Sign in to follow this  
Suldaanka

Government officials assessing JNA for Sanaag Region

Recommended Posts

^^Hunguri waashay ayaa warqaba. :D

 

 

----------

 

Wafti Wasiiro kale oo u baqoolay Gobolada Bari

 

 

Wefti wasiiro ah oo Wasaarada Qorshaynta Qaranka ay Hormood u tahay ayaa u Baqooley gobolada Bari ee somaliland..

 

"Wasaarad ahaan Waxa Naga go'an inaanu sinaan iyo cadaalad u gaadhsiino Deeqaha ay hayadahu bixiyaan Gobolada Dalka oo idil...."

 

 

Wefti ay wasaarada Qorsheynta qaranku hormood u tahay oo ka kooban wasiirada Howlaha Guud, Waxbarashada, iyo Warshadaha ayaa ka ambobaxey magaalo madaxda Hargeysa kuwaasi oo u baqooley Gobolada bari ee somaliland.Wasiirka wasaarada Qorsheynta Qaranka Somaliland Mud, Cali Ibraahim Maxamed ayaa Golisnews wareysi khaas ah oo ay la yeelatey ka hor intii aysan weftigu ka anbobixin somaliland ku sheegey in u jeedada socdaalka weftigani tahay sidii ay warbixin rasmiya uga soo diyaarin lahaayeen Xaalada Gobolada Bari ee somaliland, si mashaariicda dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland RDF looga fuliyo, Gobolladaas oo aan iyagu hore u helin mashaariicda horumarinta ee ay hay'aduhu fuliyaan.

 

 

Wasiirka wasaarada Qorsheynta Qaranka Cali Ibraaim Maxamed [Cali Sanyare] waxa sheegay wefti ay hogaaminayso wasaarada qorsheyntu oo ka kooban wasaarado iyo hay'ado caalamiya ay kormeer ugu bixi doonaan gobolada Bari "Maalinta Beri ah [Maanta] waxa magaallada Hargeysa ka anba bixi doona wefti ay hormood u tahay Wasaarada qorsheynta oo ka kooban wasiirada wasaarada Hawlaha guud iyo Guryeynta Md, Siciid Sulub Maxamed , Waxbarashada, Md, Xasan Xaaji Maxamuud Warsame [Xasan Gadhweyne] Warshadaha, Maxamed

Saleebaan-weyne iyo hay'ado caalamiya" ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Cali Ibraahim Maxamed

 

Cali Ibraahim Maxamed ayaa sheegay inay u jeedada socdaalka weftigani tahay u kuur-gelida iyo xog ogaal u noqoshada xaalada gobollada Bari, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi " U jeedada socdaalka weftigani waxa weeyaan u kuurgelida iyo xogagaal u noqoshada xaalada rasmiga ee ka jirta Gobollada Bari, oo badiba Hay'adaha deeq bixiyaashu aanay saldhig ku la haan jirin. Markay wasaarada qorsheyntu u sameysay mashaariic mabin ah sanadkii aynu ka soo dhaafnay [2006]"

 

Waxa uu wasiirka Qorsheyntu Cali-Sanyare tilmaamey inaanay haya'adaha deeqbixiyayaasha ahi si dheeli tiran uga hawlgelin gobolada Somaliland khaasatan kuwa Barri, hadaba si arrintaa wax looga qabto ayuu weftigani warbixin rasmiya ka diyaarin doonaa baahiyaha Waxbarasho, Caafimaad, Biyaha iyo guud haanba waxyaabaha asaasiga ee nolosha" ee ay goboladaasi u baahanyahiin Weftigan muddo sagaal maalmood ayey ku maqnaan doonaan gobollada Bari ee Somaliland si mashaariicda dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland RDF looga fuliyo, Gobolladaas Bari oo aan iyagu hore u helin mashaariicda horumarinta ee ay hay'aduhu fuliyaan markaani soo dhamaystirno socdaalkaasi aanu ugu kuur galayno axwaasha goboladaasi ayaanu warbaahinta isagu yeedhi doonaa si natiijada ay dadweynaha reer somaliland ula socdaan ayuu wasirku yiri...

 

 

By. Weriye Moha Dahir Farah Jire.

Hargeysa Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   
:D Suldaanka. Ma sidaasaa. Xaalkii ma waalli ayuu gaadhay LoooL. Saxib, Hadda wali wixii aan ka wacdiyay ayaad sii waddaa. Uma malaynayo dawlada Somali Land inay qofna Pension ama mushahar guriga ugu gayso. Lasoco dadka wax qabad iyo wada daganaansho ayaa ka dhexeeya intii is fahmaysa. Laakiin ultimately. Sanaag is a piece and Parcell of Somalia :D . Waxba magacyga "Hunguri" iyo wax qabadka Sanaag iskagama xidhna.

Share this post


Link to post
Share on other sites

why horta we take everything into politics ,,,, this is a pure humantarian and development issues ,,,,,,,,,,,,, and reer sanaag (all of them) need it ,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Mudane Hunguri ku caayi maayee laakin waad yara jilicsantay, meel ayaad kayar liigaysaa saaxib.Xoogaa is yar adkee bal ninyow oo waxaad leeday ufiirso, mise waxan layidhaa dood ayaa kugu cusub.

 

 

Dhakh dhakh iyo qosol bila macni ah ayad ku jirta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Mj.Bada Cas :D . Does this irritate you?. I knew, it would. By the way, ignore those white teeth and smiles. They are mine not yours. Besides, we are virtually exchanging ideas and opinions behind a monitor. Neither you nor me know each other. Hence, control your emotions and always avoid the outbursts. I advice you to come to your point and wisely key in something sensible. After all, Ama waalo ama dhulka gal. Somali diid baa tahaye. Once again! "Sanaag is a piece and parcel of Somalia". Waxba boodhka ha isku qarin.

 

PS:-

Stop the personal attack, and talk from your point of view waxba anigu kugu habsaamiyee. :D:D:D:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this