Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Police Arrest TFG MPs

Recommended Posts

Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Mid Ka Ka Mid Ah Xildhibaanada Soomaaliya, Laba Kale-na Baadi-goobaya

 

 

Boorame(HWN):-Ciidamada Booliska Somaliland ee Gobolka Awdal ayaa saaka gacanta ku soo dhigay mid ka mid ah sadex xildhibaan oo tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii ay yimaadeen Gobolka Awdal oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.

 

Sidaa waxa Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyey dad goob-joogayaal oo qaar ka ahi suxufiyiin yihiin.

 

Xildhibaankan la xidhay ayaa magaciisa la yidhaahda Cabdow Shodhe, halka labada xidhibaan ee baxsadayna magacyadooda la kala yidhaahdo Sitiin, iyo wehel, kuwaas oo ay ciidamadu baadi-goobayaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen xildhibaanadaas.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xukuummada Somaliland oo la xidhiidha xadhiga xildhibaankaas iyo kuwa kale ee la baadi goobayo, Hasayeeshe xidhiga xildhibaankan ayaa ka danbeeyey, kadib markii ay yimaadeen Gobolka Awdal oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedan, iyaga oo aan wax ogolaanshiyo ah ka heysanin Xukuummada Axmed Siilaanyo, inay ka noqdeen mabdi’i Soomaali-weyna ee ay qaateen iyo in kale.

 

Si kasbata ha ahaatee, Sanadkii 2000 ayaa labada Gole Baarlamaan ee Somaliland [Guurtida Iyo Wakiillada] ansixiyeen qaraar ay ku mamnuucayaan inay cid u dhalatay Somaliland ka qeybgasho shirarka dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaaliya, waxaanu qaraarkaasi dhigayey in talaabo adag laga qaado muwaadiniinta Somaliland ee ka qeybgala Shirarkaas, kuwaasi oo ay u aqoonsadeen inay yihiin khaayinul wadan.

 

Arrintan ayaa ku soo beegantay wakhti gumaad lagu hayo Masuuliyiinta Dawlada kumeelgaadhka Soomaaliya, iyada oo maanta in ka badan 30- qof oo ay ku jiraan lix xildhibaan iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Xukuumad ay ku naf-waayeen qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday Hudheelka Muna oo ay Dawlada Kumeelgaadhku degenayd.

 

Waxaana todobadada soo socda la filayaa inay xildhibaano dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ay dib ugu soo noqdaan dalka, inay xukuummadu cafis u fidiso iyo in kale lama garanayo, soo noqoshada xildhibaanadan la sheegay ayey ka danbeysay, kadib markii ay ka soo rajo go’een inay dawladii ka dhalato koonfurta Soomaaliya oo ay mabda’I ahaan aaminsanaayeen, iyada oo in ka badan dhowr iyo toban Shirar oo dib-u-heshiisiineed loo lagu doonayey sidii Soomaaliya dawlad loogu soo dabaali lagu guul-dareystay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boorama(Togaherer.com):- Ciidamada Booliska ee magaalada Boorama, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya, kaasoo toddobaadkii inna dhaafay Boorama safar ku yimi, isla markaana laba Xildhibaan oo kale oo ay isla maanta rabeen inay Boolisku qabtaan ayaa baxsaday, kuwaasoo la sheegay inay weli ku baadi-doonkooda ku jiraan Ciidanku.

 

Wararka ka imana magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ee ay heleyso shabakadda wararka ee Togaherer.com, ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska saaka gacanta ku dhigeen Xildhibaan Cabdoo Maax Faarax (Cabdoo-Shoodhe) oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka dawladda ku-meel-gaadhka Soomaaliya, hase ahaatee, dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Awdal, ka dib markii uu dhawaan si qarsoodi ah ku soo galay Boorama oo ay reerkiisu degan yihiin.

 

Sidoo kale, laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo iyaguna u dhashay isla Gobolka Awdal oo magacyadooda la kala yidhaahdo Sitiin Xuseen iyo Xildhibaan Wehel oo labadooduba hore uga tirsanaan jiray Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, isla markaana, shirkii Madaxweyne Sheekh Shariif lagu soo doortay kaga qaybgalay dalka Jabuuti, halkaasoo ay kaga mid noqdeen Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya, ayaanay iyaga Boolisku ku guulaysan inay gacanta ku dhigaan, hase-yeeshee, waxay wararku sheegayaan inay weli ku daba-jiraan, iyaga oo wararku intaa ku daray inaanay labadaas Xildhibaan magaalada ka bixin, balse ay si dhuumaalaysi ah isugu qarinayaan magaalada Boorama oo sidoo kale reerohoodu yaallaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, ha ahaatee, Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ayaa hore u ansixiyey sharci ka dhan ah qofka Somaliland u dhashay ee xil ka qabta Soomaaliya ama ka qaybgala shirar dawlad Soomaaliyeed lagu dhisayo, kaasoo qofka ka qaybgalana ku ciqaab marinaya inaanu dalka ku soo noqon karin illaa uu cafis soo dalbado, kana tanaasulo mawqifka uu aamminsan yahay mooyaane, haddii labadaas qodob la’aantood soo laabtana in la xidho illaa inta qodobbadaas laga helayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Sanadkii 2000 ayaa labada Gole Baarlamaan ee Somaliland [Guurtida Iyo Wakiillada] ansixiyeen qaraar ay ku mamnuucayaan inay cid u dhalatay Somaliland ka qeybgasho shirarka dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaaliya, waxaanu qaraarkaasi dhigayey in talaabo adag laga qaado muwaadiniinta Somaliland ee ka qeybgala Shirarkaas, kuwaasi oo ay u aqoonsadeen
inay yihiin khaayinul wadan.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

cid u dhalatay Somaliland

What is their definition of "dhalatay"? Haddii uu Xamar, Kismayo ama Baydhabo ku dhashay xildhibaanku oo uu Hargeisa tago mala xidhi tolow...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Booliska Boorama oo Xildhibaan Baarlamanka Soomaaliya ka Tirsan Xabsiga u Taxaabay, kuwo kalena ku raad-jooga

 

 

uddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Cabdalle, waxa uu sheegay in Somaliland sharci uga yaallo...

 

Badhasaabka Gobolka Awdal Mr. Maxamed Cabdalle, ayaa Hargeisastar u xaqiijiyey in Ciidamada Booliska Xabsiga magaalada Boorama u taxaabeen Xildhibaan Cabdoo Maax Faarax (Cabdoo Shoodhe) oo ka tirsan Baarlamanka dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay ku raad-joogaan laba Mudane oo kale oo Baarlamaankaas ka mid ah, kuwaasoo dhammaantood u dhashay dalka Somaliland, gaar ahaan Gobolka Awdal, ka dib markii ay si dhuumasho ah toddobaad ka hor Boorame ku yimaaddeen.

 

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Cabdalle, waxa uu sheegay in Somaliland sharci uga yaallo cidda reer Somaliland ah ee Shirarka dawladaha Soomaaliyeed lagu dhisayo ka qaybgala amaba xil ka qabta Soomaaliya inaanu dalka soo gali Karin, illaa uu cafis dawladda Somaliland soo waydiisto, isla markaana ka noqdo waxa uu aamminsan yahay, haddii uu dalka soo galo cafis la’aanna in la xidho. Hase, ahaatee, Badhasaabku waxa uu sheegay inay saddexdan xubnood ee ka tirsan Baarlamanka dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ay dhawaan magaalada Boorame si qarsoodi ah u yimaaddeen, iyaga oo aan wax cafis ahna soo dalban, dalab uu Guddoomiye ahaan ugu yeedhayna diideen, ka dibna uu isagu Badhasaab ahaan amray in Ciidamada ammaanku soo qabtaan saddexdaas Xildhibaanba.

 

“Saddexdaa nin magaalada Boorama ayay yimaaddeen dhawaan iyaga oo aan wax cafis ah dalban, wax ogaysiis ahna na soo siinnin, cid ka war haysaana jirin, markaaannu ka war helnay farriin baannu u dirnay Maamul ahaan oo aannu ku nidhi iska soo xaadiriya Xafiiska maamulka Gobolka Awdal, dabadeedna way iman waayeen, sidaa daraaddeed, waxaan amar ku bixiyey in la soo qabqabto nin la yidhaahdo Cabdoo Shoodhe ayaa la soo qabtay, labadii kalena dhuumasho ayay ku jiraan oo Ciidanka Booliska ayaa ku raad-jooga.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Cabdalle oo Wargeyska HargeisaStar khatka Taleefanka xalay wax kaga waydiiyey qaabka loo xidhay Mudanayaashaas iyo sida ay dalka ku yimaaddeen.

 

Badhasaabka Awdal Mr. Maxamed Cabdalle, oo aannu waydiinay magacyada labada Xildhibaan ee ay Ciidamada Boolisku baadi-goobka ugu jiraan, waxa uu sheegay in la kala yidhaahdo Xildhibaan Sitiin Xuseen iyo Xildhibaan Wehel. Weriyahayaga Gobolka Awdal Cali Ismaaciil Aare oo ku sugan magaalada Boorama, ayaa ku soo warramaya in Xildhibaan Cabdoo Shoodhe oo shalay galinkii hore Boolisku dhigeen Xabsi ku yaalla magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, laga qabtay gurigiisa Boorama oo ay degan yihiin Xaaskiisa iyo Carruurtiisu, oo uu booqasho caadiya ugu yimi Xildhibaanku. Waxaanu Wariyuhu intaa ku daray oo uu sheegay in hadal-haynta ugu badan ee shalay laysla dhexmarayay Boorama ay ahayd ka sheekaysiga dhacdadaas Xildhibaan Cabdoo lagu qabtay, Mudanayaasha kalena lagu raadinayo.

 

Si kastaba ha ahaatee, Xeer Golayaasha sharci-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland hore u meel-mariyeen, ayaa dhigaya in qof Somaliland u dhashay ka qaybgali Karin shirarka lagu dhisayo dawladaha koonfurta Soomaaliya, maadaamoo ay Somaliland ka madax-bannaan tahay Soomaaliya, kaasoo cid kasta oo ka qaybgasha ama xil ka qabata Soomaaliya aanay Somaliland dib ugu soo laaban Karin illaa uu cafis soo dalbado, haddii uu cafis la’aan ku yimaaddana Xabsiga la dhigayo illaa inta uu si cad uga noqonayo mawqifka uu aamminsan yahay ee Somaliland-diidnimada ah, cafisna dalbanayo. Iyada marmar hore oo kala duwan shaqsiyaad Somaliland u dhashay oo xil ka qabtay dawladaha ku-meel-gaadhka Soomaaliya u kala dambeeyey amaba shir ka qaybgalay sidan oo kale loo xidhay illaa intay ka noqonayeen mawqifka Soomaali-weynimo.

--------------------------------------------------------------------------------

Published: 2010-08-25

Source: hargeisa star

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Maka yaabtay, Nuunka. A separatist accusing another Soomaali being a traitor and anti-unity. Waa yaab. Adduunkii upside down iska ah.

^^ upside down, outside in, back to front, and bottom to top. Wax walba waad arkeysaa aduunkaan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Safferz   

What is their definition of "dhalatay"?

From what I gather from the law Jacaylbaro posted, your male parent must have resided in the former British Somaliland to acquire citizenship by descent. You cannot inherit citizenship from your mother. It's a pretty clever way to encode tribe into Somaliland citizenship without actually saying outright, although there is this footnote:

[19] All Somalilanders (and other Somalis) belong to identifiable clans which are based on male lineage. The clans which lived in the Somaliland Protectorate and, on independence on 26 June 1960, in the new “State of Somaliland” are all well known. The sub clans of each such clan have accredited chiefs (Akils) who know exactly the members of their sub clan.

An Akil's declaration (to 'confirm' you belong to the community) is also part of the process of acquiring citizenship.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jamelia   

Lol....That sort of contradicts the belief that S/L isn't a tribal enclave but rather a Democractic Country....

Somalis and qabiil ey....... redface.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

that is new. And that is news:

 

critics: mugabe rules with iron fist

Critics point to one man for the nation's downfall -- 82-year-old president robert mugabe, one of the longest-serving rulers in africa. they say he rules with an iron fist and has reduced Zimbabwe to a nation of beggars....

 

On Friday, mugabe downplayed the situation in the country.

 

"I know we are in difficult times; it's hard times that we are going through. You are bearing a fair share of the burden, we know that [but] Zimbabwe will never collapse," he told a meeting of his ruling political party, the Zimbabwe African National Union - Patriotic Front, or ZANU - PF, according to Reuters.

 

But Shadrack Gutto, of the Center for International Political Studies, said Zimbabwe is on the verge of collapse.

 

"the reality is it's really grinding down and not improving," he said.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this