan safarkoodii guulihii ay ka soo gaareen iyo waxa ay rajenayaan.

 

Intaasi ka dib ayaa waxa loo dareeray cashadii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

They definitely do, like I’ve been saying for a long time. The people living there don't have the luxuries that we living abroad do. They need to start generating jobs and exploring their resources. Extracting the oil is another story, but they can't just keep waiting and waiting.

Of course there are many who are all living abroad that continuously try and start problems. They try and find every excuse in the book, but anyone that's been there recently, like I have, knows there is no debate in Nugal. The people there including the Islaan and other leaders support the deal and have not said any words objecting to it. So those living aboad can complain all they want, but the deal is going through.

Share this post


Link to post
Share on other sites

All of them have one thing in common: Depressive-ridden faces.

 

Murugo iyo qalbi jab ayaa ka muuqda sideey ummada xoolahooda ugu tagri-falayeen, oo gaalo baas u adeegayeen.

 

Ilaahey hasoo hanuunsho inkaar-qabayaashaas, aameen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib you are depressed because of the progress of the state, insha alah we will get our oil, gas and other minerals and benefit the people by creating jobs and developing infustructure.

 

Puntland has its system, its courts, its parliment and its army. You need to go back and fix your areas before you lecture us.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

Somalipride

"They definitely do, like I’ve been saying for a long time. The people living there don't have the luxuries that we living abroad do. They need to start generating jobs and exploring their resources. Extracting the oil is another story, but they can't just keep waiting and waiting."

 

If only this was the case.

 

Surely you cant be that naive.

 

History shows that they are lucky if the average somali sees a penny of that money. Odeyaasha magaalada will line their pocket. This is happening all over Africa. When there is no proper regulations in place, corruption is rife with no process of accountability and transparency, average Cali on the street wont get a penny.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^Saxib you are depressed because of the progress of the state, insha alah we will get our oil, gas and other minerals and benefit the people by creating jobs and developing infustructure.

 

Puntland has its system, its courts, its parliment and its army. You need to go back and fix your areas before you lecture us.

Surely, we will do that after we clean the Ethiopian aggressors from all Somalia, especially Puntland and Bay region. Insha-Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib you need to clean out your brain of the garbage in it. Blaming Ethiopia for all your problems is not the way, peace, development and a national government is the way.

 

You keep hiding behind Ethiopia for the failure of leadership..

 

Puntland, blames no one, attacks no one and pretends to be nothing other than what it is, a state moving forward.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

Originally posted by Cambarro:

Somalipride

"They definitely do, like I’ve been saying for a long time. The people living there don't have the luxuries that we living abroad do. They need to start generating jobs and exploring their resources. Extracting the oil is another story, but they can't just keep waiting and waiting."

 

If only this was the case.

 

Surely you cant be that naive.

 

History shows that they are lucky if the average somali sees a penny of that money. Odeyaasha magaalada will line their pocket. This is happening all over Africa. When there is no proper regulations in place, corruption is rife with no process of accountability and transparency, average Cali on the street wont get a penny.

Even in places where corruption is rife - the local ppl do benefit, however small. It seems to me your attitude is if it is not gonna be perfect or damn close to it - let's all sit on our hands.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great post Il-Generale, I myself was planning to post this article but you've outdone me. Anyway thanks alot!

 

To Somalipride: Brother I urge you to hold your horses. The reason being, 'Yes, there was unamiously support for exploration in that region, but I've seen you many times, I believe out of frustration rather than anything else saying something about reer Nugaal, whilst not focusing about farooleonline.com and somalitalk.com and their advocats'!

 

I've long time ago told you, that we support the whole exploration deal, but that you shouldn't take it upon yourself to criticise people because one or two self appointed mouthpieces are against the exploration of the Nugaal.

 

Now you singing their praises, that's fine with me, but don't mistake Faroole& media for the general population or clan of that region.

 

Many regards.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Having spoken to the one of the high ranking officials in Puntland this morning! this Canmex deal will not go through because of the inherent problems within the incapablity of said company.

 

People want anything that might bring a glimmer of prosperity! that is just given. Anyhow will update you if there is any development.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this