Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Interrior Minister Opens Training for Sool Traditional Leaders

Recommended Posts

Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa shalay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool Aqoon Isweydaarsi la xidhiidha adkaynta nabad gelyada iyo xalinta khilaafaadka uga furay cuqaasha Gobolkaasi.

 

Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), oo ka hadlay furitaankii kulankaasi ayaa ka waramay doorka cuqaasha iyo nabadoonaddu ay ku leeyihiin ammaanka iyo nabadgelyada iyo sida loogu baahan yahay inay bulshada ku hoggaamiyaan nabadgelyo.

 

Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, wuxuu sheegay in maalinta barriya ay dhagax dhigi doonaan dhismaha xarun weyn oo loo dhisayo Cuqaasha Gobolkaasi, waxaanu yidhi “Guri ay Cuqaashu leedahay ayaanu bari dhagax dhigi doonaa si aad ugu kulantaan oo aad ku shirtaan, nasiib wanaag waxaad noqonaysaan gobolkii labaad ee loo dhiso xarun ay ku shiraan Gobolkii horena wuxuu ahaa Tog-dheer.”

 

Wasiirku wuxuu sheegay in xarunta cuqaasha loo dhisayo ay fulinayso haayada Horn Peace waxaana maal gelinaysa Haayada DRC.

 

Sidoo kale Siminaarka loo furay cuqaasha Gobolka Sool wuxuu qaadan doonaa muddo laba cisho ah oo lagu darsi doono habka xalinta khilaafaadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, wuxuu sheegay in maalinta barriya ay dhagax dhigi doonaan dhismaha xarun weyn oo loo dhisayo Cuqaasha Gobolkaasi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

indeed somaliland marches on!!!!

 

whilst some extremist tribal minded individuals plot for war and destruction... we are once more building brick by brick.

 

spreading law order and our civilised way onto news lands :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Ninka isku sheega wasiirka arimaha Gudaha ee S/Land oo qorshayaal ka wada Sool

 

(Laascanod) 10.02-10 Sida ay widhwidh online ku heshay war war lagu kalsoon yahay ayaa maalimhii ugu danbeeyay wasiir ku sheega beelaha dirta waqooyi uu ka wadahay howlo fara badan huteelka uu degan yahay ee Xamdi Hotel.

 

Ninkan oo lagu naanayso Mr Ciro ayaa wuxuu la yimid lacag kor u dhaafaysa 150.000 (Boqol iyo Konton Kun oo doolar) si uu u wanjalo bayaankii Garaadada SSC ay ku soo sareen tuulada Buuro wadal ee gobolka SOOL. waxaa la sheegay inuu habeen walba halkaas kula shiro odayaal lagu sheegay cuqaal aan dareen lahayn kuwaas oo loo sheegay in la dhisayo golaha cuqaasha gobolka musharna loo qori doono si looga hor keeno Isimadii soo saaray go'aanada.

 

Isku soo wada duuboo waxaynu sugnaaba waa ku dhawaaqida golaha Cuqaasha ee gobolka Sool oo idiidin u noqon doona Jabhada Somaliland ee Soomaalida neceb. waxaanse la ogaan karin sida nimankaasi ugu dhex noolaan doonaan shacabka gobolka oo hada iska soo taagay maamulka SNM una dulqaadan doonin wax danboo dhibaato ah.

 

Waxaana la filayaaa in maalmaha soo socda magaalada ka dhacaan dibad baxyo lana sugayo in ciidamadii xorayn lahaa gobolka si dhakhso ah uga dhex dhasaan magaalada Laascaanood.

 

 

The game is over in laascaanood, it is matter of time, whether it will be bloody or peacefull.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this