Sign in to follow this  
Liibaan

Buuhoodle: Hogaanka SSC Oo Salaan Ka Qaatey Ciidamada SSC

Recommended Posts

Liibaan   

DOIFUIGUDFO.jpg

 

 

IMG_0021.JPG

 

IMG_0022.JPG

 

 

 

IMG_0019.JPG

 

IMG_0017.JPG

 

IMG_0014.JPG

 

IMG_0013.JPG

 

 

 

 

Buuhoodle(Riinji.com):-Hogaanka SSC ayaa maanta salaan saraf ka qaatey cutub ka tirsan ciidanka cusub ee qoristiisu ka socoto Magaalada Buuhoodle, waxaanna halkaasi khudbado ka jeediyey Hogaamiya ,ku xigeenka,Xooghayaha Difaaca, Cuqaal iyo Abwaano uu ka mid yahay Xine Xiiriye.

 

Taliyaha ciidanka cusub Col Bakayle ayaa waxaa uu hogaanka salaantii ka dib uga xogwaramay ciidaman oo uu ku sheegey in ay iskugu jiraan kuwii Xooga dalka Soomaaiyeed ee 20 sano dawlad la’aantu haysey iyo qaar ka tirsanaan jirey ciidamada Puntland tababarana ku soo qaatey dalalka Ugaandha iyo Itoobiya. Xooghayaha Difaaca SSC Yaasiin Cali C/dile Tamaad ayaa isaguna hadal dhiiri galin ah u jeediyey Ciidamada isagoo dhanka kalena sheegey in uu ku faraxsan yahay inuu hortaagan yahay Ciidamo ka tirsanaan jirey Xoogii Dalka Soomaaliya ee uu ka midka ahaan jirey. Hogaamiye ku xigeenka SSC Cali Xasan Axmed (Cali Sabarey) oo cod baahiyihii lagu soo dhaweeyey ayaa waxaa uu ciidamada u sheegey in SSC ay Qadiyad iyo Mabda sax ah ku socoto kuna dagaalamayso maadaama ay dalkooda ka saarayaan Beel la mid ah, wuxuuna u sheegay in ay heli doonaan wixii xuquuq ah ee ciidan lahaan jirey, iyagana looga baahan yahay in ay Hantaan kana saaraan Malayshiyaadka ***** ee ku soo duuley Deegaamada Sool,Sanaag iyo Cayn. Intaas ka dib ayaa wxaa hadalkii qaatey Cuqaal ay ka mid ahaayeen Caaqil Max’ed Nuux Sanweyne iyo Caaqil C/laahi Maxamed Dheeg, sidoo kale waxaa Gabayo iyo Geeraaro Guubaabo iyo dhiiri galin iskugu jirey halkaas ka jeediyey Abwaanka weyn Xine Xiirey Jaamac. Gabagabadii Munaasibada ayaa waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed waxaanu ugu horayn u mahad celiyey Halyeyada ku soo biirey Ciidamada SSC, isagoo kula dardaarmey in ay adkaysi iyo dulqaad badan muujiyaan inta lagu jiro halganka lagu Hananayo Deegaamada ka maqan gacanta Hogaanka. Hogaamiyaha ayaa dhanka kale ciidamada u sheegay in ciidamo laga qorayo Dharkayn iyo dhanka Nugaasha kuwo fara badana sida warbaahinta laga daawada ay ku soo biireen Ciidamada SSC ee Aaga Tuka-raq. Dhanka kale hogaamiye Saleebaan Ciise ayaa hadalo kulul u direy maamulka Siilaanyo iyo kooxaha uu Calooshood u shaqaystaal ku tilmaamey oo deegaanka u dhashay kuwaasi oo uu sheegey in ay baryahan la wareegayeen suuqayada SSC waa burburtey, isagoo arintaas ka hadlayana wuxuu yidhi” Waxay suuqayada baryahan danbe la wareegayeen shaqsiyaadka u adeega reeraha kale oo calooshood u shaqaystayaal ahi ssc waa burburtey, waxaan u sheegayaa in aaney Qadiyadi burburin ee wixii mashruuc ah ee si xun lagu soo qaataa ay burburaan, SSC waa jiraysa waana jiro doontaa” “Sidoo kale waxaan lee yahay Hagar daamooyinka aad shacabka SSC ku haysaan ka daaya haddii aad dayn weydaana waxaan idin lee yahay sii laban laaba, waayo haddii aanu nahay Hogaanka SSC waa ka faa’iidnaa dhibka aad nagu samaysaan oo ilaahay ayaa wanaag iyo khayr nooga dhiga. Ugu danbayntii hogaamiyuhu wuxuu fariin u direy maamulka Siilaanyo isagoo sheegey in aan Bulshadda Sool,Sanaag iyo Cayn marnaba jeclayn in uu daato dhiig soomaaliyeed oo danbe haddii aan lagu kaliifin,wuxuuna ugu baaqey in ay Maleeshiyaadkooda kala baxaan dadka iyo dhulka SSC ee aan marnaba raaliga ka ahayn. Hogaanka Midaynta iyo Badbaadada SSC ayaa u muuqta mid haatan laba kacleeyey tan iyo wixii ka danbeeyey shirkii turxaan saarida ahaa ee ka dhacey Dharkayn geenyo 19/08/2010, waxaana ay dadweynaha SSC isha ku hayaan talaabada tan xigta ee hogaanku uu ku talaabsado. C/casiis saleebaan Axmed Cummaani2010@hotmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Buuhoodle SSC Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Finally you two agreed on something. Mashallah...

 

Somaliwayn waligeed...Priceless!

 

 

Calankeena quruxda habeenka qotomineeee

Calankeena quruxda habeenka qotomineeee

 

guusha qaadnay baa tahay habeenki quruumaha qiimo ku yeeshe ka qeeb galnaa tahay

 

habeen qaayo weeeeeynooo naguuu qaaaliya tahay

gumeesi iyo qabaail habeen quursiya tahay

habeen qaran dhasha tahay

 

Somalia ha nolaaaaaaaaaaaaaaato..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

You are wrong Sakhar, I am not angry, the truth is we don't share Puntland

 

But that doesn't matter, we are all somalis from one country Somalia, one people, one flag, One nation, one country, one culture, under one God

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Sakhar, Puntland failed the ssc people walaal. They are not stepping up so talk is cheap somali waxay kumaahmaada hadal haan madhan ma buuxsho marka waxbaan isku nahay maxay tari hadii ay magaladaba tirsaneen oo markay loo baahna ee dhinaca kale u jeesadeen???

 

At the end of the day we are somalis and we should all love each other. But, bottom line each region needs to take care of its affair and then inshallah as somaliwayn wax waa la wada qabsan karaa.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

hahahahahaha, Subxaanalla, is that what SSC consits of.?? these guys are total comedians, they always manage to make me laugh when i see them with their torn t-shirt, true defenition of Rag-tag militia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this