Sign in to follow this  
Jacaylbaro

H AIDEED AND HIIRAALE DISMISSED

Recommended Posts

Mogadishu 12, May.07 ( Sh.M.Network) Waxaa xilka qaadis lagu sameeyay wasiirka G/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia Col. Barre Aadan Shire Hiiraale iyo wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Xuseen Max'ed Ceydiid, ka dib qoraal maanta ka soo baxay xafiiska Ra'isulwasaaraha oo lagu shaaciyay xilka qaadistooda.

 

Wareegto uu ku saxiixan yahay ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, Prof. Cali Max'ed Gedi, laguna wargaliyay Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa waxaa xilkii wasiirnimo looga xayuubay Barre Hiiraale iyo Xuseen Ceydiid oo lagu eedeeyay in ay gudan waayeen waajibaadkooda shaqo.

 

Xildhibaan Xuseen Ceydiid iyo Barre Hiiraale ayaa ahaa xilliyadii ugu dambeeyay kuwo ka soo horjeestay siyaasadda dowladda KMG ah ee Somalia, iyadoo si gaar ah Xuseen ceydiid uu u baqoolay dalka Eritrea halkaasi oo uu ku biirey xubnihii xialalka laga qaaday ee uu hogaaminayay Afhayeenkii hore ee Baarlamanka Somalia.

 

Xilka Qaadiska Col. Barre Hiiraale ayaa ku soo beegmeysa xilli maleeshiyooyin isaga ku heyb ah ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Kismaayo ka dib markii ay ka saareen halkaasi ciidamadii dowladda KMG ah oo uu hogaaminayay taliyaha guutada koowaad C/risaaq Afgaduud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qoraal ka soo baxay saaka xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumada KMG ah oo uu saxaafada u aqriyay afhayeenka cusub ee dowladda Cabdi Xaaji Goob doon ayaa loogaga codsaday madaxweynaha inuu aqbalo xil ka qaadista ra’iisal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Xuseen Max’ed Faarax Ceydiid iyo wasiirka gaashaandhigga Col. Barre Aadan Shire Hiiraale.

 

Wasiiradan ayuu ku eedeeyey wasiirkooda koowaad Prof. Geedd inay gudan waayeen howlohoodii shaqo, isla markaana ay muteysteen in xilalka laga xayuubiyo, iyadoo laga sugayo inuu saxiixo codsiga Cali Geeddi madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Xil ka qaadista xubnahan oo xilliyadii ugu dambeeyey ahaa mucaarid ayaa ku soo beegmeysa xilli Xuseen Ceydiid uu warysi uu siiyay TV-ga caalamiga ha ee Faransa uu u sheegay inuu ka tanaasulay xilkiisii wasiirnimo.

 

 

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta ee dowladda federaalka Xuseen Maxamed Caydiid oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ku ah dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritreya ayaa ugu baaqay midowga Afrika iney ciidamo dheeraad ah u soo diraan dalka Soomaaliya.

 

“Waxaan ugu baaqayaa midowga Afrika iney kordhiyaan ciidamada nabad ilaalinta ee ay geeyeen Soomaaliya, waxaan hogaamiyeyaasha beelaha ****** ku wargelinay iney iney nabadgelyo siiyaan ciidamada 1500 ah ee ka socda Ugandha kuna sugan magaalada Muqdisho” ayuu yiri Xuseen Caydiid oo wareysi gaar ah siiyey Raadiyaha caalamiga ah Faransiiska.

 

Xuseen Caydiid ayaa amaanay doorka ay ciidamada Ugandha kaga jiraan nabad ilaalinta Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena sheegay inuu ka tanaasulay xilkii uu ka hayey xukuumada federaalka Soomaaliya oo uu sheegay iney ku guuldareystay shacabkii ay meteleysay iney badbaadiso, isagoo mar kalena ku eedeeyey ciidamada Itoobiya iney xasuuq ka geysteen magaalada Muqdisho.

 

Xuseen Maxamed Caydiid ayaa noqonoya xubintii ugu horeysay ee iska casisha golaha wasiirada ee xukuumada uu ra’isul wasaaraha ka yahay Prof. Cali Maxamed Geeddi, waxaana arintan ay ka dambeysay ka dib markii Xuseen Caydiid uu ku biiray xubnaha mucaaradka ku ah dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Asmara ee horey xilalka looga xayuubiyey.

 

 

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
roobleh   

Hussein Caydiid raganimuu sameeyey inuu iska casilo xilka dowlad ku sheegta ee dadkiisii ku gumaaday Muqdisho. Marka hashow xisaabtu timaado, wuxuu odhanayaa anigu waataan iska casiley. Tolow, muxuu odhan Mr. Buube marka maxkamadda Sare ee Xamar la hor keeno?

Share this post


Link to post
Share on other sites

At the same time as Aydiid wants Ethio troops out of Somalia, he is asking for more AU troops to enter the country. As the new spokesman for the opposition in Asmara, I wonder if they (mucaaradka) have changed their earlier position of not having any external force in the country at all. Those guys are getting more confused by the hours these days.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa daboolka si rasmiya xalay kaga qaaday inuu guud ahaan ka tanasulay xilalkii Ra'isulwasaarre ku xigeenka iyo Wasiirka Hoowlaha guud iyo Guryeeynta ee Xukumadda Cali Maxamed Geeddi isagoo xusay inuu yahay oo kaliya Siyaasi wadani ah oo u taagan sidii uu Shacabkiisa uga dulqaadi lahaa waxa uu ku tilmaamay gumeysiga isbiirsaday.

 

“ Ra'isulwasaarre ku xigeen iyo Wasiir midna maahi,cidii iigu yeertana way I aflagaadeeysay,waxaana ugu baaqayaa dhamaan Wasiiradda damiirnimadda ku dambeeyso ee hoos jooga Cali Geeddi inay iska casilaan jagooyinka loo siiyay inay jiqaan dhiiga dadkooda gaar ahaan Caruurtooda,waana inay ogaadaan in waqtigii Dowlad Federal ah Soomaaliya ka jirtay ay dhamaatay oo fashilantay”sidaas waxaa yiri Injineer Xuseen Caydiid oo Xalay u waramayay Waagacusub.

 

Xuseen Maxamed Caydiid waxaa uu sheegay in Dowladda Federalka ee uu mudada xilka ka hayay ay ku guuldareeysatay inay badbaadiso Shacabkeeda sidaas daraadeedna uu isaga iska casilay dhamaan wixii uu xil ka hayay.

 

Inj Caydiid wuxuu noqonayaa Siyaasigii ugu horeeyay ee iska casilo xil sare oo uu ka hayay Xukumadda Cali Geeddi,waxaana la rumaysan yahay inuu Shacbiyad xoogan ku yeelanayo tilaabooyinka geesinimo ee uu xilkaa uga tanasulay Xuseen Caydiid maadama Cabdilahi Yusuf iyo Cali Geeddi ay shacabka aad u naceen ,xasuuq baahsan oo ka dhacay Muqdisho kadib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

The guy is a big time looser. Afkiisa laga hayaa in uu yiri Ethiopia lagu biiro, Waa neefkan in ay iska eryaan weeye inta joogta Asmara, Ciil uun buu baddi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Aidid Junior is confused man and Maxkamadaha should stay away from him, unless of course he repents and publicly renounces all his blunders.

 

Remember this guy is the one not long ago used to call Maxkahamdaha terrorist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aniguu waxaan qabaa inu X.Caydiid meesha hool weyn oo sir ah ka wado ugu danbeyntiina waxaa loo magacaabi doona raysalwasaare lol. CIAs top man right here!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by TheSomaliEconomist:

Aniguu waxaan qabaa inu X.Caydiid meesha hool weyn oo sir ah ka wado ugu danbeyntiina waxaa loo magacaabi doona raysalwasaare lol. CIAs top man right here!

I second that.

 

Re. Hiraale, great news to have Hiraale finaly fired instead of himself to decide to go. At least there is no clan loophole for Yeey and wait and see him reaping what he has sown.

Share this post


Link to post
Share on other sites

not sure about hiiraale but Aideed the son should have to go long time ago ,,,,,

 

I'm with economist on that idea ,,,, those in Asmara should be careful about him ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this