Sign in to follow this  
RedSea

The King of the Hill: Alshabab takes over more towns.

Recommended Posts

RedSea   

Xoogaga Al-shabaab Oo Isku Balaadhiyey Qaar Ka Tirsan Gobolada Koonfurta Soomaaliya

 

 

Warkii 12-Nov-2008 iyo Qormadii: Yaasiin faytin

 

Xoogaga dagaal yahanka Al-shabaab ayaa maalintii shalay gacan ku haynteeda la wareegay degmooyin ka tirsan gobolka shabeelada hoose kuwaasoo ay sheegeen inay u samayn doonaan maamul islaami ah oo ku dhaqma shareecada islaamka .

 

 

Degmada qoryooley ,Buulo mareer iyo meelo kale oo dhamaan hoos taga gobolka shabeelada hoose ayaa waxaa si rasmi ah gacan ku haynteeda ula wareegay Urur diimeedka al-shabaab kuwaasoo ka baacsaday maamul aad u tag darnaa oo hoos tegiu jirey dowlada KMG ah ee soomaaliya islamrkaana ka samayntay saldhigyuo milatari .

 

 

 

Sidoo kale maamulkii hore ee degmooyinkan ka arimin jirey ayaa qaarkood soo dhoweeyeen soo gelitaanka xoogaga al-shabaab islamrkaana ku raaceen in laghu maamulo shareecada islaamka halka qaarkoodna ay ku dhuumaalaysanayaan qaar ka tirsan tuulooyinka duleedka ka ah degmooyinkaasi .

 

 

 

Dhinaca kale xoogaga Ururka al-shabaab ayaa u muuqda kuwo maalinba maalinta ka dambaysa isku sii balaarinaya degmooyinka iyo gobolada dalka soomaaliya kuwaasoo sheegay inay goobaha ay gacanta ku hayaan ku dhaqi doonaan sharaacada islaamka oo barax tiran .

 

 

=============================

 

 

The kings of the south is what I like to call them. since they are dominant throughout the South. Ethiopians invasion army is left to defend Muqdisho.

 

This 'box in' strategy has been going on for a while. Most of the south is now peaceful and under Alshabab or other freedom fighters. They are ruling each and every tuulo based on the sharica. They are also recruiting from each town. Something tells me that Ethiopians will have a rude awakening which they may not have expected.

 

 

Ninkii dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

Red Sea

Walaalo, would you want the shabaab to come to your ends as well? or do you want them only in the South?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo katirsan Xoogaga Al-shabaab ayaa goor dhaw waxa ay la wareegeen Gacan ku haynta Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/hoose.

 

Xoogagani oo ku hubeysan Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa si nabad galyo ah waxa ay ula wareegeen magaalada marka ee xarunta Gobolka Sh/hoose.

 

Maamulkii degmada Marka ayaa isaga cararay intii xoogaga Al-shabaab aysan soo gaarin Magaalada marka ee xarunta Gobolka Sh/hoose,waxaana degmada saakay iyo xalay ay aheyd mid haawaneysay oo aysan ka jirin wax maamul ah.

.

Goor dhaw waxaa degmada Marka soo gaaray dhaq dhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab,waxaana Magaalada ku soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan magaalada marka ee xaruntaasi.

 

Jawiga Magaalada marka ayaa iminka ah mid kacsan,waxaana Shacabka magalaada ay hadal haayaan qaabka ay ku yimaadeen xoogaga Al-shabaab magaalada marka.

 

Imaanshiyaha xoogaga al-shabaab waxaa soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan magaalada marka oo ay sheegeen in ay heleen maamul islaami ah oo ka madax banaan Dowlada KMG.

 

Waxaa adag in la ogaado xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/hoose mar hadii xoogaga Al-shabaab ay gaareen magaalada marka ee xarunta Gobolka sh/Hoose.

 

Maamulkii Dowlada KMG iyo maleeshiyaadkii gobolka ayaa xalay isaga cararay magaalada marka isagoo aan la garan halka uu jaan iyo Cirib ay dhigeen.

 

Maxaabiistii ku jirtay Xabsiga Magaalada marka ayaa xalay la sii daayay markii maamulkii magalaada uu isaga baxay.

 

Lama oga in xoogaga Al-shabaab ay sii joogayaan Magaalada marka ee xarunta Gobolka Sh/hoose,waxaana la filiyaa in magaalada ay ka hirgaliyaan maamul islaami ah.

 

Imaanshiyaha xoogaga al-shabaab ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili shalay degmada qoryooleey iyo deegaanka Buula Mareer ay la wareegeen dagaalyahanada Al-shabaab kuwaasi oo xalay magaalada galiyay bandaw.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Update: massive Alshabaab forces holding positions in Ceelasha biyaha.

 

"ninkii dhoof ku yimid, ayey geeridu dhibaysaa".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this