Sign in to follow this  
Taako Man

MP Finish gives his weapons to the TFG: PICS

Recommended Posts

Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa maanta ku wareejiyay guddiga hub-ururinta Qaranka Soomaaiyeed hub iyo Malleeshiyooyin fara badan.

 

Somaliweyn (Mogadishu,January 18,2006)

 

Kulankaan oo ka dhacay xaruntii hore ee Cumar Filish ayaa waxaa ka soo qaybgalay guddiga hub-ururinta Qaranka Soomaaiyeed, taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji, Guddoomiyaha guddiga hub ururinta Col. C/risaaq Axmed Cali iyo xubno kale oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Xildhibaanka ayaa sheegay inay hubkooda ku wareejiyeen dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay doonayaan wixii hadda ka dambeeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Hubka uu wareejiyay Xildhibaan Cumar Filish oo ahaa intooda badna kuwo aan ku xirnayn gawaarida dagaalka ayaa waxay kala ahaayeen: 2-qori oo nooca Jiibka (106mm) loo yaqaan ah, Qoriga Hoobiyaha (120mm) oo laba xabbo isagana ahaa, 37-taha qoriga loo yaqaan oo hal dhuun ah, Madfaca Arti 5 ama (85mm), Qoriga Jiijoot-ka loo yaqaan oo madfaca uu ka dhaco, iyo weliba rasaasta hubkaas iyo hub kale oo aad u fara badan.

 

 

Xildhibaan Cumar Filish ayaa ku wareejiyay sidoo kale guddigii maanta ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ciidammo gaaraya 678-askari, waxaase uu sheegay inay diyaar yihiin oo maantaba lagu wareejiyay 334-askari oo ka tirsan Malleeshiyooyinkiisa.

 

 

Taliyaha ciidammada Cumar Filish oo warbixin ka bixiyay ciidammada ay wareejiyeen ayaa yiri: "117-askari oo ka tirsan Malleeshiyooyinka la wareejiyay waxay ku sugan yihiin Xerada laanta buuro, halkaasoo ay waardiye ka hayaan, isla markaana ay ku wareejinayaan dowladda marka doonto, sidoo kale 66-askari ayaa waxay xalay ahaayeen waardiye, sidaa daraadeedna waa la fasaxay maanta, 154-askari waxay ku sugan yihiin Deegaanka jiiro-maskiin, halkaasoo iyagana ay diyaar ku yihiin, 57-askari ayaa iyaguna shaqo gaar ah ku maqan, balse diyaar ah in la wareejiyo".

 

 

Sidoo kale wuxuu sheegay taliyuhu in ciidammada ay isugu jiraan kuwo qoryahooda haysata iyo kuwo aan haysan oo sacabooley ah, waxayna sheegeen mas'uuliyiinta halkaas ka hadlay ee ka socday dhanka Cumar Filish inay diyaar u yihiin inay nabadda ka shaqeeyaan isla markaana ay dowladda federaalka Soomaaliya gacan-siiyaan.

 

 

Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo ciidammada iyo hubka lagu wareejiyay, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin in dhallinyaradii Cumar Filish ay ku biiraan dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

"Dowladda Federaalka waxay ballanqaadaysaa wixii maanta ka dambeeyay inay damaanad qaadayso askari kasta oo ka mid ah kuwa maanta dowladda lagu wareejiyay, gaar ahaan kuwa qoryaha wata" ayuu yiri Gen. Naaji oo sheegay in xuquuqda askarta ay tahay mid ay dhowrayaan isla markaana ku cad qoraalkii ka soo baxay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ee ku saabsan howlaha hub ururinta.

 

 

Guddoomiyaha Guddiga hub ururinta Qaranka Soomaaliyeed Col. C/risaaq Axmed Cali oo isagana hadal halkaas ka jeediyay ayaa sheegay inay tixgelinayaan askarta maanta lagu wareejiyay ayna maanta wixii ka dambeeya mas'uul ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, lana siinayo tababarro iyo xuquuqda ay leeyihiin.

 

 

Hub wareejintaas ayaa markii ay dhammaatay waxaa hubka rartay guddiga oo sheegay inay geynayaan goobihii ay hubka ugu talo galeen in lagu hayo, waxayna sheegeen in Cumar Filish uu noqday hoggaamiye kooxeedkii ugu horreeyay ee hubkiisa ay qaataan.

 

 

Cumar Filish oo isagna warbixin ka bixiyay markii hubka la qaaday kaddib ayaa sheegay in iyagu aysan wax tikniko ah hadda hayn, balse tiknikooyinkoodii ay qaateen Maxkamadaha, balse kuwo ay iska tuureen oo u socon waayay ay ku wareejiyeen guddiga ayna tuseen iyagana ay ka doonanayaan goobahaas.

 

 

Guddiga ayaa waxay shalay kala wareegeen hubkooda Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid iyo weliba Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow.

 

Finish54.jpg

 

Finish53.jpg

 

Finish51.jpg

Finish19.jpg

Finish22.jpg

Finish23.jpg

Finish5.jpg

Finish.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan Cumar Finish oo maanta hub iyo boqollaal maliishiyo ah ku wareejiyay dowladda Soomaaliya

 

Xildhibaan Cumar maxamed Maxamuud oo loo Yaqaanno cumar Finish ayaa maanta guddiga hub ka dhigista qaranka waxaa uu ku wareejiyay....

 

Xildhibaan Cumar maxamed Maxamuud oo loo Yaqaanno cumar Finish ayaa maanta guddiga hub ka dhigista qaranka waxaa uu ku wareejiyay dhamaanba hubkii uu lahaa iyo in ka badan 600 oo ah maliishiyooyinkiisii,waxaana munaasabadda hub wareejintu ay ka dhacday xarunta uu Xildhibaanku ku leeyahay degmada Madiina.

 

Munaasabadda hubwarejinta ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay abaanduulaha ciidanka qalabka sida General ISmaaciil Qaasim Naaji,iyadoo sidoo kalana ay halkaa xaadir ku ahaayeen saraakiil ka tirsan mamulka xildhibaanka.

 

Xildhibaanka oo munasabaddaa hadal ka jediyay ayaa sheegay in uu maanta aad ugu faraxsanyahay in la qarameeyo maliishiyooyinkisii oo ay helaan daryeel wanagsan,isagoo sidoo kalana sheegay in hub wareejinta uu sameeyay ay tahay mid uu aad ugu qanacsanyahay.

 

Waxaaa sidoo kale munaasabaddaa hadal gaaban ka jeediyay abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya General Naaji oo sheegay in xildhibaanada horay hoggaamiye kooxeeedyada u ahaanjiray ay qaadeen tallaabo wanaagsan oo kudayasho mudan,isagoo dhamaanba shaqsiyaadka hubka ku heysta gudaha dalka ugu baaqay inay soo raacaaan wadada ay xildhibaanadu jeexeen.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.comn ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:- Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa maanta hubkiisii intii u hartay ku wareejiyey Dowlada Somaliya.

 

Munaasabad maanta oo Khamiis ah ka dhacday Xarunta Cumar Filish ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wareejiyey dowlada 394 maleeshiyadii ka amar qaadan jirtay Xildhibaankaasi oo kamid ahaan jiray Hogaamiye kooxeedka Muqdisho.

 

Hubka la wareejiyey maanta ayaa u badnaa madaafiic iyo qoryaha kale ee daraandooriga u dhaca.

 

Cumar Filish ayaa si rasmi hubka maanta ugu wareejiyey Taliyaha Ciidamada Dowlada Somaliya Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Guddoomiyaha guddiga hub ururinta Col. C/risaaq Axmed Cali.

 

Wuxuuna Xildhibaan Cumar Filish sheegay in hubkaasi uu ahaa intii u hartay.

 

Cumar Filish ayaa horey gaadiidkiisii dagaalka ugu wareejiyey Maxaakiimta Islaamiga xiligii ay halkaasi ka talin jireen.

 

Cumar Filish ayaa noqonaya hogaamiye kooxeedkii Muqdisho ee 4aad oo hubkiisa ku wareejiya Dowlada Federaalka.

 

Xussen Caydiid Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax iyo Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa ayagu horey hubkooda ugu wareejiyey Dowlada Federaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Somalia oo la wareegtay Hubkii Xildhi. Cumar Filish

 

Mogadishu 18, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Xildhibaan Cumar Max'ed Max'uud Cumar Filish ayaa maanta hubkiisa ku wareejiyay dowladda KMG ah ee Somalia, iyadoo maanta meel la isugu geeyay dhamaan hubkii ay lahaayeen Hogaamiye kooxeedyada ee shalay lagala wareegay.

 

C/raxmaan Max'ed Nuur Diinaari oo ah Afhayeenka dowladda SOmalia waxa uu sheegay in talaabadaasi ay ka dambeysay ka dib markii gudiga dowladda KMG ah ay u magacowday hub uruurinta caasimadda ay si rasmi ah ugu guuleeysteen in lagu soo wareejiyo hubkii hogaamiye kooxeedyada.

 

Maanta ayaa waxaa si rasmi ah hubkiisa ugu wareejiyay dowladda KMG ah ee Somalia xildhibaan Cumar Filish oo ka mid ah hogaamiyeyaashii dagaalka ee Muqdisho, iyadoo qeybo ka mid ah maleeshiyadiisana lagu biiriyay dowladda KMG ah ee Somalia si loo siiyo tababaro ciidameyn ah.

 

Diinaari ayaa sidoo kale shabelle u sheegay in hubkii ay lahaayeen Qanyare, Xuseen ceydiid iyo Muuse Suudi la isugu geeyay Dugsiga tababarka xalane halkaasi oo dowladdu ay kula wareegtay.

 

Waxa uu hoosta ka xariiqay in dhamaan hubka yaala Muqdisho ay la wareegeyso dowladda Somalia.

 

Waxa uu sheegay in Hogaamiye kooxeedyo ay ka mid yihiin Max'ed Dheere, Barre Hiiraale iyo Bootaan Ciise ay haatan diyaar u yihiin in hubkooda ay ku wareejiyaan dowladda Somalia

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Xildhibaan Cumar Filish oo maanta hubkiisii iyo ciidammadiisii ku wareejiyay Dowladda Federaalka Somalia

Posted to the Web Jan 18, 13:49

 

 

Muqdisho (PP) – Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa maanta ku wareejiyay guddiga hub-ururinta Qaranka Soomaaiyeed hub iyo Malleeshiyooyin fara badan.

 

 

 

 

 

Kulankaan oo ka dhacay xaruntii hore ee Cumar Filish ayaa waxaa ka soo qaybgalay guddiga hub-ururinta Qaranka Soomaaiyeed, taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji, Guddoomiyaha guddiga hub ururinta Col. C/risaaq Axmed Cali iyo xubno kale oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Xildhibaanka ayaa sheegay inay hubkooda ku wareejiyeen dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay doonayaan wixii hadda ka dambeeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Hubka uu wareejiyay Xildhibaan Cumar Filish oo ahaa intooda badna kuwo aan ku xirnayn gawaarida dagaalka ayaa waxay kala ahaayeen: 2-qori oo nooca Jiibka (106mm) loo yaqaan ah, Qoriga Hoobiyaha (120mm) oo laba xabbo isagana ahaa, 37-taha qoriga loo yaqaan oo hal dhuun ah, Madfaca Arti 5 ama (85mm), Qoriga Jiijoot-ka loo yaqaan oo madfaca uu ka dhaco, iyo weliba rasaasta hubkaas iyo hub kale oo aad u fara badan.

 

 

 

Xildhibaan Cumar Filish ayaa ku wareejiyay sidoo kale guddigii maanta ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ciidammo gaaraya 678-askari, waxaase uu sheegay inay diyaar yihiin oo maantaba lagu wareejiyay 334-askari oo ka tirsan Malleeshiyooyinkiisa.

 

 

 

Taliyaha ciidammada u qaabilsan Cumar Filish oo warbixin ka bixiyay ciidammada ay wareejiyeen ayaa yiri: "117-askari oo ka tirsan Malleeshiyooyinka la wareejiyay waxay ku sugan yihiin Xerada laanta buuro, halkaasoo ay waardiye ka hayaan, isla markaana ay ku wareejinayaan dowladda marka doonto, sidoo kale 66-askari ayaa waxay xalay ahaayeen waardiye, sidaa daraadeedna waa la fasaxay maanta, 154-askari waxay ku sugan yihiin Deegaanka jiiro-maskiin, halkaasoo iyagana ay diyaar ku yihiin, 57-askari ayaa iyaguna shaqo gaar ah ku maqan, balse diyaar ah in la wareejiyo".

 

 

 

Sidoo kale wuxuu sheegay taliyuhu in ciidammada ay isugu jiraan kuwo qoryahooda haysata iyo kuwo aan haysan oo sacabooley ah, waxayna sheegeen mas'uuliyiinta halkaas ka hadlay ee ka socday dhanka Cumar Filish inay diyaar u yihiin inay nabadda ka shaqeeyaan isla markaana ay dowladda federaalka Soomaaliya gacan-siiyaan.

 

 

 

Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo ciidammada iyo hubka lagu wareejiyay, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin in dhallinyaradii Cumar Filish ay ku biiraan dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

"Dowladda Federaalka waxay ballanqaadaysaa wixii maanta ka dambeeyay inay damaanad qaadayso askari kasta oo ka mid ah kuwa maanta dowladda lagu wareejiyay, gaar ahaan kuwa qoryaha wata" ayuu yiri Gen. Naaji oo sheegay in xuquuqda askarta ay tahay mid ay dhowrayaan isla markaana ku cad qoraalkii ka soo baxay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ee ku saabsan howlaha hub ururinta.

 

 

 

Guddoomiyaha Guddiga hub ururinta Qaranka Soomaaliyeed Col. C/risaaq Axmed Cali oo isagana hadal halkaas ka jeediyay ayaa sheegay inay tixgelinayaan askarta maanta lagu wareejiyay ayna maanta wixii ka dambeeya mas'uul ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, lana siinayo tababarro iyo xuquuqda ay leeyihiin.

 

 

 

Hub wareejintaas ayaa markii ay dhammaatay waxaa hubka rartay guddiga oo sheegay inay geynayaan goobihii ay hubka ugu talo galeen in lagu hayo, waxayna sheegeen in Cumar Filish uu noqday hoggaamiye kooxeedkii ugu horreeyay ee hubkiisa ay qaataan maanta ciidamada dowlada.

 

 

 

Cumar Filish oo isagna warbixin ka bixiyay markii hubka la qaaday kaddib ayaa sheegay in iyagu aysan wax tikniko ah hadda hayn, balse tiknikooyinkoodii ay qaateen Maxkamadaha, balse kuwo ay iska tuureen oo u socon waayay ay ku wareejiyeen guddiga ayna tuseen iyagana ay ka doonanayaan goobahaas.

 

 

 

Guddiga ayaa waxay shalay kala wareegeen hubkooda Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid iyo weliba Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow.Arrimahan oo dhan waxay taah-fur weyn u yihiin sida Soomaalidu ay diyaarka ugu tahay inay wadankooda ku soo celiyaan dowladoodii iyo kala danbeyntii soomaaliya ka jiri jirtay beri samaadkii.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowlada Somaliya oo la wareegay hubkii Cumar Filish

Last Updated::2007-01-18 18:35:02

 

 

gen_ismaaciil_naaji.jpg

Muqdisho:- Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa maanta hubkiisii intii u hartay ku wareejiyey Dowlada Somaliya.

 

Munaasabad maanta oo Khamiis ah ka dhacday Xarunta Cumar Filish ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wareejiyey dowlada 394 maleeshiyadii ka amar qaadan jirtay Xildhibaankaasi oo kamid ahaan jiray Hogaamiye kooxeedka Muqdisho.

 

Hubka la wareejiyey maanta ayaa u badnaa madaafiic iyo qoryaha kale ee daraandooriga u dhaca.

 

Cumar Filish ayaa si rasmi hubka maanta ugu wareejiyey Taliyaha Ciidamada Dowlada Somaliya Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Guddoomiyaha guddiga hub ururinta Col. C/risaaq Axmed Cali.

 

Wuxuuna Xildhibaan Cumar Filish sheegay in hubkaasi uu ahaa intii u hartay.

 

Cumar Filish ayaa horey gaadiidkiisii dagaalka ugu wareejiyey Maxaakiimta Islaamiga xiligii ay halkaasi ka talin jireen.

 

Cumar Filish ayaa noqonaya hogaamiye kooxeedkii Muqdisho ee 4aad oo hubkiisa ku wareejiya Dowlada Federaalka.

 

Xussen Caydiid Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax iyo Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa ayagu horey hubkooda ugu wareejiyey Dowlada Federaalka.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Walee these warlords have developed such fierce reputations and names.But when you see their pics they look like an ordinary farax.On a real how much they getting piad?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hubkii shalay laga wareejiyay qaar ka mida hoggaamiye kooxeedyadii hore oo maanta ay dowalddu isugu geysay dugsiga tababarka xalane

 

salannaaji2.jpg

 

{Afhayeenka dowladda oo sheegay in hoggaamiyeyaasha harsan ay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo dhiibidoonaan hubkooda}

 

Maanta ayaa xukuummadda federalka ee dalka Soomaaliya waxaa dugsigii hore ee tababarka Xalane ay isugu geysay dhamanba hubkii shalay..

 

Maanta ayaa xukuummadda federalka ee dalka Soomaaliya waxaa dugsigii hore ee tababarka Xalane ay isugu geysay dhamanba hubkii shalay ay dowladda kusoo wareejiyeen raggii horay qabqablayaasha dagaal u ahanjiray ee hatanna xubnaha ka ah dowladda federalka ee dalka Soomaliya.

 

Hoggaamiyeyaasha hubka ay shalay soo dhiibeen maanta la isigu geeyay dugsiga tababarka Xalane ayaa waxaa ka mida Ra'isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka umuuraha gudaha Inj Caydiid,Xildhibaan Muuse Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, iyadoo halkaasina ay joogeen saraakiisha xubnaha ka ah guddiga hubka dhigista qaranka Soomaaliyeed iyo abaanduulaha ciidanka xoogga General Naaaji.

 

Genaral Naaji oo munaasabaddaa ka hadlay ayaa sheegay in talaabooyinka hub ururintu ay muujinayan dalka Soomaliya in ay ka howlgashay dowladda qaran ,isagoo xusay in maanta wixii ka dambeeya aan la oggolaan kareynin hubku in uu gacanta ugu jiro cid aan ka ahayn xukuumadda qaranmka SOomaliyeed.

 

Dhanka kale afhayeenka dowladda Soomaliya C/raxmaan Nuur Diinaari oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada maanta ayaa sheegay in hoggaamiye yaasha kale ee harsan ay hubkooda sida ugu dhaqsiyaha badan dowladda ugusoo gacan gelindoonaan.

 

"Masuuliyiinta ay ka midka yihiin:maxamed Dheere,Bootaan Ciise,C/qaadir Beebbe,C/waal iyo ina ilqeyte waxaa ay diyaariyeen liisaska hubka iyo keydka rasaas oo ay hayan dowladdana waa ay heysaa liisaskasi,waxaana waqti dhow ay soo dhiibayaan hubkooda iyo wixii ay maliishiyooyin hayaan"ayuu yiri afhayeenka dowaldda Soomaliya Mr Diinaari

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.comn ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I can’t help but laugh every time someone posts pictures of this guns that are being hand over to the warlord government, all ragged, deformed and rusty tools.

 

Last time I checked Mr. Finish was a warlord and today only in a country named Somalia could a warlord become a MP… where the uneducated erudite killers who are incompetent individuals could remain supreme.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this