RedSea Posted April 30, 2007 That was red sea back in the day, when I was 'peace' loving mother terresa. That was the day I had hope and love for these people, until they turned into complete xabashi supporters. I have lost respect for them since. As for the Taleex bombardment by the British infidels, Ilahay ha unaxariisto intii ku dhimatay goobtaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted April 30, 2007 Guys, nice discussion, May Allah bless for all those who died during the struggle for Independence. Sayid and his derwishes met many obstacles from different clans, and unfortunately in the process some innocent pple got killed. When some of Somalis turned away from the Sayid and his movement, he felt dissappointed , specially when he was betrayed by some of the leaders of that time. Sayid then recited one his greatest poems of all time. Gudban~Gaalo Leged . May Allah rest his soul in peace. Gabay:Gudban Ama Gaalo-leged ----------------------------------------------------------------------- 1898dii ilaa 1910 ayaa Sayidku dadka wuxuu ku waday waano iyo waxsiin si loo helo israac iyo wadajir, gaalana meel looga soo wada jeesto. Inkastoo xaruntii dad badani raacay xoogna ay yeelatay haddana dadkii daraash ku maageerraa aflagaado iyo adyad bey ka deyn waayeen iyo iney gaalada garab iyo gaashaanba u noqdaan. Markaa Daraawiish waxay la ahaatay haddii waanadii iyo wanaagii la diiday in waran caaradii lagu dayo. sagoo Sayidku Daraawiish gubaabinaya, wixii loo geystena faalo ka bixinaya dabadiisii la laayeyna gocanaya, waxay ka fali doonnaan tusaalaynaya, meelaha in nabarro loo gesto ku haboonaanna timaamaya wuxuu tiriyay gabaygan soo socda magiciisana la yiraahdo "Gudban" Daraawiishise wexey u tiqiinay "Gaalo lagad" ( 1 ) Gudban waxaa loogu bixiyay Saydkoo isu mariyay bari iyo galbeed. (2) Gaala-lagad waxaa loogu bixiyay niman aqooni Daraawiish ahyn, wuxuuna gabaygani ka mid yahay gabayada geyiga oo dhan ku faafay Awel maanso waataan gudbo, gudhiyey waayaaye Waataan galbeedkaas u diray, guga hortiisiiye Aan gaasheeyo tii xalay hurdada, gama'a ii diidday Galladaha Illahay ka badan, geedahaas baxaye Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaaqsiine Guddiyeey i maqal waxaa tihiin, gacaladaydiiye Najiskii gurta xumaa hadduu, shalayto geeryooday Godka lagu cadaabkii haddaan, gawrac ugu jiiday Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene Dhurwaagii ka giigaan u diri, gacan salaameede Isagay gargaaroo dugaag, iiga goonniyahe Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane Gandaldheere waataan wax badan, guuyaduu maraye Gef hadduu ku sii daray wixii, iiga goonniyahe Anigu wow garaad qabay inuu, gigi waraabuuye Giriirixis aan jirin waa wixii, gaabshay oo rogaye Gaaleyska waataan la dhacay, gucurradoodiiye haddeeyaan abaal gadin sidaa, uma gadoodneene Godolkiyo kasnaantaan u qabay, kama galgaaleene Kumana gaagexeen abid hadday, nabad ku goohaane Waxse mowd ku gaardiyey markay, ganafka taageene Gobeygii Shuxle ahaa haddaan, gowsihii jebiyey Gegida Yuusuf Jiifaa tukuu, gabas-dhebaayaaye Geesaaska dumarkaa sidii, galow la moodaaye Geed-joogahoodii haddaan, gudurigii siiyey Guska Taajir baa ii hadhaan, ugu gamuumaaye Cismaan iyo waxaan gaadayaa, gabannadiisiiye ******teenka kale inaan ku gudo, wayga garanuuge Garacyada Bahdira haatanaa, guuto loo wiciye Waa lagu galaal xoorayaa, gurigi reer Nuure gabagaba-rogaalkaa warmaha, lagu ganaayaaye goobbay ku wada le'an sidii, goosan weer helaye Gafuurraxun sidee Eebbahay, guuldarra u raacshay Afartaa geddii aan bartiyo, gololo'daydii dheh Gerbidaan ka soo hoorin jiray, godol naqaygii dheh Madfac gow yidhaahdiyo rasaas, gininigtoodii dheh Guulaamo roob da'ahayiyo, gababaxdiisii dheh Onkod guguguclayn iyo hillaac, galalacdoodii dheh Gufaaciyo gudgude soo curtiyo, garamahoodii dheh Guluuliciyo mayay laysku daray, galangalkoodkii dheh Gal xareeda daad soo gabraday, gal iyo duufaan dheh Bad gariirtay mowjada gurxamay, gacammadii Ayl dheh Shir la gooday waayeel gab yidhi, garangartiisii dheh Xidhiidh lagu gimmaamadahayiyo, gola firaasheed dheh Xaajada ninkii garanayiyo, gig iyo sheeggeed dheh Gobo'kalana waa aniga iyo, ged iska sheeggayga Galiilyoodayeey cadho miyey, gubatay laabtaydu Gogoshii la ii dhigay miyaan, geydh la qaban waayey Gabbal dhiciyo waaberi miyaan, socod ku gaaraaday Gadiid maalin oo idil miyaan, gaafka sare meeray Sidii awr gabraareed miyaan, gululubluu rooray Ma gudoodigiyo suudigaa, gubadka ii yeelay Ma geddaabadhabadkaa sidii, geri boodheeyey, Gooxii aan yuururay miyaan, gibil madoobaadey Raggii igu gadaannaa miyaa, aakhira u guuray Goortaan garwaaqsaday miyaan, gocoshadii eeday Gamiinkaan xanuunsaday miyaan, gorodda laadlaadshay Gelin haddii aan foororay miyaan, giirka kor u qaaday Guhaad iyo calool xumo miyaan, geyrtayoo diriray Hadba gees miyaan deyay intaan, gownaxyada buuray Guntigaan maroorsaday miyaan, labada low geeyay Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay Ma genbaan u taagnahay intay, gaadho noloshaydu War ma Dhooddi baa gaamuroo, garabku weynaaday Ma galaasa miidaan ku shubay, gamashigii Dayrta Gorgor kacey la moodyow durduro, ma igu gooraamay Godobtaydu waa wada jirtaa, goonyohoo idile Gashi niman ku leeyahayba waa, dabagelaayaaye Waxaan goosan karo anigu waa, gurubsanaayaaye Gardarradiyo maaggii i helay, waan ka geylamiye Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye Giyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye Nin ganaananayaan ahaan, gabarna dhaafayne Waxaan geysto oo idili way, gun iyo rayrayne Giyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye Anigaba geddey igu faleen, waa gaggaab culuse Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode Giddigoodba waatay girliga, nagu garaaceene Anaa gaafahaaygii nadhaye, geyste nabarkiiye Anna waxaan rasaasta u gingimay, gini colaadeede Gabagabaha Bari waxaa ku xigi, go'aha ******e Guban iyo Burciyo Looyo waa, gaalib weerar e Gooddiga Arooraa fardaa, lagu garmaamayne Gaaroodi iyo waa la tegi, buurihii Golise Galaayuubta Hagar-Aadan baan, gaaddow marine Gembi wowgu ridi fulayadii, ganafka dheeraaye Geeltoosiyaha waa la siin, guucurradoodiiye Sidii garowhadhuudh baan kurtiis, guran ********e Galaamaha haddii aanan ka deyn, goor walbaba jooga Inshaa Allaahu waa gurahayaan sida gal miireede Gurraasiyo Iljeex waa la qaban, gooshka haatana e Malahayga waa lagu galgalan, gaanka reer Dalale Gaas baa ku caran reer-Subeyr, goborra wyntiiye Kolaan Goora-cobolley ka dayo, amase Geel-loo-kor Huwan waa ka gabangaabsan jirey, gelin ma waayaaye Haaruun xaggee baa la geydayen, Goha miyuu dhaafi? Afartaa gudbaye balaan mid kale, soo gadaal celiyo Sidii goray garraar sare ka baxay, garabka maan taago Waxa guudka iga fuushan iyo, galayax maan muujo Gabgabtiyo galaydhyeyntu waa, godol hortiisiiye Ninkii goomman wow shubahayaa, galaxa caanoode Gabbaan laguma sooree nin raga, balaan ganuun siiyo Waa gaaxsanaan jiray tan iyo, garashadaydiiye Sidii goodir dhalay haatanaan, gaawa leeyahaye Aan gafleeyo geerarshahaas, gaafan baan ahaye Xaajada nin gunaan ahee, aan u garraaddeeyo Markab aashi gaambiyi sidiis, balaan u guurreeyo Meeshuu garraarkeedu jiro, gow aan kaga siiyo Nimaan gedo yarayn baan ahoo, Gaaddaweyn jiraye Waa ii garaad li'i dantay, inaan ka gaaftaaye Gobo kalana waa Eebbahay, midaan galliimeystay Eebow geyiga oo dhan waa , nala ka guulaaye Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuunneeye Go'na lagama qaadine dulmay, nagu gelaayaane Gabbaad kale hadday noo helaan, waa gam'i lahaaye Eebow waxay nagu garbeen, diinta soo gala e Eebow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye Eebow gammaan iyo waxaan, gini cas dhiibaayey Eebow garow kagama helin, goolashaan wadaye Gambalaaligii bay warmaha, nagu garraaxeene Eebow waa gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye Eebow waxay gabawareen, Gaagguf iyo Xayde Xirsigii garaaraha lahaa, gaarufkii dile e Geydhaale Aw-Aadan bay, galowda taabteene Eebow geesigii Ina-Dherey, ugu guduudsheene Guxushaaga Baynaxa ilmadu, waatan gabaxleyne Gorroska Muuse-Taaganaa wadnuu, ila gariiraaye Eebow ways gamaamaa markuu, gaarka soo maro e Guuleedku wuxuu noo ahaa, guurti loo hiranne Nimankii garaaddada ahaa, waa gadow jabane Eebow sidii gaanti maro, waa la gaasiraye Eebow gaari bay reer Warfaa, guradiii saareene Gubni baa ku dhacay reerihii, gaannanaan jiraye Eebow goonni baa laga heliyo, guri qalaadeede Gaaggii ka hadhay reer shawaa, caydh la golosleyne Waxa goday sidii qaanso waa, gaajo iyo ciile Eebow waxaa gorof ku raray, duul Geshiiishaaye Caligeri sidii loo gondolay, gobolba meel aadye Waa gelengal nimankii fadhiyay, guriga Ciideede Eebow gurbood baa hadhiyo, gaban agoomeede Eebow goonji weyn iyo qax bay, naga gullaafteene Guullow ma helayaan waxay, nagu gubaayaane Eebow waxay naga gogtaan, waa galoof olole Eebow sidii guun haween, giidu waa aniye Eebow nin goba baan ahoo, guni rifaysaaye Eebow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye Ma garaysni Eebow waxaa, guufanneyska ahe Eebow gabooddii dorraad, waan ka gara'layne Eebow markaan geyllamey, guulmiyo biqiye Eebow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye Eebow kufriga gedeftaley, gacanta haystaane Eebow anaa kugu garlee, guusha ha seejin. Source Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted May 1, 2007 1. Ilaahay ha u naxariisto halgamayaashii xoriyo ilaalinta Soomaaliyeed ee Daraawiish. 2. It is sad to see that the legacy of the Daraawiish is being abused to push for certain ideas. The Daraawiish were a Somali National Movement against colonialism, people please lets not turn it into 'clan' propoganda tool. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted May 1, 2007 . Ilaahay ha u naxariisto halgamayaashii xoriyo ilaalinta Soomaaliyeed ee Daraawiish. Aamin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted May 1, 2007 lol@ me... so you are saying SNM= somali movment against dictatorship, okay.. Amin to the ducaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted May 1, 2007 Badacase lets not hijack this thread, I will answer your question in the other thread. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted May 1, 2007 So you guys are the new hijackers in town, What happend to JC and Hunguri! Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted May 1, 2007 ^Xamar ayee bililiqo u doonteen. Dabshid The Daraawiish have done allot for Somalia and we are a thankful nation, and they do deserve our moment of sillence and our remmemberance, but this thread or abusing their legacy for clan projects is only damaging their legacy. Lets not forget that the Daraawiish were a mixed group of men united by their islaamnimo and Somalinimo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted May 1, 2007 ^True, sxb, I didnt like the idea of blaming certain pple, We should all remember that movement, and should be documented, I was interesed the history of Sayidka and their movement, and finaly got the book, Diiwaanka Sayidka, After reading for a while, I actually didnt like it, It is a very crude qabiil stuff. Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted May 1, 2007 ^There are allot of books like that on many Somali topics that are full of hate and qabyaalad. I don't understand how that rubish gets published. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SeefTa Posted February 7, 2010 if you want to read somali history,,its gonna have qabiil in it..and if you come across something blaming a certain qabiil of something..whether its yours or not..have the stomach for it first, before reading..yelling and pointing QABIIL!! QABIIL!!..will not increase your knowledge of the somali dillema...think it through..do some research..then come to a conclusion on the darwiish movement..this topic is very sensitive to me because of the fact that my grandfather ilaahay ha u naxariiste was part of the movement being discussed. when a man enters battle to fight for his land and people, at the tender age of 19. And fights a war where his enemy has the upper hand, and endures this for 22 years, and loses 9 brothers in battle( only one left). And finds himself 22 years later, with no wife, no children, no family, no wealth at the age of 41. With no medals not even a thank you. Yet, remains as proud and adament of his duty for his land and people till the day he passes away, thats is a man i call MY HERO!! ALLOW NA CAFI oo SOMALI HESHIISII Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mr. Somalia Posted February 7, 2010 ^^ Masha Allah, nicely put...but calaacalka yaree ninyahow and let the dead rest in peace. Quote Share this post Link to post Share on other sites
GAAROODI Posted February 7, 2010 It called self interest. Somaliland gave birth to somali unity as history shows, however the day you killed 60,000 of my fellow countrymen. I began to sing.... God Save the Queen God save our gracious Queen, Long live our noble Queen, God save the Queen! Send her victorious, Happy and glorious, Long to reign over us, God save the Queen! O lord God arise, Scatter our enemies, And make them fall! Confound their knavish tricks, Confuse their politics, On you our hopes we fix, God save the Queen! Not in this land alone, But be God's mercies known, From shore to shore! Lord make the nations see, That men should brothers be, And form one family, The wide world ov'er From every latent foe, From the assasins blow, God save the Queen! O'er her thine arm extend, For Britain's sake defend, Our mother, prince, and friend, God save the Queen! Thy choicest gifts in store, On her be pleased to pour, Long may she reign! May she defend our laws, And ever give us cause, To sing with heart and voice, God save the Queen! anything that differentiated me from you became an added bonus i pray that one day i build a wall to rival that of china's across our shared border, dig trenches that reach the doors of hell, and mine it so that every man,women and child and animal who comes near gets blown up. This is what i think of somalia and your unity. it means nothing....empty rhetoric by men who can not survive alone. in relations to your darawish....walahi that is funny. they go darawish...darawish... ! the darawish were destroyed and chased out of somaliland by the somalilanders, mohammed abdulle hassan fled somaliland wearing a womens viel, and today lies in an unmarked grave. so much for your hero, if only i knew were he was buried. I would give him a decent send off, involving alot of body water. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SeefTa Posted February 26, 2010 ^^^I see you have poison boiling inside of you. this hatred that you misinterpret as WADANIMO. Tolow would you say this publicly and not behind a computer, to praise KUFAARS ruling over you?. To think you do any justice or pride by glorifying GAALO in memmories of your men who long ago fell in battle, WHERE THEY NOT MUSLIM? watch what u say, because what u say becomes a habit, and habits become character, character becomes destiny therefore, this hatred u preach is planting seeds in your eventual destiny. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted February 26, 2010 what are you trying to prove? nobody is denying the taleex bombings happened so relax, we all knowledge those facts. Quote Share this post Link to post Share on other sites