Sign in to follow this  
General Duke

Captain Paddy Ankunda: Somalia has touched on the road to peace

Recommended Posts

Captain Paddy Ankunda: "Somalia waxay cagta saartay waddadii nabadda, waxaana caddeyn u ah."

 

Aug 3 2007 Radiofreesomalia.com

 

RFSNEWS. Afhayeenka Ciidammada Nabad Ilaalinta Afrika Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay in Somalia ay xilligaan cagta saartay waddada nabad ka dhalata dalka ay dagaallada sokeeye la dageen, mar uu u warramayay wargeys ka faallooda Gancsiga Afrika.

 

Cap. Ankunda, wuxuu sheegay inuu rajeynayo shaqsiyan in xubnihii Maxkamadaha ay shirka Qaran ka soo qaybgeli doonaan, inkastoo uu sheegay inay diideen mar hore, haddana uu rajo wanaagsan ka qabo in haddii lagula kulmo goob kale oo aan ahayn Muqdisho iyo Asmara, lagu qancin karo in shirka ay ka soo qaybgalaan.

 

"Guddiga Shirka Qaran, waxaa la xusuustaa inay horay u sheegeen in shirka uu qayb ka yahay siyaasad, taas ayaana laga yaabaa in Soomaalida ku maqan siyaasad ahaanta ay kaga soo qaybgalaan shirkaas, mana filayo inay diidayaan haddii lagu qanciyo qaabka shirka uu yahay iyo sida uu ku socdo" ayuu ku yiri warbixintiisa Captain Paddy Ankunda.

 

Afhayeenka AMISOM, wuxuu sheegay inuu u arko shirka Qaran ee Beelaha Soomaaliyeed inuu yahay mid horumar la taaban karo gayeysiin kara shacabka Soomaaliyeed haddii ay isku laab furnaadaan ayna damcaan inay dalkooda ka saaraan dhibaatada ku habsatay.

 

"Somalia waxaa ka jiray dagaallo sokeeye, waxaana shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay mudan yihiin inay ka hadlaan aayahooda, si ay nabad waarta uga gaaraan dhibaatada dalkooda la dagtay" ayuu yiri mar kale Cap. Ankunda.

 

Mar uu ka hadlay siyaabaha uu ugu arko inay Somalia waddada nabadda ay cagta saartay ayaa wuxuu yiri: "Madaxda Dowladda Federaalka waxay ku dhawaaqeen inay shirka kasoo qaybgeli karaan madaxdii Maxkamadaha iyo iyo cid walba oo diiday howlaha Dowladda Federaalka ay waddo, si loo gaaro wadahadallo loogana gudbo dhibaatada, sidoo kale guddiga shirka wada ayaa yiri waxaan ogol nahay inay cid walba ku timaado magacii ay doonto, gaar ahaan Midowgii Maxkamadaha".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Captain Paddy Ankunada"Soomaaliya waxay cagta saartay wadadii nabada.

 

Afhayeenka ciidamada Nabad ilaalinta Africa ee kusugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay xiligaan la joogo cagta saartay wadadii nabada, ayna ka soo kaban doonto dagaaladii sokeeye ee la dagagay wadanka Soomaaliya.

 

Captain Paddy Ankunada, oo magaalada Caruusha ugu waramayay wargeys ka faalooda Ganasiga Africa , ayaa wuxuu sheegay inuu rejeynayo in shirka qaranka ay ka soo qeyb galaah xubnihii Maxkamadaha ,in kastoo ay mar hore shaaciyeen in aysan ka soo qeyb gali doonin shirka qaran ee ka socoda Muqdisho.

 

Soomaaliya waxaa ka jiray dagaalo sokeeye wixi ka horeeyey DFKS, waxaana shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay mudan yihiin inay ka hadlaan aayahooda si ay u gaaraan, nabad waarta ugana gudbaan dhibaatooyinka keenaya qaran xumada ayuu yiri Captain Paddy Ankunada.

 

Isagoo Captain Paddy Ankunada, intaasi ku daray in Mudowga Africa uu soo dhaweyndoono qodabadii ay ku heshiiyaan balaha Somaaliyaa waxaana ku taageeryanaa sii socoshada shirka,isagoo intaasi raaciyey in saraakiil ka socota Midowga Africa ay tagaan Muqdisho si ay goob joog uga noqodaan shirka qaranka ee lagu heshiisiinayo beelaha Somaaliyeed.

 

Captain Paddy Ankunada, wuxu soo hadal qaaday ciidamabada nabad ilaalinta isago shegay in dhawaan ciidamo ka socoda wadamada Burundi iyo Ghana ay tagayaan gudaha dalka Soomaaliya, si ay u xoojiyaan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socoda Uganada ee kusugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasumada dalak Soomaaliya.

 

Said Axmed Husein Email:umaxl85@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Yeah right! Iraq must be on a highway to tranquillity as far as Capt. Anakunda is concerned. Biggest joke since Fat Muuse was given "good governance" award.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer Somalia is not Iraq and "Somaliland" is not the UAE. Adeer even your "Mother" Ezabels country recognises Puntland's progress.

 

Dont be jelous now adeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Originally posted by AYOUB:

Yeah right! Iraq must be on a highway to tranquillity as far as Capt. Anakunda is concerned. Biggest joke since Fat Muuse was given "good governance" award.

Completely agree with Ayoub. It never ceases to amaze me how the opposite reality of events is true for some people, or is it crisis breeds opportunity?

Share this post


Link to post
Share on other sites

this homie be lucky if he goes home in piece... some one should have told him...this aint in no disneyland..

 

its xamar cadheey...even yeey dont sleep in his bed... they levitate him from a tree.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^1700 Uganda troops arrived in Mogadishu 6 months ago. 4 have died from a road side bomb. Mogadishu is not Baghdad.

 

As for the doubters, its not for me to convince you. The man is there on the ground and sees the results , naysayers in America and the west could never comprehend the day to day changes that is taking place.

 

He has more insight of Mogadishu today than those in Asamara, who rely on secondary evidance and the world media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this