Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Maxaeey Puntland oolways Saxaafada U caburisaa??

Recommended Posts

I wonder why puntland doesn't alow freedom of speach in puntland. You can't speak you Idea you can't say Any thing that is anti_government.

 

I thought Cade Muuse will give freedom to his ppl but that was dream is not realtiy.

 

 

Laba ka mid ah hawlwadeennada Idaacadda SBC oo xalay laga kaxaystay Xarunta SBC

Boosaaso - 25.May.2005 Abbaarihii 10-kii iyo barkii fiidnimo ee xalay waxaa xarunta Idaacadda SBC laga kaxaystay laba ka mid ah Shaqaalaha warbaahinta madaxa bannaan ee SBC, Markii ay xarunta Yimaadeen xubno ka tirsan mas'uuliyiinta hay'ad lagu magacaabo PIS oo la dagaallanta waxa loogu yeero argagixisada.

 

labadan hawlwadeen ee ka tirsan warbaahinta SBC ayaa kala ah Agaasimaha iyo Tafatiraha Idaacadda iyo bogga Internet-ka ee SBC Eng: Mowliid Xaaji Cabdi iyo Maxamuud C/raxmaan Rood oo isna ah madaxa qaybta dhaqaalaha, kana tirsan wariyeyaasha idaacadda ayaan ilaa iyo iminka si rasmi ah loo garanayn u jeedada ka dambaysa xariggooda iyo sababta xilli habeennimo loogu soo guureeyay.

 

Labadan hawl wadeen ayaa waxaa ay xalay ku bariyeen isla markaana weli lagu hayaa xarunta BIS-ta iyadoo aan la ogayn xaaladda ay ku sugan yihiin.

 

Idaacadda SBC oo isku dayday inay khadadka mobilo ay siteen kula xiriirto labadaasi hawl wadeen ayaa u suurto geli wayday inay khadka isku helaan ka dib markii sida muuqatay ay dansan yihiin Telefoonnada.

 

Ma ahan markii ugu horaysay ee ay PIS-tu sidan oo kale xarunta SBC uga kaxaystaan Agaasimaha iyo Tafatiraha idaacadda iyo Bogga SBC. iyadoo aan la sheegayn sababta dhabta ah ee ka dambaysa xarigga mar walba lala soo doonto hawl wadeennada Idaacadda SBC.

 

Waxayna tallaabooyinkaasi oo kale u muuqdaan mid lagu doonayo in lagu khal khal geliyo hannaanka shaqo ee Warbaahinta SBC, laakiinse Idaacadda SBC ayaa horey wacad ugu martay inaysan u dhutin doonin falalka noocan oo kale ah, ayna si madaxbannaan oo waafaqsan sharciga saxaafadda u wadi doonto hawsheeda.

 

SBC News Desk

 

 

 

...

 

 

Mas'uuliyiintii Idaacada SBC ee la xiray oo lagu siidaayey amar Madaxweyne

Boosaaso-25.May.2005 Agaasimaha Idaacada SBC Eng.Mowliid Haji Abdi iyo Madaxii qayta Dhaqalaaha oo xalay si sharci daro ah loogu xiray magaalada Boosaaso ayaa la siidaayey.

 

Siidaynta Mas'uuliyiintan Hay'ada Warbaahinta ayaa waxaa bixiyey Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi(Gen.Cade).

 

Xarigga Mas'uuliyiinta Idaacadda SBC ayaa waxaa uu daba socdey war Idaacadda ka baxay maalintii shalay kaas oo ay maamulka gobolka Karkaar kaga hadleen dhaqaale xumo soo food saartay gobolkooda iyo in gobolka Karkaar uu yahay magac u yaal aan waxba dawladdu u qaban.

 

Abbaarihii 10-kii iyo barkii fiidnimo ee xalay waxaa xarunta Idaacadda SBC laga kaxaystay laba ka mid ah Shaqaalaha warbaahinta madaxa bannaan ee SBC, Markii ay xarunta Yimaadeen xubno ka tirsan mas'uuliyiinta hay'ad lagu magacaabo PIS oo la dagaallanta waxa loogu yeero argagixisada, taas oo ay dadka intiisa badan u arkeen arrin aan khusayn hay'addaas balse ay uga dhoweyd in haddiiba war deelqaaf ku jiro uu ka baxay idaacadda ay dabagalkeeda leeyihiin wasaaradda wafaafinta, CID-da iyo booliiska Puntland.

 

Mowliid Haji Abdi iyo Maxamuud C/raxmaan Rood ayaa u xaqiijiyey Idaacada SBC in intii lagu hayey Xarunta Hay’ada PIS aan loo geysan wax dhibaato sida jir dil, balse waxay sheegeen in sisilad lugaha lagaga xirey, taasi oo ay ku tilmaameen mid lid ku ah shakhsiyadooda bacdamaa aysan ahayn maxaabiis dagaal ama dad wax diley.

 

Hawlawadeenadan Idaacada SBC ayaa waxaa markii dambe lagu siideeyey amar uu bixiyey Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse xirsi.

 

Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed waxay ku tilaamaysaa tallaabooyinkaasi oo kale u muuqdaan mid lagu doonayo in lagu khal khal geliyo hannaanka shaqo ee Warbaahinta SBC, laakiinse Idaacadda SBC ayaa horey wacad ugu martay inaysan u dhutin doonin falalka noocan oo kale ah, ayna si madaxbannaan oo waafaqsan sharciga saxaafadda u wadi doonto hawsheeda.

 

SBC waxay ugu baaqeysaa maamulka iyo dhamaan qaybaha kala ee bulshada in dhamaantood ay tixgaliyaan hanaanka shaqada ee Saxaafada, iyadoo saxaafaduna ay dhawri doonto shuruucda Saxaafada.

 

SBC Online.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

SBC-25.May.2005 Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC waxya si aad ah ugu mahadcelinaysaa Ururadii, Warbaahintii, Bulshada iyo Shakhsiyaadkii ka dhiidhiiyey xarigii xaley sida sharci darada ah loogu geystey Agaasimaha Idaacada SBC Molwiid Haji Abdi iyo Madaxa Qaybta dhaqaalaha ee Idaacada Maxamuud C/raxmaan Rood.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay Idaacada SBC ayaa si rasmi waxaa mahadced celiyey sida qiimaha laheyd ee saxaafadu uga hadashey xarigaas aan sharciga salka ku hayn.

 

“Sidii dareenka lahed ee ay quluubta inagala socdeen Qaybaha Warbaahinta Soomaali iyo Ajanbiba waxay inoo muujisey doorka muuqda ee saaxiibtinimadu ku lamaanstahay ee aan la leenahay guud ahaan inta hormuudka u ah xiligan Saxaafada†ayaa lagu yiri qoraalkaas ka soo baxay Hay’ada Warbaahinta SBC.

 

Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC waxay sidoo kale mahadnaq iyo amaan u jeedinayasaa Dadweynihii gaar ahaan asxaabtii fariimaha ay uga xun yihiin dhacdadaas ina soo gaarsiiyey, kuwaasi oo qaarkood yimaadeen Xarunta SBC ee Boosaaso, kuwii fariimaha E-mailada, Telefoonada iyo SMS-ka ina soo gaarsiiyey,

 

Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC waxay warsaxaafadeedkeeda ku cadeynaysaa inaysan sina u niyad jabin doonin ficiladii xaley lagula kacay qaar ka mid ah masuuliyiinta Idaacada SBC, waxayna sii wada doontaa shaqada warbaahineed ee ay u hayso guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka reer Puntland, iyadoo ku dhaqmaysa nidaamka saxaafada ee jirida hoose ku haya xoriyada saxaafada iyo ilaalinta shuruucda qaanuuniga ah.

 

Hay’ada SBC waxay si kulul u cambaareynaysaa dhamaan ficilada lidiga ku ah hanaan socodka iyo shaqada saxaafada, waxayna ugu baaqeysaa dhamaan Maamulada, Kooxaha, Ururada iyo cid kasta oo deegaan maamusho inay tixgaliso hab sami u socodka mihnada saxaafada.

 

Maamulka Hay'ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC.

 

 

 

...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this