Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed: we want to talk to Ethiopia how things change..

Recommended Posts

Sh. Shariif oo ku dhawaaqay wadahadal ay la galaan Itoobiya.

 

Posted on Thursday, November 23 @ 10:07:24 PST by muuse

 

(Mogadisho) 23-11-06 Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxkamadaha ayaa sheegay inay wadahadal la galayaan Dowladda itoobiya haddi ay diyaar u yihiin hadalkaan ayaa ku soo aaday Hadalkii Maanta ee raisulwasaaraha Itoobiya.

 

Gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha oo maanta saxaafadda la hadlayey ayaa shaaciyay in maxkamadaha ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan dowladda Itoobiya.

 

Hadalkaan ayaa soo baxay kaddib kulan degdeg ah oo ay ka yeesheen Kooxaha Maxkamadaha hadalkii ka soo yeeray raisulwasaaraha itoobiya Melez Sanawi ee sheegayey in Dowladda Itoobiya Dagaal toos ah ay la geli doonto Maxkamadaha Muqdisho iyadoo ku tilmaantay inay qatar ku tahay jiritaanka Dowladda Itoobiya.

 

Hadalkan ayaa maanta gelgilay magaalada muqdisho oo si aad ah looga dareemay waxaana maxkamadaha ay sheegeen in maanta loo baahneyn dagaal taaso muujinaysa in maxkamadaha ay ka cabsanayaan in dagaal ka yimaada itoobiya uu wiiqayo awoodooda ay ku leeyihiin soomaaliya qeyb kamid ah.

 

Dowladda itoobiya ayaa sidoo kale waxaa ay taageersantahay dowladda soomaliya oo khatarta hortagan ay tahay oo keliya Maxkamadaha islaamiga oo diidan jiritankeeda ama inay awood ku yeelato dalka soomaaliya.

 

Cali Baashi Radio Nugaal Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is selective reporting. I thought other sites were reporting Axmaaro "dagaal iyo hadal" midba diyaar ayaa ula nahay. If I am not mistaken, that was wadaad ku sheega's tune from the start.

 

And adiga Soomaalida dagaal ayaa u rabtaa? You think Sanaawi in uu kaa xigsan doono Soomaalida kale markuu qabsado Soomaaliya, haduuba qabsan karo, which I don't think even haduu adduunyo isku keeno.

 

Waa gartaada meesha lagu dagaalamaayo meel dadkaaga kuu degan yihiin ma'aha. Sad, but true.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I have many relations in Mogadishu dear friends. Though that is nor here nor there. The important issue is the change of tone, from declaring a Jihad on Ethiopia a few months back to this latest, we will talk, we will fight. Why not say this before the Jihad issue, and the dressing up in millitary fitigue, when you have never been a soldier?

 

Why this we welcome the Americans, why now?

Also why equite, my reporting the current events to wanting a war in my own country? How absured to think that what I want matters in any way to the main players?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I also thought it was interesting. On another note, the Courts yesterday declared they are not on a quest for the constitution of the five Somali territories after even the most senior of them, Hassan Dahir, have said on multiple occasions that they indeed are after them just because the United States called for the lifting of the arms embargo.

 

A religious man is above dunya and deciding your positions on the whims of it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Hang on, although there is nothing wrong with saying this we are not even sure if the Sharif said this. Is this the only source? As usual it has to be puntland radio, mudug or now Nugaal that GD always gets from his breaking news. I wonder what happen to the rest of the so-called Somalia media(Although I think that almost all of them are bias anyway, whether from North, S, E or West of Somalia).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

 

 

 

Guddoomiyaha golaha fulinta ee midowga maxkamadaha Islaamka, ayaa si kulul u weeraray ra'isal wasaaraha dalka Itoobiya oo maalntii shalay aheyd shaaciyey in uu dhammaaday qorshe ay Soomaaliya ku weerarayaan.

 

 

Hobyonet. Muqdisho. Jimce, Nov 24,2006

 

 

Sh. Shariif Sh. Axmed oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay midowga maxkamadaha oo garabsanayo shacabka Soomaaliyeed aysan oggolaan doonin in Itoobiya ay gumeysato ciidda Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha golaha fulinta ee midowga maxkamadaha Islaamka, waxa uu ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray ra'isal wasaaraha Itoobiya mid aan laga fiirsan oo ay ka dambeyso siyaasad mala-awaal ku saleysan.

 

Sh. Shariif waxa uu sheegay in ay dagaal jihaad ah la gali doonaan ciidamada uu Meles Senawi sheegay in ay dagaalka ku qaadi doonaan midowga maxkamadaha Islaamka, isagoo sheegay in ciidanka uu doonayo n uu Meles adeegsado ay yihiin dhalintyaro Tikree ah oo ah qabiilka uu Meles Senawi ka dhashay iyo ciidamo qowmiyado kala ah oo la soo qasbay.

 

Sh. Shariif waxa uu ku celceliyey in dagaalkaasi ay ku guuldareysan doonaan ciidamada weerarka soo qaado haddii Alla idmana jab dhabar loo huwin doono siyaasadda Meles Senawi ee dalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha golaha fulinta ee midowga maxkamadaha Islaamka waxa uu shirkaasi jaraa'id ku canbaareeyey dowladda dalka Mareykanka oo uu ku sheegay mid hadal macaan ku hadasha, balse ficilo xun xunku dhaqaaqda, isagoo intaa sii raaciyey in dowladda Itoobiya aysan ku dhiiran karin in ay ku dhawaaqdo dagaal ay Soomaaliya ku qaado, haddii dowladda Mareykanka waxba ka ogeyn.

 

Sh. Shariif waxa uu sidoo kale ka hadlay dadaalka dhawaanaha loogu jiro in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay in haddii la qaado ay macnaheeda tahay in ummadda Soomaaliyeed dagaal loo iclaamiyey.

 

Guddoomiyaha golaha fulinta e midowga maxkamadaha Islaamka, waxa uu ugu baaqay M/weynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo xubnaha dowladda in ay ku mowqif noqdaan maxkamadaha, oo ay ka qayb-galaan dagaalka shacabka Soomaaliyeed ay iskaga difaacayaan ciidamada Itoobiyaanka ee duulaanka ku ah dhulka Soomaaliyeed.

 

Shirkaan jaraa'id, ayaa waxa uu jawaab u ahaa kadib markii ra'isal wasaaraha dalka Itoobiya Atto Meles Senawi uu maalintii shalay aheyd u sheegay in baarlamaanka dalkaasi in uu dhammaaday qorshe ay ciidamada Itoobiya ku weerarayaan ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo uu ku eedeeyey inay halis ku yihiin jiritaanka dalka Itoobiya.

 

 

 

Maslax Osmaan

 

 

Maslaha1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^Duke, Yes we will either talk to or fight with your master..not their subjects[Yeey, you and other new cheerleaders after the defeat of their heroes].

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Every other web news is reporting that the ICU and its leader Sharif declaring war on Axmaro, except Duke and his few trusted websites.

Jenerale let me ask you this, if the imminent war between ICU (Somali people) and Axmaro started who will you side with? And please just answer straight , dont go about it.

Ethiopians vs ICU..who do you support? Haba lakula hare, mantey oo dhan is jid-jid maku jireyna, yaad la jirta is cadey wiidayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Su'aasha waa qaldan tahay saaxiib, aan kuu toosiyo.

 

Waxaa weydiisaa dagaalka Itoobiya markeey jabto, ma itoobiyaan ayaa sheegan doontaa mise wali munaafaqnimo ayaa dadka kula dhex jiri doontaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

SSICU is in a pickle. They cannot expand territory anymore without losing what they have by starting a new realignment of forces.

The Arab countries that help them can only do so in hiding. There is not a single country that will speak as being in their corner openly. The Egyptians wanted TFG to fall, but not to be replaced by SSICU or any body that is influenced by SSICU leaders. The main reason is the brotherhood, but its also personal. The attempt made for the assassination of president husni mubarek in Addis Ababa, though blamed on the Sudan government, has a connection to Al-Ithad.

Gaddafi is having second thoughts, afraid that Ethiopia may actually fake to Somalia, but go to Asmara eritrea instead and deny him a messenger boy eritrea. The egyptians have the same concern that if Ethiopia attacked eritrea they will permanently lose an instrument by which to torment and preoccupy ethiopia.

 

Some of you are making it look like its ethiopia vs. somalia or the otherway around. You are knowingly or unknowingly hiding facts on the ground. Territorially more than 2/3 of somalia is not party to your formation. All the tag war and competition is happening in 1/3 of somalia.

 

Why not respect each other and call a spade a spade. I am afraid some of that arab culture has filterred into some somali.

Arab governments and strong men always bark against Israel, not to firght and win against Israel, but to opress and eliminate their compatriots from competition. Thats sick culture.

 

The facts on the ground in somalia are clear:

SSICU doesn't want federal system, they are convinced or believe its against their interest.

lets leave somalialnd for now and state whats only clear. Puntland will not accept any arrangement that prevents it from governing itself, which means a federal system of some sort.

 

If war happens the other territories in southern somalia will also be forced to choose between these two options. If I were one of them I would choose self government, autonomous to manage my life.

 

Can Ethiopia be used as a begeyman and somalis will be made to forget that they are fighting each other, but in name only using ethiopia and somalia as cover?

The Jihad card is fake and has been called so by both ethiopian and somali moslems. The Sheria courts chairman of Tigray actually called it, the use of Jihad, the holliest act, cannot and should never be used to attack for personal material gains. Its only to defend and if you have to attack for the faith.

Ethiopian moslems do not see the country as so called island of christians or as an entity wronging moslems.

Somali nationalism card can only work if supported by somali ethiopians and their immediate geographic neighbors. Both these conditions are not there. The facts on the ground is that, let alone the non-******i somalis, even the ******i is half half split between those who have concluded there is no need to fight with arms at this time in ethiopia, all thats needed can be achieved through the federal arrangement including secessation, and those that believe that force of arms is needed to achieve secessation.

ONLF is now in alliance with other ethiopian opposition, so all ONLF wants is power and not much else.

It is clear even ONLF is divided by the current alignment of forces in somalia. The explanation by the Central Committee member that abondoned ONLF and Joined the federalists made it abondantly clear the issues that are before ONLF.

Nothing that came out of Mugadishu has ever benefitted the somali ethiopian either for outright secessation, autonomy, self government, respect and share of development what ever small there is in ethiopia...in the past. Military campaigns did not bring any political or economic benefit to the somali ethiopian, because these campaigns were not designed with the somali ethiopian at the core. Some of them were openly related to any activity ethiopia does on river nile.

 

The SSICU may wish for any war to be between somalia and ethiopia, at least in name, but this is not achievable.

The TFG has been so patient and brilliant, it has cornered the SSICU without waging a simple military campaign. The TFG can outwait the Mugadishu shekies who cannot wait, the more they wait, they will be forced to be government and thats something they avoid like a plague. They only want to rule, just like the Ayatollahs. Government is too messy, to dirty, to real for them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Duke,

 

Stop it bro stop it…...I think you’re going to far. Supporting your uncle is one thing but provoking war with Ethiopia where innocent women and children will die is another.

 

I don't agree how this so-called maxkamado is handling things but Cabdilahi Yey should be ashamed of him self if Ethiopian military aircrafts fly over Mogadishu bombing and killing innocent people just because he wants to be a president.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Sheekh Shariif “Haddii Mellez Zenawi Ciidankiisa oo dhan uu soo geliyey gudaha dalka, dagaalna uu iclaamaiyey, umadda Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin…”

 

 

Guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii shalay ka soo yeeray ra'isul wasaaraha Itoobiya Melles Zenawi ee ahaa inuu dhammeystiray qorshe dagaal oo uu la galo maxkamadaha Islaamiga ah, isagoo sheegay in ciidamada maxkamadaha Islaamiga ah ay diyaar u yihiin iney iska difaacaan dagaal jihaad ahna la galaan ciidamada Itoobiya.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay shir jaraa'id ku qabtay xarunta maxkamadaha islaamiga ah ee magaaladan Muqdisho ayaa intaasi ku daray in cadowtinimada Melles Zenawi aaney aheyn mid cusub balse ay mar hore soo bilaabatay “Markii la riday dowladdii Maxamed Siyaad Barre, 16-kii sano ee ka dambeeyey Itoobiya waxay hubeyneysay hogaamiye kooxeedyadii si xal looga waayo Soomaaliya, gaar ahaan caasimada, Isbedel wuxuu yimid markii ay magaaladan Muqdisho ka xorowday nimankii xoogga ku heystay ee iyada wakiilka ka ahaa, waxaa qasab noqotay hadda in wakiilkii uu hadda howsha u istaago markii meesha laga saaray kuwii isaga wakiilka u ahaa ee uu ku adeegan jiray, wararkiisana waxay ku socdeen maraaxil kala duwan, markii ugu horeysay wuxuu ku dooday inay u joogaan gudaha dalka ciidamo tababareyaal ah, markii dhexena wuxuu sheegay iney ciidamo rasmi ah u joogaan, hadda oo ah markii u dambeysayna wuxuu cadeystay inuu qorsheeyey duulaan uu ku soo qaado maxkamadaha Islaamka oo loola jeedo Soomaaliya guud ahaan” ayuu yiri Sheekh Shariif Axmed oo sheegay in umadda Soomaliyeed ay ka guuleysan doonaan cadowga, iyagoo ILAAHOODA kaashanaya.

 

“Meesha dagaalku uu ka soconayo ma ahan Addis ababa iyo dhul Itoobiya ka mid ah, waa Soomaaliya gudaheeda maxkamadaha islaamiga ah waxaa waajib ku ah iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed iney difaacaan dalkooda Jihaadna la galaan cadowga soo fool leh, Melles Zenawi wuxuu sheegay sababta ay u dagaalamayaaan iney tahay maxkamaduhu iney Jihaad ku iclaamiyeen, jihaadkuna waaa dariiqa rasmiga ah ee muslimintu isaga difaacaan dulmiga, haddii Mellez Zenawi ciidankiisa oo dhan uu soo geliyey gudaha dalka dagaalna uu ku iclaamaiyey Umada Soomaaliyeed wax kale lama gudboona oo aan ka aheyn iney iska difaacaan cadowga” ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaa ku daray in Melles Zenawi uu haatan dibeda si dhigay cadowtinimadii uu muddo dheer qarsan jiray.

 

Hadalada kulul iyo hanjabaadaha ay is dhaafsanayaan maxkamadaha islaamiga ah iyo dowladda Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa iney keento dagaalo lagu hoobto oo labada dhinac dhexmara, iyadoo dhinaca kalena weerarka uu Melles Zenawi ku hanjabay ay dad badan oo Soomaaliyeed u arkaan mid daandaansi ah, bacdamaa ciidamadiisu ay yihiin kuwa xiliggan ku sugan meelo ka mid ah gudaha Soomaaliyeed oo isla markaana jihaadka maxkamaduhu ku dhawaaqeen uu ku siman yahay oo kaliya ka saarida ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka oo weerarna aysan ku aheyn ciida Itoobiya.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan, Muqdisho, Somalia

cabdishakuur48@hotmail.com

 

 

News Update in English www.dayniileone.com

 

 

Web www.dayniileone.com

 

Ku noqo beejka

 

 

dayniilecom @hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Golaha Maxkamadaha Islaamka oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray dowladda Ethiopia.

 

Novebmer 24, 2006 Markacadeey

 

 

 

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay daagal Jihaad ah oo looga hortago dowladda Ethiopia iyo ciidankeeda kusoo gar ******ay dhulka Somaliya.

 

Sh.Shariif oo xalay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho oo uu kaga hadlayay hadalkii shalay kasoo yeeray R/Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayuu shirkaasi jaraa'id kasoo saaray qodobo dhowr ah oo ay kamid tahay in lala Jihaado Ethiopia.

 

''Hore ayey Ethiopia u sheegtay in ay Somaliya ka joogaan Ciidan,maantana waxaa ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Maxkamadaha,oo la micno ah shacbiga Somaliyeed mid ka dhan ah''ayuu yiri Sh.Shariif.

 

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka Sheekh Shariif waxaa uu shaaca ka qaaday in shacbiga Somaliyeed ay diyaar u yihiin Jihaad ay la galaan Ciidamada Ethiopian-ka,waxaana uu ku baaqay in dagaalkaasi loo diyar garoobo.

 

Sheekh Shariif waxaa uu muujiyay in Maxkamadaha ay doonayaan nabad iyo daris wanaag balse Ethiopia aysan dooneyn arrimahaasi,waxaana uu intaasi raaciyay in wada Jihaadka kaliya ay noqon doonto jawaabta ay ka bixinayaan dagaalka ay ku dhawaaqday Ethiopia.

 

Maxamed Carab

Xafiiska markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this