Sign in to follow this  
Gabbal

Do Islamic militias commit war crimes?

Recommended Posts

Gabbal   

Kismaayo: Maleeshiyooyinka maxaakiimta oo dhidib tiray dhaawicii ciidamada wasiirka gaashaandhiga

Isniin, October 30, 2006

 

APL

 

Ksimaayo (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay magaaladaasi gil-gileen warar sheegaya in maleeshiyooyinka maxaakiimtu ay dhidib tireen qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladdii ku dhexmaray agaggaarka Bu’aale Col. Barre Aaden Shire (Hiire) iyo Maxkamadaha Muqdisho.

 

Dadkan la laayey oo tiradooda lagu sheegay afar qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay gudaha magaalada Bu’aale, halkaasi oo lagu dabiiyey.

 

Mas’uul ka tirsan maamulka Maxkamadaha ee magaalada Muqdisho oo ay la xiriirtay AllPuntland ayaa sheegaya in dhacdadaasi baaritaan lagu sameynayo ciddii geysatayna sharciga la horgeyn doon.

 

Arintan oo shacabka magaalada Kismaayo aad uga caroodeen ayaa guud ahaan magaaladaasi oo dhan laga dareemayaa, taasoo laga cabsi qabo in ay gacan ka hadal isku badashao sida uu ku soo waramayo wariyaha AllPuntland ee magaalada Kismaayo.

 

Sidoo kale waxaa jira warar hoose tibaaxaya in ay arintani khilaaf ka dhex aloostay hogaamiyayaasha maxaakiimta iyo mas’uuliyiinta hadda la shaqeeya ee horey ugu sugnaan jiray magaalada Kismaayo ka hor inta aysan maxkamaduhu halkaasi gaarin.

 

 

AAA Gentleman

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Qaar ka mid ah dhaawacyadii Barre Hiiraale oo lagu dilay Isbitalka Bu'aale

 

 

Kismaayo 30, Oct.06 ( Sh.M.Network) Qaar Ka mid ahaa maleeshiyadii Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay deegaanka Bu'aale ee gobolka J/dhexe.

 

Ilaa 4 nin oo ka tirsan maleeshiyaadkii barre Hiiraale ee ku dhaawacmay dagaaladii Bu'aale ayaa lagu dilay Isbital ku yaala magaaladaasi sida ay xaqiijiyeen Mas'uuliyiinta Maxkamadaha islaamka ee Jubbooyinka oo ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan arinkaasi, iyadoo aan la garaneyn ilaa iyo wali cidii falkaasi geysatay, inkastoo Maxkamadaha ay sheegeen in ay ku raadjoogaan kooxihii falkaasi geeystay.

 

Taliyaha ciidamada amaanka gobolada Jubbooyinka C/.laahi Axmed Warsame oo la hadlay ragga wararka fidiya ayaa xaqiijiyay in dadkaasi la laayay, isagoo ka gaabsaday in cod uu siiyo saxaafadda.

 

Markii arinkani uu dhacay yaa waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay kulamo deg deg ah oo ay isugu yimaadeen waxgarad iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha **** oo ku tilmaamay dhacdadaasi mid laga naxo, iyagoo arinkaasi ka soo saaray war murtiyeed ay ku cambaareynayaan kooxihii falkaasi geeystay.

 

Mid ka mid ah Salaadiinta beesha **** oo lagu magacaabo max'ed Madoobe Yaroow ayaa Afhayeen u hadlay oo la yiraahdo Cabdi Gurux waxa uu sheegay in ay tahay falkani mid ku cusub gobolka oo xitaa aysan ku kicin hogaamiye kooxeedyadii horey ugu dagaalamay Jubbooyinka

 

Dadka magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale arinkaasi si weyn uga carooday.

 

Dhinaca kale Afhayeenka Maxkamadaha islaamka gobolada Jubbooyinka Sheekh Ibraahim Shukri oo wareysi siiyay Shabelle ayaa qirey in falkaasi uu dhacay, iyagoo sheegay in cadaaladda la hor keeno doono kuwii falkaasi geeystay, ayna maxkamadaha ku raadjoogaan.

 

Waxa uu sheegay in ay soo gaareen warar sheegaya in labo nin oo maleeshiyooyin hubeysan ah ay dileen raggaasi, iyagoo ugu soo galay Isbitalka, deetana ay baxsadeen.

 

Afarta nin ee lagu dilay iyagoo dhaawac ah Isbitalka Bu'aale ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-, Xuseen Xasan Cali (Xuseen fareey), Muxumad Xuseen Cali, Dhicis Cabdi Dhurre iyo Max'ed faarax Cali Nuur

 

 

 

Farxaan lafoole

 

Shabelle Media Network J/hoose

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Maleeshiyada Maxaakiimta Oo Buaale ku Laayay Maxaabiis Ay Ku Qabteen Dagaalkii Dajuuma Aano Qabiil Dartiis Iyo Golaha Dhaqanka Beesha **** Oo Si Carro Leh Uga Jawaabay

Oct 30,2006

 

Wararka ka imaanaya Degmada Buaale ee xarunta gobolka J/dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in maxaakiimta islaamiga ah ay dileen shan nin oo Maxaabiis ahaa oo lagu qabtay iska horimaadkii ku dhex maray Dajuuma ciidamada taabacsanaa wasiirka Gaashaandhigga iyo kuwa maxaakiimta.

 

Warka la xariira dilka Maxaabiistaan oo soo baxayay tan iyo shalay galinkii dambe ayaa xaqiiqo noqday markii uu magaalada kismaayo xalay soo gaaray Gudoomiyaha Maxaakiimta J/Hoose Axmed Sh Maxamed Islaan (Madoobe) oo ka soo ambabaxay Buaale watayna dhawaacii dagaalka ee dhinaciisa oo isla maanta laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

 

Hadal haynta ugu Balaaran ee dadka ku nool magaalada kismaayo ayaa waxaa ay ahayd maanta talaabada ay maleeshiyada maxaakiimta ee ku beesha ah Axmed Madoobe ku dileen maxaabiistaas ay gacanta ku hayeen lixdii maalmood ee la soo dhaafay.

 

Xubno ka tirsan ragga uga jira Beesha **** maxaakiimta islaamiga ah oo magacooda qariyay ayaa u sheegay Gedonet in ragaas ay laayeen Niman maleeshiyo ah oo ka soo jeeda Beesha Xasan Turki ayna u dileen arimo qabil ayna qaadi doonaan tallaabooyin hadii aan tiirka cadaalada la hor keenin raggii xasuuqa geystay uu ugu horeeyo madaxa maxkamadaha gobalka Jubbada Hoose Axmed Madoobe.

 

Dhinacoodana odayaasha dhaqanka Beesha **** ayaa maanta kullan xasaasi ah ku yeeshay xafiskooda kismaayo, waxaana ay kaga hadleen xasuuqa Buaale loogu gaystay dhaawaca maxaabiista ka soo jeeda beesha ****.

 

Nabadoon Cabdi Warsame Gurux, afhayeenka golaha dhaqanka Beesha **** ee J/hoose ayaa sheegay in ka dalbanayaan maxaakiimta in ay Jawaab cad ka bixiyaan falalka arxan darro ee ka fog shareecada ee loo gaystay dhaawaca. "Waa waxaan horay loogu arag islaamka iyo soomaalida in dhaawaca la toogto inta maalmo la hayo waxayna u muuqataa arin aargoosi ah oo kolley cawaqaib xun uu ka dhalan karo ayuu yiri Nabdoonka oo ka digay dagaalo ahli ah oo ka dhallan karo hadii hadafka maxaakiimta la huwiyo shaati aano qabiil.

 

Qaar ka mid ah Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ee ka soo jeeda Beesha **** ayaa iyaguna dareen carro leh ka muujiyay falka lagu dilay maxaabiistaan oo ka soo kala jeeda Beelaha reer dalal, reer Ugaas Sharmarke, habar Ciise, talxe iyo reer shirwac Diini.

 

Kismaayo-Gedo-NN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Golaha Odayaasha Baardheere Oo Cambaareeyey Xasuuqii Uu Madaxa Maxaakiimta Kismaayo Axmed Madoobe Ku Laayey Dhaawac Maxaabiis Ah Degmada Buaale

Oct 30,2006

by Baardheere-Gedo-NN

Golaha Shacbiga deegaanka Baardheere ayaa maanta warsaxaafadeed uu ka soo saarey degmada Baardheere waxay si kulul ugu cambaareeyen falkii dilka ahaa ee shaley subax lagula kacay 5 qof oo dhaawac ahaa kana mid ahaa maxaabiis ay hayeen maxkamadaha, oo yiiley goob caafimaad oo ciidanka maxkamaduhu ay kala baxeen goobtii lagu daweenayey,wax yar ka dibna ay toogasho ku dileen aanooyin qabiil dartiis.

 

Haddaba qoraal maanta loo qeybiyey saxaafada oo nuqul ka mid ah soo gaarey Gedonet ayaa waxa uu u qornaa sidatan:

 

Maleeshiyada maxkamadaha ee jooga degmada Buaale waxay shaley oo taariikhdu ahayd 29/10/2006dii toogasho laga baaran degay oo qorsheysan ay ku dileen 5 qof oo aheyd dhowaac maxaabiis oo ka soo jeeda beesha **** oo lagu hayyey magaalada Buaale, waxyna kale yihiin 5tii qof kala yihiin sidatan:

 

1-Mahad Faarax Cali oo da,diisu ahayd 25jir

2-Xuseen Xasan Cali(X.Farey) oo da,diisu tahay 40jir.

3-Dhicis Cabdi Cagaweyne,oo da,diisu tahay 20jir

4- Maxamed Axmed Cali oo da'diisu aheyd 22 jir.

5- Cabdi Maxamed Mahad oo da'diisu aheyd 28 jir.

 

Falalkan dilka ah ayaa lagu tilmaamey kuwo naxariis daro ah oo xad gudub ku ah shareecada islaamka, xeerarka soo jireenka ee dhaqanka soomaalida iyo baaqa caalamiga ee xaquuqda aadanaha,sidaas darteed Goluhu waxay Q/midoobey, Jaamacada carabta iyo wadamada ururur Goboleedka IGAD u sheegayaan in aaney marnaba raali ka noqon doonin in ay maxkamaduhu wax saameyn ah ku yeeshaan deegaanka Baardheere iyo weliba G/Gedo.

 

Golahu waxay kale ugu baaqeen in masuuliyiinta beesha **** ee magaalada Kismaayo oo ka tirsan maxkamadaha ay jawaab ka bixiyaan falalkii xasuuqii ahaa ee loo geystay maxaabiistii lagu qabtay dagaalka ayna ka dambeeyeen xasuuqooda ninka lagu magacaabo Axmed Madoobe oo asagu ah madaxa maxkamadaha gobalka Jubbada Hoose oo maleeshiyo ay isku hayb yihiin ay ka dambeeyeen xasuuqani.

 

Golahu waxuu ugu digayaa in maxkamadahu Degmadani ay ka daayaan faragelinta joogtada ah ee xaga isgaarsiinta ay ka wadaan ,waxii talaabo ah ee ka yimaadana masuuliyadeeda ay qaadi doonaan Maxkamadaha ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo ay soo saareen Golaha shacbiga deegaanka Baardheere oo uu ku saxiixan yahay Gudoomiyaha Golahaasi Xuseen Cali Biixi.

 

Baardheere-Gedo-NN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Very ugly crime carried by the dark forces[qabiilists] under the banner of MMI. How MMI deals with this tragic event and other gross human rights violations will no doubt decide the outcome of this young and popular revolution.

 

imageI1F.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by raadamiir:

Warr these guys are doing the samething the USC did they are no different they need to be stoped!!!

That's stretching saaxib. Qabyaalad might have played a role here, but it is hardly comparable to USC of 1991.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^In some ways it is comparable. In 1991, the USC ally Cumar Jees was snatching people out of their houses and shooting them at their front doors. Now his counterparts are snatching people out of hospitals and shooting them while a large-scale military campaign is being engineered from Mogadishu in a replica much like that of the USC's. Deja vue?

 

Xubno ka tirsan ragga uga jira Beesha S.ade maxaakiimta islaamiga ah oo magacooda qariyay ayaa u sheegay Gedonet in ragaas ay laayeen Niman maleeshiyo ah oo ka soo jeeda Beesha Xasan Turki ayna u dileen arimo qabil ayna qaadi doonaan tallaabooyin hadii aan tiirka cadaalada la hor keenin raggii xasuuqa geystay uu ugu horeeyo madaxa maxkamadaha gobalka Jubbada Hoose Axmed Madoobe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by HornAfrique:

[QB] ^In some ways it is comparable. In 1991, the USC ally Cumar Jees was snatching people out of their houses and shooting them at their front doors. Now his counterparts are snatching people out of hospitals and shooting them while a large-scale military campaign is being engineered from Mogadishu in a replica much like that of the USC's. Deja vue?

 

In war,all things happen but shooting pple while taking them from their homes is nothing new to the ICU.They have done it before so what would stop them now?Do u remember the time in mogadisho,not long ago,when the former somalian officers used to be assasinated in Xamar and no one knew the cause and who was behind it?That is now answered by the ICU,they were terminating all future threats.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Originally posted by
HornAfrique:

^In some ways it is comparable. In 1991, the USC ally Cumar Jees was snatching people out of their houses and shooting them at their front doors. Now his counterparts are snatching people out of hospitals and shooting them while a large-scale military campaign is being engineered from Mogadishu in a replica much like that of the USC's. Deja vue?

Double standard in action iga dheh. Not too long ago you were cheering up for a different kind of military campaign from Gedo on their way to Kismaayo. Why speak ill of the military operation of beelaha Moqdisho to Kismaayo [giving you the benefit of the doubt by calling ICU beelo] and not the military offensive of beelaha Gedo to Kismaayo. Do these two forces have different objectives, or perhaps better intentions. Is one more suited or legitimate than the other? Unless you supported Gedo’s military offensive to Kismaayo merely out of qabiil, than you should not criticize Mogdisho forces for the notion that Kismaayo is for all Somalis and not exclusive for one qabiil.

 

By the way, neither USC nor Ina Jess or ICU were the master engineers of this horrible barbaric tactics of snatching innocent people in the middle of the night. It’s the product of Kacaankii 21ka October and Ina Siyad Barre's infamous Koofiya-cas militia. Give credit where it's due.

 

And yes, they’re prone to criminal activities or violation of some sort. They are humans, not immune or perfect in any way.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^I am against any and all forms of war crimes. I do not believe anything in the Islamic religion or even international human law, whether Islamic or not, condones such actions. Do you disagree?

 

And also, were you hoping "beelaha Muqdisho" to have done this? If yes, then I am sorry but "beelaha Muqdisho" meel xun ha uga dhacin. They had nothing to do with this. Let us hope that was a Freudian slip there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Originally posted by HornAfrique:

^I am against any and all forms of war crimes. I do not believe anything in the Islamic religion or even international human law, whether Islamic or not, condones such actions. Do you disagree?

Right! I wouldn’t have doubted your words above if you were to utter such statements whenever Ina Siyad Barre & Hiiraale criminal activities pop up. I’m sure you’d agree with me that selective justice has no place in our religion. Islam and the natural human instinct condemn any and all of aggression regardless the victim or perpetrators identities. I don’t disagree if this reporting happens to be genuine news story. I certainly condemn it and hold the responsible party accountable.

 

Originally posted by HornAfrique:

And also, were you hoping "beelaha Muqdisho" to have done this? If yes, then I am sorry but "beelaha Muqdisho" meel xun ha uga dhacin.

Sxb, if this is another accusation, ha la gaban noo macalinka, let it out. It’s only good for your health. It’s called playing the devils advocate and rationalizing your irrational thinking of viewing the courts as warmongering beelo qabiileed invading beelo kale magaalooyinkooda. The courts are mainly a collective of beelo but in principal, they generally resonate with the majority of Somali public except the few warlords. The courts are more than beelo and let’s not judge them by their appearance. Looks are deceiving as the saying goes.

 

They had nothing to do with this. Let us hope that was a Freudian slip there.

What do you mean by this? If you mean the incident involving dadka dhaawaca ee la is raaciyey, that’s your own interpretation and I fail to see how you could take my reply out of context and apply it where it doesn’t belong. I was referring to the military campaign you spoke ill of.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this