Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Sheikh Aaden Madoobe new Speaker of Parliament!

Recommended Posts

Sheikh Aaden Madoobe has been eleceted with a great majority as the new speaker of Parliament.

 

He and Ibrahiim kishbuur fought it out until the last round in which Sheikh Aaden Madoobe finished off on top!

 

Sheikh Aaden Madoobe we wish him great success and that he plays his role very efficiently, which I'm sure he will!

 

Success to the TFG inshallah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin Shiikh Adan Modoobe oo ku guulaystay doorashadii jagada gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya

 

Posted to the MOL January 31, 2007, 11:15 am

 

 

Baydhabo:- Shiikh Adan Modoobe ayaa manta si rasmi 3 wareeg ka dib ku guulaystay Xilka Afhayeenimo ee Baarlamanka Somalia isagoo helay cod dhan 153 wareegii 3aad oo iskula soo baxeen Xil. Ibraahim Kiish Buur oo ay tartamayeen.

 

 

Doorashada maanta oo ay u codeynayeen xildhibaanada baarlamaanka oo tiradooda guud ahayd 213 ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiye K/xigeenka 2aad ee Baarlamanka Somalia Cismaan Cilmi Boqorre. Mr. Boqore ayaa si rasmi ka dib 3 wareeg ugu dhawaaqay in Shiikh Adan Modoobe si rasmi ah ugu guulaystay jagada banaanayn ee gudoomiyaha baarlamaanka dawlada Somaliya. Jagadaas oo horey uu u hayn jiray xil. Shariif Xasan sheikh aadan ka dibna baarlaamnka Somaliya xilkaas ka xayuubiyeen markuu codsiyo badan ka dib ku soo noqon waayay xurunta baarlamaanka Somaliya ee Baydhabo.

 

 

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe oo horey sannadkii 2004 ahaa musharaxii la tartamay gudoomiyihii hore ayaa doorashadii ka dib la hadlay baarlamaanka isagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay doorashada u abaabuleen iyo sida cadaalada ah ee loo kala reebay ragii jagadaan u tartamayay isagoo intaas ku daray inay isugu mid yihiin xubnihii u codeeyay iyo kuwii aan u codeyn oo uusan soo kala dhaweynsan doonin.

 

 

Xil. Ibraahim Kiish Buur oo ahaa musharaxii ay wareega 3-aad isugu soo baxeen Sheekh aadan madoobe ayaa isna u mahad celiyay xubnaha baarlaamnka isagoo sheegay inuu ku qancay sida cadaalada ah ee ay u dhacday doorashadu isagoo u hanbalyeeyay Sheekh Adan Madoobe.

 

 

Bilowgii doorashada ayaa waxaa ku tartamayay Ilaa 7 Musharax iyadoo wareegii ugu dambeeyayna ay isugu soo baxeen Sheekh Aadan Madoobe Iyo Kiish Buur oo ugu dambeyntiina uu ku guuleeystay Sheekh Aadan madoobe.

 

Sheekh Aadan madoobe ayaa ah nin aad looga yaqaan Somaliya isagoo soo noqday gudoomiyihii ugu dambeeyay ee jabhaddii wax iska caabinta gobolada Baay iyo Bakool. Ka hor intaasna wuxuu ahaa wadaad sumcad weyn ku lahaa bulshada Baay iyo Bakool. Sheekh Adan Madoobe ayaa la filayaa inuu dardar galin doono hawlaha baarlamaanka oo intii gudoomiyihii hore ka tagey aan qaban wax saas u weyn marka laga reebo sharciga amarka degdega ah ee ay wadanka ku soo rogeen iyo xilka ay ka qaadeen gudoomiyihii hore.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Sheekh Aadan Madoobe oo ku guulaystay Afhayeennimada Baarlamaanka Soomaaliya

 

Posted to the Web Jan 31, 14:05

 

Baydhabo (PP) - Iyadoo doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ka bilaabatay saakay Xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ADC-da, ayaa waxaa isku soo sharraxay ku dhawaad 10-xubnood iyadoo 3-xubnood oo ka mid ah ay iska casileen ka qaybgalka Doorashada intii aysan doorashadu billaaban.

 

Doorashada oo ahayd mid laba waji ah ayaa waxaa wajigii kooxaad ay ku soo gabagabowday iyadoo aan la kala badin, waxaase wajigii labaad intii uusan bilaaban ka baxay doorashada xubno fara badan oo uu ku jiro Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow oo isagu loo saadaalinayay inuu ku soo baxayo doorashada Afhayeenka Baarlamaanka.

 

Sheekha Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo Ibraahim Aadan Xasan (Kiish Bur) oo isugu soo haray Doorashada qaybteedii labaad ayaa waxaa ku guulaysatay Jagadii loo taratamayay ee Afhayeenka Baarlaamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo helay codad gaaraya 153-cod, halka Ibraahim Kiish Bur uu ka helay isaguna 54-cod oo qura, waxaana halaabay 6-cod.

 

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in jagada Afhayeenka Baarlamaanka uu ku guulaystay Sheekh Aadan Madoobe, kaddib markii uu helay codad gaaraya 153-cod.

 

Sheekh Aadan Madoobe oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka loo doortay, waxaana uu sheegay in xilkaas culus uu ALLE la garab galo, isagoo ka codsaday xildhibaanada maanta ka qaybgalay doorashada oo gaarayay 213-xildhibaan inay howshaas culus la garab galaan.

 

Ibraahim Kiish Bur dhankiisa la hadlay saxaafadda markii la soo gabgabeeyay doorashadii ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay doorashadu ay ku dhammaatay, isla markaana wuxuu carrabka ku dhuftay inuu la shaqeyn doono Guddoomiyaha cusub ee Golaha Baarlamaanak Federaalka Soomaaliya.

 

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ahaa Xildhibaankii uu kaga guulaystay Shariif Xasan Sheekh Aadan qabashada xilka Afhayeenka Baarlamaanka ee ka dhacday dalka Kenyan sannadkii 2004-ta Bishii August markaasoo la dooranayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia.

 

Doorashadaan ayaa timid kaddib markii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dalka dibaddda uga maqnaa loo codeeyay in laga qaado xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka, kaddib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay musuqmaasuq iyo ku takrifal xilka uu hayo ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Lagu kala Baxey: Aadan Madoobe oo La Doortey.

 

somali_embleme1_1.jpg

 

01/31/07

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Maanta ayaa waxaa magaalada Baydhaba ee Xarunta Dowlladda Kumeelgaarka ka socda doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana maanta isa soo sharraxey mudaneyaal gaaraya 11 xildhibaan hase yeeshee markii ugu dambeeysey ayaa waxaa is casisley 4 ka mid ah musharrixiinta, waxaana ugu dambeyntii isku soo harey 7 musharrax.

 

Inta aysan billaaban doorashada ayaa waxaa halkaas khudbad ka jeediyey Guddoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka , Cusmaan Cilmi Boqorre wuxuuna sheegey Qodobadan soo socda:

 

1-Wareegga koowaaad musharraxii hela saddex meelood 2 meelood codadka la dhiibtey asaga ayaa ku guuleysanaya.

2-Wareegga labaad waxaa isku soo harayaa afarta ugu Cod badan. Haddii laba ka mid ah isku cod helaanna waa ka wada qaybgalayaan. Tartamihii hela 3 meelood 2 meelood codadka la dhiibto asaga ayaa ku guuleysanaya.

3-Wareegga saddexaad waxaa isku so haraya labada musharrax ee ugu sarreeya codadka la dhiibtey waxayna ku guuleysan doonaan cod hal dheeri ah.

 

Intaas ka diba waxaa la gudagaley doorashada waxayna u dhacdey sidan.

 

Markii ay doorashadu billaabaneysey dad badan ayaa isha ku hayey labada musharrax ee kala ah Saalim Caliyoow Ibroow iyo Sheekh Aadan Madoobe midkood inuu guuleysan doono, hase yeeshee waxaa isbeddeley fikraddii ahayd inuu Saalim lambarka labaad geli karo waxaana meesha soo ciriirsadey Ibraahin Maxamed Aadan “Kiishbuur” oo noqdey ninka labaad ee la tartama Sheekh Aadan Madoobe.

 

Waxaana Xildhibaannada doorashada ka soo qaybgaley tiradoodu gaareysaa 213 xildhibaan, waxaana ugu dambeyntii ku guuleystey doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) wuxuuna heley cod gaaraya 153, halka Ibraahin Kiishburna uu heley 54 Cod. Waxaa xumaadey 6 cod. Waxaana halkaas hadal gaaban ka jeediyey Guddoomiyaha cusub oo sheegey inuu u mahad celinayo kuwa doortey iyo kuwa aan dooraninba, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyey tartamihii la tartamaayey ee kiishbur. Sidoo kale waxaa isna hadal gaaban jeediyey “kiishbuur” oo sheegey inuu la shaqeyn doono Guddoomiyaha Baarlamaanka ee cusub.

 

Sida uu sheegey Guddoomiyaha Kuxigeenka labaad waxaa la qaban doonaa xaflad lagu caleemo saaraayo Guddoomiyaha cusub waxaana maanta doorashada Guddoomiayah Baarlamaanka darteed magaalada soo gaarey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Waxaa halkaas ku soo afjarmey khilaafaad aad u weynaa oo muddo laba sano hareysey Dowlladda, iyadoo khilaafaadkaasna uu ka imaanaayey Guddoomiyaha hore iyo Madaxweyanha iyo Ra’iisalwasaaraha oo hal dhinac ah. Waxaa ninka la doortey uu yahay nin ay aad iskaga fikrad dhow yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisulawasaarahaba.

 

Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Caamir:

Macalin Dugsi Qur'aan oo noqday Raaisul Baarlamaan.

:D

Good News

Waa qabqable dagaal who used to help the intra-Gedo civil wars stay alive by bringing Bay/Bakool support to Mohammoud Sayid Adden and his SNF/SRRC of Luuq and Dollow.

 

Well after the Gedo reconciliation conference that was held in Garbaharey become successful and continues to stay a success, Mohammoud Sayid Adden and he had a falling out and him and the rest of Bay/Bakool continue to look at that conference that resolved everything with resentment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ better than the illeterate Qad merchant who worked for warlords this man is a hero to his people...

 

Sh. Aadan Madobe oo noqdey Afhayenka Barlamanka

 

31 Jan 31, 2007, 08:28

Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madoobe, ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Somalia, kadib markii uu ka adkaaday Ibraahim Aadan Xasan, Kiish Buur.

 

Doorashada ayaa ahayd mid adag oo labada Musharax ay isugu soo hareen wareeggii ugu dambeeyay.

Natiijada ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka labaad Barlamanka Cismaan Cilmi Boqore.

Aadan Madoobe, ayaa helay codad gaaraya 153 halka Kiish Buur oo laga adkaadayna uu ka helay 54 cod, waaxaan la sheegay inay halaabeen 6 cod.

 

Sheekh Aadan Madoobe oo khudbad halkaasi ka jeediyay ayaa u mahadceliyay dhamaan xildhibaanada inta doorataya iyo inta aan dooran, isagoo sheegay inuu wax badan ka badali doono hanaanka Barlamaanka Somalia.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa la gudoonsiiyay labo gaari uu ku socdo iyo ciidamo ka tirsan DF oo ilaalo u noqonaya.

 

Sheekh Aadan Madoobe ayaa la rumeysan yahay siyaasad ahaan in uu aad ugu dhowyahay Madaxweynaha DFKMG ah halka warar kale ay sheegayaan in Salim Caliyo Ibrow uu tageero ka helayay ra'isla wasaare Geedi.

 

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, aaya xilka laga qaaday 17 kii Bishan aynu ku jirno.

Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo 17 January xilka laga qaaday ayaa si weyn u dhaleeceeyay doorashada maanta Baydhabo ka dhacday, isagoo sheegay inay soo abaabushay Dowlada Ethiopia.

 

Madaxweynaha DFKMG ah iyo ra'isla wasaare Cali Maxamad Geedi ayaa goob joog ka ahaa codbixintaaa.

 

Garowe online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Duke-

 

This man can hardly read and write. We will see how those deficiencies fare him in the speaker of Parliament position.

 

Although, Madoobe is known to be a good listener so I am pretty sure we will not see political opportunism nor a lack of misunderstanding about the job description as the earlier one had.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this