Sign in to follow this  
Kamalu Diin

GalMudug oo la jahwareersan xoogaga isku hardinaya dhulkooda

Recommended Posts

How can anybody be authoritive without crashing others including brothers. Go ICU Go!!!!!!!!!!

waxba ha iga siin wax aad xoog ku keento.

 

 

Kalfadhigii labaad ee gobolaha baarlamaanka dawlada goboleedka Galmudug State oo maantay ka furmay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

 

Hobyonet. Muqdisho. Talaado,Nav 14,2006

 

 

 

 

 

Kalfadigaan oo ay goob joog ka ahaayeen 14 xildhibaan oo ka mid ah xiladhibaanada 21ka ah ee uu ka kooban yahay golaha baarlamaanka ee dawlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa shir gudoominaayey gudoomiye ku xigeenka golaha baarlamaanka Dr.Xasan Macallin Yuusuf kaan oo looga doodayey arimaha nabadgalayo iyo xaaladaha cusub ee ku soo kordhay deegaanada Galmudug State.

 

 

 

 

 

Dood dheer iyo falanqeyn ka dib ayaa golaha baarlamaanka waxa ay ka soo saareen kulankooda maantay qodabo ay ka mid yihiin.

 

 

 

 

 

iyadoo la qiimaynayo xaalada colaadeed ka aloolsan deegaana Galmudug degmooyinkiisa ee lagu qabsaday xooga in ay soo galaan madaxda dawlada iyo xubnaha wasiirada ee dalka dibadiisa ku maqan si loo badbaadiyo dalka iyo dadka.

 

Waxaan baaq nabadeed u soo jeedinaynaa maxkamadaha islaamiga in ay ka baxaan deegaanada Galmudug ee ay xooga ku qabsadeen.

 

Waxaan dadweynaha reer Galmudug ku wargalinaynaa inay difaacaan diintooda,dalkooda iyo dadkooda, kana difaacaan huwanta gardarada ugu soo duushay oo ay ka mid yihiin Eretareeyaanka iyo Tigreega.

 

Waxaan kaloo baaq u soo jeedinaynaa hay’addaha samafalka inay naga caawiyaan barakaca ka dhacay magaalooyinka Galisoor,Bandiiradleey,Sadex-Higlo,Dagaari, iyo gobolka Hobyo iyo deegaano kale oo farabadan.

 

 

 

 

Kalfadhigaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay qadka duulimaadka ee ka imaan jiray dalka keynya ay xaniban tahay taasina ay dhalin karto in uu dib u dhac ku yimaado xubnaha sar sare ee dawlad goboleedka Galmudug ee ku maqan dalka dibadihiisa in ay mudooyinkaas ku soo galaan wadanka.

 

 

 

 

Max’ed Vimto,Galkacyo,Mudug,Somalai.

 

Vimto83@hotmail.com

 

 

Kullan ay maanta isugu yimaadeen Culluma’udiinka Dariiqada Ahlu Sunna Waljameeca,Odaayaasha Dhaqanka,Nabadoonada ee ku abtirsada Maamul Goboleedka Galmudug ayaa soo saaray baaq ay u jeedinayaan Maamulka Goboleedka Puntland,Dawlada federaalka,iyo Beesha Caalamkaba.

 

 

Hobyonet. Muqdisho. Isniin,Nav 13,2006

 

 

 

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen odoyaasha dhaqanka ,nabadoonada iyo Culumaa,udiinka ahlu-sunna wal-jamaaca ayaa waxaa ay gaarayeen ilaa iyo 30-Xubnood oo ka kooban dhamaan qaybaha kala gadisan ee aan kor kusoo sheegnay.

 

 

 

 

 

Shirkaan ayaa waxaa ay ujeedadiisu ahayd baaq ay u jeedinayaan maamul-goboleedka pumtland,dowladda federaalka kumeel gaarka ah, jaaliyadaha dibedda, iyo beesha caalamkaba ,Waxayna ka codsadeen in la taageero maamul-goboleedka Gal-mudug State oo ay sheegeen in uu la mid yahay maamulada Puntland, Somaliland .

 

 

 

 

 

 

 

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay –Nabadoon Yuusuf xaashi cilmi (qabax) oo ku hadlayey magaca odayaasha dhaqanka Waxa uuna dhaliil weyn usoo jeediyey Jen, Cadde Muuse oo uu sheegay in uu raali galin kabixiyo hadalkii uu jeediyey oo ahaa in uusan aqoonsanayn maamulkiisu kan Gal-mudug-state.

 

 

 

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Shiikh c/llaahi cali Gurey oo isugu si weyn u qiiraysnaa isla markaana si weyn u weeraray Maxaakiimta islaamiga ah oo uu sheegay in ay yihiin Jabhad ku qaraabata diinta islaamka ee aysan ahayn niman diinta matala.

 

 

 

Shiikhu waxa uu ugu baaqay MMI in ay dib uga noqdaan deegaanadii ay kasoo duuleen hadii kale ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan.

 

 

 

 

 

Gabagabadii shirkaasi oo ku dhamaaday jawi wanaagsan ayaa mas,uuliyiintii halkaasi ka hadashay waxa ay ugu baaqeen beesha caalamka iyo dowladda federaalka ah in ay aqoonsadaan maamulkooda oo ay sheegeen in uu ku yimid rabitaanka shacabka u dhashay ayna gacan wayn ka siiyaan dhinacyada amaanka ,dhaqaalaha, iyo nabad galyadaba.

 

 

 

 

 

 

 

Max’ed Vimto,Galkacyo,Mudug,Somalai.

 

Vimto83@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Galmudug waa burcad aan sinaba u matali karin beeshooda iyo danta reer Dacas, taasna yaan cid kale la weydiin, anaa og.

 

Galmudug's malakumowt is Sh. Cagaweyne, and he is on them now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Abtiyoow maxaad reer baadiye iskaga dhigtaa? Koley abtiyaashey uma badneyn reer magaal, oo taas waa iska caadi, laakiin erayga Dacas markaad gadaal-gadaal u aqrisid wuxuu noqonayaa qabiilka daga koonfurta Gaalkacyo.

 

Soo waxaad garatay maahan, abti! smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alle-ubaahne; I think that GalMudug is far ahead then most of ICU followers because they know what is ICU is calling for is trap and no one is going to buy that, at this time.

 

Everybody knows that ICU is using same millitia of Ex-warlords, and only changes are few days of Dhaqancellin.

 

Everybody knows that ICU is on the offense side and using force to reach to top without exploring other alternatives.

 

Everybody knows that ICU is exlusively made of one clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Alle-ubaahne:

^^
Abtiyoow maxaad reer baadiye iskaga dhigtaa? Koley abtiyaashey uma badneyn reer magaal, oo taas waa iska caadi
,
laakiin erayga Dacas markaad gadaal-gadaal u aqrisid wuxuu noqonayaa qabiilka daga koonfurta Gaalkacyo.

 

Soo waxaad garatay maahan, abti!
smile.gif

The part in bold is priceless! :D

 

The part in italics tell me you are just ciyaal-kunikuni. :D

 

Adigu garo abti! icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horn ciyaalka aa abtiga utahay waybadan yihiin bal igu dar saxiib .....i have been following the story of caabudwaaq where my sweetmom live sxb.I heard they are planing to have maxkamad sxb.what is the info ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by xox ogaal:

Horn ciyaalka aa abtiga utahay waybadan yihiin bal igu dar saxiib .....i have been following the story of caabudwaaq where my sweetmom live sxb.I heard they are planing to have maxkamad sxb.what is the info ?

Alxamdulilaa allaa tol la'aan iga dhigin! :D Intaan oo rag hadaanbo abti u ahay, aduunkaan wax iga maqanbo ma jiro. :cool:

 

Abtiyoo laba bilood yaa la lahaa Maxkamad baa Caabudwaaq laga dhisayaa, balse ilaayo haatan wax laga dhisay uma jeedno waayo magaaladaa waa magaalo xaalkeeda la geli karaynin, dadka dagana dad aan xaalkoodana la geli karaynin. :D Hadii laga dhisana waa alxamdulilaah, shareecadu Islaamku waa wax na anfacayso, hadii laga dhisine sababa jira owgood weeye ee shido ma le.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddii reer Caabudwaaq aay iskood (without xoog) u qaataan filimaanta maxkamadaha Xamar then wax walba Somalia waa suurto gal. RAggasi waa rag reer mudug ah, you cant sell to them that easy! so haddii aay marto then Puntland Somaliland xattaa Jabuuti waa imaane. laa mushkilo waaye!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Allamagan:

Haddii reer Caabudwaaq aay iskood (without xoog) u qaataan filimaanta maxkamadaha Xamar then wax walba Somalia waa suurto gal. RAggasi waa rag reer mudug ah, you cant sell to them that easy! so haddii aay marto then Puntland Somaliland xattaa Jabuuti waa imaane. laa mushkilo waaye!

Allamagan: if Caabudwaaq buys that then waaba sixran yihiin; tani mid caadi ah maba aha. Hadeer bay aheed markii dhaawacooda lagu laayey Bu'aale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this