Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Chaos at Somaliland Parliament - Police Interfers

Recommended Posts

Hargiesa (Somalilandpress), Ciidamada booliska iyo kuwa sirdoonka ayaa guud ahaan maanta xoog kula wareegay labada aqal baraalamaan ee Somaliland, waxaanay qufulo ku jabiyeen irida hore ee laga galo baarlamaanka.

 

La wareeridan ayaa ka danbaysay ka dib markii goluhu meel mariyey mooshinkii xilka xayuubinta ee ka dhanka ahaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

 

La taliyaha shariciga ee golaha wakiilada ayaa ka hor akhriyey shirgudoonka wakiilada, sidoo kale la taliyuhu waxa uu baajiyey mooshinkii ay wateen xildhibaanada ka soo jeeda xukumada madaxweyne Daahir Riyaale, isaga oo ku tilmaamay mid aan waafaq sanayn xeerka golaha u yaala.

 

Intaasi kadib xildhibaanada fadhiyey kal fadhigii maanta waxaa ka dhex dhashay muran aad u xoogan oo gaadhay in gacmaha layskula tago.

 

Xildhibaan C/raxmaan Xoog oo ka mida xildhibaanada muxaafidka ah iyo xildhibaan kale ayaa gacanta isku saaray golaha dhexdiisa, gacan ka hadalkaas kadib xildhibaan Xoog ayaa la soo baxay Baaskoolad balse cid wax kuma yeelin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markii uu buuqii sii xoogaystay, ayaa Ciidamada Booliska oo horeba Golaha u joogay iyo kuwo tiro badan oo kale oo xoojin ah oo uu horkacayay Taliyaha Boolisku Saqadhi Dubbad ay la wareegeen Xarunta Baarlamaanka, isla markaana ay xidheen Hoolkii Shirarka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

From Pro-UDUB: ..... :D

 

 

Waxa maanta golaha wakiilada ka dhacay dagaal gacan ka hadal ah markii danbana gaadhay in hub la isula soo baxo kadib markii ay dood qadhaadhi dhex martay golaha wakiilada, doodaasi oo ka dhalatay kadib markii la laalay mooshin ay wateen xildhibaano rabay in shir gudoonka wakiilada kalsoonida lagala laabto isla markaasna golaha la soo hor dhigay tii maamuus ka xayuubinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, arintaasi oo ka cadhaysiisay xildhibaano uu hor kacaayay C/raxmaan Aw Xoog oo ka soo jeeda xisbiga UDUB.

 

Markii aan doodiii bilaabay ee aan su'aalo waydiiyay shir gudoonka ee uu gudoomiyha wakiiladu i ogolaaday in aan hadlo ayaa waxa igu soo booday xildhibaan Tukaale oo kacsan isla markasna Kulmiyaysan oo maqiiqan, ana waan iska caabiyay, Sidaasi waxa yidhi xildhibaan C/raxmaan Aw Xoog, waxa aanu sheegay in isna uu rabshadaasi gacan ka hadalka ah uu kula socday xildhibaan kale oo Kulmiye ahi, lakiin Tukaale waxa uu isagu ka soo baxay UCID, lakiin waa xildhibaan Kulmiye kula socday arintani ayuu yidhi xildhibaanku.

 

Xildhibaan Xoog waxa uu sheegay in uu Tukaale ula soo baxay Baastoolad isla markaasina uu ka maroojiyay, isla markaasina ay is gudo galeen bastooladiina ay dhuka ay kaga dhacday, halkaasina uu ku bilaabmay buuq iyo kala yaac, ils markaasina goobta laga dareeriyay wakiiladii isla markaasina sidaasi golihii lagu soo xidhay lama sheegin xili dib loo furi doono, lakiin gabi ahaanba waxa laalmay waxii laga filaayay golaha.

 

Dhanka Tukaale wax war ahi kama soo bixin lakiin dad goob joog ahaa waxa ay sheegayaan in labada xildhibaanba ay wateen bastooldo isla markaasina labadoodba ay ciidankii ilaalda shir gudoonku ay ka qaadeen, ma jiraan wax khasaare ah oo la soo sheegayaa lakiin waxa maanta qof waliba uu tilmaamay in ay u dhamaatay golihii wakiilada isla markaasina ayan maanta laga bilaabo wax jiraba ahayn.

 

Awooda distoorka ayaa qeexaysa in madaxweynahu uu kala diri karo golaha hadii ay la soo gudboonaato rabshadaha noocani oo kale ahi marka ay yimaadaan lamana garan karo in sidiaasi lagu kala diri doono golahan gabay hawshiisii ee maanta isu qaatay hub, xagii ay ka dhigi lahaayeen dalka mid ka amaansan sidii ay ugu yimaadeen Shir gudoonka ayaa mushaar ahaan sanadkii u qaata Shan Boqol oo Kun Oo Doolar, sanadkii xaga shaqaalaha intiisa kalena ay ku baxdo Todoba Boqol oo Kun Oo Doolar, mana jirto wax xisaab xidh ah oo uu gudoomiyaha wakiiladu uu keenay 3 sanadood ee ugu danbaysay.

 

Gudoomiyaha ayaa dad badani u arkaan in uu yahay mushkilada dhibaatada ka jirta golaha wakiilada, iyada oo gudoomiyaha lagu eedaynaayo in uu gabay hawshiisii isla markaasina uu yahay ninka dhibta taagan oo dhan u aabaha ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

From Pro-KULMIYE ,,,,,, :D

 

 

Wararka hadda naga soo gaadhaya magaaladda Hargeysa ayaa sheegaya in kadib markii maanta subaxii golaha wakiiladda Somaliland u furmay fadhigoodi lagu gudo geli lahaa mooshinki xil ka xayubinta Md Dahir Rayale, in ciidamo boolis iyo milatari ah golaha lagu wareejiyey.

 

Sidoo kale waxa wararku intas ku darayan in kadib markii shir gudoonka wakiiladdu uu mudanayasha soo hor dhigay qodobka maamus ka xayuubinta Dahir Rayale iyo in laga doodo, isla markana garyaqanka golaha wakiiladdu qodobadii sharciga ahaa ee taagerayay uu shegay, ayaa waxa madashi golaha qaylo iyo sawaxan kala dhex kacay Xildhiban Cabdiraxman Xoog oo ka tirsan xisbiga mucaridka ee UDUB. Waxa dagaal gacan laysula tagay uu dhex maray xildhibankas muxafidka ah iyo xildhiban mucarid. Qadar yar ka bacdi qayladas iyo sawaxankas waxa wararku shegayan in Xildhiban Xoog oo ka tirsan xisbiga UDUB uu golaha wakiiladda dhexdeeda bastolad laso baxay. Umay suurtobin hase yeeshe inuu bastolada rido oo wa laga qaaday.

 

Wakhtigan xaadirka waxa golaha wakiiladda xoog lagaga soo saaray xildhibanadi, waxana xeradi golaha wakiiladda la wareegay ciidamadda Booliska oo tagero ka haysta ciidamada milateriga, kuwas oo toos u hoos yiimada Madaxtooyadda. Waxa jiray tiro xildhibaano ah oo diiday inay ka baxaan xeyndabka golaha wakiilada, laakin waxa lagaga saaray xoog.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOOL@ Mr Xoog - if reer waqooyi are like anything reer Bari - this mr xoog is little weakling who is properly dying anorexia. Reer Bari give poeple the worst oxymoron nicknames. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Punch-up in Somaliland parliament

 

 

Somaliland politicians began punching each other in parliament after officials announced a motion to impeach the president could be debated.

 

A BBC reporter in parliament says some MPs began muttering, then shouting and it quickly descended into a fist-fight as the politicians exchanged punches.

 

Eyewitnesses said one MP drew a gun, but no shots were fired.

 

Analysts say relations between the political parties have been acrimonious since the delay of presidential polls.

 

 

Opposition provoked

 

The BBC's Ahmed Said Egeh in the Somaliland capital, Hargeisa, says police had to enter the chamber on Tuesday morning to restore order.

 

The election was supposed to be held on 27 September but it was postponed because of a new voters' registration list - the first one to be compiled since Somaliland was formed in 1991.

 

There were complaints about irregularities in its composition, so the vote was delayed by the electoral authorities.

 

However, Somaliland's two opposition parties are adamant that the election should go ahead using the list.

 

President Dahir Riyale Kahin's government has suggested the vote go ahead at a later date without a voters' registration list - which has provoked the opposition to start impeach proceedings.

 

Somaliland, which is not recognised internationally, has formed its own hybrid system of governance consisting of a lower house of elected representatives, and an upper house which incorporated the elders of tribal clans.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

HIIRAAN: Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland oo Hub laysula baxay maanta (DAAWO SAWIRRADA)

 

Talaado, 8 September 2009 (HOL): Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee maanta, ayaa natiijo-la’aan ku dhammaaday, ka dib markii uu hadheeyay Dagaal gacanta laysula tegay.

 

Fadhigan maanta oo qurshuhu ahaa in la gudo-galo Doodda Mooshin ku saabsan xil-ka-qaadista Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, ayaa buuq galay ka dib markii La-taliyaha dhinaca Sharciga ee Golahaasi uu halkaas ka sheegay in ay Mudanayaasha soo jeediyay Mooshinkani xaq u leeyihiin, isla markaana ay sharci tahay in laga doodo Mooshinka xil-ka-xayuubinta. Waxaanu intaa raaciyay la-taliyuhu in Mooshin kale oo isna Mudanayaal Golaha ka tirsani soo jeediyeen oo ah wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha ay xaq u leeyihiin oo kaliya Guddida Joogtada ahi. Taas oo ay ka biyo-diideen Mudanayaasha Muxaafadka ee Mooshinkaa dabada ka waday.

 

Fadhigan ayaa khalkhal galay, isla markaana waxa dhacday in Xildhibaan ka tirsan Xisbiga UDUB o lagu magacaabo Cabdiraxmaan-Xoog uu la soo baxay Bastoolad, iskuna dayay in uu ku dhufto Mudane kale oo dagaal dhex maray. Hase ahaatee, taasi uma suurtogelin ka dib markii ay ka kaddibtay ama ay u dhici wayday.

 

Buuq badan oo Golaha hadheeyay ka dib, waxa la xidhay Fadhigii Golaha, waxaana Madasha Golaha la wareegay Ciidamo tiro badan .

 

wakiillo.jpg

 

wakiillo1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this