Sign in to follow this  
MoonLight1

IBBI 2007 vs IBBI 2009

Recommended Posts

Dowladda oo ka hadashay ciidamada dhaqdhaqaaqyada ka wada magaalada Baledweyne.

 

 

29 August, 2009

 

Dowladda KMG ah ayaa ka hadashaday dhaqdhaqaaqyada ciidanka ee ka jira magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo ay shalay la wareegeen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah.

 

Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi Ra'isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda oo maanta magaalada Muqdisho shir jaraa'id ku qabtay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa uu ugu yeeray inay taabacsan yihiin ay shalay howlgallo ka sameeyeen magaalada Baledweyne.

 

Wuxuu sheegay in howlgalada ay ciidamadu ka sameeyeen magaalada Baledweyne ay guulo ku soo dhamaadeen, isagoona beeniyey wararka sheegaya inay ciidamadu dil iyo dhac ka geysteen xaafadaha magaalada Baledweyne.

 

"Ma jiraan dhac iyo dil ay ciidanku ka geysteen magaalada Baledweyne, waa jiraan qaladaad yaryar waana la saxayaa oo dowladdu guddi ayey u sartay" ayuu yiri Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi Ra'isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda.

 

C/raxmaan Ibbi marna sooma hadal qaadin ciidamada Itoobiyaanka ah ee qabsaday magaalada Baledweyne, wuxuuna ku gaabsaday inay yihiin ciidamo taabacsan dowladda oo garab siinaya ciidanka dowladda KMG ah.

 

Si kastaba ha ahaatee dowladda KMG ah ayaa u muuqata inay ka gaabsanayso soo galitaanka ciidanka Itoobiya ee gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baledweyne oo shalay ay la wareegeen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Siyaasadna waa midaan sal lahayn and Ibbi is always Ibbi! Aniga waxaa iigu yaab badnaa markii uu inta US imaaday uu ka sheekeeyey nin Soomaaliyeed oo xaaskiisa nin Itoobiyaan ah u ogolaaday inay la tumato...siduu isagu ku doodayo oo inta la dhahay waxaas ceeb waaye oo ha sheegin uu leeyahay "Waa sheegaa, Waa sheegaa"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheer hypocracy, OO ODAYGII YEEY AHAA MAXAA LAGU MAAGAY? Siyaasada Somalia waa mid madaxa ku socota. or maybe the current Ethiopians are more civil than 2007, or maybe their aids he been cured. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wacdaro sxb thanks, Ramadaan kariim.

These guys, IBBI and co sent lots of youngsters to an early grave telling them to fight the Ethio and die for their country, and now they are telling us Ethiopia is our saviour, and nothing major is happening in Beledweyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War jiraaba cakaaruu iman .....

 

 

Ma maqashay ninkii yidhi "Caddamaddaydii ha la ii soo celiyo" ,, ?? ,,, :D

 

walee maalin dhow meeshaa xabashigayga ii daa baa ka dhici doonta ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this