Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Famous Somali millionaire Uunlaaye is humiliated and robbed by his manager

Recommended Posts

Reports are coming out of Nairobi that the famous Somali millionaire Uunlaaye is robbed and humiliated by his manager. I remember my mother Ilaahay naxariistii eebbe ha ka waraabiyee used to say "lacagta halkaan ka keenaa, ma Ina uunlaayaa i dhalay" everytime I ask for an expensive item. Things change.

 

Qofkii qof muslim ah dhaca xoolihiisa, Ilaah ayaa ka abaal marin doona maalin kale. Give the guy some shelter atleast.

 

------------------

 

Ibrahim Osman Abukar (Uunlaye) oo maanta laga goostay masruufkii, biyihii, korontadii iyo daawadii.

April 22, 2005,

 

Nairobi, Kenya - Ibraahim Uunlaaye waxaa uu ku dhashay magaaladda kismaayo sanadkii 1918. Waxaa uu qaxooti ku ahaa dalka Kenya tan iyo sannadkii 1991. Uunlaaye oo xaaladiisii caafimaad ay aad u liidatay beryahan dambe, ayaa waxaa la soo daristay xaalad dhaqaale xumo kadib markii ninkii xoolihiisa u hayay uu u diiday in uu siiyo masruufkii uu ka qaadan jiray.

 

image001.jpgIbraahim Uunlaaye waxaa uu ka mid ahaa maalqabeenkii ugu waynaa ee dalka soomaaliyeed ka dhashay, kuna lahaa hanti maguurto ah oo aad u badan magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo; Xoolihiisa oo dhanna galiyey horumatinta dalkiisa sida dhismaha Airport kismayo, Suuqyadda ugu waaweeyn ee dalka siiba Xamar, Masaajidyo, Xafiisyo, Bakhaaro, Guryo, Garaashyo, Shaleemooyin, Gawaaridda Xamuulka, Beero, iyo Hantiyo kale oo aad u farabadan oo aan halka lagu soo koobi Karin.

 

Sanadka markuu ahaa 1989 ayaa Ibraahim Uunlaaye dawladii Soomaliyeed ay u aqoonsatay kuna abaalmarisay in uu yahay ninkii ugu hantida badnaa oo hatidiisa dalka gudihiisa galiyey, kadib markii la tartansiiyey asaga iyo Jirde Hussein, oo isna ahaa maalqabeenka labeed ee Soomaaliyeed.

 

Sanadka markuu ahaa 1991 ayaa waxa uu u qaxay dalka Kenya asaga iyo caruurtiisa waxa uu watay lacag gaaraysa ($5 million) shan milyan oo doolarka mareykanka ah; haddiiba waxa uu lacagtaas u dhiibtay kuna aaminay ganacsade Soomaali ah oo sharci ku leh dalka Kenya, uuna ka codsaday in uu u maalgalin ku sameeyo. Ganacsadahaas oo magaciisa layiraahdo Maxamud Axmad Maxamud oo loo yaqaano Shariif Dhagawayne ayaa muddo 14 sanno ah u hayay hantidiisa.

 

Uunlaaye waxaa uu codsaday in loogu maalgaliyo hantida maguurtada ah sida real estate (Guryo) iyo Gawaari, waxaase cadaatay in Ganacsade Shariif Dhagaweyne xoolaha lagu aaminay ay si qarsoodi ah isugu qoreen isaga iyo wiil uu dhalay. Dhulalkaas oo lagu iibshay lacagtii Ibraahim Uunlaaye.

 

Ganacsadahaas lagu aaminay hantidu waxaa uu hantidii ku maalgaliyey ganacsi isaga u gaar ah. Waxaa uu lunsaday lacag lagu qiyaasay $2.5 milyan.

 

Waxaa ayaan daro ah maana oo Axad ah 23-04-2005 in Ibraahim Uunlaaye oo 87 jir ah in uu daganyahay Guri Kiro ah, oo korontaddii, biyihiina, dawaadii, masruufla’aana yahay. Ibraahim Uunlaaye oo qaba cudurka wadnaha iyo maskaxda (Alzheimer’s disease) oo aan tabar iyo taagna aan u lahayn in uu la xisaabtamo Shariif Dhagaweyne.

 

Wiil iyo Gabar uu dhalay Ibraahim Uunlaaye oo jooga magaaladda Nairobi oo isku dayay in ay la xisaabtamaan Shariif Dhagaweyne, waxaa loo taxaabay xabsiga iyagoo wata gaarigoodii Mercedes Benzka ahaa, uuna soo dacweeyay Shariif Dhagaweyne oo policeka u sheegay in ay gaariga ka xadeen. Laakiin ay cadaatay in lacagtii Uunlaaye lagu iibshay laakiin uu Shariif Dhagaweyne uu ku qoray magaca wiilkiisa.

 

Waa qisada ugu yaabka badneyd maalmahaana oo ilaa iyo hadda taagan Nairobi, Kenya.

 

Allpuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

In uu geeriyooday maqlay ee Eebbe ha u raxmado. Dadkii dalkiisa horumarsiiye ku jiray, lacagtiisana gebi ahaanteeda dalkiisa giliye. Waxaa xasuustaa inta masaajid uu dhisay aan maqli jiray, dadka qaarkoodna waxeeba dhihi jireen Kismaayadii qadiimiga ahayd barkeedaba Uunlaaye ayaa lahaa.

 

Shaneemooyinkiisa caanka ahaana yaa iloowi karo, siiba Shaneemo Xamar iyo Nasar oo aan jeclahay in uu asaga lahaa.

 

Walaalkiisa ka yaraa iyo reerkiisa Xamar daris ku ahayn, iyagana Reer Uunlaaye la dhihi jiray. Uunlaaye magac jiro ayuu ahaa ee mar kale Rabi ha u naxariisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

AUN marxuum Uunlaaye.

Mukulaalow, masaajidkaas anigaba mar badan ayaan ku tukaday. ilaahay kheyr ha ka siiyo Marxuumka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this