Sign in to follow this  
Gabbal

Breaking news: Heavy fighting reported between Barre Hiiraale and Mogadishu Entity!

Recommended Posts

If allegiance to your clan is a factor that you are not in position to tame it, for objective discussion, try to report both sides of the story. Otherwise all you are doing is gaal-iska-iibis just like the SNM criminal gangs are doing in my home town Hargeisa.

 

Here is the other side of the story:

 

Unug kamid ah Maleeshiyadii Barre Hiiraale oo u soo baxsaday Dhanka Maxaakimta iyagoona soo gaaray Dhanka Degmada bu'aale.

 

 

Kismaayo, 22-October-06 ( Qaadisiya.com) Iyadoo Maleeshiyooyin fara badan oo uu wato Barre Hiiraale kuna soo wajahan Magaalada Kismaayo ay kusugan yihiin qeybo kamid ah Jubbooyinka ayaa waxaa markii ugu horeysay kasoo goostay Barre Hiiraale unug kamid ah Maleeshiyaadkii uu dagaalka u soo watay.

 

Unugtani oo lasoo baxsatay Hubkii ay wateen ayaa waxa ay soo gaareen Degmada Bu'aale halkaasi oo ay ku qaabileen Ciidamo katirsan Golaha Maxaakimta oo indhowaaleba halkaasi difaac kaga jiray.

 

Warkani oo Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya uu u xaqiijiyay sarkaal kamid ah Ciidamada Maxaakimta ee Gobolada Jubbooyinka ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo sida laga yeelayo Maleeshiyaadkaasi.

 

Maleeshiyaadkaasi oo Tiradooda Saxda ah aanan la heynin ayaa waxaa lagala wareegay hubkii ay layimaadeen, waxaana Arrintooda la wareegay Waaxda Ammaanka ee maamulka Gobolada Jubbooyinka.

 

Waa markii ugu horeysay oo Allaah Subxaanahu watacaalaa uu Rucbi ku rido qaar kamid ah Maleeshiyada Barre Hiiraale taasi oo sababtay in ay kasoo goostaan Hoggaamiye kooxeedka aysan ogeyn halka uu u wado isla markaasina soo aadan Dhanka Maxkamadaha Islaamiga ah.

 

Sakaalkani u xaqiijiyay Qaadisiya soo goosashada Maleeshiyada Barre Hiiraale ay kasoo goosteen ayaa waxa uu sidoo kale ugu baaqay in kuwa kale ee ku haray Dhanka Barre Hiiraale ay qaadaan tallaabada ay qaadeen walaalahoda oo ay isku soo dhiibaan Ciidamada Maxkamadaha si ay uga qeyb qaataan difaaca Dalkooda iyo Diintooda oo xilligani Duulaan lagu soo yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BU'AALE: Iska horimaad aan sidaa u sii xoog badnayn oo ku dhex maray duleedka Bu'aale Malleeshiyooyinka Barre iyo Kuwa Maxkamadaha

Posted to the Web Oct 22, 14:18

 

 

Bu'aale (PP) – Warar is burinaya ayaa sheegaya in degmada Bu'aale ee gobolka Jubbada Dhexe ay ka jiraan dagaallo u dhexeeya Malleeshiyooyinka Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo kuwa Maxkamadaha oo halkaas isku horfadhiya.

 

 

 

Wararkaan is diiddan ayaa sheegaya in Malleeshiyooyinka oo xalay si weyn isugu soo dhawaaday uu isku dhac yar oo dhex maray ka dhacay duleedka bari ee degmada Bu'aale halkaasoo la sheegay inay uga baxeen magaalada Malleeshiyada Maxkamadaha, waxaana wararkaan ay sheegayaan in kuwa Barre Hiiraale ay horay u galeen gudaha Degmada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.

 

 

 

Mar ay Puntlandpost isku dayday inay xaqiijiso wararkaan is burinaya ayaa waxaa inoo suurogeli wayday inay noo baxaan isgaarsiinta magaaladaas oo la sheegay inay tahay mid haawanaysa, waxaana wararka ka imaanaya Jilib ay sheegayaan inaysan xaqiijin Karin dagaallo ka dhacay halkaas oo u dhexeeya Maxkamadaha iyo Col. Hiiraale.

 

 

 

Degmada Saakoow oo ka tirsan isla Gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in dagaal aan sidaas u sii xoog badnayn uu ka dhacay saakay aroortii hore degmada Bu'aale, balse ma jiraan wax xaqiijinaya inta uu le'eg yahay khasaaraha halkaas ka dhacay.

 

 

 

Warar kale oo ka soo baxaya dhanka Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Malleeshiyooyinka Maxkamadaha iyo kuwa Col. Barre Hiiraale ee isku horfadhiyay Gobolkaas ay si weyn isugu soo dhawaanayaan isla markaana laga yaabo inay dagaallo ka dhex qarxaan.

 

 

 

Isku soo wada duuboo dagaallo ka qarxa Gobollada Jubbooyinka ayaan ahayn kuwo la baciidsan karo, waxaana labada dhinac ay horraantii bishan illaa saakay isku horfadhiyaan qaybo kala duwan oo ka tirsan gobollada Jubbooyinka.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Dagaal qaraar oo 2dii duhurnimo dib uga qarxay Bu'aale

 

Mogadishu 22, Oct.06 ( Sh.M.Network) Dagaal qaraar ayaa mar kale dib uga qarxay degmada Bu'aale ee gobolka J/dhexe, sida ay xaqiijiyeen Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha islaamka Somalia iyo warar kale oo madax banaan, iyadoo dagaalkaasi uu u dhaxeeyo ciidamada maxaakiimta islaamka iyo kuwa Barre Hiiraale oo la sheegay in ay duulaan ku soo qaadeen magaalada.

 

Dagaal qaraar ayaa mar kale ka dib uga qarxay 2dii duhurnimo ee maanta degmada Bu'aale ee gobolka J/dhexe, iyadoo au adag tahay in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi sida uu shabelle u xaqiijiyay mas'uul ka tirsan Maxkamadaha islaamiga ee Jubooyinka C/rashiid Xuseen faarax oo qadka teleefoonka kula soo xiriirey isagoo ku sugan Jubbooyinka.

 

Dagaalkaan oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa sii xoogeeystay waxii ka dambeeyay 2dii duhurnimo.

 

Dagaalkaan ayaa ku soo beegmay xilli roobaab lixaad leh ay shalay iyo xalay ka da'een degmada Bu'aale.

 

Xiriir kale oo shabelle ay la sameysay Sarkaalkaan lagu magacaabo C/rashiid Xuseen faarax ayaa waxa uu sheegtay in guulo ay ka gaareen dagaalkii ay la galeen ciidamada Barre Hiiraale.

 

Ma jiraan warar ka madax banaan sheegashada sarkaalkaan oo tilmaamaya xaqiiqda dhabta ah ee ka taagan goobta dagaalka uu sida daran uga socdo haatan.

 

Sidoo kale xiriir aanu sameynay Taliska ciidamada Barre Hiiraale ayaysan inoo suurto galin in aynu helno.

 

Waxii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites

tribe of barre hiiraalle is weak they cant take back there city kismayo

or what is always a shared city

You really think the city belongs to them? These are mindless thugs who care about no one so don't glorify their so called powers and that goes for both sides.

Share this post


Link to post
Share on other sites
erselam   

Itoobya doesn't even know ehen Eid is. Sad the TFG chose to attack Somalis in the final days of our Ramadan.

May Allah save the ppl of the United Somalia.

 

Originally posted by Suldaanka:

Why didn't they just wait till Eid ends?

 

How many will never be able to mark their last Eid today?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this