Sign in to follow this  
General Duke

Sharif to liberate Somalia again: this time from Eritrea

Recommended Posts

Muqdisho: " Waxa ila dagaalamayaa waa Asmara mahan Xasan Daahir iyo Al- Shabaab" Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

27. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )- Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa eedeyn balaaran wuxuu dusha uga tuuray Dowladda Eritrea oo ay waqti dheer saaxiibo ahaayeen Madaxdeeda markii uu ka soo horjeeday dowladdii Madaxweyne Yuusuf, wuxuuna sheegay in ay hada waqtigan Asmara taageerayso buu yiri Mucaaradyada hubeysan ee ka soo horjeeda dowladiisa.

 

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo ka hadlayay aqalka Madaxtooyada mar ay madaafiic ku soo dhacday gudaha aqalkaasi ayuu sheegay madaafiicdaasi laga keenay dalka dibadiisa, gaar ahaana magaalada Asmara oo uu sheegay in laga soo abaabulayo dagaalada lugu qaadayo dowladiisa.

 

" Xukuumada Eritrea ayaa nala dagaalamaysa, waxaan heynaa cadaymo muujinaya Saraakiil ka socota magaalada Asmara oo yimid gudaha Soomaaliya, waxa ayna la kulmeen kooxaha ka soo horjeeda dowladdeyda ayagoo kala xaajooday xaaladaha ka taagan dalka iyo dagaal laygu soo qaado" Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyey sidoo kale mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda in ay ushaqeynayaan dowlado shisheeye, isagoo beeniyey in uu codsaday in ciidan shisheeye oo hor leh la keeno dalka Soomaaliya, balse wuxuu dhinaca kale sheegay in ay lama huraan tahay in dawladiisu ay dalbato kaalmo caalami ah oo leh nooc walba oo ay kula dagaalamayaan mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda.

 

Shariifka ayaa sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowlado kale oo uusan sheegin in ay qeyb ka qaadanayaan amaan la'aanta dalka oo uu sheegay in ay dan ugu jirto, balse wuxuu ka gaabsaday in uu shaaciyo dalalkaasi, wuxuuna warkan usheegay Wariyaal ka socday wargeyso & Tv-yo oo uu maanta kula hadlay aqalka Madaxtooyada markii ay ka soo duuleen magaalada Nayroobi.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

eritrea? why does he not liberate somalia from the eithopians currently in somali territory huh?

 

eritrea does not occupy somali lands or kill somalis. Looks like the 'sheikh' is in another dimension along with paper general from puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Nothing other than fear is to explain it. In the old days when he had a big beard, he used to mention and attack the warlords of Mogadishu. Now he seems to stutter. Must be the beard like Samson of old his power was in the facial hair. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lool JB and Dukey having a field day on the same person :D:D Sheikh Hotel meel buu ku dhacay ee Sheikh Turuko xagee ku dambeeyey. Tolow ma the looted vaccines buu ku kala qeybinayaa Kismaay, walle belo anagaa aragney

Share this post


Link to post
Share on other sites
Belial   

Sharif has lost it.

 

Stop accuse Eritrea and try to restore our state. If you can't let other try. Im sure al-shabbab can unite the south first then compleltly take over whole Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Shariif oo eedeeyay Eritrea

27 May 27, 2009 - 10:22:06 AM

 

Madaxweyne Sh. Shariif ayaa mar kale ku eedeeyay Eritrea inay hubaynayso kooxha mucaaradka ah ee ka horjeeda xukuumadiisa, kuwaasoo qorsheynaya inay inqilaabaan.

 

"Waxaan si dhab ah u ognahay in hubka ay haystaan mucaaradka uu si toos ah uga yimid dalka Eritrea" ayuu yiri Madaxweyne Sh. Shariif oo xafiiskiisa Muqdisho kula hadlay wariyeyaal shisheeye ah.

 

"Eritrea faragelin weyn ayay ku haysaa Somalia... Waan ognahay in saraakiil Eritrean ah ay halkan [Muqdisho] yimaadeen lacagna siiyeen mucaaradka" ayuu hadalkiisa ****dhigay Madaxweynuhu.

 

Sh. Shariif wuxuu ****olka ka qaaday in Eritrea ay doonayso inay Muqdisho ka sameysato saldhigyo ay ku tababarto kooxo dagaal hubeysan la gala Ethiopia iyadoo xooga saaraysa saldhigyadii ay ciidamadii Ethiopia baneeyeen.

 

"Eritrea waxay doonaysaa inay ka dhigato Somalia goobo ay ciidamo jabhadeed ku tababarato... ayna ka duusho [uga Caga-jugleyso] dowlada Ethiopia" ayuu si cad u yiri Madaxweyne Sh. Shariif.

 

Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa dhawaan shir jaraa'id ku sheegay in caalamka uu ka dalbanayo in xukuumadiisa laga taageero dagaal ay kula jirto ajnabi weerar ku ah xukuumadiisa sidii ay u ridi lahaayeen.

 

In ka badan 10,000-askari oo Ethiopian ah ayaa isaga baxay Muqdisho bilowgii sanadkan, kadib markii ay ku sugnaayeen gudaha Somalia laba sano, waxayna xiligasa dagaalo adag kula jireen Islaamiyiinta Somalia ee maanta kala jaban.

 

Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa dhawaan ka dhawaajiyay inay kaalmooyin ciidan iyo mid Milateri ka helaan Eritrea, iyadoo afhayeenka Asmara uu cadeeyay inay kaalmeeyaan mucaaradka, waxaana IGAD ay codsatay in cunoqabteyn la saaro.

 

Madaxweynaha Somalia ayaa xiligii uu mucaaradka ahaa eedeymo noocaan ah u soo jeedin jirey dowlada Ethiopia oo xiligaas taageeri jirtey dowladii Cabdulahi Yusuf Madaxda ka ahaa.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

I'm sorry Sh. Hotel aint a siyaasi. Trully kaba kawayn aas gashtay, asagaa yaqaan sii ugu socon lahaa like Muse suudi said.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this