Sign in to follow this  
nuune

New Somali President

Recommended Posts

nuune   

The latest from Somalia and abroad suggesting that Barre Hiraale & Xassan Abshir Faarax are the main top high ranking levels available to take the slot of Abdullaahi Yusuf.

 

 

wagar010.jpg

 

head to head with

 

Xasan%20Abshir%20Faarax.jpg

 

 

PS: These are not breaking news, but top news obtained recently!

 

 

source, unknown

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

qanyare.jpg

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo isu soo taagay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya

 

Talaado, December 30, 2008(HOL): Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kana tirsanaa hoggaamiye kooxeedyadii ay ka adkaadeen Maxkamadihii Islaamka sanadkii 2006 ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in uu u taagan yahay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare oo lagu tilmaamo siyaasiyiinta ugu mowqifka cad marka laga hadlayo xaaladda Dalka Soomaaliya iyo sida xal loogu heli karo ayaa wuxuu noqday musharixii ugu horeeyay oo xilka madaxweynenimada Soomaaliya isku soo taagay kadib is-casilaad uu shalay sameeyay Madaxweynihii Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Xildhibaanka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in uu codsigiisa u gudbin doono Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

 

“Marka aan ku guuleysto doorashada madaxweynenimada Soomaaliya waxaan ugu horeyn wax ka qaban doonaa ammaanka, waxaana loo baahan yahay in xabadda dhaceysa la aamusiyo oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed xal loo helo”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sheegay in axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dhigayo in marka madaxweyne is-casilo loo baahan yahay in muddo 30 maalmood gudahood ah madaxweyne kale uu Baarlamaanka ku soo doorto.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa wuxuu ka mid ahaa musharixiintii isu soo taagay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya intii uu socday Shirkii ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka mid noqday seddex musharax oo ka soo hartay 26 musharax oo doonayay in loo doorto Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, inkastoo uu qudhiisa ku haray wareeggii labaad oo uu la yimid 38 cod.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa Musharixii ugu horeeyay oo isu soo taagay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya 24 saacadood kadib markii uu is-casilay madaxweynihii Dowladda Fedraalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo la sheegayo in ay is-casilaaddiisa salka ku heyso cadaadis uga yimid dhinaca Beesha Caalamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Moorgan joined the crew to be the next president.

 

5033.jpg

 

 

Maxamed dheere already voiced his desire, and now emphasized it more on how he badly wants to be the next president.

 

Maxamed_dheere.jpg

 

 

Mowliid macaane reiterated that he wants to lead the country.

 

mowliid.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

Nuune, sidu inoo sheegayay ayaamahan dambe oo dhan waxu ka sharqaminayay in Awliyo eey warar badan oo tafatiran uso gudbiso ...Marka ninka nuuna ah qaaramu kale oo aanan aqoonin ayaa wararka kusoo butaaciyo lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Reer Ba'ayow yaa ku leh weeyan.

 

Hadaan Sheekh Sherif Madaxweyne laga dhigin oo nin kale oo civilwar ka qaybgalin Prime Minister laga dhigin, Arinku wuxu noqonaya Kud ka guur oo qanjo u guur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...Maxamed Cabdi Yuusufna waan maqlayey.... laakiin waxaa dhab ah odayaashaan waa isma dhaanto iyo dhashood, inay wax badan soo kordhin karaanna ma filayo...weliba kuwii dadka Soomaaliyeed laayey, dhacay amase qayaanay in xil loo dhiibo maba astaahilaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

JB,

 

Waxoogaa lacaga baan u baahanahay saaxiib. Halkanaa u dhow baan u malaynayaa. I wanna have the same house Geedi has in Kenya and I wanna built a pirate crew like Yey has in Buttland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this