Sign in to follow this  
who-me

C/Raxmaan Janaqoow “Khalad ayay aheed in Dagaal lalagalo Dowladii C/laahi Yuusuf ....

Recommended Posts

who-me   

Wasiir katirsan Dowladda Federaalka KMG Somalia ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ka qoomameeyay Dagaalkii ay lagaleen Dowladii C/laahi Yuusuf.

C/raxmaan Janaqoow Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Diinta Dowladda Federaalka KMG Somalia kana mid ahaa Xubnihii dowlada kasoo galay dhanka ARS-ta ayaa sheegay in ay ku qaldanaayeen dagaalkii ay lagaleen dowladii uu Hogaaminayay C/laahi Yuusuf.

Janaqow oo Habeenadii ugu dambeeyay soo fariisanayay Idaacad ku hadasha Afka dowlada ee Muqdisho ku taal ayaa sheegay in waxa socda markii ay arkeen ay yaqiinsadeen in Dowladii C/laahi Yuusuf ay saxneed.

“Al Shabaab in aan dilno Ajir ayaan ka helaynaa dowladuna way ku saxantahay in ay ladagaasho”ayuu yiri Janaqow.

Wasiirka oo Fatwooyin diini ah ka jeedinayay Idaacadda Dowladda ayaa si kulul u weeraray Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo uu ku tilmaamay kuwo Sharwadayaal ah.

“In qof walba uu Nolosho ku dilo Shabaab iyo Xisbul Islaam waa Waajib diini ah Nabiga ayaa nafaray in aan dilno kuwan ay isku dhaqanka yihiin khawaarijta”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Janaqow.

Wasiirkan katirsan dowlada ayaa soo hadal qaaday Dagaalkii ay Islaamiyiinta Somalia lagaleen Dowladii uu Hogaaminayay C/laahi Yuusuf iyo Ciidankii Itoobiya.

“Khalad ayay aheed in lala dagaalo Xukuumadii C/laahi Yuusuf in latoosiyo ayay aheed maxaa yeelay Cadawgan ayay hortaagneed” Janaqoow.

Sheekh C/raxmaan Janaqoow wuxuu Ciidanka Dowlada ugu Fatwooday in ay yihiin Mujaahidiin hadii ay dhintaana ay gelayaan Janada.

“Ciidanka Dowladda waa Shuhado hadii ay dagaalka ka dhanka ah qaswadayaasha ku dhintaan”.

Laakin Janaqow ayaa la weydiiyay sharcinimada in Dowladu ay kaashato ciidan shisheeye oo aan Muslim lahayn wuxuuna sheegay in arrinkaasi yahay mid sharci ah.

“kuwa dowlada ku ceebeeya gaalo ayay wadataa ka jooga ayaan leenahay, dowlada way u banaantahay in ay u yeerato ciddii qaranka bad baadinaysa”ayuu yiri Najaqoow.

Waa markii ugu horaysay oo Wasiir dowlada katirsan sheego in ay ku qaldameen Dagaaladii ay lagaleen Dowladii uu Hogaaminayay C/laahi Yuusuf xili Shariif Sheekh Axmed iyo Maleeshiyaadkii Maxaakimta ay dagaal lageli jireen dowladii Hore.

 

Jamaa Sheekh Maxmed

RBC Radio

Xafiiska magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

Waa kow dheh.. Bal aanu ka war dhowrno sida xaal ku dambeeyo ileen weli hada waxaa lagu jira bilowgii xalaad cusube. Dharigu weli sifiican uma karin balse marku uu karo maxaa xigi doona hadalkan?

 

 

I cant stop imagining Adeer cabdullahi sipping some coconut juice at a yemani beach while observing the horizon with a big smile on his face.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

Originally posted by who-me:

 

I cant stop imagining Adeer cabdullahi sipping some coconut juice at a yemani beach while observing the horizon with a big smile on his face.

:D:D

 

he is definitely following this developments with amazement of these jirjiroole

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this