Sign in to follow this  
General Duke

Roadblocks increase, where is SHARIFF, and his bosses?

Recommended Posts

Gudoomiyaha Baarlamanka oo ku hanjabay inuu isaga dhexbixi doono haddii xubnaha labada gole ee Muqdisho ,ay Todobaadka fooda inagu soo haya ay qaadi waayaan Isbaarooyinka

Posted to the Web Jul 10, 20:29

 

 

Muqdisho:- Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka FKMG-ka ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa ku hanjabay inuu isaga dhexbixi doono xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho haddii ay todobaadka soo socda ay qaadi waayaan gabi ahaanba Isbaarooyinka teedsan gudaha magaalada Muqdisho iyo wadooyinka soo gala.

 

Warkan oo aynu kasoo xiganay ilo lagu kalsoonyahay oo ku dhowdhow xogheynta Gudoomiyaha baarlamanka ayaan si toos ah u sheegin meesha uu Gudoomiyuhu beegsanayo haddii ay Xubnaha Muqdisho Jooga gaar ahaan Wasiirada hubeysan ay ka dhabeen waayaan balanqaadkoodii ahaa inay gabi ahaanba Isdbaarooyinka ka ciribtirayaan G/banaadir iyo hareerihiisa.

 

Gudoomiyaha Golaha Baarlamnka FKMG-ka ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa wararka qaar waxaa ay ubadinayaan inuu beegsanayo islamarkaana uu ku biirayo xubnaha ku sugan magaalada Jowhar ee ku fikirka ah Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo R/wasaare Geeddi.

 

Dhinaca kale xalay ayaa waxaa kulankii ugu dheeree oo ay yeeshaan xubnaha ku sugan Muqdisho waxaa uu ka dhacay Hotel Amiira waxaana si weyn loogu falanqeynayey kulankaasi oo ay albaabada u xirnaayeen arrimaha Isbaaro qaadista.

 

Kulankaasi markii uusoo gabagaboobay ka dib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo sheegay waxyaabihii kulankaasi kasoo baxay in ayka mid ahaayeen, in kulan joogta ah ay yeeshaan xubnaha labada gole gaar ahaan hogaamiyaasha hubeysan ee ay Isbaarooyinka u yaalaan.kulankaasoo oo ka dhacaya maalmaha Axadda Isniinta iyo Talaadadaba isla hotelka Amiira.

 

Waxaa uuna Cumar Xaashi intaa ku daray in lagu balamay in maalinta Talaadada ah kulanka ay yeelanayaa Baarlamanka ee ka dhacaya xarunta Xisbiga lagu sheegi doono xiliga la qaadayo Isbaarooyinka .Waxaa kaloo uu carabka uu ku dhuftay ciddi diida in Isbaarooyinka la qaado loo adeegsan doono Awood Militery,iyadoo haatanba la diyaariyey ciidamo Military ah oo madax looga dhigay Janaraal Maxamed Nuur Galaal.

 

Kulankii xalay ayaa waxaa ka xanaaqay oo banaanka uga soo baxcay xubno ay ka mid ahaayeen Cismaan Caato iyo Maxamed Jaamac Furux,inkastoo markii Dambe Cismaan caato dib loogusoo celiyey kulanka.

 

Hadaba waxaa laga dhursugayaa hogaamiyaasha hubeysan ee Muqdisho inay ka dhabeeyaan in ay todobaadka soo socda gabi ahaamba ka tirtiraan Isbaarooyinka G/banaadir iyo hareerihiisa,inkastoo dadka qaarkii ay qabaan in aysan taasi marnaba dhici doonin,iyagoo kuu sheegaya in ay noqoneyso sida kuwii horey loo qaaday oo ka dibna lasoo dib loogu soo celiyey.

 

Dhinac kastoo loo dhigaba Waa meesheedii,kulanadii 3dii bilood ee la soo dhaafay ee looga hadlayey Isbaaro qaadida ay had jeer ku balan qaadi jireen hogaamiyeyaasha hubaysan ee Muqdisho ayaan waxba ka hirgelin.Waxaana la soo gaaray Asbuucii ugu danbeeyey Balantii ay ku qaadeen hogaamiyeyaasha hubaysani inay hubka kaga nadiifinayaan Magaalada Muqdisho mudo kusiman 3 bilood.

 

Jawaabta lasugayaa ayaa waxay tahay Sheekadu ma waxay u dhacaysaa aragtida Siyaasadeed ee ay qabaan Madaxweyne C/laahi iyo Prof.Geedi iyo qolooyinka taageersan ee dowladooda oo aaminsan inaysan waxba ka jirin,go'aanada hogaamiyeyaasha hubaysan ee Muqdisho,ee ay tahay sheekadoodu oo kaliya mid lagu jahawareerinayo ummadda Soomaaliyeed,Muqdishona aysan ku soo dabaali karin waji Nabadeed maadaama horay looga waayey.

 

Mise waxay noqondoonaan Hogaamiyeyaasa Muqdisho kuwo garawsada Masiirka ummada oo ka dhabeeya Balantii ay la galeen Safiirada Shisheeye iyo qolooyinka daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ugu warameen inay 3 bilood gudahood ku nadiifinayaan Magaalada Muqdisho,dowladuna ay ku shaqeyn karto magaalada Muqdisho mudadaa kadib.

 

Hadaba waxaa laga warsugayaa Waqtigii qabsadeen ee 3 bilood ahaa oo ku eg Asbuucan gudahiisa iyo meesha uu maro.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed (indhajaceyl)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

 

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalka Isbaarooyinka iyo Rajo la’aanta Shacabka Muqdisho (Faallada Toddobaadka)

Posted to the Web Jul 10, 20:56

 

 

Muqdisdho:-Weli, Isbaarooyinku waa kuwo ku soo kordhaya waddooyinka Muqdisho ee hareeraheeda mara, waxaa la aaminsan yahay in Isbaarooyinka badankoodu yihiin kuwo u yaalla qaab siyaasadeed oo la doonayo in lagu xagal-daaciyo siyaasadaha hoggaamiyayaasha Muqdisho ay ku doonayaan inay waddooyinka kaga banneeyaan Isbaarooyinkaas, welise waxaa dhiman nabadddii oo aan iyadu daahba laga rogin, waxaana waddooyinkii horay looga qaaday Isbaarooyinka dib ugu soo laabtay intii taallay iyo in ka badan.

 

Dadweynuhu waxay is weydiinayaan: Sidee hoggaamiyeyaashu u xallin karaan arrintaan murugsan?,sidoo kale waxaa la isa su’aalayaa sidee hoggaamiyeyaasha Muqdisho u xallin karaan Isbaarooyinka ku soo badanaya waddooyinka iyadoo waqtigii uu ka sii dhammaanayo oo ay u hartay laba maalmood oo qura? Waxa ugu weyn ee la is-weydiinayana waa: Ma dagaal baa lagu xallin doonaa haddii Isbaarooleydu diidaan inay banneeyaan goobaha ay fadhiyaan? Intaas oo dhan waa kuwo dadka maskaxdooda ku soo laalaabanaya.Jawaab dhab ahna aan illaa hadda loo hayn, xalkuse wuxuu noqon doonaa sida looga guulaysto Isbaarooyinka.

 

Waxaa wax lala yaabo ah in hoggaamiyeyaasha Muqdisho ay ku mashquulsan yihiin shirar wixii ka soo baxa aan lagu diirsanayn, shirkii ugu dambeeyay ee ay qabtaanna wxuuu ahaa midkii xalay ka dhacay Hotel Amiira oo ay kaga hadlayeen Isbaarooyinka iyo sidii loo qaadi lahaa oo ay qaarkood ka caroodeen, waxaana shirkii xalay ay ku dhiseen intii isugu soo hartay guddiyo ay ka mid ahaayeen guddiga Isbaaro-qaadidda oo madax looga dhigay Gen. Maxamed Nuur Galaal, taasoo dadka Muqdisho ugu ekaatay in

hoggaamiyeyaashu doonayaan in Isbaarooyinka xoog lagu qaado, waayo waxaa ku tusaya arrintaas bay yiraahdeen Genenraalka Hoggaamiyaha looga dhigay guddiga Isbaaro qaaddida. Wax taxadar ah ma muuqdo, sidoo kale erayo naxariiseed ma jiri doonaan sida: Isbaarooley laga tuugayo in jidka ay ka kacaan.

 

Arrintuna waxay u eg-tahay dagaal in looga kexeeyo goobaha ay fadhiyaan. Dadka qaar ayaa qaba in runta la arki doono marka lala dagaallamo Isbaarooleyda,waayo dadku waxay aaminsan yihiin in haddii lala dagaallamo ay carari doonaan oo ay noqonayaan dib-joogayaal aan loo naxariisan.

 

“Waxa la doonayo in loo toog-hayana waa dhaca ay u geysan karaan dad aan waxba galabsan oo ay jidadka kula kulmaan sida inay ku soo boodaan waddooyinka ay gawaaridu isticmaasho oo ay dadka laayaan kana dhacaan waxa ay haystaan. Taasina maahan mid wiiqi karta niyadda iyo Mooralka dadka nabadda iyo hurumarka jecel, dadku waxay isticmaali doonaan haddii laga hortago Isbaarooleyda xeelad ay isaga caabiyaan haddii ay dhacdo inay soo hujuumaanâ€, ayay dadka Muqdisho iyo hareeraheed ku dhaqan sheeko ahaan isku dhaafdhaafsanayaan.

 

Shacabku ma ahan kuwo doonaya inay arkaan Isbaarooley hami leh oo xajista goobaha ay isbaarada u taal, laakiinse waa kuwo intaas oo dhan diidan, dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya ayaa iyadu ah mid geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaysa in nabad lagu soo dabbaalo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda oo ah Hooyada Mushkaladaha ka taagan dalka. Sidoo kale waxaa jira Maxkamado Islaami ah oo iyagu si weyn uga hortagay afduubka, dhaca gaadiidka, dilalkii macno darrada ahaa ee ka jiray gudaha Muqdisho, balse ma noqon maxkamadahaasi kuwo hoggaamiyeyaashu kala tashadeen sida Muqdisho ammaan loogu soo dabbaali karo.

 

Hoggaamiyeyaasha Muqdisho oo ah kuwa inta badan ay u yaallaan Isbaarooyinka teedsan Muqdisho iyo hareeraheeda ayaa u muuqda kuwo aan doonayn in Isbaaradu meesha ka baxdo, waayo dhowr jeer oo hore oo ay shireen waxaa keliya ee ay isku mari waayeen waa qaadidda Isbaarooyinka, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa hadalkii Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow ee ahaa: “Isbaaradu waxay ku jirtaa kaalintii canshuuraadka dalka, dhallinyaraduna waxay dadka iyo baaruurta ka qaadaan waa wax

aan ka badnayn cashuuraadkii dadka laga qaadi jirayâ€. Hadalkaan iyo hadallo kale oo badan ayaa waxay u taagan yihiin in hoggaamiyeyaasha Muqdisho aysan marnaba doonayn in Isbaarooyinka la qaado; xaalkuna wuxuu u ekaanayaa sidii maahmaahdii Soomaaliyeed ee oranaysay: “Sac ninkiisii saynta uga taagan yahay lama istaajin karo†, sidoo kale waxaa tusaale loo soo qaadan karaa hadalkii Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax ee ahaa: “Isbaaro hebel waxay u taallaa Malleeshiyo ku hayb ah wasiirka amniga, Isbaaro hebelna waxay u taalaa maleeshiyo ku hayb ah wasiir hebel, iyadana ha la sheego Isbaarooyinka u yaalla Cali Maxamed Geeddi iyo kuwa la mid ah†hadalkaanna waa mid aasaas labaad u ah in aan Isbaarooyinka la qaadin.

 

Xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho waxay quus ka taagan yihiin hoggaamiyeyaasha Muqdisho iyagoo sheegay in Wasiirrada Muqdisho ay isbaaradu u taallo sidoo kalena ay iyagu ku soo raaceen hadafkoodii ahaa inay Isbaarooyinka qaadayaan, taasise waa mid meesha ka baxaysa oo aan muuqan.

 

Intaa waxaa dheer inay iyagu yihiin kuwo ka cambaaraysan xagga dowladda oo u muuqda inay dowladda mucaarad ku yihiin halkanna aan waxba ku haysan, waa sida ay hadalka u yiraahdeenne. Dhanka kale, Soomaaliya waxaa ku soo qulqulaya xubno ka socda beesha caalamka,iyagoo doonaya inay wax uun ka ogaadaan waxqabadkii muddada 3-da bilood ah ee ay hoggaamiyeyaasha Muqdisho u qabsadeen inay magaalada caasimadda ah ku nabadeynayaan,sidoo kale waxaa imaanaya Muqdisho xubno ka socda UN-ka kuwaasoo dhankooda ka koontaroolaya sida nabadgalyo ku soo dabbaaladii Muqdisho u socoto, waxaa sidii kale dhawaan yimid xubno South African ah oo ka socday ururka Midowga Afrika kuwaasoo

indho-indheyn xoog leh ku sameeyey shaqooyinka ay hoggaamiyeyaasha Muqdisho ka wadaan Caasimadda, waxay kaloo booqdeen magaalada Jowhar oo ay dowladdu deggen tahay si ay iyana u ogaadan nabadda ka jirta goobaha ay dowladdu deggen tahay, iyagoo warbixin u gudbin doona xoghayaha guud ee Ururka Midowga Afrika si looga xaajoodo in ciidammo shisheeye ah Soomaaliya la geeyo iyo in kale.

 

Isku soo wada duuboo odayaasha dhaqanka iyo Cuqaasha reer Muqdisho waxay xoogga saarayaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen wasiirrada dowladda ka tirsan ee horay u dhigtay Isbaarooyinka maanta lala lagdamayo sidii qorshihii saddexda bilood looga dhabeyn lahaa maadaama ay ka harsan tahay laba maalmood xilligii ay qabsadeen.

 

Reer Muqdisho waxay isla dhex marayaan oraahda ah: “Waqtigii wuu dhammaaday;rajaduna waa mid mugdi dhex muquuranaysaâ€.

 

Waxaa isku duway: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Puntlandpost,Moqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tirada Gaadiidka ka Shaqaysa Wadadda u Dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye oo Hoos u Dhacday Isbaaroyinka Halkaas yaalo Awgeed.

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

 

Liibaan Cabdi Cali, Muqdisho

 

isbaaro

 

Wali waxaan xal laga gaarin mushkiladdii isbaarooyinka oo mar kale soo laba laxaadsatay saamayn laxaad lehna la timid kalkan.

 

Sidii wararkeenni shalayba aan ku sheegnay tirada jidgooyooyinka yaalla waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa gaartay ilaa 17 isbaaro oo gawaarida adeegsata lacago xooggann looga qaado.

 

Maanta muuqaalkii shalay waxba iskama aanay baddalin waxaana wali sidii u yaalla isbaarooyinkii oo dadku ay durbaba bilaabeeen in ay dareemaan.

 

Saamaynta ugu wayn waxay isbaarooyinku ku yeesheen dadkii sida joogtada ah isaga kala gooshi jiray muqdisho iyo afgooye oo lacagtii ay gawaarida ku raaci lahaayeen ay korortay.

 

Marka aad doonaysid maanta in aad gaarto degmada afgooye ama aad damacdo in aad muqdisho timaaddo adigoo afgooye jooga ,waxa aad ku khasbantahay in aad bixiso 20.000 oo shilin soomaali ah halka markii horena la bixin jiray oo kaliya 4 kun oo lagu tagi jiray degmada afgooye halkaas oo qofka magaalada Marka u socdaana uu 25 kun gaari kaga raaci jiray afgooye.

 

Saamaynta isbaaradu yeelatay aawadeed gawaari badan ayaa la xareeyay oo aan maanta shaqaynin waddada muqdisho iyo afgooye isku xirtana waxaa ka shaqaynaay maanta 6 gaari oo nooca hoomiga loo yaqaanno oo kaliya.

 

Wasiirro iyo xildhibaaanno ka tirsan dowladda kmg ah ee somaia ayaa xalay kulan ku yeeshay hoteelka Amiira ee magaalada Muqdisho waxa ayna kaga wada hadleen dhibta isbaarada ee soo korortay iyaoo iswaydiiyay sida ugu habboon ee looga takhalusi karo.

 

Waxa wasiirrada qaarkood oo warbaahinta la hadlayi ay sheegeen in xitaa awood ay adeegsan doonaan si loo qaado isbaarooyinka cusub iyo kuwa la soo celiyay oo ay sheegeen in qaar badan oo ka mid ah loo soo dhigay sababo siyaasadeed.

 

Si kasta oo ay ahaataba inta laga dhammaynayo dhibta isbaarada la siuna soo dhawaynayo dhinacayada siyaasadda iyo danaha gaarka ah ku kala irdhoobay ee soomaalida kala matalaya shacbiga soomaaliyeed ayaa ahaanaya ka kaliya ee dhibtu taabanayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbaarooyinka oo dib ugu soo laabtay waddada u dhexeysa Muqdisho & Afgooye

Muqdisho

 

 

Qaar ka mid ah Isbaarooyinkii horay looga qaaday waddada u dhexeysa Afgooye & Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay waddadaasi, taasoo cabsi weyn gelisay isu socodka gaadiidka.

 

Isbaarooyin kor u dhaafaya 15 ayaa lagu arkayey maanta waddadasi, waxeyna baabuurtaasi dhibaatooyin kala duwan ku hayaan baabuurta yaryar & kuwa xamuulka ah ee isticmaala waddadaasi.

 

Shacabka degan Afgooye kana xoogsada Muqdisho & ardayda iskuuleyda ah ee wax ka barta Xamar ayaa dhibaato weyn ku qaba gaadiidka isaga goosha Xamar & Afgooye kadib markii laga dhigay qarash-ka lagu raaco baabuurtaasi 20.000, halkii ay horay uga aheyd 5.000

Cabdishakuur Cilmi Xasan Dayniile,Muqdisho

cabdishakuur48@hotmail.com

 

Ku noqo beejka

Share this post


Link to post
Share on other sites

These warlords will never grow up from Isbaaro, thats a proven fact. But do you thin The un armed warlord Shariif will be welcomed in Jowhar, I don't think so. Dalxa is already exercising his powers as the leader of parliament. So the only choice for Shariif is to seek assylum in the west and leave to YEEY to sort ot the mess in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

^When was he elevated to the status of warlord?

 

Which military forces does he lead and what region does he have some control over?

 

Think what you like about the man, but warlord :confused:

 

I thought he was the parlimentary speaker? Have things changed?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Sxb Sharifka he might not be a worlord but the main dram beater, wishing for a war. Creating havoc, disunity and as a result war he causes, thats a warlord to me, no doubt Qanyar's tool will be responsible for his actions.

 

To be or not to be that's not the question..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

True, true. Is the Sherrif a warlord in its exact definition? No! But what is the difference between a warlord and his tool?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

^ Wonderful words of truth written indeed!

 

So what say ye of the supporters of our very own president CY? To be more exact those who supported him before his election-I mean we wouldn’t want them to hide behind the slogan “we must show allegiance and loyalty to THE president†;)

 

So what is the difference between a warlord and his supporters/tools (whatever you like)?

 

Lets all chant together:

 

Nothing what so ever...

 

Therefore going by this premise, which mind you i agree completely with smile.gif , and under the assumption this man is guilty of what he is being accused of, he sure as hell wouldn't be alone in this crime now would he?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ Indeed you are correct in this, for those who support the roadblocks, drugdealing, looted properties are at a loss.

 

As for supporting the President, we have seen the fruits of this in the developemtn of Puntland and the present journey of restoring the beautiful Republic. Alas the difference is stark, he is a warrior and not a profiter of war... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this