Sign in to follow this  
Xudeedi

Haylaan: Construction of Guulwade Boarding School in final stages (Pics)

Recommended Posts

Xudeedi   

Guulwade Boading School oo Dhismihiisa Qaybtii Labaad La Bilaabi doono

 

e383829b0aeb26c646a2acf1ab75e1ee.jpg

 

Waxa horay u dhamaaday dhismaha qaybtiisii koowaad ee Guulwade Boading School ee Degmada Xiingalool oo mudooyinakanba ka scoday Magaalda Xiingalool waxaana Hada dib Loo bilaabayaa qaybtiisii labaad waxaana lagu rajo wayn yahay inuu dhamaado ilaa bisha 11aad sanadkan lagu jiro

 

 

 

 

 

Hadaba Guulwad Boading School oo noqon doona kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo Gobolka Sanaag ayaa waxa dhigan doono tiro lagu qiyaasay ilaa 300 boqol oo arday oo uu u dheer yahay jiifkii iyo cuntadiisii waxa kale uu yeelan doonaa hoolwayn oo lagu qabandoono shirarka iyo seminaarada waxaana u dheeran doona libarery ardaydu ka daalac doonto buugaagta

 

 

Boadingkan oo ay dhismihiisa iska kaashadeen Jaaliyadaha debada iyo gudaha ayaa socday in mudoba iminkana ku dhow gebo gebo waxaana ka faaiidaysanaya caruurta aan awoodin inay helaan waxbarasho lacag la,aana waana horumar ay ku talaabsadeen dadka deegaanku

 

 

Boadinkan ayaa wax wayn ka tari doona baahiyaha waxbarasho ee Gobolka Sanaag Gaar ahaan Degmada Xiingalool iyo deeganada ku xeeran waxaana Fikirka Boadinkan iska lahaa dadka soo jeedaa deegaanka oo u Huray wakhti badan sidii loo hirgelin lahaa Boadinkan waxaana wax ka barandoon wiilal iyo gabdhoba waxaana uu ka koobnaan doonaa 6 fasal laba hool oo noqon doona jiif suuliyaal u kala gaara wiilasha iyo gabdhaha iyo goob lagu cunteeyo

 

 

Dhinaca kale waxay jaaliyada debadu wadaa sidii ay u horumarin lahaayeen Guulwade Boading School oo uu noqo lahaa mid tayadiisu ay aad u sarayso ardayda ka soo baxdaana tusaale ugu noqon lahaayeen geyiga soomaaliyeed madaama uu yahay Boadin aan loo ogalayn in ardaydu markay waxbarashadooda dhamaystaan inay dib ugu noqdaan suuqa

 

 

Waxa kaloo schoolkan aad usoo dhaweeyay dhamaan shacabwaynaha reer Xiingalool oo ku tilmaamay calaamad muujinaysa in la qaaday tubtii waxbarsho loona muujin lahaa sidii looga midha dhalin lahaa hirgelinta Boadinka iyo ilaalintiisaba waana ilays usoo bidhaamay deegaanada ku hareeraysan degmada Xiingalool madaama ay nasiib u yeesheen in la hirgeliyo Boadinkii ugu horeeyay ee laga dhiso Gobolka Sanaag waxaana loo soo jeedinayaa in Cid alaale iyo cidii wax ku darsanaysa Guulwade Boading school inay u furan tahay iyagoo ilaaha ka ajarsiin doono if iyo aakhiroba

 

 

Xiingalool

 

 

Ceerigaabonews Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this