Sign in to follow this  
Suldaanka

Xassan Adan “Hargeysa waan imanayaa sanadka, Somaliyana markay Xabashidu ka baxdo”

Recommended Posts

“Hargeysa waan imanayaa sanadka, Somaliyana markay Xabashidu ka baxdo”

 

Hargeysa (Ogaal)- Fanaanka Caanka ah ee Xasan Aadan Samatar, oo shalay Marti ku ahaa falanqaynta Jimcaha ee Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay inuu sannadka soo socda ku tala-jiro in uu Bandhig-faneed u soo qaado Magaalada Hargeysa.

 

Barnaamijkan, oo ahaa mid aad u xiiso badan, isla markaana si toos ah Xasan Aadan Samatar loogu waydiinayay khadka Teleefanka. Waxa uu sheegay in Heestii ugu horeysay ee uu qaadaa ay ahayd Heesta Sida hogosha Roobka, 1971-kii, taas oo uu kaga qayb-galay tartan suugaaneedkii la odhan jiray Heesaha hirgalay. Xasan aadan Samatar waxa uu sheegay in uu Masrixiyan hiigsan jiray, isla markaana uu ku dayan jiray Fanaanka weyn ee Maxamed Axmed Kuluc.

 

Xasan Aadan waxa uu ka dhawaajiyay in uu Dumarka Fanaaniinta ah ugu jeclaa in uu la heeso Fanaanada Sahra Axmed Jaamac. “UUM!! Anigu shakhsiyan waxaan aad u jeclaa in aan la heeso Fanaanada Sahra Axmed Jaamac.” Ayuu yidhi Xasan aadan isaga oo ka jawaabayay su’aashaas.

 

Xasan Aadan Samatar, oo si dadban Dhagayste Jabuuti uga waydiiyay waxa iska bedalay codkiisa, oo aan wakhtigan loola dhacsanayn sidii waaya-waayo, ayaa ku adkaystay in codkiisa wax ku biiray mooyaane aanay waxba ka dhicin. Isaga oo si uu taa u muujiyo ku luuqeeyay heesta tusaalaha uu dhagaystuhu ugu soo qaatay, oo ahayd Markaan dada jiray shan. Taas oo cadaysay da’a kasta ha jiree Xasan Aadan in uu weli heesi karayo.

Fanaanka Xasan Aadan, oo dhagayste ku sugan Magaaladda Garawe su’aal ka waydiiyay waxa uu u iman waayay Puntland, waxa uu ku jawaabay, “Gobolaysi maaha, Puntland waxaan u arkaa Gobol ka mid ah Gobolada Soomaalida, sidaan dalka uga soo tagay 1989-kii dalka dib uguma soo noqon. Marbaan imi Jamhuuriyada Jabuuti. Soomaaliyana waxaan imanayaa markay Xabashidu ka baxdo.” Ayuu yidhi Xasan Aadan Samatar.

Sidoo kale, mar Xasan Aadan uu dhagayste reer Hargeysa ahi waydiiyay, sababta uu u iman waayay Magaalada Hargeysa, oo ahayd Magaaladdii Fanaannimaduusu ku soo shaac-baxday, isla markaana ay ka soo jeedaan Abwaanada Sameeyay Heesaha ugu badan ee uu qaado, Sida Xasan-ganay oo kale, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi Xasan, “Waa runtaa. Hargeysi waa Magaalo wanaagsan, waa Magaalo aan aad u jecelahay, mar aan Jabuuti imi ayay ii qorshaysneyd inaan Hargeysa imaado, may suuragelin barnaamijyo ded-deg ah ayaan dhinaca Kanada dib ugu noqday. Waanan imanayaa Hargeysa sanadka soo socda, oo barnaamij qaadhaan ururin ah, oo aanu ugu magac-daray Alla ha u naxariistee Cabdillaahi Qarshe, oo aanu qaadhaan ugu ururinayno dadka qaba Xanuunka dhimirka, ee maskaxda ku dhaca ayaanu keenaynaa. Waxaanan u soo sheegay in aan imanayo Hargeysa saaxiibkay Xasan-ganay. Markaa Hargeysa waan imanayaa, Hargeysina waa Hargeysa.”

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites
LANDER   

They shouldn't invite him to Hargeisa unless he comes of his own accord. He's been disrespectful in my eyes to the Somaliland community of Toronto. He was payed in the past to sing during the May 18th events and had the audacity to lay down 'terms' were by he wouldn't be singing about 'Hargeisa' or anything to do with our homeland. He hasn't been invited back for a couple years now, from what I've been told his song writers in the early days were northerners as well so I don't really understand were this fool gets off being disrespectful. I say Invite Juba and give him the red carpet treatment, there are no Casino's in Hargeisa anyway so I think Xassan would be quite bored.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by LANDER:

They shouldn't invite him to Hargeisa unless he comes of his own accord. He's been disrespectful in my eyes to the Somaliland community of Toronto. He was payed in the past to sing during the May 18th events and had the audacity to lay down 'terms' were by he wouldn't be singing about 'Hargeisa' or anything to do with our homeland. He hasn't been invited back for a couple years now, from what I've been told his song writers in the early days were northerners as well so I don't really understand were this fool gets off being disrespectful. I say Invite Juba and give him the red carpet treatment, there are no Casino's in Hargeisa anyway so I think Xassan would be quite bored.

He might have been playing politics there Landerow. But as you can see, this is a changed man.

 

I am sure many Somali musicians that had began their music career in Hargeisa will be invited to attend the proposed show remembering the father of the Somali music in Hargeisa next year. It will be a good chance to see who comes and who refused to come - the seperation of the wheat from the chuff sort. Waaba loo joogi cidii ka maqnaata bandhigaa Landerow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^What's got to you, where have you lost your brave face. The thread's title had 'Puntland' mentioned in it Yesterday. Edited? Good.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Here is more complete picture of the story...

 

Hassan Aadan Samatar: Puntland waxaan imaanayaa markii amxaaradu ka baxdo

Posted to the MOL June 28, 2008, 9:25 pm

 

 

Fanaanka Hassan Aadan Samatar oo ka mid ahaa fannaaniintii hore ee qaranka Somaliya ayaa ka qaybgalay barnaamijka falanqaynta jimcaha oo ka baxa laanta afka Somaliga ee BBC. Hassan Aadan Samatar ayaa dhagaystayaal badan oo ka soo wacayay gudaha Somaliya barnaamijkaas uga jawaabay su'aalo badan oo ku saabsanaa taariikhdiisii faneed iyo intii uu wadanku burburay wixii uu ku soo kordhiyay heesihiisii hore.

 

Su’aalaha ugu xiisaha badnaa ayaa waxaa laga soo kala weydiiyay magaalooyinka Hargaysa, Gaalkacyo, Muqdishu iyo Xudur. Hassan Aadan Samatar ayaa dhagayste joogay magaalada Hargaysa wuxuu soo weydiiyay goorta uu fanaankaasi imaan doono oo ka heesi doono Somaliland. Xasan ayaa ugu bishaareeyay dhagaystahaas in Xasan uu Hargaysa ku soo socdo sanadka soo socda.

 

 

Su’aal taas hore la mida ayaa Hassan Aadan Samatar laga soo weydiiyay magaalada Gaalkacyo. Hassan Aadan Samatar ayaa su’aashaas dambe kaga jawaabay inuusan puntland cag soo dhigi doonin inta Amxaaradu haysato. Taas oo layaab ku noqotay dadkii dhagaysanayay. Sida dad badan ogyihiin ciidamo iyo saraakiil itoobiyaan ah oo badan ayaa ku sugan dekada Berbera oo ay dowlada itoobiya wax ka soo degsato.

 

 

Hassan Aadan Samatar ayaa waxaa qaaday sida jawaabtiisa ka muuqatay qabiil, isagoo Puntland kaliya ku diidaya inay taageersan tahay dowlada KMG ah, halka uu ku faraxsan yahay inuu heeso ka soo qaado Somaliland oo cadeysatay inay gabi ahaanba ka go’do Somali inteedii kale iyadoo haddana Somaliland xiriir hoose oo wanaagsan la leh dowlada Itoobiya.

 

 

Ma ahan Hassan Aadan Samatar kaliya fanaaniinta qabyaaladu qaaday, fanaan kale ayaa qaarkood sameeyay heeso ay ku dhibaataynayaan beelo kale, heesahaas oo ay uga qayb qaateen dagaaladii sokeeye.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
LANDER   

Originally posted by Peace Action:

Here is more complete picture of the story...

 

Su’aal taas hore la mida ayaa Hassan Aadan Samatar laga soo weydiiyay magaalada Gaalkacyo. Hassan Aadan Samatar ayaa su’aashaas dambe kaga jawaabay inuusan puntland cag soo dhigi doonin inta Amxaaradu haysato. Taas oo layaab ku noqotay dadkii dhagaysanayay. Sida dad badan ogyihiin ciidamo iyo saraakiil itoobiyaan ah oo badan ayaa ku sugan dekada Berbera oo ay dowlada itoobiya wax ka soo degsato.

 

 

lol :D ^

So if your a sell out, your going to try and drag every body else with you? If there is 'ciidamo itoobiyaan ah oo badan...' oo Berbera joga, than it should not be hard to snap a picture or two is all I'm saying. More lies from Somaliland's haters, it shouldn't come as a surprise. You've got some members of this forum whom would actually swear that Ethiopia imports all its weaponry and merchandise through Berbera, mind you without a single shred of evidence to support the weapons claim (never mind the fact that the port of Djibouti is STILL the #1 destination for Ethiopian goods). Folks willing to fabricate any stories to give Somaliland a bad name, now that is rather pathetic :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lander,

Take it easy. Taking a little heat on the cosy relationship between SL and Ethiopia. Your President Riyaale on BBC justified the presence of Ethiopia troops in Somalia. Last time I checked there was not a single protest in Hargaysa about his cozy relationship with Ethiopia. As a matter of fact, SL has closer relationship with Ethiopia than PL.

 

Personally I want the Ethiopians to leave Somalia and if the agreement in Djabouti succeeds, then they will be gone in matter of months. I do not hate SLanders, they are my people. How can I?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this