Sign in to follow this  
Camel Mlik

DAGAAL IN MUQDISHO,BAKOOL AND KISMAAYO!!!

Recommended Posts

War deg deg ah: Dagaal dad ku dhinteen oo ka socda xaafadda Boondheere ee waqooyiga Muqdisho.

- Sunday, October 02, 2005 at 15:30

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wararka uu goor dhow nasoo gaarsiinayo wariyahayaga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal kharaar uu ka socdo magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Boondheere ee waqooyiga Muqdisho.

 

Dagaalkan ayaa wuxuu u dhexeeyaa laba malleeshiyo oo beel ahaan kasoo wada jeeda Beesha ****** oo ay kala wataan Maxamed Maxamuud Cayroow iyo C/qaadir Beebbe.

 

Warar kale oo nasoo gaaraya waxay sheegayaan in kooxaha Maxkamadaha Muqdisho ay dagaalkan ku lug leeyihiin ,kuwaasoo doonaya inay la wareegaan is goysyada iyo goobaha is taraatiijiga ah ee Muqdisho.

 

Dad gaaraya 3 qof ayaa dagaalkaasi ku nafwaayay , wuxuuna wali ka soconayaa xaafadda Boondheere oo ah xaafadda uu sababteeda darteed dagaalku u qarxay la iskuna haysto gacan ku haynteeda.

 

Dagaalkan ayaa si deg deg ah u qarxay , waxaana xabadaha la isku adeegsanayo laga maqlayaa xaafadaha ku xeeran Boondheere ,dad aad u fara badan ayaa dagaalladaasi kaso cararay haatanna maciin biday xaafadaha ku dhow dhow ee ay kamid tahay Wardhiigley.

 

Si kastaba ha ahaatee dagaallada ayaa maalmahan kusoo noq noqday magaalada Muqdisho , ayadoo lasheegayo inay dagaalka ku lug leeyihiin kooxo maxkmado ah oo awood isticmaalaya si ay u qabsadaan baraha muhiimka ah ee Muqdisho.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

 

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

THERE IS DAGAALS GOING ON IN OTHER PARTS OF THE COUNTRY THIS WEEKEND.

 

WHAT A WAY TO WELCOME THE HOLY MONTH OF RAMADAN.

 

THIS ONCE AGAIN RAISE THE QESTION HOW SAFE IS MUQDISHO FOR THE GOVERNMENT TO WORK FROM THERE.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is-rasaaseyn ka dhacday xafiiska shirkadda xawaaladda Dalsan ay ku leedahay Kismaayo

Kismaanyo

 

 

Iska horimaad hubeysan ayaa ku dhexmaray labo maleeshiyo xafiiska shirkadda xawaaladda Dalsan ee magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka J/hoose, waxaana Is-rasaaseyntani ay dhacday kadib markii maleeshiyooyin ka tirsan isbaheysiga dooxadda Jubba oo doonayey in ay hubka ka dhigaan mid ka mid ah ilaaladda shrikadda Dalsan ay dhexmartay is-rasaaseyn taasoo ka dhalatay kala shaki soo kala dhexgala labada maleeshiyo, waxaana durba goobtaasi ka dhacay rasaas ay is-weydaarsadeen labada maleeshiyo iyadoo la maqlayey qarax bam la sheegay in ay soo rideen ilaaladda shirkadda Dalsan.

 

 

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay Marxuum Barre Axmed Xasan (Cagaweyne) oo ka xoogsanayey goob aanan sidaa uga fogeyn halkii ay maleeshiyooyinku isku rasaaseeyeen, waxaana haleeshay mid ka mid ah rasaastii ay is-weydaarsanayeen maleeshiyooyinka, iyadoo ilaaladdii shirkadda Dalsan xabsiga loo taxaabay, lana xiray xafiiska shirkadaaasi, waxaana gacan ku haynta xarunta shirkadaasi la wareegay ciidamada booliska saldhiga magaalada Kismaayo.

 

 

C/shakuur Cilmi Xasan-Dayniile Muqdisho-Soomaaliya

 

Cabdishakuur48@hotmail.com

 

 

 

 

Ku noqo beejka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dad rayid ah oo lagu kala laayay degaano ka wada tirsan degmada Tayaglow ee gobolka Bakool

 

Xudur 02 Oct. ( Sh.M.Network) Dad rayid ah oo ka badan ilaa 10 ruux ayaa lagu soo waramayaa in xalay si kala gooni gooni ah loogu dilay degaano la kala yiraahdo Laanta Barde iyo Hubeedha oo ka wada tirsan degmada Tayaglow ee gobolka Bakool, arintaasi oo ay sameeyeen maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo halkaasi wada dega.

 

11 ruux ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay agagaarka degaanka Biyo leey,iyadoo hal kalena la dhaawacay ka dib markii kooxo maleeshiyo beeleed hubeysan ay weerar ku soo qaadeen goob dadkaasi ay ku sugnaayeen oo lagu shito dhuxusha oo ka tirsan degaanada Dalandoole iyo Biyalow halkaasi oo ay ku geeriyoodeen ilaa 5 ruux.

 

Beesha wax laga dilay maleeshiyooyinkooda oo iyana weerar soo qaaday ayaa waxa ay ku dileen lix ruux meel aan ka fogeyn degaanadaasi.

 

Arintaan ayaa waxa ay jabisay heshiis xabad joojin ah oo labadaan beelood ay gaareen 8 bilood ka hor ka dib markii ay ku dagaalameen degaanadaasi

 

odayaal ka socda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa iminka ku howlan xalinta dhacadadaasi lagu laayay 11 ka qofood, mana jiraan wax saadaalin ah oo laga bixin karo arimahaan halka ay saldhigan doonaan

 

 

 

Abuukar Karyare

 

Shabelle Media Network, Bakool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

sxb you seem excited about the new round of wars in our beloved country of somalia. Or maybe you don't consider those areas as "dadka kale deegaankood".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by haruun:

sxb you seem excited about the new round of wars in our beloved country of somalia. Or maybe you don't consider those areas as "dadka kale deegaankood".

I seem excited huh well you surely don't know me than.It hurts my heart and mind when I read such news from the motherland.So don't bring that bullshit like "dadki kale deegaankood" to me.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

seem excited huh well you surely don't know me than.It hurts my heart and mind when I read such news from the motherland.So don't bring that bullshit like "dadki kale deegaankood" to me.

good for you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

By Mohamed Olad Hassan

 

Mogadishu, October 3, 2005 (HOL) - Rival militia groups clashed in Somalia's capital, killing at least six people, witnesses and medical officials said, as the sounds of gunfire and explosions were heard throughout Mogadishu.

 

The fighting began on Sunday afternoon when gunmen loyal to a city warlord, Abduqadir Beebe, attacked gunmen loyal to an Islamic court in northern Mogadishu, injuring 10 people, mostly civilians, said witnesses, who did not want to be identified due to fears for their security.

 

The fighting has stopped, but some civilians fled their homes to unknown destinations, fearing that fighting could resume.

 

Witnesses and medical officials, who also spoke anonymously, citing security concerns, said four gunmen were killed in the fighting and two civilians by stray bullets.

 

Somalia descended into lawlessness when clan-based warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre in 1991 and then turned on each other.

 

A transitional government formed in late 2004 after lengthy peace talks in Kenya raised some hope for the Horn of Africa country of seven-million, but its members have been fighting among themselves in recent months.

 

On Saturday, gunmen clashed in the southwestern region of Bakool, killing at least 12 people and injuring more than 20 when they fought over trees that are used to make charcoal, said Reconciliation Minister Sheikh Aadan Mohamed Deer.

 

Source: Associated Press, Oct 03, 2005

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this