Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Faisal cali waraabe sends special forces to buhuudle

Recommended Posts

Sawiradan waa sawiro collection ah. Itoobiyaanka iyo Ciidankii darwiishta ee Sool.

 

Nin u dhashey Buuhoodle oo ka qowleysta hargeysa ayaa maalin dhaweyd si dhuumasha ah isugu sawirey Garoonka oo howl laga wado, magaalada Buuhoodle. Waxa kale waa iska cantaraboqosh :D

 

Sawirka hoose:--Shacabkii Buuhoodle oo u tafaxeydanaaya hormarka dalkooda iyo sidii loogu dhisi lahaa Airport degmada Buuhoodle.

0000buu.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Qaranka Oo Joojiyey Madaarkii Laga Macmalayey Buhoodle

 

Buuhoodle, October 29, 2009 (Haatuf) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida degmada Buuhoodle ayaa shalay ku waabariistay Airport laga Samaynayey duleedka bari ee degmadaasi, kuwaas oo gabi ahaanba ciidanka qaranku ay si rasmi ah u joojiyeen.Ciidanka qaranka Somaliland ayaa hawlgalka fuliyey, ka dib markii ay ku war heleen in ay dad aan fasax u haysani dhismaha madaarkaasi oo ay todobaadkan ka xaadhxaadhayeen halkaasi goob ilaa saddex kiilomitir dhinaca bari ka xigta degmada Buuhoodle.

sida ay sheegayaan ilo xogogaal ah oo ku sugan goobtaasi ayaa sheegay in ciidanka in ciidamada qaranka ee ku sugan jiida buhoodle ay hawlgalkaasi fuliyeen, iyadoo ay horsocdeen saraakiil ay ka mid ahaayeen sida la sheegay Axmed Maxamed iyo Ismaaciil Xaashi, isla markaana ay hawshaasi si nabadgelyo ah ku soo dhamaatay gabi ahaana ay joojiyeen dhismihii Madaarkaasi lagu doonayey in lagu hirgaliyo.

 

Warku wax faahfaahin ah kama bixin dadka ku hawlanaa madaarka iyo ujeedada ay ka leeyihiin samaynta madaarka midna, laakiinse ilo xogogaal ah ayaa sheegay in hindisaha madaarkaasi ay wateen kooxdii dhawaan ku shirtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo uu hogaaminayey Garaad Jaamac Garaad Cali oo la sheegay in ujeedada ay u samaysanayeen ay hayd sidii ay saldhig diyaaradeed oo ay ku soo degaan uga samaysan lahaayeen deegaankaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this